SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Reer Muqdishow Siyaasaddii waad Khasirteene Caasimadda ha Luminnina..

Maslah Iikar
xamar_dhawr@yahoo.com

Waxaan salaan u soo gudbinayaa beesha caalamka oo isku hawshay sidii ay uga mira dhalin lahayd shirkii soomaalida ee ku soo gebageboobey bishan aan ku jirno horraanteedii wadaanka Kenya aniga oo mahad gaara u celinaaya wadammada IGAD iyo dalka marti geliyeyba dedaalkoodii aan kala go,a lahayn ee ay u soo dhabar adaygeen sidii maruun ay uga mira dhalin lahaayeen shirkaas.


Muqdisho Caasimad ma u qalantaa????
qore :siciid xaaji xuseen 


Marka taas aan ka imaado waxaan doonayaa inaan waano u gudbiyo bahda reer Muqdisho oo iyagu beryahan caado ka dhigtay inay ku doodaan inay iyagu xaq u leeyihiin inay noqdaan madaxda qaranka ugu sarraysa sida madaxweynaha iyo waxa la mida taas oo ay ku sababeeyaan in caasimadda cidda deggan uun ay xaq u leedahay arrintaas oo ah mid iyadu si weyn looga dhaadhiciyey dadka ku dhaqan magaalada Xamar, waxaana taas caddayn u ah iyada oo sidaan la wada soconno magaalada Xamar laga diyaariyey xaflad loogu dabbaaldegi lahaa doorashada madaxweyninimada ee dhacday maalintii 10/10/2004, hase ahaatee waxa la sheegay in xafladaas la joojiyey iyada oo madaxweynaha la doortay aanu magaalada Muqdisha ku lahayn taageerayaal, taasoo markaa ay caddahay in dabaaldegga laftiisu uu markiisii horeba ahaa midaan laga daacad ahayn oo cid gaara loogu tala galay haddii ay soo baxdo iyada oo aan meeshaba lagu soo darin in waddanku uu ka kooban yahay TOBAN iyo SIDDEED GOBOL oo Xamarna ay hal qayb uun ka tahay, cid kastaana ay xaq u leedahay inay wax hoggaamiso, waxaanna oran karnaa xafladaa baaqatay waa kala mudnaan bulshada Soomaaliyeed oo iyadu aaminsan in Muqdisho ay tahay caasimadooda isla mar ahaantaana aanay la,aantood Xamar sii noqon karayn Xarunta Dalka Soomaaliya.

MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA
Faaladii Fahad Yaasiin GUJI...

Isku soo wada duuboo waxaan bahda reer Muqdisho aan kula talinayaa waa inaad ka digtoonaataan wax is hor taagi kari dib u soo celinta qarankii Soomaaliyeed taas oo ay ugu wacan tahay iyada oo beryahan soo yeerayaan warar caga juglayn ah oo kuwa ugu muhiimsani ay ka imanayaan Dallada Culumada Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyada oo aynu ognahay in culimada diintau ay saamayn weyn leeyihiin kicintooda iyo ishortaaggooduna uu la iman karo dhibaato iyo burburkii Soomaali oo iska sii socda. Markaas sidaas darteed waxaan kula talinayaa dadka reer Muqdisho inay iska jiraan in khasaarihii ka soo gaaray xagga Siyaasadda ay u raaci karayso in ay seegto Caasimadda Waddankuna ayna dhici karto in goob kale oo waddanka ka mida ay noqota Caasimada Soomaaliya taasoo ku keenaysa dadaka reer Xamar mustaqbalka welwel, walaac iyo qoomamo aan dhammaad lahayn ka dib herdan amaba loollan ciidan oo socdey muddo gaaraysa toban iyo afar sano.

Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho GUJI..... Mogadishu Weekly Agosto 6, 2002

Safarkaygii Muqdisho Sii Socod iyo Soo Socod:
Fahayd Yaasiin , Agosto 17, 2001 

Socdaalkii Shiike ee Muqdisho... 
Maxamed Cabdi Farax  - Shiike March 21, 2001

Muqdisho waxay Caasimad u qalantaa Haddii? abdishakur Ali mire  2003

Waana inay dadka ku dhaqan magaalada Xamar ay la socdaan in adduunyada xilligan uu is beddel xoog lihi uu ka dhacay oo aanay u suurta geli karayn in caalamku weligii uu reer Xamar uun sugo, waana inay la socdaan haddii ay guuldarraysato xilligan dowladda la soo dhisay ay dhici karto in Somaliya ay noqoto dowlado yaryar oo aan awood lahayn haddii ay xitaa sii jirtona waa inaad ogaataan in Xamar aanay noqon doonin caasimadda Somalia waa haddii aad idinku carqalad la timaadaane waa inaad ka digtoonaataan oo aad iska qabataan kuwa doonaya inay idiin beddelaan gegi lagu loollamo ilaa iyo xilli aan la garanayn. 

Wa Billaahi Towfiiq 

Maslah Iikar

xamar_dhawr@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2004


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD