Cabdillaahi Yuusuf iyo
Somaliland
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com
”Waxay
ila tahay dhammaanteen waan wada og nahay midnimada Soomaaliya in ay tahay
shay lamahuraan ah oo muqaddas ah. Markaa dib u heshiisiinta haddee waxaan
ku darayaa walaalaheen Waqooyiga Soomaaliya oo iyagu la baxay Somaliland.
Dad walaalaheen ah weeye, dad runtii aan aad kollay anigu nin baan ahayoo,
idinkana waan filayaaye, aan uga xanuunsado wixii dhibaato hore u gaaray.
Waxaa loo baahan yahay xukuumadda markii la dhiso wada xaajood nabadeed
iyo sidii loo soo celin lahaa midnimada umadda soomaaliyeed in lagu
soo dabbaalo arrintooda. Waana xaaraan, mana suurtogelayso, xabbad dambe in
aan ridno oo xabbad loola tago walaalaheen.”
Sidaas
ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed u hadlay xafladdii loogu caleemosaaray
madaxnimada Soomaaliya. Waa hadal aad uga duwan dabeecaddii lagu bartay
hoggaamiyeyaasha koonfurta badankooda, kuwaas oo ku hadla afkii kelitaliye
Maxamed Siyaad Barre. Sidan cusub ee uu Cabdillaahi u hadlay waa sidii
seegtay Cabdiqaasim, kaas oo markii la doortay halkii uu ummadda u furi
lahaa wadahadal iyo geeddisocod nabadeed, kana shaqayn lahaa dhayidda
dhaawacyadii la isu geystay, bilaaby dafiraad, hanjabaad iyo dardaarwerin.
Dadaalkiisa iyo dagaalkiisa wuxuu si qaldan ugu jeediyey meelihii maamullada
iyo nabaddu ka jireen, isaga oo is-illawsiiyey waajibkiisii koowaad ee ahaa
in uu Xamar ka dhigo meel lagu noolaan karo oo dawladi ka shaqayn karto.
Waxay ahayd arrin aan sinaba loogu baahnayn in Cabdiqaasim dad wax uu isagu
qaban waayey qabtay, oo degaankooda nabadeeyey bulshaduna dooratay, in uu
inkiro iskuna dayo in uu burburiyo. Isla markaas ma ay habboonayn in uu ku
faano in uu ka tirsnaa taliskii dooxatada ahaa ee Oktoobar, oo uu beeniyo
ama yareeyo halaaggii iyo dumintii uu taliskaasi umadda baday.
Taasi
ha jirto haddana Cabdilaahi Yuusf qudhiisu kama fayooba cudurka siyaasiga
soomaaliyeed dilooday ee ah kursi jacaylka qabyaaladda ku dhafan. Madaxnimo
loo maro waddo walba iyo qabyaalad aan lala gabban Cabdillaahi laguma
tuhunsana ee waa eed ku cad oo aanu isaga qudhiisu marnaba qarsan. Ma aha
nin ku tilmaaman waddaniyad, munaasabado badan ayuuna qabyaalad qaawan
laabta u garaacday ay ugu dambaysay in uu qirtay sababta uu maamulka Sool
iyo Sanaagbari ugu murmayaa in ay tahay qabyaalad, ee aanay ahayn
soomaalinnimo iyo midnimo.
Ha
ahaatee labadaas dabeecadood ma aha labada ugu xun ee siyaasiga maanta
joogaa yeelan karo; waxaa ka sii xun aragtigaabni iyo kartidarro. Labada
dabeecadood ee dambe qofka ku sifoobay ma gaadhi karo heer waxqabad ee
sallaanka koowaad ayuu ku kufaa, laakiin ka leh labada hore – xukun jacayl
iyo qabyaalad – wuxuu yeelan karaa waxqabad, natiijadu ha xumaato ama ha
samaatee. Sidan dambe ayaa Cabdillaahi Yuusuf loo wada arkaa.
Iyada
oo xasuusta lagu wada hayo shashsiyadda Cabdillaahi Yuusuf ayey soomaalida
badankeedu madaxnimadiisa ku qaabbishay shaki iyo digtooni. Kelitalisnimo
hor leh, dhiig badan oo daata, iyo danihii cadawadeed ee Xabashida oo
meelmara ayaa ah saddexda masiibo ee taladiisa laga filan karo. Laakiin
haddana wuxuu noqon karaa fursad khayr leh oo lagaga baxo rubuc qarni
dhimasho, burbur iyo fawdo ah. Iyada oo laga faa’iidaysanayo kartida iyo
dhiirranaanta Cabdillaahi Yuusuf lagu sheego ayaa lagu fushan karaa wax
lagaga baqayo oo dhan beddelkooda. Cidda ugu horraysa ee ay taas dani ugu
jiri kartaa waa Somaliland oo nolosheedi afar iyo toban sano fadhiid u
ahayd, dadaalkeeduna u curyaansanaa, niman aan gari gelin garina ka bixin oo
isbaarooyin Xamar iska hor tuban.
Weli
lama saadaalin karo ilaa inta ay gaadhi karto awoodda fulineed ee dawladda
cusubi, waayo Banaadir waxaa ka buuxa kooxo leh awood ciidan ama dhaqaale
ama labadaba, kuwaas oo laga yaabo in ay soo dhoweyn waayaan ama soo
dhoweeyaan iyaga oo aan dan wanaagsan ka lahayn. Qaarkood danta keliya ee ay
dawladnimada ka rabaan waa in ay sidii sac irmaan Xamar ku xidhaan oo marba
sadaqada ay dunidu ku soo shubto ka shubtaan. Laakiin waxaynu eegaynaa
haddii ay sida wanaagsan u dhacdo oo koonfur ka hirgasho sida ay u wada
dhaqmi doonaan iyada iyo Somaliland.
Dhawaaqa nabadeed ee Cabdillaahi Yuusuf ka soo yeedhay ee Somaliland ku
saabsani sida muuqata ma aha oo keliya xaqiiqo uu ku qancay ee waa natiijo
ka dhalatay cadaadis dusha kaga yimid, shisheeye iyo sokeeyeba. Taageeradii
feejignayd ee Maraykanka ka timid digniintii ku lifaaqnayd ayaa daliil
inoogu filan. Isla markaa meesha kama maqnaan karto Cabdillaahi qudhiisu mar
haddii uu gaadhay yoolkii uu weligii higsnayey in uu goostay arrinta in uu
ka odayeeyo, taas oo aan madaxnimadiisa guul mooyee khasaare ugu jirin.
Waana hubaal khudbaddiisu in ay bakhti afuuftay rajada nabadda iyo midnimada
Soomaaliya inteeda ku aaddan Somaliland, walow ay tahay arrin labada
dhinacba uga baahan kaga dhabayn.
Marka
la gaadho marxaladda wadahadalka waxaa soo baxaysa dhibaato Somaliland ka
jirta oo maanta qarsoon taas oo ah kala qaybsanaanta siyaasadda gobolka.
Siyaasadda Somaliland waxay u kala taagan tahay saddex dhinac: 1) Kooxda
maamulka haysa ee Rayaale hormuudka u yahay uu weheliyo ururka UCID. 2)
Mucaaradka uu Siilaanyo ugu weyn yahay. 3) Midnimo-doonka ay Qaalib, Galaydh
iyo Kalluun ugu caansan yihiin.
Saddexda kooxood mid waliba waxaa laga yaabaa in ay iyadu isa siiso doorka
wadahadalka, taas oo keeni karta in si habaqle ah loogu biiro maamulka
Cabdillaahi Yuusuf. Shaki la’aan taas waxaa ka soo dhex baxaya khasaare
siyaasadeed oo gobolkaas mar kale soo wajaha. Ugu yaraan waxaa meesha ka
baxaysa in cabashooyinkii badnaa ee hore u jiray si dhab ah wax looga qabto,
cabashadaas oo aan sii jiitankeedu soomaalida kale qudheeda dani ugu jirin.
Haddaba si loo garto sida ay dantu ku jirto waa in si daacad ah looga
jawaabaa: Waa maxay cabashooyinka ay tahay in la xalliyo ee gobolku? Dadka
gobolka ma naftooda oo keliya ayuu xil ka saaran yahay mise Soomaaliya oo
dhan?
Jawaabaha labadaas weydiimood ka soo baxa ayaa ina baraya kala duwanaanta
saddexda kooxood iyo wax ay mid waliba ku wanaagsan tahay ama ku xun tahay.
Kooxda koowaad oo ah UDUB-ka talada haya oo xulafo la ah xisbiga UCID waa
kooxda ugu hagjirsan uguna dulqaad yar saddexda kooxood. Waxay qaaddaa
tallaabooyin aan habboonayn waqti aan habboonayn, sida booqashadii Rayaale
ee Laascaanood, iyo hadallo aan munaasab ahayn, sida in rasmi ahaan
Cabdillaahi Yuusuf loogu eedeeyey in uu ka dambeeyey falalkii argagixisada
ahaa ee caddaanka lagu laayey, iyo in uu Faysal Cali Waraabe ku dooday
”Wiilka Addis jooga ayaa iga xiga ka Xamar jooga”. Kooxdani waa caaddifi aan
dulqaad u lahayn aragtida teeda khilaafsan, aad ayeyna ugu liidataa
gaashaanbuursiga soomaalida koonfurta, wyna ka indho la dahay maslaxadda
guud ee soomaalida. Geeridii Cigaal ayaa kooxdan ku ahayd dhabarjab weyn oo
ay ka soo kaban weyday. Sidaa darteed wadahadal kasta oo ay kooxdani la
yeelanayso maamulka Cabdillaahi Yuusuf waxaa loo baahanayaa gacan saddexaad
oo dhexdhexaadisa. Gacanta saddexaad ma noqon karto Itoobbiya, oo in kasta
oo ay labada qolaba isku fiican yihiin haddana aan marnaba si daacad ah uga
shaqayn doonin isu soo dhoweyntooda.
Qolada
labaad, oo ah mucaaradka ururka UDUB ee uu Siilaanyo hoggaaminayo, iyo qaar
ka mid ah ruugcaddaaga ururkii SMN, tii hore way uga bisishahay wada xaajood
noocan ah. Waxaad mooddaa in ay xamaasadda gooni goosadka iyo baqdinta
koonfurta laga qabaa ku yar tahay, isla markaas ay naftooda iyo
siyaasaddooda u diyaariyeen aqoonsi la’aan Somaliland ku timaadda iyo
midnimo lagu khasbanaado. Isla markaas dacaayaddooda siyaasadeed waxay ku
salaysan tahay SNM, ururkaas oo aan run ahaantii weligii si dhab ah ugu
ololayn kala go’a Soomaaliya. Mar kalena xubnaha sarsare ee ka soo jeeda SNM
waxaa u nugul dareenka dhinaca kale ee wadahadalka uu hoggaaminayo
Cabdillaahi Yuusuf (SSDF), waxaana la isla fahmi karaa wax badan oo aan
hadhaadigii Kacaanka la isla fahmi karin. Laakiin kooxdan oo keligeed
wadahadalka isu qoondaysa waxaa ka dhalanaysa halis ah in loo arko mid kala
dhantaalaysa midnimada gobolka. Kooxdani waxtarka ugu weyn waxay yeelan
kartaa haddii ay wadahadalka qayb ka ahaato iyada oo la socota kuwa talada
haya.
Kooxda
saddexaad ee u taagan in iyada Somaliland lagala arrinsado waa dadka lagu
magacaabo ”Soomaaliweyne” ama ”Federaaliste” ee weligood ku soo jiray
dadaalladii lagu raadinayey soo celinta dawladnimadii iyo midnimadii
Soomaaliya. Shakhsiyaadkaasi run ahaantii waxay ka mid yihiin kuwa ugu aqoon
iyo waayo’aragnimo fiican dhammaan siyaasiyiinta gobolka, waxaase lagu
xantaa niyadsamida ay Soomaaliya u qabaan in ay la mid tahay tii ”la eeday”
ee lixdankii. Sidoo kale waxaa lagu xantaa midnimada ay raadinayaan in ay ka
tahay xin ay kula ficiltamayaan dadkii siyaasadda Somaliland kaga adkaaday.
Kooxdani iyaduna markii ay Cabdiraxmaan-Tuur wayday waxay isu rogtay wax aan
ka duwanayn ”Bulshada Rayidka ah” (Civil Soceity), mana leh fikrado iyo
qorshe muuqda oo dalka dib loogu midayn karo, ama baahida reer waqooyiga
lagu meel marinayo. Sidaa darteed ma aha dad soo saari kara ama muhimmad
siinaya danaha gaarka ah ee gobolka, waxbana lama wadaagi karaan
qabqablayaasha koonfurta oo ah niman bahaloobay oo aan qof debecsan u
arxamayn. Xil kasta oo ay kooxdani maamulka Cabdillaahi Yuusuf ka qabataa
kama duwana xil loo dhiibay qof reer koonfureed ah, mana dhaamayaan sidii ay
ka ahaayeen maamulladii Cali Mahdi, Caydiid iyo Cabdiqaasim. Sinaba uma
matali karaan beelaha ay ka soo jeedaan, marka laga reebo Dr. Galaydh.
Xaalka
marka sidaas loo arko waxaa loo baahan yahay, cid walbana dani ugu jirtaa,
saddexda kooxood in ay midoobaan, arrintana wadajir u gorfeeyaan, dabadeed
sidaas wadahadalka ku galaan. Waxaa laga yaabaa Cabdillaahi Yuusuf
saddexdaas kooxood ta uu dan bido in uu la xaajoodo, kuna dadaalo in uu sii
kala fogeeyo si uu uga dhex faa’iidaysto. Taasi run ahaantii waxay ka hor
imanaysaa maslaxadda dhabta ah ee gobolka iyo ta guud ee dalka, waxayna
dhalin kartaa danta loo socdo beddelkeeda oo xataa Cabdillaahi Yuusuf ku
rogmi karta. Cid aan kalsoonida bulshada haysan oo lala hadlaa gudaha
Somaliland waxay ka abuuri kartaa qalaanqal iyo xasillooni darro, bulshadana
Cabdillaahi Yuusuf waxay u tusi kartaa cadow noloshooda iyo nabaddooda
duullaan ku ah. Sidaa darteed waxaa la gudboon in uu la hadlo cidda ay
taladu ka go'do ee haysata kalsoonida iyo doorashada bulshada gobolkaas,
kana faa'iidaysto qaladaadkii Cali Mahdi iyo Cabdiqaasim. Sidaas ayaa lagu
gaadhi karaa heshiis meelmar ah oo loo wada aayo.
Wadahadalka la filayo ka hor iyo ka dibba waxaa muhiim ah deeqda ay dunidu
Soomaaliya ugu yaboohi doonto in qayb weyn loo qoondeeyo dib u dhiska iyo
dib u noolaynta waqooyiga oo ku burburay kuna naafoobay awooddii Qaranka
Soomaaliya intii ay dawladnimadu jirtay, halka ay koonfurta badankeedu ku
burburtay legdan beeleed. Cid kasta oo doonaysa in ay kasbato niyadda iyo
kalsoonida dadweynaha gobolka, haddii ay noqoto midnimo iyo madaxnimaba,
waxaa ku filan saddex qodob: 1) In la qiro falkii dabargoynta ku sinnaa ee
dadkaas magaca soomaalinnimada loogu geystay; khudbaddii Cabdillaahi Yuusuf
ayaana taas u ahayd bilaw wanaagsan. 2) ln la soo hor dhigo hannaan midnimo
oo dammaanad qaadaya wixii sannadihii 80-kii dhacay in aysan dib u dhacayn.
3) In la tuso dawladnimadii dhulkooda lagu dumiyey oo dib loogu dhisayo.
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 22, 2004
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Baaritaan ku saabsan
Faraxumaynta iyo Xabsiga loo Gaystay Samsam iyo Dilkii
loo gaystay Marxuum
»Hargeysa:
faraxumayntii loo geystey Samsam Axmed Ducaale
»Mugadisho:
Dilkii loo geystey Marxuum Cabaas Cabdi Cali
Dhammaan ka akhri halkan... Guji...
Oct 20, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com