SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

SIMINARKII LABAD EE UU QABTO URURKA SSUF

Ururka Isbahaysiga Dhalinyarada Somaliyed ee Sweden (SSUF) ayaa wuxuu siminarkiisi labaad ku qabtey magalada Stockholm ee wadanka sweden tariikhdi markey aheyd 14/10/2004.

Siminarkaasi oo si habsami ah loo soo agaasimey loona soo qurxiyey ayaa waxaa ka soo qeybgalay aqonyahanno,siyasiyiin iyo dhalinyaro faro badan oo ka kala yimi magaaloyinka wadanka sweden

sida:-Örebro,Borlänge,Gävle,Hallstahammar,stockholm,Söderfors iyo dhalinyaro badan oo wax ka dhigata jamacadaha stockholm.

Waxaa halkasi cashar ka soo jeediyey kahin Ahmed oo ka socdey xafiiska shaqada ee wadanka sweden,wuxuuna halkasi ka soo jeediyey cashar ku sabsan qaabka ugu haboon oo ay dhalinyarada ku heli karaan shaqo ku haboon waxbarashadoda,uuna xafiiska shaqada uu dhalinyarada u hayo fursado badan oo ay shaqo ku heli karaan,dhalinyaradas oo ay dadooda u dhexeyso 18-25jir.

Waxaa kaloo halkasi cashar runtii qiimo iyo qaayo leh ka soo jedisey Drs.Amina Said oo ka mid ah takhatirta waaweyn ee ka saqeysa isbitalka Stockholm,waxayna aad ugu nuxnuxsatey dhibatada isir-naceebka ah oo ay la kulmaan dhalinyarada Somaliyed ee ku nool sweden iyo guud ahaan yuruba,iyo sidii loga hortagi lahaa dhibatadaasi.

Waxay Drs Amina tiri si ay dhalinyarada dhibatadaasi uga baxaan waa in ay waxbartaan oo ay ku dadalaan sidii ay aqoontoda u dhisi lahaayeen,dhibaato kasta oo dunida jirtana waxaa looga bixi karaa in uu horta qofka aqoontisa dhiso haduu yar yahay iyo haduu weyn yahayba,waxayna dhalinyarada ku bararujisey in ay dulqaad yeeshaan,si ay hadafkooda u gaaran,markastana ay ku dadalaan sidii ay dhalinyarada u dhexgeli lahayeen bulshada ay la nool yihiin.

Waxaa kaloo halkasi hadal koban ka soo jediyey Jonas Larsson oo ka socdey hey,ad dowlada sweden u qabilsan dhalinyarada,wuxuna aad u soo dhoweyey howlaha uu ururka SSUF uu wado iyo shaqada uu dhalinyarada u hayo,wuxuuna diiradda sarey in ay haboon tahay sidii ay dhalinyarada ugu dadali lahayeen xagga aqoonta,dowladda swedena ay dhalinyarada u heyso fursado badan oo ay aqoontoda ku dhisi karaan.

Waxaa kaloo halkasi hadal ka soo jeedisey Gia Folk oo iyadana ka socotey urur dhalinyaro swidhish ah,waxayna halkasi ka soo jedisay sida ugu habon oo ay xirir wada shaqeyn ah u yeelan lahayen ururkoda iyo ururka SSUF. waxaa kaloo halkasi hadal koban ka soo jeediyey Kjell-Ove Oscarson oo ka socdey gobolka Stockholm, qeybta u qabilsan ka hortaga mukhadaradka,wuxuna dhalinyarada ku bararujiyey sidii ay isaga ilalin lahayen mukhadaradka aynna u dhisi lahayen aqoontoda.

Waxaa kaloo halkaasi looga hadley dhibatoyinka guri la,aanta,sida ugu haboon oo loga bixi karana waxaa halkaasi ka soo jeedshey labo gabdhood oo somali ah oo ka tirsan siyasiyiinka stockholm, kuwaas oo kala ah Ismahaan Abdullaahi iyo Elma Xanshi,waxayna runtii dhalinyarada goobta isugu yimi u faahfahiyeen sida ugu sahlan oo ay dhalinyarada ku heli karaa guryaha si ay uga baxaan dhibatoyinka guri la,aanta ah ee heysata dhalinyarada.

Gabagabadii siminarka ayaa waxaa halkaasi ka hadley dhalinyaro badan oo runtii u riyaqey qaabka loo soo agasimey siminarka iyo waxyalaha looga hadley,waxayna dhamantood soo jeediyen oo ay ururka SSUF ka codsadeen in barjamidkaan la sii wado loona qabto dhalinyarada barnamijyo badan oo noocan oo kale ah.

Waxaa kaloo halkasi ka hadley ururadii ka yimi gobolada dalka sweden ee ku bohoobay ururka SSUF waxayna codsaden in siminarada marba magaalo lagu qabto si ay fursad u helaan dhalinyarada ku nool magaloyinkooda.

Ugu damayntii waxaa halkaasi ka dhacdey casho sharaf loogu talo galay dhamaan inta ka soo qeybgashey siminarka,waxaa kaloo halkaasi lagu soo bandhigey hiddo iyo dhaqan ay soo bandhigeen koox fananiin ah oo halkaasi lagu martiqaadey iyagoo wata lebiska hidaha iyo dhaqanka,halkaasina ka qaadey heeso guubabo ah iyo kuwo dabacsanba.

xiriiriyaha ururka SSUF
Ahmed Hassan
telefon 4676 2123 772
E- mail a_arten@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk | Oct 22, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD