SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

CABDULLAAHI  DAGAAL OOGIS MIYAADAN KA DAALEYN!

JOOJI DAGAALKA!! DALKA NABADDA U DAA. 

-BAARLAMAANKA SOOMAALIYA, waxaa maanta gacanta  ugu jira masuuliyad taariikhi ah oo ilaahay iyo shacbiga somaliyeed kula xisaabtamidoonaan, hadii aysan u dooran soomaaliya madaxweyne leh shuruudaha hogaaminta oo gacanweyn ka geysan kara ka gudbinta soomaaliya marxalladan qalafsan ee lagu jiro.

Inkasta oo baarlamaanku xog ogaal yahay oo ay ogyihiin waxaan hadana xasuusinayaa in, doorashada loo doorto C/laahi yuusuf jago madaxweynimo, ay hubaal tahay in laga dhaxli doono Dilis Dumis iyo kala Dirid taasoo ah xirfad uu ku takhasusay,

-Intii la joogay shirweynaha Kenya waxuu C/laahi isku ekeysiiyay gudoonka SRRC, taasoo ay wax ba ka jirin, wuxuu kala jabiyay isku duubnaantii SRRC “intii uu shirku ka socday safari park” taasoo uu siistay hishees hoosaad uu la galay C/qaaasim salaad oo ay ku kala gateen madaxweyne nimada iyo wasiirka koowaad, taasoo dhicisay, (sida la sheegayo).

Intuu shirku ka socday Kenya waxuu dagaal ka oogay ,Kismaayo,Laascaanood, iyo hada Aricadeys.

-Taariikhda laascaanood waligeed ciidan ma qabsan ka hor ciidamadii C/laahi yuusuf waxaana sidaa mararbadan cadeeyay Garaad C/qani Garaad Jaamac.

-Shir ay joogeen 40ergay iyo observer wuxuu ku qirtay oo uu yiri:- fidnada iyo isku qabsashada ka taagan sanaag bari iyo laas caanood anaa sameeyay si aan loo aqoonsan Somaliland.

-Qiraalkaas oo uusan dafiri kareyn waxuu ku xukumayaa C/laahi Yuusuf inuu asagu shakhsi ahaan masuul ka yahay wax kasta oo dhexmara ama ka dhexdhaca Somaliland iyo Puntland iyo dhibkasta oo soo gaarta shacbiga walaalaha aanu nahay ee ku nool laascaanood, oo uu ugu dhuumanayo(isir) uusan aaminsaneyn, oo uu ku leynayo

-wax yaabihii hada uu ka sameeyay xulka doorashada baarlamaanka oo ay ka mid tahay ka daadafeynta kuraasta waxgaradka ka soo jeeda sanaag bari iyo laas caanood sida wiilka uu dhalay Cali garaad Maxamuud Cali Shire,Caasho Axmed Cabdalle,Cali daacuun, dhakhtarka weyn ee qadarinta leh Dr Maxamed Xaaji Xirsi Xaaji Ducaale oo ah geed lagu soo wada hirto, Xaaji Faarax Xaaji Maxamed Cali shire oo ka mida tiirarka ugu waaweyn ee laascaanood oo ah geesi lagu soo hirto, iyo Brof Cali Khaliif Galeyr, waxaa isna la illaawi Karin ninka  waxtarka badan leh ganacsadaha weyn oo taageyro weyn oo dhaqaale siiyay C/laahi Yuusuf, Siciid daahir iyo adeerkii Muuso Bootaan oo uu hal meel ku wada gowracay, sidaasoo kale xulkii kaskii qabe waxaa ku dhacay, in kastoo abaal ay ku la haayeen

 CABDULLAAHI JOOJI DAGAALKA

DADKA NABADDA U DAA 

UGU DAMBEYN WAXAAN KU DHAARINEYNAA BAARLAMAANKA MAGACA ILAAHAY , INEYSAN COD SIININ C/LAAHI YUUSUF SI :-

Hawiye iyo dir looga ilaaliyo inuu bada ku shubo, DIGIL iyo  MIRIF looga ilaaliyo inuu cagta mariyo Somaliland na looga ilaalyo inuu ku duulo, daarood looga ilaaliyo inuu dagaal ku dhameeyo.

Q.R XASAN SUUDI XIRSI

Kala xiriir: abdikarim hussein <abdikarimhussein@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


C/Qaasim iyo Maxamad Dheere oo Heshiis ku Gaaray Nairobi
»Khilaafaadkii siyaasadeed ee C/Qasim iyo Maxamadheere oo...
»Maxaa lagu kala reebayaa 70-ka  musharax?  Dooda barlamaanka...
»$2000 doolar haddiii aadan dhigin madaxweyne isuma sharaxi kartid
Ka Akhri halkan..... Oct 1


Waraaqo uu Kujiro Hilib Doofaar oo Loo Diray Soomaalida NewZealand
Waraaqahaas oo xambaarsan nacayb iyo cabsi gelin..
Guji...
Booliska Scotland Yard ee Britain oo u kuura galay Gudniinka fircooniga ah: warbixintii Ridwaan..
C/RAXMAAN JAAMAC BARRE IYO TARTANKA  MADAXTI-NIMADA
Qaybtii 3aad ee  tartamayaasha madaxweynaha. Fahad...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
TACSI::::
Marxuum Bashiir Ducaale Saalax oo ku Geeriyoodey Pakistan::: Guji



HTML CD