Xowliga Kobaca Garaadka iyo Jirka.
Khaalid Maxamed
Khaalid_44@hotmail.com
Hyderabad, India.
Oct 30, 2004
Sida caadiga ah waa ay isla socdaan xowliga kobaca garaadka iyo jirka balse
waxaa jira mararka qaar in ay kala hormaraan .
Waxaa dhici karta in uu xowliga koriinka jiraka ka
dheerayo midka garaadka , sida ay cadeeyeen culimida biology ga waxaa jira
hormoon siidaayo dhacaan qofka jirkiisa koriyo, koriin ah xaga lafaha ama
dhirirka hadii uu kabato dhacaankaas qofka jirkiisa sidii loogu talagalay
waxaa dhacayso in uu qofkaas muuqaalka jirkiisa ka sareeyo garaadkiisa sidoo
kale hadii uu ka yaraado dhacaankaas heerkii loogu talagalay waxaa dhacayso
in uu qofka jirkiisa ka hooseeyo garaadkiisa .
Masalan waxaa lagayaabaa in aad aragto nin dheer oo gar
leh oo koox ciyaal ah ku dhaxjiro oo laciyaarayo kadibna aad istiraahdo waa
maxay ninka wayn ee caruurta ku dhex-jiro ma doqonbaa oo aad waliba u sii
raaciso waa tii hore loo yiri NIN DHEER DHUG MALEH balse aragtidaas ma aha
mid markastaa sax ah waayo waa uu joogsanayaa koriinka jirka marka uu gaaro
da’da koriinka jirka ku joogsato kadibna uu ka daba yimaado garaadkii balse
waa dhici kartaa in uusan ka daba imaan garaadka jirkiisa oo uu hoos yimaado
maah mahaadii ahayd NIN DHEER DHUG MA LEH sidoo kale waxaa dhici karta in uu
bato xowliga kobaca garaadka qofka kadibna uu yeesho muuqaal ilmo yar ,
marka aad aragto sida uu hadlayo iyo howlaha uu qabanayo in aad tiraahdo waa
ilmo yar oo aad u caqli badan lakiin aragtidaa mar kasta sax ma ah sidoo
kale qofkaasi uu hooseeyo koriinka jirkiisa waxa uu gaarayaa heer uu
joogsado kobaca garaadka kadibna koriinkii jirka ka daba yimaado garaadkii
balse waxaa dhici karta in uusan ka daba imaan kadibna qofkaa loogu yeero
hebel oo waa COON .
Waxaajira garaad lagu kasbado barashada cilmiga kaa marnaba ku ma xirna
hadba qofka inta ay da’diisa la egtahay balse waxa ay ku xiran yahay hadba
qofka inta cilimi iyo khibrad kororsado.
Hadaba sida qofka marka la arko muuqaaliiksa loo qiyaaso garaadkiisa ayaa
sidoo kale marka aad aragto maqaamka uu bulshada ka joogo qofka waxaa la
qiyaasaa garaadkiisa .
Tusaale hadaad argato nin wayn oo ugu yaraan gar leh waxaad ku qiyaasaysaa
in uu leeyahay garaadka sida caadiga ah ee ay leeyihiin dadka muuqaalkaas oo
kale leh balse markaad aragto isagoo ku dhaxjira caruur yar yar ah walibana
la cayaarayo isla markiiba waad kala noqonaysaa qiimayntii aad siisay .
sidoo kale marka lagu yiraahdo hebal waa hogaamiye siyasadeed durbadiiba
waxaa maankaaga ku soo dhacayo nin aad u garaad sareeyo oo bulsha oo dhan
doonayo in uu ku qanciyo aragtidiisa uuna yahay nin u qalmo in uu hogaamiyo
bulshada balse markaad argato hadaladiisa iyo ficiladiisa ayaad dib ugla
noqonaysaa qiimaynta xaga gaardka ah ee aad siisay .Tusaale Muuse Suudi iyo
Faysal Cali Waraabe waa labada nin ee ugu garaad liita hogaamiyaasha
soomaalida ah ee kujira siyaasada . waayo labaadan nin waxa ay yiraahdeen
labo oraah oo aan laga filanaynin in uu ku hadaaqo qof joogo maqaanka ay
hada taaganyihiin inbadan oo soomaalida ka mid ah na waa ay kala noqdeen
qiimayntii markii hore ay ku siiyeen .
Muuse Suudi waxa ay ahayd oraahdiisii C\laahi kaba aan ku jin ahayn ayuu
isku ciriirnayaa intaas kuma ekaysane waxa uu sii raaciyay ninmaan cidayda
ahayna kabtaas ma gashan karto .
Muuse Suude hadii u ku ekeeysan lahaa C/laahi oo kaliya waa ay u
haboonayd balse waxa uu soomaalida inteeda kale ka xaaraantimeeyay in ay
xukunka wadanka qaban karaan .isagoo sidaa nacab iyo colaad ugu beeray
soomaalidii kale ayuu hadana ka doonayaa in ay doortaan oo ay u dhiibtaan
taladooda hadaba miyaanay taasi ahayn garaad yari ?.
Marka aan leeyahay Muuse waa nin garaad yar micnaheedu ma aha in uu guud
ahaan nolasha ku garaad yar yahay oo waxaa lagayabaa in uu yahay nin kufilan
dhaqashada reerkiisa. laakiin marka ay timaado maqaamka uu joogo iyo
hadalada uu ku hadaaqo waxaan dhihi karnaa way kala sareeyaan garaadkiisa
iyo maqaamka uu joogo .
Wax ceeb ah ma aha in aad beeshaada la jeclaato in ay xukunka ka qabato oo
ay dadka cadaalad ku maamuulaan balse waxaa ceeb ah in aad tiraahdo xukunka
waa ka xaraan cid aan reerkeena ahayn adoo waliba isku sheegayo nin siyaasi
ah .
Faysal Cali Waraabe waxa ay ahayd oraahdiisa wiilka reer Hargaysa isma fahmi
karaan wiilka reer Muqdisho balse waxaa is fahmi kara wiilka reer Hargaysa
iyo wiilka reer Adisababa .
Faysal ma yaqaano cadawgiisa rasmiga ah oo waxa uu is barbardhigay qof aanba
ogalayn jirtaankiisa iyo walaakii oo ay wadagaan dhalasho, dhaqan, Af iyo
diin .
Faysal markii uu sheegtay in uu yahay siyaasi waxaa lagu
qiimeeyay garaadkiisa in uu fahmi karo cadawgiisa rasmiga ah balse hada waa
uu garan waayay sidaa darteed waxaan oran karanaa Faysal maqaamka uu joogo
iyo garaadkiisa waa ay kala yaryihiin .
Sidoo kale Faysal howl walibaa kuma garaad yaro oo waxaa lagayaabaa in uu
meelo kale ku fiicanyahay .
Khaalid Maxamed
Khaalid_44@hotmail.com
Hyderabad, India.
Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 30, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|