SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Somaliland:oo ku dadaalaysa inuuna Cabdullahi Yuusuf ku guulaysan jagada M/weyne

Ka dib markii aysoo baxeen wararka sheegaya inuu xiriir dhexmaray Ismaaciil Buubaa iyo Cabdullaahi Yuusuf ,kuwaasoo iska bahaysanayay tartanka jagada ugu sareeysa Dalka Soomaaliya,ayaa wafti qarsoodiya oo uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Xusen Cali Ducaale oo ku magacdheer Cawil yimaadeen magaalada Nayroobi,isagoo qoraalo ukala gudbiyay Wadamada IGAD iyo UNka,shirna la yeeshay xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland,sida Ismaaciil buubaa oo ay isku beel yihiin(Garxajis).

 
Ismaciil Buubaa oo saxaafadda uxaqiijiyay inuu Cawil yimmid Nayrobi ayaa ka gaabsaday inuu daaha ka rogo waxyaabihii uu u yimmid wasiirku,balse ilo diblimaasiyeed oo aan rabin in la carabaabo ayaa sheegaya in Somaliland ka welwel qabto inuu cabdullahi Yuusuf noqdo Madexweynaha Soomaaliya,Maadaama uu murran deegaan ka dhexeeyo,awoodooda ciidanna ay iska koobantahay oo taasi u horseedi kato burbur ku yimaada maamulka Hargaysa.Sarkaal sare oo ka mid ahaa guddiga hub ka dhigista ayaa yiri,Hubka gacanta ugu jira Beesha Cabdiqaasim ee Cayr waxuu 3 jeer ka badan yahay hubka yaal Somaliland oo dhan,hubka Muddulood haystana waxuu 4jeer ka badan yahay hubka yaal Puntland.
 
Haddaba iyadoo rag sarsare oo magac ku lahaa Dalka Soomaaliland sida Dr.Sifir oo UNka muddo dheer ka shaqaynayay kana mid ahaa ragga ugu cadcad xisbiga Mucaaradka ee KULMIYE uu ku jiro Xildhibaanada iyo Dr.Bilaal oo ahaa aasaasayaashii Somaliland forum,iyo kuwa kaloo badan Sida Cismaan kaluun iyo Buubaa oo ahaa Jabahdii SNM ayaa waxaa isa soo taraya saamaynta shirka Nayrobi ku lahaan karo gooni isutaagii Somaliland.sidaa awgeed ayaa la leeyahay Somaliland waxay si dadban ula xaajoonaysa kuwa hormuudka ka ah shirka sida IGAD iyo UNka,ayadoo rabiin inay shaaca ka qaado ilaa ay ogaato halkuu ku biyo shubto arrinkaas.Wasiir Cawil ayaa beeniyay inuu tagay Nayrobi balse Huteelkii uu ku dayay iyo Diblumaasiyiintii uu la kulmnay ay saxaafadda u xaqiijiyay ka sakow warkii Ismaaciil Buubaa oo dadka yaqaaniin ku tilmaamaan nin afgaaban oo aan ku dedegin inuu warsiiyo saxaafadda.
 
Waxaa Maalmahan bilaamay kala furfur ku yimmid daladii ishaysatay ee SRRC,oo gacan saar lahaayeen Itoobiya,sida Maxamed dheere oo ay isku mowqif noqdeen CabdiQaasim,iyadoo la sheegayo Xitaa Itoobiya inay sidii hore ugu guuxayn musharaxnimada Cabdullaahi Yuusuf oo ay door bidayso in qof macquul oo ka soo jeeda beesha hawiye madasha yimaado lana xaajoon kara Maamulka Hargaysa.
 
 
Cabdi Xasan Somalitalk/Muqdisho

<abdi172@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2004

Dr. C/qaasim oo Qabtay shir uu kaga hadlayay Musharaxnimadiisa
"Afartii sano ee aan madaxda ka ahaa TNG waxaan ka qaatay tusaale" sidaas waxaa yiri.. Guji... Oct 2

Wakiilka Somaliland ee Sweden oo Beeniyey Warar ku soo baxay Shebekadaha K/ Somalia... [Wadadyare]

Xilibaan Yacquub: Beesha Awsaciid waxay ku sabirtay in Qaran Soomaaliyeed badbaado... [idaawaqaca]

War Saxaafadeed Ka Soo Baxay Beelaha Harti
Qoraal ku wajahan Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim



HTML CD