Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed
Dh/N/S/09/04 London,
29/10/2004
Ujeedo:- Beenin
Mudanyaal iyo Marwooyin
Walaalayaal
Ma ahan markii ugu horreysay ee
mas'uuliyiin Soomaaliyeed ay ka soo yeeraan hadallo aan
waafaqsaneyn Diinta, Hidaha iyo Dhaqanka dadka Soomaaliyeed,
Hadaba waxaa wax laga xishoodo ah hadallada aan loo meel dayin
ee ka soo yeeraya ninka lagu sheego in uu yahay la-taliyaha
xagga Sharciga ee Madaxweynaha FKMG ah ee Soomaaliya
Dr. Yuusuf Cumar Az-hari.
Dahqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed
wuxuu beeninayaa in dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay yahay
gabaad ay ku dhuuntaan waxa loogu yeero Ahraabiyiinta "Argagaxisada"
dadka Soomaaliyeed dhaqan iyo caado uma laha in ay ku soo
dhaweynayaan guryahooda dadka loo doonayo dabka ka holcaya
dunida, sidaas darteed waxaan uga digeynaa mas'uulyiinta
Soomaaliyeed in ay ka haraan wax kasta oo wax u dhimi kara Danta
iyo Maslaxadda guud ee dadkooda iyo dalkooda.
Dhinaca kale waxaan annaga oo ka
tarjumeyna dareenka dadka Soomaaliyeed diidanna in si aan sharci
aheyn loo sii heysto hantidooda ka codsaneynaa mas'uuliyiinta
Mareykanka in ay ka qaadaan xayiraaddii ay ku soo rogeen
shirkadihii ganacsiga Soomaalida, sida shirkaddii Ganacsiga
Al-Barakaat maadaama seddex
sanadood ka dib wax cad oo lagu hayaa aan weli la soo bandhigin.
Intaas ka dib waxaan
mas'uuliyiinta degaamada la soo warinayo in ay maanta ka dhaceen
dagaallada gaar ahaan degaannada ay isku hayaan maamullada ka
jira Gobollada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari Soomaaliya u
jeedineynaa in ay joojiyaan dagaalka si sharuud la'aan ah
C/casiis
Cali Ibrahim
<xildhiban@hotmail.com>