“Ninkii in Dhaxalka laga Qadsho ka
Baqaa, Qeybintiisuu ku Waashaa”
C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Waxaan maqlaynaa in hogaamiye-kooxeedyo laga sheegayo inay rabaan in
jagooyinka waddanka ugu sarreeya ceeriin ahaan loo qeybsado! Waxaa
laga sheegay, Daarood iyo Hawiye wax noogu qaybiya! Kursi-jacaylka
lamaba yaabbaniye waxaan la yaabay waxay isa siiyeen; yeyse ka
dhaxleen? Miyesan labadan qolo ahayn kuwii laga sheeganayey ilaa iyo
afartankii sano ee ugu dambeeyey? Oo ma madaxweynayaashii dowladihii
rayidka ahaa iyo tii Kacaanka darteed bay dhaxal noogu yeesheen mise
Salbalaar iyo Carta darteed?!
Qolaa beri waxay wafdi ahaan usoo dirsatay nin ay ku sheegeen safiir
oo u dirsan jireen boqorrada iyo qabiilooyinka kale iyagoo caqli iyo
xikmad biday. Maalintii dambe ayaa nin boqor ahi ka dalbay inuu ka
hadlo gammaan badan oo la horkeenay. Ninkii wuxuu u hadlay sidii
isagood mooddo inuu goosan ari ah ka hadlayo. Maalintii dambe ayaa
sidoo kale la horkeenay xayn ari ah oo la rabay in la qalo oo la
yiri bal wax ka dheh; dabadeedna sidii isagoo gammaan fardo ah
hortaagan buu u Hadley. Nin gabyaa ah oo meesha joogay baa inta la
yaabay yiri: ido iyo riyana ma kala saari karo; dadna waxay is kaga
soo hormariyeen safiir ahaan; taasi waa doorasho qaab daran.
Horta labada qabiil een soo xusnay ma in mag laga qaado oo ay ka
tanaasulaan jagooyinka ugu sarreeyaa mise inaan dhaxal u siinno?
Haddii dadka qabiilooyinkaas iska soo hormariyeen yihiin kuwa aan
wax kala saari karin waan u cududaaraynaa laakiin hadday yihiin dad
waxgarad ah waxaan shaki lahayn inay inta gees u fariistaan dhihi
lahaayeen: Soomaalida kalaay wax noo qeybsha. Siyaasiyiin ruug
caddaa ah ayaa qaba arrintaas. Badnaan, xukun lasoo haysan jiray
darteed iyo xasab midna kama shaqeeyo adduunka; diin ahaan iyo fidro
ahaanba. Labo tusaale oo Soomaali badankeedu fahmayso aan soo
qaadanno.
-
Maalmo ka hor intuusan dhiman nabi Muxamed (SCW) wuxuu saaray
ciidan uu uga madax dhigay Usaama Binu Zayd (RC). Ciidankaas
waxaa ku jiray Abuu Bakar iyo Cumar (RC). Dhaqankii waagaas
jiray darteed xagga xasabka Usaama (RC) wuxuu ka joogay meel ka
sii hoosaysa meesha Soomaalidu geyso qolyaha la yaso ama laga
badan yahay ee aan hubaysnayn halka aan garanayno Abuu Bakar iyo
Cumar (RC). Laakiin Islaamku wuxuu u yimid caddaalad iyo sinnaan
marka dhaqannadaas ayuu la dagaalay. Islaamku waa kan Usaama
(RC) ka dhigay hogaamiye amar siinaya Abuu Bakar iyo Cumar (RC)
sidoo kale Islaamku waa kan Bilaabkii Xabashiga ahaa (RC) saaray
Kacbada korkeeda. Dadka qaar baa wixii Carab ama Soomaali
samayso la xiriiriya diinta Islaamka. Xulashadii nabiga (SCW)
waxay ka caraysiisay odayaal badan oo Quraysh ahaa. Markaas ka
hor waatii Nabigu (SCW) Zayd (RC) oo ahaa Usaama aabbihiis madax
uga dhigay ciidan ay ku jiraan Ehlu-beydkii sida Jacfar Binu
Abii Daalib (RC). Arrintaas waxay daliil u tahay in sheekada
Shiicada ee Imaamnimadaa aysan wax ka jirin mar haddii Zayd (RC)
uu imaam u ahaa Jacfar (RC). Nabigu waa u digay odayaashaas oo
wuxuu yiri awalbaad horay aabbihiis u durteenne ka waantooba
sheekadaas oo qaata amarkeyga. Ciidankii oon magaalada ka
dheeraan buu nabigii (SCW) dhintay. Markii Abuu Bakar (RC) la
doortay waxba kama bedelin ciidankii. Keliya wuxuu Usaama (RC)
ka beryey inuu Cumar Binu Khidaab (RC) u reebo. Usaama (RC)
qabiilkiisa ka sokoow wuxuu ahaa 18 jir oo keliya. Marka in
madaxweynaha da’ weyni loo shardiyo waa khalad kale oo dheeraad
ah. Yaan loo qaadan in arrinta Usaama la xiriirto madaxweynanimo
laakiin nabiga (SCW) laftiisa ayaa qiray in aabbihiis iyo
Isaguba (RC) ay u qalmeen jagadaas.
-
Waxay ila tahay qof kasta oo Soomaaliya markuu maqlo Mele Zenawi
waa la galayaa. Mele Zenawi ma wuxuu ka dhashay qabiilka ugu
badan Itoobiya? Soow Oramada, Soomaalida Itoobiya ku nool, iyo
qabiilooyin kale kama badna Tigreega? Marka haddii muslimkii iyo
gaaladiiba saa u dhaqmayaan maxaa innaga noo keenay sheeko aan
horay loo arag? Marka haddii Zenawi oo qabiilkiisu intaa le’eg
yahay xukumo dhulka hadda Itoobiya lagu magacaabo oo tiro iyo
balaarba la arkay intuu le’egyahay; maxaa u diidaya in qof
beesha shanaad ahi madaxweyne noqdo? Ama tartankaba laga saaro?
Teeda kale haddii ceeriin wax lagu qeybsanayo muxuu micno
samaynayaa shirka labada sano socdaa?
Ragga hadda qeylinaya oo leh – jagooyinka ceeriin halagu qaybsado
waa qolyaha la filayo inay heystaan xildhibaanno badan ooy ku
moodaan wareega koowaad ee tartanka madaxweynanimada loogu jiro.
Ilaahoow muu Ina Sanweyne noolaado! Sidee ka yeeli lahaa hadday
sheekadan oo kale ula yimaadaan? Waxaan jeclaan lahaa inuu marsiin
lahaa meeshii la mariyey mid ka mid ah labo nin oo muufo/kimis ku
murantay:
Waxaa dhacday in labo nin oo midi sahay u watay 5 xabbo oo muuffo ah
midna 3 xabbo ay isa soo raaceen. Iyagoon weli wax ka cunin ayaa
waxaa ku soo baxay nin kale oon wax cunto ah wadan. Ninkaan waxba
wadan wuxuu degenaa magaalada labadaas nin ee kale u socdeen. Ninkii
wuxuu yiri: raashinka noo qeybiya; markaan magaalada tagno ayaan
idiin celinayaa muuffooyinkiinna oo dhan. Waxay isku raaceen in
xabbad kasta oo muuffo ah loo kala qaybiyo seddex jab oo ninkiiba
jab la siiyo. Markay raashinkii dhamaysteen ayey soo gaareen
magaaladii. Ninkii wuxuu u keenay 8 xabbo oo muuffo oo yiri kala
qaybsada labadiinu. Kii 5 lahaa ayaa yiri: isii 5-tadyii oo adna
seddexdaadii qaado. Laakiin kii seddexda lahaa waa diiday oo wuxuu
yiri si isle’eg noogu qaybi oo 4 iyo 4 noo sii. Markay is mari
waayeen ayey isula tageen qaaddi u garqaada. Qaaddigii markuu
dhegaystay labadii nin buu yiri ii soo dhiiba 8-da muuffo. Kii 5-ta
lahaa wuxuu siiyey toddobo xabbo; kii seddexda lahaa oo seddexda in
la siiyo diideyna wuxuu siiyey hal xabbo! Qaaddigu wuu saxsanaa oo
kii seddexda xabbo lahaa wuxuu soo cunay labo muuffo ah iyo labo jab
(seddex xabbo oo jab la’); keliya waxaa ka maqnaa hal jab. Kii
shanta lahaa wuxuu soo cunay intoo kale laakiin waxaa ka maqnaa
toddobo jab, markay qaybin noqoto waa inuu helaa 7 laabka waxa kan
seddexda watay helo. Waa halka Soomaalidu ka tiraahdo waxbadso
waxbeel bey leedahay. Fiicnaan lahaydaa haddii maahmaahdaas loogu
meel dayo dagaal-oogayaal badan oo madaxweynanimo-doon ah. Inkastooy
madaxweyne-doon yihiin waxay ku fiicanyihiin in wasiirro helaan
amaba bannaanka la dhigo.
Haddii la ila tashanayo waxaan ku dadaali lahaa in raggaan leh:
ceeriinka wax noogu qaybiya, aan isku dayo inaan kala haro
xildhibaannada taageersan oon u sheego inaysan dhaxal nagu lahayne
aan ku leennahay mag; dabadeedna ay nooga tanaasulaan jagooyinka
waddanka u sarreeya. Marka sida Qur’aanku u sheegay in nabi Muxamed
(SCW) noogu sugan tahay raacid; maan sidoo kale maanta madax ka
dhiganno dadka laga badan yahay ama qabiil ahaan loo liido? Marka
siyaasiyiinta qabta in labadan qolo tartanka laga reebo wey ku
saxsan yihiin arrintaas. Marka haddaan idin ka cafinno waxaad
samayseen baad buro sidaan. Marka ma aha inay waayaan madaxweynanimo
oo kaliya ee waa in sidoo kalana aysan helin jagada
ra’iisulwasaaranimada.
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalakan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan