SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 
Daabaco Boggan | Print

FIKRADO BADANAA!

Ciidanka Shisheeyaha oo Soomaaliya la keeno oo laga muujiyay fikarado iska soo horjeeda

W/D: MAXAMED XUSEEN JIMCAALE (JANTIILE)

E-mail: jantiile12@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Waxaa magaalada Muqdisho harqiyay maalmahaan doodo ku saabsan codsigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed uu kaga dalbaday Ururka Midowga Afrika 20-kun oo ciidan nabad ilaalin ah in la geeyo Soomaaliya, ka hor intaysan dowladdii ku laaban Soomaaliya, si hubka looga dhigo shacabka hubeysan.

Doodahan ayaa ah kuwo ay dhinacyo kala duwan ka eegayaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliyeed, iyadoo qayb weliba ay fikrad gaar ah oo ay iyadu qabto ay ka bixisay, waxayna fikradaha ay kala qabaan yihiin sidan hoos ku qoran:

Ciidankii hore: Maadaama dalka uu Madaxweyne ka noqoday nin Millatari ah ayaa Ciidammadii hore ee Soomaaliya oo isugu jira Millatari, Booliis iyo qaybihii kale ee Ciidanka Soomaaliyeed waxay kala aaminsan yihiin laba qodob oo kala ah: "In ciidan shisheeye oo la keeno Soomaaliya ay tahay fursad mar kale lagu hana karo hoggaankii dalka ee lumay, sidoo kale waxaa gacanta dadka ka baxaya hubka faraha badan ee galay gacmahooda sannadihii dagaallada sokeeye ay billowga ahaayeen, laakiin waa in ciidankaasi aysan ahaan kuwo amarka ugu sarreeya iyaga la siiyo, oo amarka ugu sarreeya ay lahaadaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ciidankaan cusubna ay ka kaalmeeyaan waxyaabihii hor istaag ku sameeya howshooda" sidaa waxaa qaba Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Millatariga. "Waa in Muqdisho ay si dhaqso ah ku heshaa Nabadgalyo buuxda oo ay shaqeeyaan wasaaradihii iyo xarumihii kale ee dowladda sida saldhigyadii booliiska si loo helo nabadgalyo buuxda ayna dib ugu howlgalaan ciidanka Booliiska oo nabadda guud ee magaalooyinka ka shaqeyn jiray, Ciidan shisheeye oo dalka la keeno waxay kaalin xoog badan ka qaadanaysaa dib u soo celinta Nabaddii habowda ee Soomaaliya" sidaana waxaa qaba Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Culummaa’uddinka: Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed oo iyagu kaalin mug leh kaga jira Bulshada Soomaaliyeed maadaama ay Soomaaliya tahay dowlad 100% Muslim ah ayaa waxay u kala qaybsan yihiin maanta illaa 4-qaybood, waxayna qayb walbaahi qabtaa fikarad u gaara ah:

Qaybta 1-aad oo ah Culummo qunyar socod ah ayaa waxay qabaan in dalka la keeno ciidamo shisheeye, waxayse tilmaameen in ciidanka shisheeye ay ahaadaan kuwo ku eg shaqooyinkii loo xilsaaray oo aanay dadka dhexgelin, waxay culummadani tilmaameen in haddii ciidankaasi ay dadka dhexgalaan ka imaan karto fasahaad iyo inay ka dhashaan dalka Cudurro halis ah sida Cudurka AIDS-ka, waxaana ay intaas ku dareen in ciidankan ay lagama maarmaan tahay inay gacan siiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay iyaga la shaqeeyaan. Markii ay howsha u dhamaatana ay si deg-deg ah uga baxaan dalka.

Qaybta 2-aad oo ah qayb lagu tilmaamo inay yihiin seef-labood ayaa waxay qabaan fikrad si weyn uga soo horjeedda tii hore, waxayna sheegeen in dalka aan la keeni karin wax ciidan shisheeye ah oo aan loo baahnayn in xilligaan la keeno ciidan shisheeye, waayo bay yiraahdeen waxaa dunida ay mudan tahay inay gacan xoog leh u fidiso ciidankii hore ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo iyagu ah ciidan ku filan inay dadka hubka ka dhigaan, marka in la keeno ciidan shisheeye oo weliba gaalo ah haatan looma baahna. Waxay hadalkooda sii raaciyeen in haddii dalka ay yimadaan ciidammo shisheeye ay la jihaadi doonaan oo ay la dagaallami doonaan ilaa ay ka saaraan dhulka Soomaaliyeed. Waxay culummadani sheegeen in ciidanka la keeni doono ay yihiin ciidamo ay u badan yihiin Ethiopian, taasna waa mid aysan ummadda Soomaaliyeed aqbali karin. ayay hadalkooda ku soo gabagabeeyeen.

Qaybta 3-aad oo ah qayb si weyn looga yaqaan Soomaaliya iskuna tilmaama inay yihiin culummada dhabta ah ee Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen in haddii ciidankaas ay yihiin kuwo dadka hubka ka dhigaya oo nabadgalyadii dalka dib u soo celin kara dalka la keeno, haddiise ay yihiin kuwo doonaya inay sidii kuwii UNOSOM oo kale iska dhex galaan dadka yeeli mayno, waxaanana ka hor imaan doonaa. ayay qaybtanna hadalkoodii ku soo gaabsadeen

Qaybta 4-aad oo qayb aan iyadu inta badan ka hadlin bulshada dhexdeeda ayaa waxay si hoose u sheegeen inay wax la qabaan dadka Soomaaliyeed haddii loo baahdo in ciidan la keenana ay soo dhaweynayaa haddii aan loo baahanna ay soo dhaweynayaan, ayay ku gaabsadeen, iyagoo ujeedadoodu tahay haddii dhibaato timaado dhankeenna ayaan ka galaynaa, haddii wanaag yimaadana dhankeennaan ka durduuranaynaa.

Aqoonyahannada: Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa iyagu ah kuwo si weyn uga hadlay ciidanka dalka la keenayo iyo waxay qaban doonaan, waxayna carrabka ku adkeeyeen in haatan ay daruuri tahay amaba loo baahan yahay in dalka ciidammo la lakeeno, waayo bay yiraaheen, waxaa dalka ka jira sharci-darro baahday, waxaana sharci-darradaas sabab uga dhigeen hubkii oo dadka gacmahooda ku jira, waxayna sheegeen inay iyagu yihiin kuwii isbaaradii ugu weynayd loo dhigtay oo ay haatan soo dhaweynayaan ciidan shisheeye oo dadka qoryaha ka qaada.

Siyaasiyiinta: Siyaasiyiinta Soomaalida oo ah kuwo leh ujeeddooyin kala gedgeddisan ayaa waxay qaarkood soo dhaweeyeen in dalka la keeno ciidammo shisheeye halka kawo kalena ay si toos ah uga soo horjeesteen, siyaasiyiinta ka soo horjeesatay ayaa waxay ku andacoonayaan in ciidamo shisheeye oo Soomaaliya la geeyo ay sii hurinayaan dhibaatada ka taagan Soomaaliya, waxayna farta ku fiiqeen in dal la doonayo in nabadgalyadiisa laga shaqeeyo aan la geyn ciidan shisheeye, waxay kaloo sheegeen kuwa diidda in ciidan Soomaaliya la keeno in ciidammadii kal hore dalka yimid ay dagaal kala horyimaadeen Soomaalida, taasina ay na tusayso in rabshado mooyeen aysan kuwanna wax kale ka dhalanayn. ayay qoladanina hadalkoodii ku gaabiyeen. Balse dadka Soomaaliyeed ayaa si hoose isugu sheegaya in siyaasiyiintaani doonayaan inay hubka haystaan si ay uga horyimaadaan dowladda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf haddii ay ka waayaan wixii ay ka doonayeen.

Sidoo kale qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxaha ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciidan dalka la keeno, kuwaasoo sheegay inay ugu horreyn hubkooda ku wareejin doonaan ciidankaas, iyagoo sheegay inay 14-sano wax xal ay qoriga ku keeni waayeen oo ay tahay maanta in la taageero ciidammada Soomaaliya la keenayo oo hubka dalka ka ururinaya, waxayna sheegeen inay ku waayeen qoriga qaar ka mid ah carruurtooda iyo walaalhood. Tanina waxay na tusaysaa sida ay u bislaadeen hoggaamiyeyaasha kooxaha Soomaalida qaarkood.

Odayaasha Dhaqanka: Odayaasha dhaqanka ayaa iyagu hadal ka oran ciidanka la damacsan yahay in Soomaaliya la keeno, balse waxaa laga hayaa inay sheegeen inay taageersan yihiin ciidan dalka la keeno si nabadgalyadii dalka dib loogu soo celiyo. Iyagoo intaa raaciyay in nabadgalyada Soomaaliya meel lagu xiray loona baahan yahay in la helo furihii lagu furi lahaa. ayay hadalkooda ku soo gaabiyeen.

Shacabka Soomaaliyeed: Qaybaha haray ee Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyagu si weyn ugu riyaaqsan in ciidan shisheeye oo Soomaaliya la keeno ay aad u soo dhaweynayaa, Waxayna sheegeen in hubka oo laga qaado ay iyaga u tahay adduunyada oo ay mar kale u soo baxeen, waxayna shacabku sheegeen inay ku waayeen hubkan fara badan walaalo iyo waalid intaba. Sidoo kale waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliyeed Col. C/llaahi Yuusuf Axmed inay dowladdiisu dalka timaado si ay wax badan uga qabato ammaanka gudaha dalka aan la sheegi karin haatan siduu yahay. "Waxaan qaatu billaahi ka taagan nahay ragga hubeysan, oo iyagu dhac iyo kufis noo gaysta mararka qaar" ayay tiri gabar dhallinyaro ah oo in magaceeda la xuso diidday, waxay iyadoo kaftamaysa hadalkeeda raacisay: "Runtii haween dadka isbaaysatana waa la sheegay, ilaase waxaan soo dhaweynayaa in ragga iyo dumarka burcadda ah oo dhanba nalaga qabto".

Haddaba, waxaa muuqata in adduunka ay ka go’an tahay in ciidammo shisheeye Soomaaliya la geeyo, si loo helo Soomaaliya oo muddo 14-sano ah ahayd fowdo iyadoo nabad ah, kuna soo laabta saaxada caalamka. Waxaanse adduunyadu aysan weli ka hadlin siday ka yeelayso xubnaha diiddan in ciidan shisheeye dalka la keeno.

W/D: MAXAMED XUSEEN JIMCAALE (JANTIILE)

E-mail: jantiile12@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2004

Sidee Loo Arkay Dalbashada Ciidamada Shisheeye ee Hub Kadhigista Soomaaliya
Aragtiyaha kala duwan ee ku aadan dalabka Madaxweynaha ee Ciidamada Afrikaanka... warbixin... Guji... Oct 25

somaliaSOMALI ACTION ALLIANCE IYO HAWLGALKA ISBADDELKA BULSHADA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA MINNESOTA
Soomaalida ku nool Minnesota, USA waxaa lagu qiyaasaa 35,000 ilaa 45,000, kuwaas oo Guji..


Soomaaliya oo AU Weydiisatey 20,000 oo Ciidan Nabad ilaalin ah::
iyo kal-fadhi kusaabsan Soomaaliya oo  Lagu Qaban doono Brussels.
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD