Wakiilka Somaliland Sweden u fadhiya
oo Beeniyey Warar ku soo baxay
Shebekadaha Koonfurta Somalia.
Waxa
aan aad uga xunahay wararka aan sal
iyo baarka toona lahayn ee xubnaha
ka falaagoobay dadkooda iyo
dalkoodaba ay ku faafinayaan
mareegaha internetka.
29/
9-2004 waxa wareysi siiyay idaacad
kutaal muqdisho nin ka tirsan
xubnaha ka falaagoobay umadooda,
taas oo caalamka oo dhan ay ka
jiraan xubno ka hor yimaada danta
umada ay ku abtirsadaan iyaga oo ka
door bidda danahooda shaqsi, ninkaas
oo magaciisa la yidhaahdo Ismail
Hurre Buubaa.
Waraysigaas oo ah mid uu codkiisa ku
hadlayo waxa uu ku sheegay in
Wasiirka Maaliyada ee Somaliland
Mudane Hussein Ali Dualeh (Awil ) uu
ku tegay safar magaalada Nairobi
isagoo u gudbiyey dawladaha IGAD
waraaqo aanu sheegin waxa ku qoran,
warkaasi waa waxba kama jiraan,
Wasiirka Arimaha Debeda ee
Somaliland Marwo Edna Adan Ismail oo
aanu wada xidhiidhnay galabta
(30/09-04)waxa ay ii xaqiijisay in
aanay jirin haba yaraatee safar uu
ku tegay dalka Keniya wasiirku.
Waxa
ah wax lala yaabo idaacada as
muqdisho oo heli karaysa in ay la
xidhiidho wasiirka weydiisana in uu
tegay Nairobi iyo in kale waxa ay
ugu soo gudbisay dhegeystayaasheeda
warkan dhinaca ah.
Waxana
aan idaacadaas muqdisho iyo xubnaha
ka falaagoobay umadoodaba u
sheegayaa in ay Somaliland ka
gudubtay xili lagu gilgilo warar
been ah.
Hussein Mohamed Ali ( Hussein
Wadadyare)
Wakiilka
Jamhuuriyada Somaliland ee
Sweden