SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 
Daabaco Boggan | Print

Madaxweynaha Dowlada FKMG ah ee Soomaaliya oo sheegay in AU-da ka Aqbashay Codsigiii ahaa dalbashada ciidan nabad Ilaalin ah.

 

Canab Abdule canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.ocm | Nairobi

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi yuusuf Axmad oo dhawaan safar ku tagay xarunta midawga afrika ee Addis Ababa ayaa baarlamaanka uga warbixiyay safarkiisii iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay AU-da ee ku aadan dalbashada ciidamada Nabad ilaalineed ee soomaaliya la gaynayo.

 

Ugu horeyn waxa uu madaxweynaha sheegay in si wayn loo soo dhaweeyay wafdiga soomaaliyeed ee ay hogaaminayeen isaga iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aadan,ayna madaxdii ay la kulmeen sharaxaad buuxda uga bixiyeen xaalada soomaaliya iyo sida ay ugu baahan tahay gargaar dhaqaale iyo taageero iskugu jira.baahidooda ugu wayna ay tahay xagga amniga oo amni la’aantiis aysan waxba socon karin

 

Waxana uu intaasi ku daray in uu ka dalbaday AU-da in ay siiyaan dowalada Ciidamo nabad ilaalineed oo gaaraya 20.000 si ay wax uga qabtaan nabad galyada dalka iyo hub ka dhigista dadka soomaaliyeed iyo waliba sidii ay hubka dalka ku sugan hal meel ah iskugu gayn lahaayeen si ay dowlada cusub ugu fududaato fulinta howlaheeda,Midawga afrika waxa uu u muuqday in ay aqbaleen codsigeen ah ciidamadaas waxaana ku raja waynahay ayuu yiri C/llaahi yuusuf in ay meel marin doonaan dhawaan

 

Waxaa kale oo qudbadii madaxweynaha ka mid ahaa in ay la kulmeen wafdi ka socday midwaga yurub ayna isla soo qaadeen tageerada dowlada iyo dib u dhiska dalka soomaaliya waxa uuna sheegey madaxweynaha in ay ka aqbaleen cocsigooda waxaa kale oo xusay in ay caalamka ka dalbadeen dhaqaale gaaraya shan iyo toban bilyan oo dolar.$15biyan.si wax looga qabto dib u dhiska dalka iyo amaanka mudadad shanta sano ah ee KMG ah waliba ay jawaab ka filayaa iyagoo ka qaba rajo wayn in ay lacagtaas soo gaarto.


Madaxweye C/llaahi Axmad waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay la kulmeen Jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Addis Ababa oo gaarayay qiyaastoo shan kun oo ruux,waxayna noo fidiyeen ayuu yiri taageero iyo wax la qabasho dowlada cusub,iyagoo naga dalbaday in aan dadajino wax qabadkeena ku aadan dib u dhiska dalka iyo amaanka si ay dalkooda dib ugu laabtaan.

 

Dhinaca kale Qudbada Madaxweynaha oo dheerayd waxa  uu ka hadlay dhinacyo badan waxa uuna soo qaaday in magacaabista wasiirka kowaad ay u xayiran tahay baarlamaanka KMG ah oo aan wali ka soo baaraan dagin ama isku raacin Qodobada Axdiga oo ka hadlaya magaabista Ra’iisul wasaaraha.qodobaas oo iska soo horjeeda midna uu qeexayo in wasiirka laga qaadan karo gudaha baarlamaanka ayna sharci tahay iyo mid ah in gudaha baarlamaanka iyo dibadaba laga qaadan karo,walina aan laga doodin qodobadaas iska hor imaanaya

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2004

somaliaSOMALI ACTION ALLIANCE IYO HAWLGALKA ISBADDELKA BULSHADA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA MINNESOTA
Soomaalida ku nool Minnesota, USA waxaa lagu qiyaasaa 35,000 ilaa 45,000, kuwaas oo Guji..


Soomaaliya oo AU Weydiisatey 20,000 oo Ciidan Nabad ilaalin ah::
iyo kal-fadhi kusaabsan Soomaaliya oo  Lagu Qaban doono Brussels.
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD