Sidee Loo Arkay Dalbashada Ciidamada
Shisheeye si ay Soomaaliya Hubka uga Dhigaan.
Canab Abdule
SomaliTalk.com | Nairobi | Oct 25,
2004
Xarunta Midawga afrika ee Addis Ababa
oo ay dhawaan safar ku tageen madaxweyanaha DFKMG ah, Gudoomiyaha
baarlamaanka iyo wafdi ay hogaaminayeen ayuu madaxweyne C/llaahi Yuusuf
ka dalbaday gudoomiyaha AU-da in ay siiyaan afrika ciidamo gaaraya
20,000,si
ay hub ka dhigis ugu sameeyaan somaliya.
Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa
arrintan uu ku dhaqaaqay madaxweynaha ee dalbashada ciidanka ku aadan ka
hor yimid iyagoo sheegay in ay tahay nidaam ka hor imaanaya xoriyada
baarlamaanka iyo xaq u lahaanshaha in ay ka hadlaan arrimaha jira.
Baarlamaanka oo ah hay’adda Sharci
dajinta ayay xildhibanadan ka soo horjeestay ku tilmaameen in aan
baarlamaanka la soo marsiinin qaraarka ah dalbashada ciidamo afrikaan ah
oo wax ka qabta hub ka dhigista maliishaadka soomaaliyeed.waxayna
intaasi ku dareen in madaxweynaha uu waddo awood ku tumasho baarlamaanka
ah iyo xoog wax ku maquunin sida uu sheegay yuusuf mire Seeraar oo ah
mudane ka tirsan baarlamanka oo shir jaraa’id qabtay maalintii ay
wafgiga uu hogaaminayay madaxweynaha ka ambabaxayeen Nairobi.
Xuseen Maxamad Caydiid oo ka mid ahaa
xildhibaanadii ka soo horjeeday
markii horeba
in ciidamo la geeyo dalka soomaaliya si ay hub ka dhigista gacan
xoogan uga gaystaan ayaa sheeay mar kale in uusan raali ka ahayn ciidamo
afrikaan ah soomaaliya la geeyo waxa uuna ku celiyay in ciidamoshisheeye
ay dhaawac xoogan soo gaarsiiyeen somaliya sanadihii 1992-93-94,waxa
uuna intaas ku daray xuseen caydiid in saraakiishi ciidamada xooga
soomaaliyeed ay diyaar u wada yihiin ka qayb qaadashada tababarida
maliishiyaadka,horayna u soo dhaweeyay dowalada taageero wayna u fidiyay
isagoo xuseen caydiid ugu dambayn sheegay ciidamada shisheeye ee
soomaaliya la gaynayo uu ka soo horjeedo.
Waxaa kale oo jira qaar ka mid ah
baarlamaanka oo qaba in aan la keenin ciidamo oo aan si cad usoo
bandhigin wali diidmadooda iyagoo qaba in baarlamaanka dhexdiisa la
keeno ka dibna laga doodo in ciidamadaas ay hirgalaan iyo aan la gaynin
wax ciidan ah dalka iyadoo tababar loo sameeyo maliishaadka hubaysan
gacanna ay ka gaystaan saraakiisa sarre ee ciidamadii xooga dalka oo
qaarkood ay soo dhaweeyeen dowlada FKMG ah ee soomaaliya.
Hogaamiye siyaasadeedyada kale oo badi
ka soo horjeeda go’aankan uu qaatay C/llaahi Yuusuf waa kuwo aan wali si
cad uga hadlin,laakiin wax walba oo ay samayn lahaayeen mar laga soo
tago kitaabka ALLE oo ay ku dhaarteen in beesha caalamku goob joog ka
ahayn saxiixooda oo aysan ka hadlin haba yaraadee, qaar kale oo baxi
lahaana ay xanibaad ku noqotay xubinimadooda baarlamaanka oo aan fasaxi
karin,balse ka soo horjeeda in ciidamo la geeyo dalka soomaaliya.
Dhinaca kale Ganacsatada soomaaliyeed
oo laf ahaantoodu hubaysan ahna xooggaga ugu wayn ee soomaaliya haystana
dhaqaale iyo hub ayaa siyaabo kala duwam uga hadlay arrintan,mar aan la
kulmay qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Nairobi ayaa sheegay in
xiligan aysan soomaaliya u baahnayn ciidamo shisheeye, soomaalida iyaga
in ay xaaltamaan wax uga wanaagsan malahan in uu dhexdooda wada hadlaan,
qaar kale oo ka mid ah ganacsatada ayaa qaba in ciidamo la geeyo dalka
Soomaliya si aysan u dhicin waxii ku dhacay Dowladdii KMG ahayd ee
Soomaaliya, kadib markii ay ka socon waysay dowladaas hogaamiye
siyaasadeedyada oo adeegsanayay maliishaadka hubaysan.
Shacabka soomaaliyeed ayaa laf
ahaantooda qaba figrado kala duwan oo ku aadan go’aankan ciidamo
keenista, laga soo bilaabo markii ay maqleen in madaxweynaha uu
dalbaday ciidamo afrikaan ah oo gaaraya 20,000 waxay qaarkood ku noqotay
fajaciso tiradaas ciidan ah,waxayna qaarkood soo xasuusteen dhibka ay
ciidamo shisheeye gaarsiiyeen wadamo badan sida ciraaq,oo dhib iyo
ismiidaamin ay ka jirto gudaha dalkasi iyo meelo kale oo badan,xoog ku
maquunina aysan xal keeni doonin,,mar hadii hogaamiyeyaashii siyaasadeed
ay wada ayidsan yihiin dowladan yaa ciidamo loo gaynayaa iyagaaba ka
dhigi kara hubka maliishaadka ay kala hogaamiyaane.
Ma’ahan figarad ahaan shacabku kuwa ka
wada siman in ciidamo aan la gaynin soomaaliya ee waxaa jira kuwo kale
oo qaba in ciidamada ay wax wayn ka badali karaan xasilinta guud ahaan
dalka soomaaliyeed,oo hub aad u badani yaalo taasna ay suurta gal ka
dhigi karto in ciidamo shisheeye ay dalka ka qayb qaataan sidii hub ka
dhigista ay gacan xoogan uga gaystaan,balse shacabka badi ayaa ka
walwalsan dhibaatada ka dhalan karta ka dib marka cidamadaas la geeyo
soomaaliya oo waliba ah kuwo afrikaan ah.
Dhinaca kale waxaa si wayn uga soo
horjeeda in ciidamo la geeyoi soomaaliya Culumada oo sheegay in arrintan
ay dowladu ku dagdagtan loona baahnaa in laga hadlo, Soomaaliya waa
daashay dagaal dambena dan uguma jiro waxayna diyaar u yihin in ay
helaan nabad taas oo aan ku imaan karin xoog iyo dagaal.
Sh.Xasan Daahir Aways oo ka mid ah
culumada ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo ciidamo shisheeye oo la
keeno soomaaliya Sababta oo ah waxay dhaawac u gaysanayaan sida uu
sheegay Sh.,Xsan Daahir Aways dhaqan xumo iyo cudurona u keeni kara
dalka soomaaliya oo intaas ka nabad qabta,balse hadii la keeno
ciidamadaas ay dhib ka badan waxa laga filayo keeni karaan.
Ka sokow diidmada Ciidamada waxa ay
sheegeen Midawga Afrika in aysan ciidmo u diri doonin soomaaliya inta
qof soomaali ahi diidan yahay keenista ciidamo shisheeye dalka
soomaaliya,qaar ka mid ah saraakiisha ayaa sidoo kale diiday in ciidan
la geeyo soomaaliya, dhamaan arrimahan ayaa su’aalo ka taagan ah in uu
meel mari doono go’aanka Madaxweyne c/llaahi Yuusuf iyo Aqlabiyada ugu
badan ee qaybaha Somaaliyeed ee ka soo horjeeda in Ciidan la geeyo dalka
soomaaliya.
Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>