Aragtida ku wajahan Dowlada
Cusub ee Cabdulahu Yusuf by Dahabo Dowlo
WD. Dahabo Haji Isse
Marka ugu horeysa waxaan akhristayaasha qaaliga ah ku salaamayaa salaanta
islaamka.
Waxay Asaxaabta akhrisata qoraaladeyda igu yaqaan inaanan weligey mucaarad
noqon, laakiin aanan Dagaal Ooge (warlord) jecleyn maadaama lagu sifeeyey
iney dilaa yihiin, balse shaqsi kasta oo nabad noo keena waan u
hambalyeynayaa, waana in la taageeraa.
Afeef: Waxaa nasiib darro ah in Soomaalidu ayada oo aanan fahmin ujeedada
qoraalka ayey mar mar fikradda ka hor dhacaan, waxeyna qaataa aragti mararka
qaarkood qalad ah oo akhristaha u gaar ah, markaas ayey Qoraaga caayaan ama
ha ka ahaato qabiilkiisa oo la neceb yahay ama fikrada qoraaga oo sida ay
rabaan aan u qorneyn amaba aan qancin, si kastaba ha ahaatee, waxaan waayo
aragnimo ku arkay in warkii nin ka farxiyaahi uu nin kale ka xaanaajinayo,
waxaana anigu qaatay oraahda Ingriiska ah ee ay ku halqabsadaan (WHO HE
PLEASES EVERY BODY PLEASES NOBODY). Sidaas darteedna waxaa iga Afeef ah in
shaqsigii fikradeyda u bogi waayahi uusan shakhsi ahaan ii caayin sida kuwa
Mooryaanta Internetka ah ee hadba qof iska ceyrsada. Waxaa xaqiiqo ah inaan
ahay qof si cod Diinta Islaamka difaaca ayadoo luqadda ENGRIISKA ku qoran, (Riix
Halkan), waxaa kaloo jirta inaan markii 11 September muslimka lagu eedeeyey
iney argagixiso yihiin aan noqday qofka waraaq meel kasta qoraal u diray aan
arrintaas kaga soo horjeedo, taasna waxaa xaqiiqadeeda og website-yadii
daabacay, si kastaba ha ahaatee waxaan aminsanahay inuu shaqsi kasta xaq u
leeyahay inuu fikradeyda caarido ama mucaarado, laakiin inuu ii gefo waa
shaqsiyad xumo qofkaas ku kooban, namiimka iyo kuwa been abuurayaasha ilaah
ayaa deyriyey, jasadooduna waa naar.
Hadaba walaalayaalo Qoraalada aan qoro waxaan u arkaa waajib I saaran,
haddana inaan dowladda cusub aragtiteyda ka dhiibto waa waajib aqoonyahan
ahaan xaq dadkeygu iyo dalkeyguba iigu leeyahay maadaama aan Masiirka
wadankeyga cidna iga xigin, waana in qofkasta oo wax fahmi karaa uu markasta
xaqdhowraa xoriyadda ra'yiga shaqsiga, haddii uu qaldamana ama qoraalku ku
qancin waayana waa in la saxaa ayada oo aan meel looga dhicin shaksiyadda
qoraaga.
Walaalaheyga Soomaaliyeedoow haddii aan u soo noqdo dulucda maqaalkan, waxaa
xaqiiqo ah in muddo hadda sii caga cageyneysa 15 Sanno iney Soomaaliya
Dowlad la'ayd. Waxaa jirta in shirar badan oo gaaraya 14 la qabtay
markastana ama guddi ama madaxna ayaa laga dooranayey, laakiin ay socon
weydey, ayada oo qoysba qoyska kale leeyahay wey iga ciideeyeen, annaguna
waan ka ciideyneynaa. Taas oo dhalisay markii shir lagu kala tagaba in
Qabiilkii awal isku aragtida ahaa uu sii kala furfurmayo, colaad cusub ay
qabiilka dhexdiisa ka dhalato iyo weliba kuwaba inta ay kuwa ay isaga
deegaan dhowyihiin ay sii kala fogaanayaan, oo naceyb cusub iyo iska soo
horjeesasho uu abuurmay. Arrinkaas oo saameyey soomaaliya deegaanadeeda oo
dhan ama muran ha ka jiro soohdinta u dhaxeysa laba maamul gobeeleed ama
dhul balaarsi ha lagu sii kala foogaadee, xaalka soomaaliya wuxuu gaaray
meel qatarku ah jiritaanka bini aadmiga.
Anigu Shaqsi ahaan awalba kuma kalsooneyn dowlad ka soo baxda wadan
shisheeye, Jabouti oo aan walaalo nahayba dowladdii ay soo dhoodhoobeen waan
iska ciideynay, midda Kenyana oo derisnimo keliya inaga dhaxeysa dhulna
inaga heysta ilaah ayaa og waxaa aan ku sameyn doono!!.
Aragtidyda Gaar ahaaneed
Waxa ay ila tahay haddaan Soomaali nahay inaan ogolaanay in shirka Kenya uu
qabsoomo ayada oo dowladii Carte weli jirto, taas oo macnaheedu yahay ku
qanac la'aan.mamulkaas ama xag qabiil ha loogu qanciwaayo shaqsiga
madaxweynaha ka ahaa ama qaab ahaan ha loo saluugee, ama islaweyni iyo sidee
reer hebel madax inoogu noqon karaan ha noqoto marmarsiiyahuye.
Waxaa ka loo la ogolaaday in lala shaqeeyo cidkasta ama dowlad kasta oo
shirkaas Kenya ku soo baxda, ayada oo aan dhamaan wada og nahay inaan dib u
heshiisiin sax ah aan laga sameyn dadka soomaalida dhexdeeda, weli
qabaa'ilkii dhibka kala tirsanayey ayaa sidii u kala tirsanayaan, weli
hantidii la kala sheeganayey oo aan laga wad hadlin. Dib u heshiisiin
macnaheedu waa in laga heshiiyo dhibkii dhacay, ka dibna, la sameysto wax la
isaga raali yahay oo la isku raacay, laakiin hadda waxa ay sheekadu u eg
tahay dhuxul danbas huwan, mar haddii aan dagaal oogayaasha ama hogaamiye
kooxeed yadii inta meel la isgu keeno aan la heshiisiin oo aan gacmaha la
isu saarin inta aanba dowlad iyo dhismaheeda laga hadlin. Haddaba
Soomaaliyeey Annaga oo ogsoon waxaas oo dhan ayaa haddana Baarlamaan la
sameeyey oo ragga Baarlamaanka ku jiraahi ay dhaarteen oo ballan ilaah ku
qaadeen iney waddanka si daacad ah ugu shaqeyn doonaan, lana howlgalayaan
madaxweynihii la doorto qofkuu rabaahi ha noqdee, waxaana la doortay
Madaxweyne aan xoog cidna ku qabsan iyada oo nin kasta uu u jeedo ayaa la
wada ogolaaday. Waxaana goobtaas ilaahey guul ka raacsiiyey Cabdullahi Yusuf
Ahmed, looguna wada shubay.
Waxaan hubaa in urur siyaasadeedkii USC uu fursad qaali ah dhumiyey marka
laga hadlo wadanka hogaankiisa, iyada oo ku amar ku taagleyneysa ilaa
waqtigii la riday Dowladii Milateriga aheyd ee uu madaxweyne ka ahaa Siyaad
Barre ilaa intii dagaalkii sokeeye uu socday, ilaa iyo intii shirar
nabadeedkii Soomaalida la qabanaayey ilaa laga gaaro labadii sanno ee hadda
u danbeysay ee Kenya la joogay, ayuu wadanku ayaga dartood dunida uga
maqnaa, waxaa laga waayey in USC isqilaafkooda (difference- gooda) meel inta
iska dhigaan oo ay danta guud ee aayaha dadkooda iyo dalkooda ay ka
hormariyaan middooda shaqsiyadeed oo ay wax uun isku raacaan, eeyna soo
xushtaan qof keliya, mathalina kara magacooda.
Arrimahaas waxaa marqaati u ah in doorashadii u danbeysay ee Nairobi in ugu
danbeyntii ay isugu soo hareen loolankii madaxweynenimada 7 shaqsi oo magaca
Hiraab USC sheegta iyo hal qof oo magaca Karinle USC sheegta, halkaas oo
8deedaas qof ay madaxwenimo ula soo safteen Cabdullahi Yusuf keliya oo
magaca Daarood kaligiis ka taagnaa, taasi waxa ay na bareysaa in halkaas
lagu kala duwan yahay siyaasad u bislaanshaha iyo weliba isu samir ama isu
hurid jago la isku deysto, iwm. Mararka qaarkood ayaa shaqsiga siyaasada ku
jiraa laga rabaa tanaasul si aanu u burburin taxanaha siyaasaddooda haba la
is khilaafsanaadee. Waxaana haboon inaan ogolaanaa xaqiiqada jirta oo aan la
dhihin side wax loo sheegi karaa. Anigu ma jeclayn inaan qabiil afkeyga ku
dhufto, laakiin waxaan u jeedaa in runta la is taabsiiyo, ayadoon laga
caroon waxaa looga hadlay xaqiiqo jirta oon wada ognahay halka USC ku
danbeeysay, taariikhduna ayadaa is qurta.
Waxaa xaqiiqo ah in hogaamiyaasha USC ay sameeyeen qaladaad hor istaagay
dowlad loo dhan yahay, mar hadey ay ayagu isu tanaasuli waayeen Muddo15
Sanno oo haddi la isu samri lahaa ugu yaraaan seddex wareegto oo dowlad ah
la gaari laha, wadankana sharci iyo nidaam kala danbeyn loo sameyn lahaa,
mar haddii taas la waayey hadaba ma fiicna in dhibka lagu sii jiro oo
maatida wadanka gudiihiisa joogta gaajada lagu sii dilo, kuweena qurbaha ku
Tabaaloodayna banaanka lagu horaa, haddiiba aan wax la isku dhaafeyn oo
samir jirin dadkii kalena la is hortaago, waxaa run noqonayaa iney
Siyaasiyiinta USC la mid yihiin halheyskii ahaa " Riibiyi Geedo ma Daaqdo
Lagamana Daaqo". Sow taas looma fahmi karo "USC Dowlad ma rabto ninkii
rabana uma ogola". Dee ama talo keen ahaaw ama talo raac ahaaw baa la
yiriye, ee siyaasadii USC waxa ay la degtay dadkii ku abtirsan jiray weyna
fashilantay ee in Soomaalida dhinac laga raaco sow taladu hadda kuma
haboon?:. Dee Fursadu mar bey ku soo martaa, ee waa in markaas sida ugu
wanaagsan oo kheyrku ku jiro looga faa'iideysto.
Si kastaba ha ahaatee Doorashadii waxaa ilaahey ku soo saaray Cabdillahi
Yusuf, waa nin odey ah, uguna da'weyn kuwa sheegtaa iney Halgamaa yihiin ama
ha ahaato middi lagu Mucaaradayey tii Siyaad Barre ama tii USC, amaba Carte,
iwm, waa nin shaqsiyad dowlad leh, aaminsanna Sharci iyo Nidaam kala danbeyn
(law and order) sida aan u arkay, wax yaabo badan oo laga sheegayana waa
kuwa aan la hubin ama aan la cedeyn Karin haddii shaqsiga sheegaya la
weydiyo inuu indhihiisa ku arkay dacdadaas (prove of evidence or witness).
Soomaali haddaannu nahayna waxaan u badanahay waa la yiri, waan maqlay ee ma
niraahno yaa arkay, maxaa cadeynaya. Wax kasta oo uu yahay ama laga
sheegayaba inna Yuusuf ilaahay ayaa maanta masiirkii wadanka u doortay.
Haddaba waxaan qabaa inaan laga horimaanin inta qalad weyn uu galayo laga
arkayo, hubsiimo hal baa la siistaa, ee Soomaaliyeey bal wax suga oo wax
hubsado oo wax kasta ha horboodina sida; Ingriiska ugu hal qabsadaan weeada
ah "ha ka hor dhicin qoriga- do not leap before the gun".
Waxaa haddiiba dhacday in dad ka qeyliyeen ciidamo shiisheeye ee uu codsaday
Cabdullahi Yusuf oo wadanka hubka dhig ku sameeya. Anigu waxaan qabaa in
arrinta la sugo oo meesha Soomaali oo dhan ay ka gasho ciidankaas shisheeye
in kuwa hadda ka hadalaya ay ka gelidoonaa, laakiin yeysan noqon kuwii ugu
horeeyey ee qeyla dhaan bilaaba ayaga oon ogeyn kheyr iyo khasaaro waxa ugu
jira. Tan kale Ciidan Shisheeye iska keen ma aha ee waxa ay u bahaan yahay
dhaqaale (Logistics), mana aha wax far iyo fuul lagu keenei karo. Waxaa la
yiri "fidno gacmo la qabto ayey leedahay ee daba la qabto ma laha", haddii
waqtigaan haddiiba la qeyla dhaamiyo ayada oon laga fekerin in ciidanba la
heli koro oo la ogaalan doono iyo haddii ay yimaadaan dhibta ka iman karta,
waxa ay leedahay sharteeda iyo kala shakin cusub oo ay keeni karto, haddiise
fidno ka dhalato arrinkan, yaa u sabab ah?? Ninkii bilaaabay sow maha?
Soomaaliya maanta nabad ayay u baahana tahay, ninkii ka shaqeeya wanaaga iyo
nabadda ayaana ilaahey xagiisna ajar ka helaya, dadkiisan samcad iyo magac
uuga hari doonaa- waar meyside war ha kaa haro. Haddiise hub laga ururiyo
wadanka waxa ayba dan u tahay ayaan filayaa reer USC waayo ayagaaba isku
dhammeeyey, waxa ay iska dileen Saraakiishii sar sare, waxa ay iska
dhameeyeen wax garadkii, aqoon yahankii, dhaqaatiirtii iwm oo maanta u hadli
lahaa waxna la qeybsan alahaa asaagooda.
Waxaan aamisanhay in Soomaaliya ay dowlad u baahan tahay, ummaduna ay
tacbaansan tahay, maantana ay taagan tahay meeshii u danbeysay ee ama qaraxa
ama sumacadeeda, sharafteeda iyo heybadeeda lagu soo celin lahaa. Haddii la
waayo dadku waxay ku dhowyihiin iney noqdaan Cawaan iyo Cali beysteen, sida
hadda magaalooyinka qaarkood laga sheego, wadankana boob iyo dhac keliya ka
socon doono, ileen nidaam dowladeed ma jiree. Taas yaanan maanta dadkeena
iyo wadankeena u horseedin ee aan kawada shaqeyno sidii dowlad loo hanan
lahaa, sharci iyo kala danbeyn loo sameyn lahaa, wixii qalad ahna loo wada
sixi lahaa. Waxaa waddanka madaxweyne ka noqon lahaa hal NIN, wuxuuna
ilaahey ka dhigay Cabdullahi Yusuf si kastba ha ku kasbadee. Waa in lagu
kalsoonaado in Ilaahey uu Darajada iyo Magaca bixiya, waana in taas Soomaali
ogolaataa, lana amino ninkii aan ilaah wax u qorin inuusan heli Karin si
kasta oo uu is ku waalo (ilaah ayaa yiri "haddii ummada oo dhan isku daydo
iney wax u geysataan shaqsi laakiin aanan anigu u qorin, waxba kama
qaadayaan, haddiise ay isku dayaan iney badbaadiyaan laakiin aan anigu aan u
qoray waxba uma tari karaan- qalinkii lagu qoray waa la qaaday, warqaddiina
waa qalashay").
Walaayaalow aanu iska dhaafno qabiil wax ku colaadinta iyo naceybka aan
dhamaaneynin, nafjecleysiga, shaqsiyad la'aanta, damaacinimada, iwm, ee ha
la is cafiyo oo wadanka ha la wada dhisto, dumarka iyo caruurta banaanka ku
tabaaleysana aan soo aruurino oo wadanka nabad ha lagu soo dabaalo, toosin
iyo nidaamka xisbiyada badan ee doorasho lagu muquuniyo madaxweyne kasta
markii waqtigiisu dhamaado, ha la abuuro oo intii qori wax lagu xallin lahaa
Af, dood, xisaabtan iyo tixgelinta ra'yiga dadweynaha (public opinion) wax
ha lagu xalliyo, soomaaliyeey aan baraarugno. Calankeena Ceebeysan ee Ciida
yaala aan kor u qaadno. Soomaaliyey Hurudooy Halyeeyadaadii Hurudooy Haadkaa
Cunaayee Hurudooy.
Maxaa Soomaalida Koofurta la Gudboon:
Awalan waa in soomaali ilaahey u nodaan oo Asaga ayaa koonka u sareeya,
awood iyo madaxnimana u sugnaataye ee waa in xarigiisa la qabsada, waxaan
Soomaali u soo arkay meel barakeysan oo labaatan iyo afur saacadoo (24 hrs)
ilaahey baryadiisa iyo cabsidiisa darted loogu wareegayo, waa Kacbadii Alle
oo khayeraadka loo kala ordaayo, la isku jiiraayo, loo jidbaysan yahay, loo
oynaayo (Wasaaricuuna lil kheyraati) ee haddii soomaaliyeey aad halkaas ku
dadaali laheydeen waad ka waantoobi laheydeen qabiilka iyo is naceybka,
ilaaheyna Asaga ayaa Qafuuri Raxiim ah ee wuu idiin danbi dhaafi lahaa,
haddii asaga isku xirtaan. Guriga ilaahey - Xaramku waa meel aad ku
raaxeysaneysiin joogitaankeeda oo aduunkan dhibkiisa iyo is qabqabsigiisa
aad ku iloobeysaan, ee asaga booqashadiisa ha lagu dadaalo.
Thaaniyan Soomaaliyeey adeeca Uulul amrigiina ama madaxda masuulka wadanku
saaran yahay (adiicu Laahi Waa Adiicu Rasuula Wa Uulil Amri Minkum) haddii
laakiin aadnaan wax la taaban karo oo fasahaaad ah ku heynin ama ku arkin,
ee yaysan waqti kale inaga dhumin shaqsi ku nicid qabiilka uu ka dhashay u
noqday aqoonsi (Identity), markasta yeynan diidin ninkii la doortaba, sida
tii Carte aan iskaga Ciideynay yaanan midaan Kenya soo buunbuunisay iska
indha iridin, oo yaan dowlad la'aan abid ah iyo dhib kale iyo dagaalo
cusub, cuqdad soo korodha iyo kala foogaansho hor leh yaanan naloo
horseedin. Soomaaliyeed dowlad xun dowlad la'aan ayay dhaantaa ee middaan ha
la toosiyo, ka dibna xisbiyo demoqoraadiyada islaamka ku dhisan ha la
tartamaan dowlada. Si wadanku uu aduunka ula saan qaado.
4.5 Waa Xaaraan la Sharciyeeystay
Waxaa Bin'aadanimada ka baxsan in xuquuqdooda la duudsiiyo dad kula dhashay
oo aad si kastaba isugu dhiig tihiin in la xaqiro, ayaga oo lagu faanayo
iney ka tiro yaryihiin qabaa'ilka kale ama ay yihiin kuwo kale. Ma jirto
daaraasad sax ah oo lagu sameeyey qabaa'ilka Soomaalida dhexdeeda lana
ogaaday tiradooda. Sidaas darted waxa ay ila tahay in qodobkaas la masaxo,
ileen aduunka meel waxaas oo kale ka jirto ma jirto, kumana fiicna sucadda
Xaquuqda Aadanaha. Si isla siman wax ha loo qeysado, dadkeenana dhexdiisa
yaan laga sameyn midab faquuq. Dowlada Cusub waxaa lagu qiimeyn doonaa sida
ay qodobkan wax uga qabato oo looga masaxo habwaxqebsiga Siyaasada
Soomaaliyeed.
Arrinta Soomaaliland
Somalida waqooyiga ku nool waa nabad, dhilkooduna waa nabad, waxa ay
sameysteen nidaam is maamulid ay dadkoodu raali ka yihiin, waxa aan qabaa
inaan lagu deg deign. Ummad walba waa iney ayaaheedaa ka talisaa, marka yaan
la qasbin oo la qasin dhulkii xasiloon ee ayaga ha ka timaado sida ay u
rabaan iney mustaqbalkooda uu noolaadaan walaalahooda koofureed, taas
macnaheedu ma aha inaan u ololeynayo in wadanka la kala gooyo, laakiin waa
in reer Somaliland ay raali ka yihiin, ayaguna u madax banaanyihiin fikrada
aaya ka talinta deegaankooda.
Intii dadka Soomaalida ah ee walaalaha ah ee isku dhaqanka ah, isku diinta,
isku luqada ha, ee iska dhex guursada lakala qoqobi lahaa, waxa ugu
wanaagsan haddii maamulka ay u keliyeystaan reer waqooyigu, ayna la
wadaagaan dowladda walaalahood, laakiin yeysan taasi noqon mid qasab iyo
dagaal la isugu dayey ee ha noqoto wax Somaliland ay raali ka yihiin, oo
ayaga ka timid.
Maxaa Cabdulaahi Yusuf iyo Dowladiisa la gudboon
Waxaan kula tallin lahaa madaxeynaha Cusub ee Cabdullahi Yusuf iyo dowladda
uu madaxda ka yahay in arrimahan la tixgeliyo.
1. Inuu ka fogaado wax kasta oo dagaal dhalin kara, ama ciidan shisheeyey ha
helo ama yuusan heline. Sayidka ayaa laga sheegay nin rag hooyadiina
koriyeye wuxuu walaalow ku dhaamo ma jirto. Xukun culus iyo caburin waa
wixii tii siyaad barre ridaye
2. Waa inuusan cidna ka aarsan, waayo mar haddii ilaahey madaxnimo ku
siiyey, nin xun iyo nin fiicanba masuul ayaa kaa saaran iyo masuul wanaag ku
maalmoodkooda. Haddii iska aarsi iyo qab qab dhaafay yimaado, dagaal sokeeye
ayaa halkaas ka iman kara, waana mid rajo tiri doonta dowladan dad badani u
hanweyn yahiin. Aarsasho waa tii siyaasadii USC dhulka la gashay, is aamin
la'aan iyo kala shakina ka dhex abuurtay.
3. Inuusan qabiil ku faanin iyo xukun anagaa garaneyna, yasid iyo isla
weynaan, yeysan dhicin halheyskii ahaa "Ninkii Sarta Fuushan Suldaan Cali
Weeye, Ninkii Dhulka jooga adoonkeygii weeye", taasi waa wixii kuwii ka
horeeyey riday, burburkana noo horseeday.
4. Inaan Soomaalida la kala gobol goboleyn oo sidii hore oo loo wada noolaan
jiray ninba meesha uu rabo uu ku noolaado, kana shaqeysan akro oo aysan
dhicin, asal xasuuq iyo kala qob qobid shacabeed (ethnic cleansing and
segregation of the society), sida anigu aan dalkan engriiska ugu noolahay oo
kale, ee anoon u dhalan, kuna jinsiyad aheyn, ku diin aheyn, kuna dhaqan
aheyn ay ii ogolaadeen inaan meeshaan rabo ugu noolaan karo six or iyo nabad
ah, uga shaqeysan karo, hadaan rabana aan doorashadoda ka soo geli karo
meesha aan deganahay. Soomaali isla dhalatayna warkeed daa, waa iney sidey
rabaan iyo meesha ay rabaan u wada noolaadaan una wada shaqeystaan.
5. In aysan soo noqon qabiil keligiis xukunka u badsiga ama ku soo noq
noqda, ayada oo laga caajinayo dadka kale, si aysan u soo noqon hal heyskii
ahaa "Marna Risaaq Marna Rashiid Ar Inta kale Ma Rootiyaa". Waa in si
demoqoraadiyad ah wax loo maamula wadankana loo ogolaadaa nidaamka xisbiyada
badan, lana howl geliyo aqoonyahanka soomaaliyeed ee dunada dacaladeeda ku
kala daadsan.
6. Waa in shaqada wasaaradaha ay wadaan dad aqoon yahan ah (technocratics),
aqoona u leh shaqada uu hayo, qofkasta waxaa uu soo bartay ku shaqeeyaa,
engineerku waa inuu dhismaha wadanka iyo muhandisnimo ka qeybqaataa,
dhaqaatiirtu caafimaadka, siyaasadda kuwa soo bartay waa in ey siyaasada u
beyraan, iwm, arrimaha isku dhexyaaca ah waa in laga baxaa, oo nin walba
meesha u ku wanaagsan ku shaqeeyaa.
7. Waa in shaqaalaha lagu xulaa maxaad taqaan ee aysan noqon kuwa meesha
lagu keenay yaa taqaanaa. Taasi waxa ay dhumisay hana qaadkii kacaankii
barakeysanaa.
8. Waa inaan Culumaa'u Diinka aan la faragelin, Diin la'aan waa Imaan
la'aan, arrimaha Diinto xasaasi ayey ku yihiin ummad kasta, ama Muslim ha
ahaadaan ama Yuhuud, ama Kirishtaan, iwm. Waa inaan Cabdullahi Yusuf ku
dhaqaaqin wax aan ilaah raali ka aheyn ee beri dhibkeedu nagu soo noqon karo
ama aduunka ama akhiro. Haddii dagaal diineed bilaawda Dowladani wey
fashilmi doontaa.
9. Kaalinta dumarka oo aan la yareysan. Haweenka lagama maarmo, waa ay ka
badan 52% ee bulsho kasta, soomaaliyana waxaaba laga yaaba iney ka badan
yihiin, maadaama raggii ku dhamaday dagaalkii sokeeyo, Haweenku waa laf
dhabarka bulsho kasta. Dumarku waa hooyo, waa xaas, waa walaal, waa
gabadhaada, waa eddo, waa habaryar, waa ayeeyo, waa sodoh, waa dumaashi,
iwm. Ninkasta oo is qaad qaada naagbaa toosisa oo dhexda u dhuujisa oo
dabdiisa taagan ama ha dhasho ama ha u dhaxdee, qabiil kasta dhiig ayaa ugu
jira, markii dhimasha rageed la sheego meel baa danqataa, waayo meel ayuu ka
soo galay, maadaama Soomaalidu qabiil kasta is dhex guur guursato. Haddana
ayadaa dhibku ku soo dhacaa ama waa la dilaa, la dhacaa, la kufsada iwm
(Victim for any disaster). Waa in la ilbaxaa oo dumarku waa lagama maar
maane kaalintooda la siiyo, shirkasta ay ka muuqataa, safarada siyaasadana
aan laga tegin. Si loo arko in qeybaha bulshadu u dhantihiin.
10. Waa inaan dhulkaaga cadow shiisheeye loo gacan gelin, waa in odagu ku
waaniso qaataa falstiin, oo aabayaashood Israel gacanta u geliyeen,
dhulkiina ka gateen, ka dibna manta ilmahoodii u dhimanayaa oo inta
naftoodii naceen ay bombooyin isku xireer, maalin kastana guryahooda cagaf
lagu hormariyaa. Yaan colaada maanta jirta darted wax shalaay berito keeni
kara na loo horseedin. Yaan Caruurteena iyo caruurtooda dhib iyo habaar loo
reebin.
Gebagebo
Soomaaliyey anagoo dhan madax ma wada noqon karno, ee haddii aan madaxweyne
kasta diidno oo aan qaabiil kasta diidno meesha kama kaceyno, dulli iyo
dowlad la'aana waan ku jireynaa, ilmaheenuna waxey dhax layaan dowlad la'aan
is naceyb.Dad ayaa ornayaa Dahabo waa is dhiibtay haddiiba oo waa naag olow
naagay, mise jaga ayey raadineysaa, wax kale ma ahinee anigu waxaan aaminay
hal heyskii ahaa "ninkii hooyadey guursadba waa ii adeerkey". Ninkii
wadankaas nabad ka dhiga oo inoo aslaaxiyo sidii aan ugu soo noqon laheyn
ayaa wax ii ah, (national interest), kana shaqeeya danta ummada soomaaliyeed
ileen USC meesha ay inna dhigtay waan aragnaaye
Dadkii dhibsada qoraalkaan ama u arka meel ka dhac ha iga raali noqdaan,
haddey rabaan iney wax ka sheegaan fikradeydana waa u furantahay, laakiin
waxaan jeclaan lahaa inuu qofkaasi sawirkiisa soo bandhiga si aan u ogaado
qofka ila doodaya inuu jiro inuu magic iyo email been ah isticmaalayo.
Websiteyadan waxaan ka codsanyaan iney qofka wax caaridaya iney weydiiyaan
inuu ku lifaaqo sawirkiisa si qof la yaqaan ama la aqoon karo, loola doodi
karo.
Mahadsanidin
Wa bilaahi towfiq
Dahabo Haji Isse
MA Diplomacy
London UK
Dahabodowlo@aol.com
Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 30, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|