Oktoobar waa tee waa tumaaa
A Waaberi
awaaberi@yahoo.com
Oktoobareey adaa lahaa!
- Sodon sanaba (Afartan iyo far)Qaran
baan ahayn calan u saaraaye Waa maxay sawaxankiyo hadba salowga yeeraayo
- Sal ka kaca qabiiliyo maxaa ololka soo
saaray
- Soomaali wada ilbixi baan lahaa nacab
ha suuxeeyo
- Saldanadiina adkaysta baan lahaa yaan
la saabiline
- Sumcadooda Toosaan lahaa way isa
saamixiye
- Sareedada Barwaaqada baan lahaa ha u
sinaadeene
- Saqiir iyo kabiir baan lahaa way isa
saamixiye
- Soomaali sidaan la rabay diiday samihiiye
- Saluugtay oo midnimadii nacday, hoog ma wada saaqay.
- ......................
Nuux Saciid Naxar
Oktoobareey ahlan Wasahlan.
Oktoobar waa tee waa tumaa
Towrada tan barakaysan, Talaabadii ay qaaday, Dadweynaha tiisa
daryeeshoo, tabar iyo taagba garabkiinaan taagnahay..
Oktoobar waa daruur hilaacday oo Soomaali u daday..
Oktoobar waa teeniyo.
.
Dhamaan erayadaas iyo kuwo kaloo badan waxay ka mid ahaayeen qaybo ka
mid ah Suugaanta lagu soo dhawayn jiray Maalinta ku aadan maanta oo
kale oo bishu tahay 21ka Oktoobar. Waa maalintii uu curtay Kacaankii
Oktoobar ee dalka ka hana qaaday dabayaaqadii1969, ayna talada la
wareegeen Ciidanmdii Xooga dalka Soomaaliyeed. Hadaba waxaa Mudnaan
mudan in aanu dib u jaleecno Malintaas oo maanta ka soo wareegatay Shan
iyo Soson sanadood. oo run ahaantii ah dhacdo aanan marna ka baa
ba'ynin taariikhda casriga ah ee Soomaalioda, iyadoo wadatay Wanaag
badan iyo dhaliilaba. Hadaba Akhristoow Saraakiishaas Kacaanka
dhalisay Darajadooda iyo Magacyadooda waxay kala ahaayeen sidan: iyadoo
ay ka nool yihiin in la eg kala bar.
1. Maj. Gen.
Maxamed Siyaad Barre (Militeri)*
2. Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis)*
3. Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Militeri)*
4. Brig. General Xuseyn Kulmiye Afrax (Boolis)*
5. Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Militeri)*
6. Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Militeri)
7. Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadhil (Militeri)*
8. Col. Cali Mataan Xaashi (Militeri)*
. Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis)
10. Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis)
11. Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Militeri)
12. Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Militeri)
13. Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis)
14. Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Militeri)
15. Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Militeri)
16. Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Militeri)
17. Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Militeri)*
8. Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Militeri))
19. Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Militeri)*
0. Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Militeri))
21. Maj. Cadulqaadir Xaaji Maxamed (Militeri)*
2. Maj. Maxamed Cumar Jees (Militeri)*
3. Maj. Cusmaan Maxamed Jeele (Militeri)
24. Maj. Muuse Rabiile Good (Militeri)*
25 Maj. Cabdi Warsame Isaaq (Militeri)
akeste waxaan intaas ugu tala galay in aanu ogaano shaqsiyaadkii lagu
sheegi jiray Golahii sare ee kacaanka. Hadaba waxaan iswaydiin leh
muxuu Ina taray Kacankaas maxuuse inoo dhimay? Waa suaal aad u weyn oo
an is leeyahay hadii loogu tala galo in laga jawaabo ay u baahanayso
waqti badan iyo baarid qoto dheer, balse aniga waxaan is ku dayayaa
Caawa bal inaan wax ka yara xuso arimaaha intii karaamkayga, Ogaadana
Soomaalida waxay ku maah-mahadaa Ilaahow Eexna ha inooga tegin aqoon
laaana ha inagu cadaabin. Marka qoraalkaya waxaan masdar ugu dhigaya
arinkaas.
.
Sideedaba Shay waxaa la ogaan karaa nafcigiisa marka uu kaa maqan yahay
oo aad u baahato, oo maanta waxaanu ogaanay nafciga ay leedahay
Qaranimada iyo Dowlad nimada oo waxaanu lanahay Mudo ka badan Dhowr iyo
toban sannodood. Walow maanta la leeyahay wa ala yagleelay, balse
aanana fara ka qodnayn
Waxaan shaki ku jirin in qof kasta oo inaga mid ahi uu maanta dareen
san yahay Micnaha Dowlad nimada ay leedahay ee aanu lahaan jirnay in ka
badan Afartan sanadood..Hadaba anoonan jeclayn in an u boodo meel kale
aan taariikh yar xuso Waxa ka jiray Wadanka Kacaanka ka hor,
Sanadihii 1960-1969 dowladihii jiray waxaa loogu yeeri jiray Dowladaii
Rayidka oo loogu jeedo in ay ka marnaayeen Ciidamada, waloow hadana
Bulshad aay ugu yeeri jirtay Xiligii MUSUQ MAASUQA, oo waxay ahayeen
kuwo ku dhisan in mar walba danaha qabiilka laga hormariyo tan gud
ahaned midaasoo sii kala fogaysay xasiloonida iyo mid-nimada ummadda
Soomaliyeed., waxaa meesha ka baxay in wax loo qabto Bulshada iyadoo ay
noqotay in Maamul xumadii iyo muqus maasuqii dalka ka jiray ay keentay
in maalin Cad la dilo Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr;
C/rashiid Cali Sharma'arke
Wadanka dhamaantiis waa ay saamaysay maaul xumadaas, maalin kastan
xumaanta iyo dhibaatada waa ay sii kordhaysay, taa oo ay dadka ku
taamayeen in ay Ciidamada Qalabka sida wax ka qabtaan MUSUQ- MAASUQAAS
iyo baa baaas wadanka naafeyey, iyagoo ku taamayey shacabka in mar un
ay wadanka ka dhacaan is badel oo ay la wareegaan Ciidmada qalabka
sida.. Dowladii Rayidka ahaa dadweynihii waa uu nacay arimaha ay ku
eedeeynayeena waxaa ka mid ahaa qaarkood: Himadii iyo rajadii loo qabay
oo la waayey dhibaatooyinka Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulshadeedba oo
sii kordhay, Xaqdaradii oo noqotay wax lagu faano, iyadoo uu nin waliba
waxa uu doonayo iyo sidii uu doono wax u maamulo, Sharcigii wadanka
lahaa oo u muuqday wax meel la iska dhigay, maslaxadii Guud oo la
laabay, loona guntaday tan gaar ahaend..Waxaa la tiriyey Suugaano badan
oo ay ka mid ahaayeen:
- Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhowraay
- Dowladnimada Qabiil dhexgashee kala dhowraay
- Waan is dhinac wadnaa kala dhowraay
- ..................
Cali Sugule
Akhristoow Bulshada Soomaliyeed meel kasta oo uu joogba waa uu soo
dhaweeyey Kacaankaas ay hogaaminayeen Ciidamada Qalabka Sida oo uu
Hormuudna u ahaa Jenraal Maxmed Siyaad Barre. Waxaa Xaqiiq ah in
maamulkas ay Soomaali ka dhaxashy Maamuus iyo Magac maamulkaas Kacaanka
ahaa waxa uu goaaminyey in ay xididada u siibayaan cadowyada is
biirsaday ee naafeeyey ummadda Soomaliyeed oo ay ka mid ka ahaayeen
Gaajada, Cudurka, Jahliga iyo Qabiilka.
Kacaankii Oktoobar ee dalka Hogaaminaye in ku dhow 21 sanadod waxa uu
wadanka Soomaliya gaarsiiyey Guulo waaweyn oo la taaban karo iyadoo
aysan Cidina dafiri karin Guulahaas, hadaba akhristoow waxaa guulahaas
ka mid ahaa ;mashaariicda degdega ahaa ee uu kacanka Markii uu dhashay
qabtay waxayka kala ahaayen: Wadada isku xirta magaalooyuinka Beldweyne
ilaa iyo Burco, taasoo uu dherekeedu ahaa 1070km., warshada hilibka ee
kismaayo oo qorsho loo sameeyey, warshada baakadaha ee Jamaame,
Warshada Kaluunka ee Laasqoray, Dekeda Cusub ee Magaalada Muqdisho,
Warshada Badarka ee Muqdisho, Degeda Cusub ee Magaalada Ber bera,
Garoomada Dayuuradaha ee Caalamiga ha ee Muqdisho, hargaysa, Iyo
Kaalgacyo. Waxaa sidoo kale isla sanadahaas la abuuray ururada
Iskaashatooyinka, iyo kuwa Shaqaalaha iyo kuwa dhalinyarada iyo
Haeenkaba, Bangiga Horumarinta Soomaliyeeed, Wakaaladii Xooga korontada
ummada Soomaliyed, Wakaalda Gaadiidka Ex FIAT, Wakaalda Daawooyinka, Ex
SPIMA, Wakalada Batroolka Ummadda
Soomaliyeee, Wakaalda Caymiska Soomaliyeed, Mashaariicda Faaanoole iyo
Dooxada Jubba qaybihiisii Koowaad, Waxay kaloo Dhistay Kacankaas
Warshado badan oo ay ka mid ahaayeen Warshdii Hargaha iyo Saamaha
magaalooyinka Hargaysa, Muqdusho, Kismaayo, Warshadii Sifeynta
Batroolka , warshadii Shamiintada ee Berbara, Warshadii Sigaarka iyo
taraqa ee Xamar, Warshadii Saliida ee Muqdisho, warshdii Labanka iyo
qudaarta ee Afgooye, warshadii Birta ee Xamar, warshadii Salabka
Ciidamada ee Muqdisho, hargaysa, iyo Gaalkacyo.Degada cusub ee
Kismaayo, Boosaaso, iyo kuwo kale, dhisida garoonka Cayaarah ee
Muqdisho satdium, dhisidii Iskuulad waxbarshada ee tiro iyo tayaba
lahayd..
Waxaa kaloo wax qabadkiisa ka maid ahaa kacankaas
- 1- Qorista Afka Soomaaliga oo maanta laga isticmaalo 5ta
Soomaaliya.(Israc)
- 2-Dajintii dadkii Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey Abaartii Dabadheeer.
dib u dejin lagu sameeyey in ka badan 125000 oo ah kuwii abaaruhu aay
Waxyeelada u
Gaysteen.
- 3-Horumarinta iyo Wacyigalinta Bulsha weynta soomaaliyeed.
- 4-Dhiirigelintii ka bixida ma shaqeystenimada.
- 5-Xoreyntii Soomaligalbeed. oo aaheyd gool weyn.
- 6-Ka mid noqoshadii Jaamicadda Carrabta.
- 7- Ka qeybgalkii Ciidamada Soomaaliyeed Xoriyo gaarsiinta dalalka
Africa.
- 8-Ololihii Iskaa wax u qabso ee dalka lagu dhisay.( Alow yaa noo soo
celiya)
- 9-Horrumarinta Arrimaha Bulshada.
- 10 Abuurista Jaamacadda Ummadda oo
yeelatay
ilaa sagaal Kulliyadood oo lagu barto cilmiga Casriga ahaayna ka soo
qalinjabin jireen sanadwalba
Takhaatiir,Ijnineero,Dhaqaloyahanno,Jooloojiyiin,takhaatiirta
xannaanada
Xoolaha ,Agronomayaal iyo kuwa kale.
- 11-Dhismaha Dugsiyo (School) farabadan, Farsamo iyo mehradoba leh
- 12- Baahinta Waxbarshada
- 13-La dagaalka Jahliga.
- 14- Dhowrista Bee'ada (Envioronment)
- 15-La dagaalanka Akhris-qorid la'aanta.
- 16; Bacaad celintii Shalanbood
Akhristoow anigoo og inuu jiray qaladaad badan hadana waxaan indhaha
laga qarsan karin heerka aanu gaarnay iyo heerka aanu maanta naalno,
inay san ahayn kuwo la isla meel dhigo karo, Dhamaan Guulahaas iyo
qasaarooyinkaasba Taariikhiga ahi, ma ahan kuwa ay keeneen Qabiil gooni
ah,Amase loo saari karo qopf gooni ah, balse waxaa keenay Bulsho weynta
Soomaaliyeed oo u adeegaeyey dalkooda iyo dadkoodaba, marka hadii ay
xumaan ahayd waan wada leenahay hadii ay wanaag ahaydna waan wada
leenahay, waxaana idiin soo gudbin doonaa qaybtii labaad ee ahayd WAX
QALADKII KACAANKA! oo ay ka mid ahaayeen:
1, Ku tagri fal lagu tagri falay awooda, iyadoo maamulkii saxda ahaa
laga leexday loona guntaday nin jeclaysi iyo qabiilaysi aan qarsoonayn
taasoo bulshada rayidka ah loo sheegay in waa hore la xabaalay, balse
dib boorka looga jaftay oo shati hor leh loo soo geliyey
2.xasuuqii ka dhacay Gobollaad Waqooyi ee dalka soomaliya iyadooloo
adeegsaday ,madaafiicdii loogu talagalay in lagu difaaco Cadowga, Walow
ay iyana waxba la harin kuwii mucaaradka ahaa oo dabada ka riixayeen
Cadowga Ummadda Soomaaliyeed, kuwaasoo qasaaro weyn u gaystay shacabkja
iyo Dowladaba.
3.Dilkii 1989 ka dhacay xeebta jasiira oo lagu xasuuqay dad aan waxba
galabsan oo rayid ahaa, taasoo weli xanuunkeeda taagan yahay. iyo
dhibatooyin kale oo badan
Siday doontaba ha ahaatee, Laga soo bilaabo 1960kii ilaaa iyo
eegadan la joogo, dalka waxa uu soo maray nidaamyo kala duwan, oo aanu
odhaan karno nidaamkan qaan gaarnimada ku dhow mid ka xun ma uusan
jirin.General Maxamed Siyaad Barre ( Allaha u naxariistee) markii uu
xukunka qabsaday waxa uu Ummadda Soomaaliyeed u sheegay in ay gunimadda
iyo gaajadda uga bixi karaan Gacantooda, oo ay hilmaamaan baryada
shisheeyaha, oo wax auu halqabsi ka dhigan jiray (Biyo sacabaadaada
looga dhergaa) taasina waan aragnay guulihii uu gaaray Kacaankii
Oktoobar.
Cali MAhadi Maalintii Xukunka Loo caleemo, isaga oo ay ku noqotay
lama filaan, hadalkiisii ugu horeeyey oo uu codsado waxa uu haa Naafato
iyo Badar,
Madaxweyne C/qaasim markii loo dhaarioyey Xilka Dowlada KMG ahi wax
uu u guntaday Tacab iyo Lacag uruursi isagoo aduunka ka codasaday in
lacag lala soo gaaro, ilaa iyo hadana lama oga meesha ay lacagtaas
martay, Madaxweynha waxaa lagu xantaa inuu yahay Nin Boorsadiisa aanu
buuxasamin. oo xataa ka faaa 'idaysan waayey fursadaa soo martayh oo
ahayd inuu maanta soomalaiya ka bixiyo xiliga xun , oo ay u
heelanaaayeen dham,aan shacbi weynaha Soomaliyeed,
Madaxwenaha Cusub ee dfkmg ah Mudane C/laahi Yuusuf, oo ahaa Ninka
ugu qaybta badan Bur burka wadanka soo gaaray, isagoo cadeeyey in hadii
uu shalay haaa Dumiye, Dille , Maanta inuu yahay Dhise, Nooleeye, Waxa
uu codsaday waa In wadanka la keeno Ciidamio shisheeye, Hadaba Akhriste
Nimankaas keebaa u dhawaa u adeega Bulshada ummadda Soomaaliyeed. Waa
Su'aal ay u furan thay in ay ka jawabaan qof kasta oo maskax Fiyow leh,
kana maran Nin jeclaysogas iyo u adeegida danaha shisheeye
( La soco qaybaha kale ee Guulihii iyo waxyeladii Kacaanka Oktoobar)
waxaana qoraalkayga ku soo koobayaa Tixda uu tiriey Allah u naxariiste
C/laahi Suldaan Tiama Cade waxuu yidhi;
Dix Dhagaxeed
Dabuubtiisa gabay
waan ka tagay dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane
................
Cabdullahi Suldaan "Timacadde
A Waaberi Awaaberi@yahoo.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 22, 2004
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Baaritaan ku saabsan
Faraxumaynta iyo Xabsiga loo Gaystay Samsam iyo Dilkii
loo gaystay Marxuum
»Hargeysa:
faraxumayntii loo geystey Samsam Axmed Ducaale
»Mugadisho:
Dilkii loo geystey Marxuum Cabaas Cabdi Cali
Dhammaan ka akhri halkan... Guji...
Oct 20, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|