30/09/2004
War Saxaafadeed Ka Soo Baxay Beelaha Harti
Waxay Soomaaliya ku soo jirtay muddo dheer xaalad bedeshay qiimihii iyo
sumcadii ay laheyd Ummada Soomaaliyeed, waxaana dalka hogaanka u qabtay
daneystayaal aan laheyn himilo macnawi ah iyo hadaf saliim ah oo ku
saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo weli hortaagan in
la helo dowlad caddaalad ah oo soo celisa sharaftii, karamadii iyo
jiritaankii Qaranimadii Soomaaliyeed.
Haddaba, maantay oo la joogo bisha Sebteembar 2004, Soomaaliya ay
leedahay Baarlamaan Federaali oo ku-meelgaar ah, isla markaasna la qaban
qaabinaayo in la doorto Madaxweynihii Dowlada Federaalka Soomaaliyeed ee
ku-meelgaar ah, ayaanu waxanu aaminsanahay doorashadaasi waa xil muqadas
ah oo qof walba saaran inuu ka digtoonaado in dib loo doorto kuwii
burburka Soomaaliya dhaliyey, hormuudna ka ahaa.
Iyadoo laga amba qaadayo waajibka qof walba ka saaran arrintaas, ayaa
Siyaasiyiinta, Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanada Beelaha Harti,
waxay daraasad ku dhisan xaqiiqda ka sameeyeen taariikh nololeedak iyo
waxqabadka korneel C/laahi Yuuusuf oo isu sharaxay inuu noqdo
madaxweynaha dowlada federaaliga ah ee Soomaaliyeed.
Daraasaadkaas ayaa lagu lafa guray arrimahan:
-
Cadaalada iyo Sinaanta
-
Dib u dhiska iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada.
-
Siyaasada, Xiriirka Dadweynaha iyo Arimaha Dibada.
-
Sifada iyo Qaabka Hogaaminta Xukuumada.
1. Cadaalada iyo
Sinaanta
b) Ka dib markii shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ka bilowdey
Nairobi, kenya, Korneel C/laahi Yuusuf wuxuu is hortaagey inay shirka ka
soo qeyb galaan Issimadii lagu yiqiin Harti ee dhabta ahaa oo lagu
casumay Shirka, isagoo u arkaayey in aanu ku fushan karin Issimadaas
danahiisa gaar ahaaneed, wuxuuna ku bedeshey oo uu samaystey Issimo been
abuur ah wuxuuna ku magacaabay (Issimo Harti) si uu danahiisa ugu
fushado.
t) Iyadoo la tixraacayo lifaaaqa war murtiyeedaka ay soo saaren Guddiga
Fududeynta Shirka Soomaaliyeed ee IGAD ee ku saabsanaa habka xulista
xubnaha baarlamaanka iyo waraaqdii dib u sixida qodobka sedexaad ee
habka soo xulida xubnaha baarlamaanka ee beel hoosaadyada oo soo baxaday
27 dii bishii Juun 2004, iyo 24 kii bishii Luulyo 2004 ka soo baxday
xafiiska Ambassador Kiplagat ee ku saabsaneyd habka soo gudbinmta
xubnaha baarlamaanka ee beel hoosaadyada, markii la gaaray awood
qeybsiga kuraasta baarlamaanka ee heer Daarood ayaa C/laahi Yuusuf uu ka
bixiyey shan (5) kursi guud ahaan kuraastii baarlamaanka ee Harti,
wuxuuna abaal dhigasho iyo ha lagaa sheego u siiyey Beelo kale. Wuxuu
kaloo fara geliyey oo uu ku xadgudbey habkii iyo nidaamkii loo dejiyey
xulista iyo magacaabidda xubnaha baarlamaanka ee Beelaha; Dhulbahante,
Warsangeli iyo Dishiishe. Intaa ka dib, laba iyo tobankii (12) kursi ee
ku soo aaday Beelaha majeerteen waxaa qol la galay oo qarsoodi ku
qeybiyey Korneelka isagoo Beel hoosaadkiisa siiyey todoba (7) kursi,
shantii (5) soo hartayna uu ku qortay rag uu isagu wato oo daba dhilif u
ah iyadoo uu ku xadgudbey xuquuqda Beel-hoosaadyada Majeerteen lahayeen
sida waafaqsan nidaamka ay u dejisey IGAD habka xulista xubnahah
barlamaanka ee beel hoosaadyada. Hadaba iyada oo sidaas ah Shaqsigaasi
ma u qalmaa inuu noqdo hogaamiye, madaxweyne ama wasiir caadil ah oo
Ummada ka saari kara xaalada xun ee maanta ay ku sugantahay?
2. Dib u dhiska iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada
b) Lacagta uga soo xaroota Dowlad Goboleedka Puntland dekeda Boosaaso
iyo maraakiibta faraha badan ee sida joogtada uga kaluumeysta una
jariifa (xaaqa) Xeebaha Puntland oo aheyd in lagu bixiyo mushaarka
ciidamada iyo shaqaalaha dowlada, adeegyada arimaha bulshada,
mashaariicda horumarineed iwm. Labadan sanadood ee danbe lacagtaas wuxuu
ku fushadaa danahiisa gaar ahaaneed, taasina waxay keentay in aan la
siin ciidamada iyo shaqaalaha dowlada mushaharooyinkii ay xaqa u
lahayeen muddo dheer, keenayna burbur iyo hoos u dhac ku yimi adeegyada
bulshada sida; Adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, Amaanka, Wax
Soosaarka iwm. Waxaa xusid gaar ah muddan in shacbiga Soomaaliyeed iyo
xildhibaanada loo sheego lalana socodsiiyo in C/laahi Yuusuf uu gatay
dhulkii iyo dhismayaashii Xeradii Ciidanka Daraawiishta Soomaaliyeed ee
ku taalay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ku caanbaxay soo sameynta iyo
suuq gelinta lacagta been abuurka ah (Shillin Soomaali).
Hadaba arintaasu waa mid lagu xisaabtami doono marka ay dhalato Xukuumad
Soomaaliyeed, sharciguna dhaqan galo.
3. Siyaasada, Xiriirka Dadweynaha iyo Arimaha Dibada.
b) Waxaa jira hey`addo fara badan oo la xiriirey maamulka Puntland si ay
u taakuleeyaan waxna uga qabtaan arimaha horumarint bulshada, sida
Eyraboorka Boosaaso oo ay maalgalin laheyd Imaaradda Sharjah, 1998 oo uu
hor istaagay, maantayna dayuuradaha ay fadhiisan kari waayeen,
dadweynihii Puntland ay ku qasabtay iney aadaan Hargeysa, Djabuuti iyo
Balidoogle, waxaana sababay wada shaqeyn la`aanta iyo ka qeyb qaadasho
la`aanta maamulka madaxda uu u yahay C/laahi Yuusuf, taasoo hada keentay
iney dhagaha ka fureystaan hey`addaha samafalka dhibaatooyinka abaaraha
ka dhacay Puntland
t) Iyadoo maantay soomaliya u baahan tahay dib u heshiisiin is dhexgel,
kalsooni abuurid iyo dib u dhis, ayuu ku hanjabayaa inuu badda ku dari
doono cidii isaga ka hortimaada ama aan la xulafa aheyn.
Hadaba waxa leys weydiin karaa nin Gobol maamuli waayey qaran burburay
ma maamuli karaa dibse ma u soo nooleyn karaa?
4. Sifada iyo
Qaabka Hogaaminta Xukuumada.
b) C/laahi Yuusuf waa kaligii taliye aan jecleen in xukunka iyo talada
lala wadago cidna la tashan jecelna inuu xukunka xoog ku heysto ilaa uu
ka dhimanayo, taasna waxa cadeynaya ku xadgudubka dastuurka Puntland iyo
awooda aan xadidneyn oo uu ku qabsaday kuna heysto Dowlad Goboleedka
Puntland, wuxuuna ku caanbaxay inuu aruursado dad aan laheyn aqoon,
waaya argnimo iyo tayo maamul.waxayna bulshadu u bixisey “xaabo
urursade, xumbo dhaansade”.
t) Waa gacan ku dhiigle askari/macangag ah aanan u carbisneyn inuu dadka
ku maamulo hab madani ah kuna caanbaxay isku dirka iyo iska horkeenida
Beelaha Soomaaliyeed, taasna waxaa inoo cadeynaya dadkii Aqoonyahanada
ahaa iyo Odayashii uu laayey oo ay ka mid ahaayeen, Madaxii Shirkada
Towfiiq marxuum Faarax Dheere, Duqii Degmada Qardho marxuum C/risaaq
Boobe, Suldaan Axmed Hurre oo wali ay socoto maxkamadiisii iyo isagoo ku
diley Dhahar laba (2) Qof, kuna dhaawacay todoba (7) Qof, magaaladana u
geystay khasaaro badan.
Gabagabadii, waxaa gacanta xildhibaanada Somaaliyeed ee Baarlamaanka
cusub ku jira iney Soomaaliya u horseedaan barwaaqo iyo horumar ama
burbur iyo halaag hor leh, taasoo ah iney doortaan dagaal ooge
dhiigyacab ah oo ku shaqeeya Eex, Qabiil iyo Dulmi sida Korneel C/laahi
Yuusuf ama hogaamiye saliim ah oo isu soo dhaweeya Ummada Soomaaliyeed
ee kala fogaatay kuna hogaamiya cadaalad, sinaan, iyo horumar, taas oo
lagu gaari karo iney soo noqoto sumcadii iyo jiritaankii Qaranka
Soomaaliyeed.
Hadaba, waxaanu
xusuusineynaa Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed sidii loogu dhaariyey
Eebe hortiis iney danta guud ee qaranka ay ka hormariyaan dantooda
gaarka ah oo ay ka shaqeeyaan sidii loo dooran lahaa dowlad cadaalad ah
oo danta dalka iyo dadkaba u shaqeysa.
F.G.: waxaa ku
lifaaqan magacyada saxiixayaasha war saxaafadeedkan
Waxaana magacyada oo buuxa lagala xiriiri karaa:
mohamed yusuf <darwiishka2@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | October 2,
2004
C/Qaasim iyo Maxamad
Dheere oo Heshiis ku Gaaray Nairobi
»Khilaafaadkii
siyaasadeed ee C/Qasim iyo Maxamadheere oo...
»Maxaa
lagu kala reebayaa 70-ka musharax? Dooda
barlamaanka...
»$2000
doolar haddiii aadan dhigin madaxweyne isuma sharaxi
kartid
Ka Akhri halkan.....
Oct 1
Waraaqo uu Kujiro Hilib Doofaar oo Loo Diray
Soomaalida NewZealand
Waraaqahaas oo xambaarsan nacayb iyo cabsi gelin..
Guji...
Booliska Scotland Yard ee Britain oo u kuura galay
Gudniinka fircooniga ah:
warbixintii
Ridwaan..
C/RAXMAAN JAAMAC BARRE IYO TARTANKA
MADAXTI-NIMADA
Qaybtii 3aad ee tartamayaasha
madaxweynaha.
Fahad...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|