Ra`isul Wasaaraha Dalka Sweden Mr Goran Persson oo la kulmay
Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Yaasiin Maaxi
Scandanevian, Katrineholm Sweden
www.ssup.org
info@ssup.org
17 - 10 - 2004
The Primierminster of Sweden
Göran Persson, and Yaasiin Maaxi
Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Yaasiin Maaxi
iyo Hogaanka The Swedish Social Democratic Party islamarkaasna ah
Ra`isul Wasaaraha Dalka Sweden Mr Goran Persson oo markii ugu
horeeysay si toos ah ugu wada hadlay sidii loo horumarin lahaa
Xisbiga Midnimada bulshada soomaaliyeed SSUP. Gudoomiyaha SSUP
Yaasiin Maaxi oo u gudbiyey Preimainsterka document ka hadlaayo
sidii lagu horumarin lahaa Xisbiga SSUP.
Göran Persson, Yaasiin Maaxi and Dalstrom
Yaasiin Maaxi waxaa
kale oo u sheegay Ra`isul wasaare Goran Persson in Soomaaliya noqon
doonto mustaqbalka Mujtamac ku dhaqama Demuquraadiyada islamarkaana
aay Sweden inoo noqoto midii aan ku dayan lahayn Hab dhismeedka
dawladeed aay isu maamusho ama aay ku dhaqanto dawlada Sweden.
Kulanakaas ka dib
ayaa hogaanka Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed Mudane Yaasiin
Maaxi Macalin qabtay shir jaraa`id asagoo u waramaayey warbaahintii
halkaas isugu timid, Yaasiin Maaxi oo ka muuqatay kalsooni ayuu
warbaahinta u sheegay in kulanka asaga iyo Goran Persson uu ahaa mid
jawaigiisu aad u sareeyey aayna ahayd mid farxad u ah ummada
soomaaliyeed meel walbo aay joogaan.
Dhab ahaan waxaa MAANTA hiilo inooga baahan soomaaliya iyo
soomaalinimo ayuu yiri Yaasiin Maaxi Dadkeenu waxaa haboon inuu
Ilaaheey garansiiyo walaaltinimada iyo waxyaalaha tirada badan ee
aan wadaagno lama haayo cid xaasid iyo calool xumo meel ku gaartay,
ummadaha kale ayagoo aaysan jirin wax alaale iyo wax aay wadaagaan
ayey isku dad iyo fikrad yihiin oo aay wada ilaashadaan danta
QARANKA ee kulmisa
Hadii la rabo in aas-aas adag loo sameeyo soomaalinimada iyo
dawladnimada soomaaliyeed oo mustaqbalka inoo wada taal waxaa haboon
in aay dawladaan federaalka ku meel gaarka ah ee dhismaheeda socoto
aay Xisbiga midnimada bulshada soomaaliyeed aay ku darsadaan la
tashiga sidii lagu horumarin lahaa dalka.
Göran Persson, Yaasiin Maaxi and Dalstrom
Soomaaliya dan uguma
jirto, Dawlada federaalka ee ku meel gaarka ee dhismaheedu socdana
dan uguma jirto inaan ku sugnaano mar xalad (TAKOOR)
Ee waxaan u baahanay inaan gacmaha is qabsano midnimo iyo wad jirna
raadino. asgoo warsaxaafadeedkaas soo gaba gabeeynaayo Gudoomiyaha
Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed SSUP ayaa wuxuu yiri:
Waxaa arin la hubo
ah ama la hubsaday ka dib markii ummdaha horay umaray aay sanado aad
u faro badan kufaa dhacaayeen in habka ugu fiican ee nidaam
dawladeed ummad lagu maamulo uu yahay Habka wada tashiga
DEMOQURAADIGA ah.
Wixii faah-faahin ah
kala xiriir xurinta xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed.
www.ssup.org
info@ssup.org