WAA MAXAY DOORKA XUKUUMADDA
SOMALILAND EMBIGATHI DABADEED
Ilaahay ayaa Mahad oo dhami u
sugnaatay, Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaato nebigeena
Suuban Maxamed (C.S.W).
14 Sanadood ayaa hadda laga jooga
xilligii aynu madaxbanaanida iyo qaranimada la soo noqonay, waxaana
hubaal ah in markii aynu ka arrinsanaynay qarannimadeena iyo
Madaxbanaanideena aynu muddo badan darisnay waxyaabaha fooda inagu
soo hayey wakhtigaasi (1991-kii), taa waxaan uga jeeda ma aynaan
filaynin in colaad daba dheerata marnaba ku habsanayso Dalka aynu
jaarka nahay ee Soomaaliya, balse si kasta ha ahaate nidaamkii kala
guurka ahaa ee SNM intii u dhexeysay 1991 ilaa 1993-kii waxaynu
dhiganay axdi qarameedyo ay saxeexeen dhammaan beel wadaagta
Somaliland kuwaasi oo loo odorosay qaab beeleed salkiisu aanay ka
fogayn qaab siyaasadeed (political elders agenda) sidaan filayo
wakhtigaasi waxaynu dhiganay qorshayaal manfac ah oo aynu kula
xaajoonayno dalkii aynu kala baxnay ee Soomaaliya, qorshayaashaasi
ma ay taabanayn oo qudhaata Madaxtinimada iyo jiritaanka Somaliland
oo aynu sheegnay inaan gorgortan la gelinaynin, balse waxaa ku jiray
qorshayaal muhiim ah oo ay ka mid tahay in dhaqaalahii dalkii la
isku odhan jiray Jamhuuriayaddii Soomaaliya wixii bad-baaday ee
dibadda u yaalla si isleeg loo qaybsado, qaraarada ay beesha
caalamku ugu tallo galayso dibu dhiska (reconstruction plan) oo sida
la sheegay ku kacaya lacag gaadhaysa 60 bilyan oo dollarka
maraykanka ah ay Somaliland Saamigeeda toos gacanta looga geliyo.
Akhristaha/Muwaadinka Somalilander-ka
ahow waxaa igu kelifay inaan qodobka gorfayn weyn usoo qaato fahmid
la'aan inaga siyaasiyiinteena iyo Xukuumadeena dhex yaalla oo ah
sidee ayeynu u wajahayna haddiiba ay timaaddo nidaam ay beesha
caalamku ku danaynayso in ay inagu dhex dhexaadiso Waddankii aynu
kala go'nay ee Soomaliya, runtii ma aha arrin fudud mana ku koobnaan
karto laba weedhood oo warbaahinta la isku waydaarsado, balse waxaan
doonaya inaan laba dhinac u kala saaro labadaasi dhinac oo ah
Qorshaha ay Xukuumaddu ku soo bandhigtay Shirar jaraa'id oo
Madaxtooyada laga soo saaray, iyo Qorshaha kale ee ay wataan
qolooyinka Mucaaridka ah sida Xisbiga Kulmiye oo 20 bishani oo ugu
danbaysay gudoomiyahoogu weraysi uu siiyey idaacadda B.B.C da
qaybteeda afka Soomaaliga ku hadasha.
QOSHAHA XUKUUMADDU
FAA'IIDOOYINKA UU LEEYAHAY WAA MAXAY MAXAASE KHASAARE INAGU AH
MAGACA
SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa
in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay
Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma
Siyaasiyiinta mise Shacabka?
Fahad
|
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu
yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya
qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba
dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen
walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka
camiran ee Somaliland"
Salahudin
|
"Miyaan
niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa,
magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay
dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)"
C/Waaxid |
"dadkaasi
la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan
urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo
magaciisa la yidhaahdo ONLF"
Diridhaba |
Kuwii
sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada
Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay
dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu
yimi hargeysa si ay ula noolaadaan"
Asad |
"Shacbiga
Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba
sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "
Faysal |
"7/12/2002
ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir
riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka
dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay
laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa
rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey"
XagarYare |
Doodii Dadweynaha ee 2001
|
Xukuumadda Somaliland waa
halbawlaha go'aan qaadashada Qaranka Somaliland, waxaanay awood u
leeyahiin xaqna u leeyahiin iyaga oo la kaashanaya labada gole qaran
inay ka arrinsadaan qorshe hufan oo lagula xaajoon karo dawlad kasta
oo Soomaaliya ka dhalata, balse waxaan jecelahay inaan halkani qodob
qodob ugu soo qaado ajandayaasha dawliga ah ee ay xukuumaddu hor
dhigtay dawlad kasta oo Soomaaliya yeelato sidii ay ula xaajoon
lahayd Somaliland.
Sida war Saxafadeed uu ku
saxeexanyahay afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Cabdi Idiris Ducaale soo saaray dhawaan waxaa lagu xaqiijiyey
in isbedel horleh lagu sameeyey Siyaasaddii Somaliland ay kula
xaajoonba lahayd xukuumad kasta oo ka timaad xagga Soomaaliya, waxaa
lagu sheegay war saxafadeedkaasi in Xukuumadda Somaliland ay
la xaajoon doonto oo qudhaata Xukuumad si dimuqraadi ah ay dadkeedu
ugu soo doorteen dalka Soomaaliya Sida Somaliland oo kale,
runtii marka laga hadlaayo hanaanka Diblomaasiyadda iyo hadafka
dawliga ah iyo xaqqa isbidista go'aan qaadashada waxaan xukuumadda
Jamhuuriyadda Somaliland qodobkaasi ugu diraya hambalyo iyo
boogaadin ay ku mudanyahiin, waayo run ahaantii sharaf ahaan
Somaliland ma qumana inay hor fadhiistaan dawlad sida la sheegay ay
soo dhiseen Hogaamiye kooxeedyo iyo dhuuni raac siyaasadeed sida ta
embigathi oo kale, sidoo kale Xukuumaddu waxay go'aankaasi aad ugu
saxsanayd iyada oo Baarlamaan ku sheegga lagu onkay tuuladda
embigathi ee dalka Kenya ay ku jiraan rag dhalasho ahaan
Somalilanders ah kana dhaadhicinaya beesha Caalamka in ay iyagu
matalaan Somaliland, qodobkaasi ay xukuumadd go'aanka ku gaadhay waa
qodob sharafeed qumanna in sidiisa loogu adkaysto ilaa inta cadaadis
siyaasadeed inagu imanayo"external political pressure" (maba
qabo eh), hadiiba laga fursan waayo in aynu la xaajoono Xukuumadda
lagu dhisay Embigathi waxaan usoo jeedinaya Xukuumadda Somaliland
inay tallooyinkani qaatan.
1) In sida ugu dhakhsaha badanleh
looga saaro Xukuumadda Embigathi lagu sameeyey dhammaan dadka
dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, baarlamaanka iyo Xukuumadda
halkaasi lagu dhisayna lagu koobo oo qudhaata Soomaaliya ee ayna
Somaliland waxba ka gelin
2) Qarannimada iyo Madax banaanida
Somaliland inay tahay mid aan sinaba gorgortan siyaasadeed loo galin
karin ajandaha wada xajoodkana imanba karin.
3) In Xukuumaddaasi Embigathi si
bilaa shuruud ah aqoonsi buuxda usiiso Jamhuuriyadda Somaliland,
kana codsato beesha caalamka in aqoonsi buuxda la siiyo Somaliland
4) In si bilaa shuruud ah loo
gorfeeyo xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo labada dal
dhex mara, hantidii u taallay dibadana si dhex dhexaad ah loo
qaybsado.
Waxaan filaya qodobadaasi waa kuwa
ugu muhiimsan ee haboon inay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland
istaagto intaan beesha caalamku dhex dhexaad ka gelin ilaa
xukuumadaasi Soomaaliya loo sameeyey aqbasho.
Dhinaca kale waxaa haboon in
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin
uu qaado tallaabo siyaasadeed oo wax ku ool ah isaga oo uruurinaya
dhammaan dadka mutacalimiinta ah iyo dadka waxgaradka ah soona
dhawaysanaaya axsaabta siyaasadda Somaliland si mucaaridadu u
yaraato, waxaa haboon Mr. President inaad yagleesho Haayad rigli ah
oo uruurisa siyaasad kasta oo aynu ku wajahi karo Soomaaliya, waxaa
haboon in qorshayaal wax ku ool ah la odoroso laguna xardho waraaqo
(original documents) si aynu beesha caalamka u hordhigno, loona
mariyo saaxiibadeen sida waddanka Britain ama Ethiopia oo kale
qaramada Midoobay fadhiyada golaha amaankana looga akhriyo
qaraaradeena iyo masayrkeena.
Waxaa haboon Mr. President inaad
dibu habayn weyn ku samayso siyaasadeena arrimaha dibadda una
samayso qorshe rigli ah, lana yareeyo is daba cararkan faraha
badanleh ee ka muuqda xukuumadaada ee Wasiirka Maaliyaddu faraha la
galaayo hawlaha wasaaradda arrimaha dibadda oo kale, waxaa haboon
inaynu adkayno xoojinana wakiilada Somaliland dibada u jooga oo ay
xukuumadda is ogyahiin lana yareeyo sheegashooyinka faraha badanleh
ee rag badan oo dalkan Somaliland u dhashay mid kasta sheeganayo in
xukuumaddu u caleemo saartay raadinta aqoonsiga Somaliland, aynanu
ku wajahno qorshe nidaamsan oo quman oo dawli ah, oo ay axsaabta
Mucaaridkuna tallo wadaag balaadhan ku leeyahiin.
WAA MAXAY DOORKA MUCAARIDKU
Aan Hambalyo iyo Boogaadin
balaadhan u diro dhamaan Mucaaridka Somaliland waxaan u jeeda
axsaabta mucaaridka Somaliland oo run ahaantii Muujiyey xilkasnimo
iyo Wadaninimo faro badan iskuna soo dhaweeyey Xukuumadooda,
taageero buuxdana siiyey qorshayaasha golaha dhexe (xukuumadda
Somaliland) ka soo saartay dawladda la sheegay in loo yagleelay
Soomaaliya, balse Saaxiibayaal waxaa kale oo aan jeclaan lahaa inaan
idiin bildhaamiyo tallo wadaag aan hubo inaad hanaankeed haddadanba
haysaan oo ah sidii aynu shacab xukuumad iyo Mucaarid iskugu soo
dhawaan lahayn, talooyin kookoban ayaan jecelahay inaan idiin soo
jeediyo.
1) In xukuumadda aad ku taageertaan
qorshe kasta oo dalka dan ugu jirto lana siiyo xukuumadda awood ay
tallaabo kasta oo siyaasadeed ku qaadan karto.
2.) in Mucaaridada gudaha la
yareeyo la iskuna soo dhaweeyo shacabka Somaliland loona sheego
danta dalka keliya ka dhexaysa inay tahay Madaxbanaanideena oo aynu
gacmaha isku qabsano, taasi oo ah u ah Somaliland furaha horumarka.
3) Waxaad tahiin furaha horumarka
Somaliland waana hubaal cadaadis aad ku saartan xukuumadda danta
dalka oo ay xukuumaddu ka indho beeshay inay u tahay dalkeena dhibic
lagama tagaan ah, markaa waxaan tallo idiinku soo jeedinaya inaad
xukuumadda cadaadis ku saartan sidii aad tallada dalka qayb weyn ugu
yeelan lahaydeen hadday noqoto odorosidda qorshayaasha arrimaha
dibadda iyo dibu habaynta siyaasadeena arrimaha dibadda.
4) in Cadawgeena lagula wada hadlo
af qudha, hadaf qudha iyo aarah qudha oo u ah dan weyn shacabka
Somaliland sida tusaale ahaan inaan Madaxbanaanida Somaliland cidna
gorgortan looga gelinaynin.
WAA MAXAY DOORKA SHACABKA
SOMALILAND
Waa Hubaal Shacabka Somaliland inay
yahiin halbawlaha qaranka Somaliland la'aantoodna aanay wax allaala
iyo wax suuro galaya jirin, shacabyahow wanaagsan waxaa la inooga
baahanyahay inaynu Xukuumadeena hiil iyo hoo la dhinac istaagno waa
danta dalkeena Hooyo ee Somaliland, in aynu xukuumadeena siino
tallaabooyin ay ku qaadi karaan inay ku xafidaan qaranimada
Somaliland, inaynu tusno beesha Caalamka sida aan Madax-banaanideena
gorgortan cidina looga gelaynin, tusaale ahaan dhawaan sida ogaalkay
ah waxaa socdaal ku imanaya Somaliland wefdi uu hogaaminayo Wasiirka
xidhiidhka caalamiga ah ee dalka Britain, wuxuu su'aalo weydiin
doona shacabka Somaliland fikirkooga caamka ah, waa inaynu tusno
sida ay Madaxbanaanida Somaliland inooga tahay dhab, qaranimadeenuna
u tahay lama taabtaan, hadday suurto gal tahay waa in lagu muujiyo
dareenkeena mudaharaadyo iyo sinaan iyo gacmo isqabsi buuxda waa
midda qudhaata ee aynu horumar buuxda ku gaadhi karo, shacabka
Somaliland-naw waxaan huba inaan cidina ugu jirin dan qaranimadeena
oo aynu marlabaad lumino, waxay dhaawac ku noqon doonta shacabka
Burco, berbera, Hargeysa, Boorama, Ceerigaabo, iyo Laas Canood, 30
sanadood ee inna dhaafay waa midda mugdi dalkeena ka dhigtay ee
hooyooyinkeen u goblameen ee aabayaasheen iyo adeeradeen iyo
edooyinkeen loo xasuuqay, ogaada Shacabka Somaliland in dar
daarankeenu yahay gacmo is qabsi iyo inaynu hiil iyo hoo la dhinac
istaagno diblomaasiyinteena iyo ciidamadeena qalabka sida oo ah
labada go'aan ee ina horyaalla (ultimum decision to be with our
military and our diplomatic missionaries).
Aan ku soo gunaanado Aan wada jirno
walaalayaal aan is weheshano Shacabka Somaliland-ow walaalayaal.
Qormadii Mohamed Abdi
Hassan (diridhaba)
karachi, Pakistan.
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com