SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Ra’iisal wasaaraha Britain Tony Blair oo ka hadlay sharciyada cusub ee magangalyodoonka Britain.

Sida laga yaabo inay dad badani la socdaa wadankan ingiriisku wuxuu ka mid yahay wadamada ugu badan dunida ee u fidiya marti galinta iyo soo dhawaynta magangelyo doonka ka soo yaacaya meelo kala duwan oo ka mida dunida iyagoo ku andacoonaya dhibaatooyin soo gaadhaya noloshooda fikrado ay aaminsanyihiin ama qabaa’il gaara ay ku abtirsadaan awgeed, hadaba dalkan ingiriiska gaar ahaan afartii sano ee ugu dambaysa waxa sida daadka u soo galay boqolaal kun oo magangelyo doon ah , kuwaasoo badankoodu ka kala yimid wadamada Afhganstan, Ciraaq, Kurdisan, Somalia iyo Sudan, soo galaytigaasi waxaa si aan horay looga dareemin looga dareemay magaalooyinka kala duwan ee cariigan ingiriiska, taasoo keentay inay ka faa’iidaystaan kana dhigtaan ajande siyaasadeed xisbiyada mucaaridka ku ah xibiga talada wadanka hata ee Labour Party-ka oo isagu siyaasadiisa furfuran kula dhaqma dadka quxuuntiga ah ee wadanka soo gala. Waxa iyaguna sidoo aad carabka ugu dhuftay arrinta magangelyo doona ururada ka soo horjeeda dadka wadanka soo gala oo uu ka mid yahay ururka fadhiguusu yahay magaalada London ee loo yaqaan Migration Watch.

Wargeysyada ka soo baxa dalkan ingiriiska iyo warbaahinta kala duwan ayaan iyaguna u yaraysan ka hadalka arrinta magangelyo doonka oo baryahan dambe noqotay dood meel walba taala, wargeyska The Times oo aan qormadan kooban ka soo xigtay waxa uu si gaara farta ugu fiiqay ra’iisal wasaaraha wadanka Tony Blair iyo David Blankett oo madax ka ah xafiiska loo yaqaano(Home-Ofice-ku) inay masuul ka yihiin dabaca xaga socdaalka (Immigration) ee dalkan ingiriiska.

Hadaba Tony Blair waxa uu bishii September ee ina dhaaftay warbaahinta wadankan u sheegay arrinta ku saabsan dib u celinta magangelyo doonka faylkooda la laabay haddii loo helo dhul amaan ah oo lagu celin karo.

Ilaa intii ay sharciyadan cusubi soo baxeen waxa hoos u dhacay 70% codsiyada magangelyo doonka ilaa wixii ka dambeeyey intii ay cirka isku shareereen sanadkii 2002-da. Sida uu sheegay Tony Blair codsiyadu hadda waxa ay marayaan heerkii ay joogeen sanadkii 1997-kii."waxaanu ku rajo waynahay in aanu hoos uga soo socono" ayuu yidhi ra’iisal wasaare Tony Blair.

Waxa hoos u dhacay maaha oo kali ah codsiyada magangelyo doonka ee shantii codsiba afar ka mida ayaa go’aankooda laga gaadhayaa mudo laba bilood ah gudohood halkii ay markii hore ka qaadan jirtay 20-bilood, kharashka ku baxaya magangelyo doonka intay sugayaan goonka laga gaadhayo ayaa isna ay dawladu hoos u dhigtay.

Iyadoo ay isbadalaasi jiraan ayaa hadana dawladu ingiriisku waxay dibu eegaysaa nidaamka sharciyada magangelyo doonka gaar ahaa waxa diirada la saarayaa sidii dib loogu celin lahaa dadka codsiyadooda la laabo.

Celinta magangelyo doonka codsiyadooda la laabo ayaa iyaduna ahayn arrin sahlan, ugu horayn waa in la helaa wadaan nabad ah oo lagu celin karo, sida uu cadeeyey David Blankett wasiirka dawladan ingiriiska u qaabilsan arrimaha quxuuntiga iyo xafiiska Home-Office-ka.

70% quxuuntiga soo gala wadankan ingiriisku waxay iska dhiibaan dekadaha wadanka oo ay ka mid yihiin Airport-ka Heathrow iyo dekada ku taala magaalada Dover, inta badan dadkaasi hawada ayay ku soo burburiyaan waraaqaha ay ku soo dhoofeen ka hor inta aanay soo caga dhigan gagida ay hadba ka soo dagayaan.

Ra’iisal wasaare Tony Blair waxa uu sheegay in bil walba dawlada ingiriisku dib u celiso ilaa 40 qof kuwaasoo badidooda lagu celiyo wadamada Afghanstan, Sri-lanka iyo India.

Hassan Okar,(Salahuddin)
Chairman Global Media Group
Bristol,
Uk.
Tel:00-44-7946174533.
Globallmedia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2004


Dr. C/qaasim oo Qabtay shir uu kaga hadlayay Musharaxnimadiisa
"Afartii sano ee aan madaxda ka ahaa TNG waxaan ka qaatay tusaale" sidaas waxaa yiri.. Guji... Oct 2

Wakiilka Somaliland ee Sweden oo Beeniyey Warar ku soo baxay Shebekadaha K/ Somalia... [Wadadyare]

Xilibaan Yacquub: Beesha Awsaciid waxay ku sabirtay in Qaran Soomaaliyeed badbaado... [idaawaqaca]

War Saxaafadeed Ka Soo Baxay Beelaha Harti
Qoraal ku wajahan Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa...
Guji...

C/Qaasim iyo Maxamad Dheere oo Heshiis ku Gaaray Nairobi
»Khilaafaadkii siyaasadeed ee C/Qasim iyo Maxamadheere oo...
»Maxaa lagu kala reebayaa 70-ka  musharax?  Dooda barlamaanka...
»$2000 doolar haddiii aadan dhigin madaxweyne isuma sharaxi kartid
Ka Akhri halkan..... Oct 1

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
April 2, 125
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
TACSI::::
Marxuum Bashiir Ducaale Saalax oo ku Geeriyoodey Pakistan::: Guji

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD