SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

DR.C/qaasim oo qabtay shir uu kaga hadlayay musharaxnimadiisa.
"Afartii sano ee aan madaxda ka ahaa TNG waxaan ka qaatay tusaale".
 
Canab Mumtaz.
Somalitalk.com Narobi
 

MAXAY INA YEESHAY CARTA?
shirkan oo  maanta ka dhacay Grand Regency Hotel ee magaalada Nairobi waxa uu c/qaasim uga hadlay musharaxnimadiisa tartanka madaxweye ee dhawaan ka dhacaya magalada Nairobi.
 
Ugu horeyn waxa uu xusay in madaxdii dowlada KMG ahayd ee carta ay u doorteen in uu xilkan u istaago,sidaasna uu uga mid noqday musharxnimadiisa jagada madaxweyne ee dalka soomaaliya u taagan.
 
waxa uu ka hadlay in shirka ay ka baxday dowladiisa mudo sadex jeer ah iyagoo tabanayay in wax laga badalay hanaankii uu shirkaasi ku socday,waxyaabaha ay tabanayeen dowlada KMG ahna ku tilmamay in ay ka mid ahayd Samaynta Dastuurka oo uu c/qaasim sheegay in ay jireen qodobo laga soo qaaday dowlada shisheeye,aaqiritaankiina ay keentay la xaliyay waxyaabihii ay tabanayeen,sidaasna ay mar kale dib igu soo laabteen shirka kana qaybqaadanayaan,isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay baarlamaanka soomaaliyeed iyo gudoomiyaha ay doorteenba una hambalyeeyay.
 
C/qaasim ayaa xusay in uu waaya aragnimo buuxda ka qaatay mudadii uu hayay xilka dowlada KMG ah ee soomaaliya,ayna u noqon doonto tusaale fiican in uu ka sii gaashaanto waxyaabihii qaladka ahaa ee ka dhacay dowladii xiligaas,si aysan mar kale u soo laabanin.
 
waxyaabaha hakiyay hor u socodka dowladii carta ayuu ku tilmaamay C/qaasim in ay ka mid ahayd caqabado xoogan oo kaga yimid hogaamiye kooxeedyadii ka soo hor jeeday dowladaas oo dagaal ay shacabka soomaaliyeed dhibaato kala kulmeen ku dhaqaaqay kadib markii ay hub ka soo heleen wadamada dariska ah qaarkood oo aan rabin danta ummadda soomaaliyeed,waxaa kale oo uu ku tilmaamay c/qasim in ay caqabado kala kulmeen caalamka oo horey dhismihii dowalda u taageeray balse ka dib aan waxba la qabanin dowladi KMG ahayd.
 
Dhibaatada ugu wayn waxa uu ku tilmaamay c/qaasim in ay tahay hubka ku jira gacanka maliishaadka kaas uu wiiqay dadaalkii carta,kanna hoos u dhigi doona hadii aan wax laga qabanin,waxa uuna sheegay in hadii aan hogaamiyaasha kooxa ee hubaysan hubka in ay wareejiyaan laga saxiixin aysan dowlada ka dhalata halkan wax faa'ido ah keeni doonin.
 
Caqabada kale ee ka hor imaan karta waxa uu ku tilmaamay in ay tahay ganacsatada oo laftooda dhibaato ku haya dalka,iyagoo samaystay garoomo u gaar iyo dakado,dalkana soo galiyo daawoyin dhacay iyo raashin dhacay oo cuduro keena marmarka qaarkood,waxa uun sheegay in ganacsatada lafteeda ay tahay mid caqabad ku ah nabad ka dhalata shirka.
 
waxqabadkiisa ugu horeeya ayuu marka la doorto ayuu ku tilmaamay c.qaaim in uu ka mid yahay,Dib u heshiin iyo Nabad ka dhex dhalata dhamaan dadka soomaaliyeed,hub ka dhigis,furista dakada iyo garoonka soomaaliya,xiriri wanaagsan oo la yeesho caalamka si dalka uu u helo taageero iyo dib u dhis iyo inuu wada xaajood la galayo somaliland.
 
Mar aan wax ka waydiiyay Dr.C/qaasim taageerada uu ka heli karo caalamka gaar ahan kuwa reer galbeedka marka la doorto iyadoo ay hogaamiyayasha qaar ay ku tilmaameen in dowladii uu hogaaminayay ee carta in ay tahay Al/Qaacida? waxa uu sheegay in ay tahay arrin lala yaabo in soomaaliya lagu tilmaamo in ay joogto argagaxiso arrintaasna aysan sal iyo raad toona lahayn,hadda ka horna lagu fashilmay soomaaliya,waxaas waxa sheegayana waa hogaamiyaasha dagaalka oo qaarkod hadda ummada laynaya,waxa uuna xusay in soomaalidu aysan ka dhex dhicin dagaal diimeed ee ay ka dhacaan dagaal qabiileed,caalamkana ay ogyihiin in soomaaliya ay u baahan tahay tageero,hadii la doortana uu taageero ka helayo caalamka oo dhan.

 <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2004

C/Qaasim iyo Maxamad Dheere oo Heshiis ku Gaaray Nairobi
»Khilaafaadkii siyaasadeed ee C/Qasim iyo Maxamadheere oo...
»Maxaa lagu kala reebayaa 70-ka  musharax?  Dooda barlamaanka...
»$2000 doolar haddiii aadan dhigin madaxweyne isuma sharaxi kartid
Ka Akhri halkan..... Oct 1


Waraaqo uu Kujiro Hilib Doofaar oo Loo Diray Soomaalida NewZealand
Waraaqahaas oo xambaarsan nacayb iyo cabsi gelin..
Guji...
Booliska Scotland Yard ee Britain oo u kuura galay Gudniinka fircooniga ah: warbixintii Ridwaan..
C/RAXMAAN JAAMAC BARRE IYO TARTANKA  MADAXTI-NIMADA
Qaybtii 3aad ee  tartamayaasha madaxweynaha. Fahad...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
April 1, 125
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
TACSI::::
Marxuum Bashiir Ducaale Saalax oo ku Geeriyoodey Pakistan::: Guji

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD