- GOLAHA AMMAANKA
EE QARAMAAD MIDOOBEY OO WAR-SAXAAFADEED KA SOO
SAARAY ARIMAHA SOOMAALIYA:
- USA: NIN
SOOMAALI AH OO LAGU XUKUMAY 17 SANO OO XABSI AH
- Madaxweynaha
DFKMG: Soomaaliya ma ahan Muqdisho oo Keliya
-
20,000 oo Ari ah oo Roobab ku dileen
Wajeer:
Ambassador-ka Britain
ufadhiya Qaramada Midoobey oo Sheegay in ay Golaha
Ammaanka ay ka go'antahay ka Shaqaynta Midnimada
Soomaaliya:
- Golaha Ammaanka
oo Hoggaamiyayaasha Soomaalida ugu baaqay in
ammaanka Sugaan
- Golaha amaanka
oo muujiyey taageerada Hubkadhista Soomaaliya
Golaha ammaanka ee
Qaramada Midoobey ayaa galabta Oct 26, 2004 (1:00pm
xilliga New York) yeeshay wadahadal ku saabsan arimaha
Soomaaliya, waxaana halkaas laga soo saaray
War-Saxaafadeed
taabanaya
dhinacyo badan oo la xiriira nabada Soomaaliya, sugidda
ammaanka Soomaaliya, dib u dhiska dalka, dib u
heshiisiinta, dawlada cusub ee Soomaaliya, magcaabida
ra'iisul wasaare iyo wasiiro karti leh.
Madaxweynaha
Golaha Ammaanka, ahna Safiirka British u fadhiya
UN-ta,
Sir Emyr Jones Parry:
典he
Security Council reiterates its commitment to a
comprehensive and lasting settlement of the
situation in
Somalia, and its
respect for the sovereignty, territorial
integrity, political independence and unity of
Somalia,
consistent with the purposes and principles of
the Charter of the United Nations.
More... [Oct 26, 2004]
S/PRST/2004/38
Charter of the United Nations
|
War-saxaafadeedka waxaa
golaha ammaanka ka akhriyey madaxweynaha golaha ee
bishan, Emyr Jones Parry, oo ah ambasadoorka Britain u
fadhiya UN (British Ambassador to the United Nations),
waxana uu yiri "Golaha ammaanku waxa uu mar-labaad ku
celinayaa sida ay uga go'antahay ka shaqaynta dejinta
xaalada Somaaliya iyo qadarinta xornimada,
isku-xirnaanta dhulka, madaxbanaanida siyaasadeed iyo
midnimada Soomaaliya, taas oo waafaqsan ujeedada iyo
dhidibada asaaska u ah xeerka qaramada mideebey ee loo
yaqaan [Charter of the United Nations]".
Warsaxaafadeedka oo aad
u dheeraa waxa uu ammaanay shirkii dib u heshiisiinta
Soomaalida ee Nairobi, shirkaas oo lagu doortay
baarlamaanka Federaalka ee kumeelgaarka ah, guddoomiyaha
baarlamaanka iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya.
Qoraalka Golaha
ammaanku waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimada ay
leedahay tallaabooyinka ilaa hadda horay loo qaaday,
waxana uu ku adkeeyey sida uu golaha ammaanku u
rajaynayo in dawlada Federaalka kumeelgaarka ay tagto
Soomaaliya, taas oo leh karti ay ku bilaabi karto dib u
heshiisiin iyo dib u dhis ku salaysan wada xaajood ay u
dhanyihiin dhammaan qaybaha Soomaalidu.
Golaha ammaanku waxa uu
ku dhiirigelinayaa baarlamaanka Federaalka KMG iyo
madaxweynu in ay tallaabo hore u qaadaan, taas oo ah
magcaabida Ra'iisul wasaaraha iyo dhismaha wasiiro karti
iyo wax-qabad leh oo wax goyn kara iyo in la dejiyo
barnaamij hor-dhac ah oo muujiyanay ficilada loo baahan
yahay in hore loo qaado iyo jadwalka mudada kumeel
gaarka ah. Waxana golaha ammaanku ku dhiiri gelinayaa
xukuumada Federaalka ee KMG in ay dumarka ka qayb geliso
dib-heshiisiinta iyo dib u dhiska (dagaaladii ka dib).
Waxa kale oo Golaha ammaanku u muuqata wada shaqaynta
suurta galka ah ee waqtigan xaadirka ah socota ee u
dhaxaysa Dawlada Federaalka ee KMG iyo bulshada caalamka.
Golaha ammaanku waxa uu
ku amaanayaa wadamada ku jira IGAD, gaar ahaan Kenya,
iyo wadamada kaleba sidii ay isugu soo dubarideen
shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya labadii sano ee la
soo dhaafay, waxana golohu wadamadaas ku dhiiri
gelinayaa in ay sii wadaan isku daygooda taageerada
nabadda Soomaaliya.
Golaha ammaanku
waxa uu taageerayaa Ururka Afrikaanka ballaanqaadkiisa
ah in uu caawino Soomaaliya, gaar ahaan qorshaynta nabad
kusoo celinta Soomaaliya [Peace Support Mission to
Somalia]
taas oo ay ku jirto hub-kadhista iyo xasilinta, waxana (goluhu)
ku dhiiri gelinayaa wadamada deeqda bixiya in ay
arintaas ka qayb qaataan.
BAAFIN: ABDIKARIN
HUSSIN MIIRE |
Anigoo ah
Faadumo Ahamed Mahamud oo ku nool dalka USA
waxa aan halkan ka baafinay wiil aan walaalo
nahay oo markii iigu
danbaysay jogay magalada Nairobi, ee kenya
haatana waxan ku maqlay kampala dalka uganda,
waxa la yiirahda ABDIKARIN HUSSIN MIIRE,
hadda ma ogi meesha uu ku suganyahay, ee fadlan
qof kasta oo war iyo wacaal u haya fadlan
akhbaartiisa ha iigu soo hagaajiyo:
ramla2001@hotmail.com |
Golaha ammaanku waxa uu
soo dhoweeyay xafiiska qaraamada midoobey ee siyaasada
ee Soomaaliya, hay'ada SACB [Somalia Aid Coordination
Body], Wadamada Yurub (EU), wadamada IGAD, wadamada
carabta iyo wadamada kaleba oo ku hawlan qaabka dib-udhiska,
kaas oo gogol-dhig u ah hab dhaqaale ahaan lagu
taageerayo Soomaaliya, iyo sidii looga qayb qaadan lahaa
dib-udhiska iyo dhirgelinta barnaamijyo kobcinaya
dhaqaalaha marka ay nabadu kusoo laabato Soomaaliya.
Golaha ammaanku waxa uu
la qabaa fikradii xoghayaha guud ee qaramada midoobey.
isla mar ahaantaasna horumarinta ka qayb qaadashada
qaramada midoobey ee Soomaaliya waxaa shardi ah in ay ay
ahaato mid kordheysa, taas oo lagu salayn doono waxa ka
soo baxa wadahadala lala yeesho dawlada cusub. Golaha
amaankuna waxa uu si niyad sami ah ku sugayaa soo
jeedinada xoghayaha guud ee qaramada midoobey ee arintan
la xiriirta.
Golaha ammaanku waxa uu
ugu baaqayayaa hogaamiyayaasha Soomaaliya in ay
jawi wanaagsan u abuuraan dawlada Federaalka KMG, taas
oo ah in ay hir geliyaan ama sugaan amaanka.
Dhanka kale
Qoraalka kusoo baxay shabakada Qaramada midoobey ayaa
xusay in xoghaya guud ee qaramada midoobey, Koffi Annan,
ain uu ku baaqay in Soomaaliya ay u baahantahay
mucaawino dheeraad ah. Waxana qoraalku xusay in
mucaawinadaas looga baahan yahay dib-dhiska nabada, taas
oo la xusay in khasnadda qaramada midoobey ee dib-dhiska
nabada Soomaaliya ay hore lacag ugu deeqeen
Ireland
($34,668.65),
Italy
($536,150),
iyo Norway
($836,533.39), Waxa kale oo xoghaya guud ee qaramada
midoobey uu ku faraxsanyahay in dawlada Talyaanigu ay
mucaawinadii hore ku sii dartay lacag kale oo ah
$2,239,200.
USA: NIN SOOMAALI AH
OO LAGU XUKUMAY 17 SANO OO XABSI AH
Abdishakur Muhidin
Hassan oo aabihiis iyo labo walaaladiis ah lagu diley
dalkiisii Soomaaliya, ayaa isniintii Xabsiga loo
taxaabay, kaddib markii lagu soo oogey dembi ah in uu
nin ku diley magaalada Roanoke (Virginia, USA), sidaas
waxaa maanta qoray wargeyska magaaladaas ee lagu
magcaabo Roanoke.
Qareenka magaciisu
yahay Judge Charlie Dorsey ayaa Abdishakur Muhidin
Hassan ku xakumay 17 sano iyo Afar-bilood oo xabsi ah.
Abdishakur oo 23-jir ah waxaa lagu soo oogey in uu
geystey dil. Waxaana jariidadu xustay in
Abdishakur Muhidin Hassan uu bishii Agoosto qirtay in uu
diley Frederick "Ricky" Mumford, qirashada derejada
labaad ee loo yaqaan "second-degree murder", waxaana,
sida ay jariidadu sheegtay, Frederick wajiga laga
toogtey xilli habeen ah oo taariikhdu ahayd
Febraayo 3deedii.
Abdishakur hooyadiis oo
magaceeda la yiraahdo Habibo Masame Ali [waa sida
wargeysku u qoraye] oo isniintii ka hadashay maxkamada
qareenka hortiisa waxa ay sheegtay in Abdishakur oo wiil
yar ah markii ay dagaalada qabiilku bilaabmeen in la
diley aabihiis, laba wiil oo walaalihiis ah iyo
ayeeyadiis sannadkii 1991. Intii qoyska ka soo hartay
waxay qaxootinimo ku aadeen kenya, kaddina maraykanka,
magaalada Roanoke, halkaas oo Abdishakur uu ka helay
shaqo.
Ninka dhintay
walaalkiis oo magaciisu yahay Paul Mumford oo asaguna
maxkamada ka hadlay waxa uu sheegay in ay ahayd in
Abdishakur lagu xakumo xabsi intaas ka badan, taas oo uu
sheegay in lagu mudacayey xabsi aan ka badnayn 28 sano,
laakiin hadda lagu xakumay 17 sano.
ISHA:
http://www.roanoke.com
Madaxweynaha DFKMG:
Soomaaliya ma ahan Muqdisho oo Keliya
Madaxweynaha DFKMG, C/laahi
Yuusuf oo ay soo xiganeey warbaahinta caalamku ayaa waxa
uu yiri "Haddii arintu tahay dawladu ha tagto Soomaaliya
kadib marka la sugo ammaanka Muqdisho, arintaas uma
aragno habka saxda ah", waxa kale oo uu yiri "
Soomaaliya ma ahan Muqdisho oo keliya. Soomaaliya waxay
leedahay magaalooyin kale oo badan. Waxa ay dawladu u
baahan tahay in ay tagto gudaha (Soomaaliya) oo bilowdo
shaqo".
Hadalkaas waxa uu
MFDKMG yiri mar uu isniintii ka hadlayey hadal uu Koffi
annan hore u yiri oo ahaa in qaramada midoobey ay
mucaawinadeeda Soomaaliya ay noqoto mid tartiib-tartiib
ah, arintaas oo uu C/laahi Yuusuf ku gacan sayray.
Waxa kale oo MFKMG uu
xusay in dalku sannad gudihiis u baahan yahay 30,000 oo
cidan hubsaysan ah oo korka kala socda ammanka. [Bilowgii
safarka uu waftiga madaxweynuhu ku tegey Itoobiya ayuu
MDFKMG waxa uu AU weydiistey 20,000 oo ciidan nabad
ilaalin ah, ksi ay hubka uga dhigaan malaysiyada
hubaysan].
ISHA:
http://www.alertnet.org
20,000 oo Ari ah oo Roobab ku dileen
Wajeer:
Wararka ka imanaya Wajeer
ayaa tibaaxay in qiyaastii 20,000 oo isugu jira Riyo iyo
Ido ay ku dhinteen aagaas, kaddib markii halkaas ay ka
da'een roobkii ugu lixaadka badnaa muddo laba sanadood
ah.
Waxaa
kale oo wararku intaas ku dareen in cudur ku dhaca geelo
oo loo yaqaan "camel pox" uu woqooyiga Wajeer ku diley
30,000 oo geel ah.
ISHA:
http://eastandard.net