SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Milicsiga Taariikhda: 21-kii October Iyo Kacaankii Barakaysnaa ee Jaale Siyaad(Guud mar Taariikheed) 

     Sida laga yaabo inay akhristayaal badani xasuustaan 21-ka October waxay ku xardhan tahay taariikhda shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaana waxay kaga jirtaa baalka mugdiga ah ee diiwaanka taariikhda Soomaalida qarnigii ina dhaafay.     


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

20-sarkaal oo ka tirsanaa intii uu macnaha samaynayay wixii la odhan jiray ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed uuna hogaaminayo Major General Maxamed Siyad Barre ayaa 21-kii Bishii October ee sanadkii 1969-kii  afgambi aan dhiig ku daadan kula wareegay taladii shacabka Soomaaliyeed, waxa la khaarajiyey M/weyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho ku marayey markaas degmada Laascaanood ee waqooyiga Jamhuuriyadii Somalia, Ra’iisal wasaarihii dalku Mudane Maxamed Xaaji Ibrahim Egalna waxa uu isaga laftiisu booqasho rasmi ah ku marayey dalka Maraykanka waxaanu marti qaad ka helay M/weyne Johnsonkii dalka maraykanka u talinayey xiligaasi.

      Sida taariikhda lagu sheegay marwadii uu qabay Cigaal xiligaa oo ahayd wasiirka arimaha dibada ee hadda ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Edna Aadan Dhakhtar waxa ay xiligaasi qafladu ka dhacday Somalia dukaamaysi(Shopping) u joogtay magaalada London ee carriga ingiriiska iyadoo u soo adeegtimid si ay alaab casri ah ugu iibiso guriga loogu magic daray VILLA EGAL oo ay ka dhisteen magaalada Mogadisho  si ay ugu raaxaystaan.

      Kooxdii saraakiisha ahayd ee afgambiga riday wada tashi dhexmaray waxay isla afgarteen in talada wadanka si ku meel gaadh ah uu u sii hayo Major General Mohamed Siyad Barre maadaama uu aahaa ninkii ugu da’weynaa kooxdii inqilaabka waday, Siyaad barre waxa uu sameeyey xeelad ay ku ladhantahay karti iyo waayo aragnimo, waxa uu ilfaha u qaaday dhamaan saraakiishii kula jirtay afgambiga, waa kalidii taliye iyo caadkiiyo taladii Somalia waxa uu ku dhigay gacan bir ah waxaanu galiyey futo ay., wakhtigaa aynu ka sheekaynayno M/weyne Barre waxa uu ahaa taliyihii ciidanka qalabka siday ee Jamhuuriyada Somalia.

      In laga sheekeeyo afgambigii 69-kii iyo kacaankii Siyaad Barre maaha waxa lagu soo koobi karayo hal qormo iyo laba midna ee waxaan qormadan ugu talo galay inay akhristaashaydu ila jaleecaan qayb yar oo ka mid ah waayihii soo maray dalka Somalia xiligii ay askartii gaajaysnayd boobtay taladii dadka Soomaalyeed.

      Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa goboladii kala duwanaa ee dalka Somalia aadbay u soo dhaweeyeen afgambiga ay askartu talada kaga maroorsatay dawladii uu madaxda ka ahaa M/Weyne C/rashiid Cali Sharmaarke sababtuna waxay ahayd  dadka Soomaaliyeed oo khaati bilaahi ka istaagay 9 sanadood oo maamul xumo iyo waxa is waydaarin ah oo ay ku kaceen dawlidhii rayidka ahaa.

      Askartu markiiba waxay dadka u balan qaadeen inay dib u soo celin doonaan kala dambayntii iyo haybadii dawladnimo, laakiin balantoodii waxay noqotay biyo col dhaanshay Somaliyana waxa ka bilowday colaadaha ilaa maantay ka aloosan.

      Dad farabadan oo u kuur gala arrimaha Soomaalida ayaa ku dooda in kacaankii dalka Somalia ka curtay 21-kii Bishii Ocobter ee sanadkii 1969-kii uu bulshada Soomaaliyeed u horseeday qaybo badan oo horumar ah hayeeshee dhinaca kalena uu dhaliishiisa lahaa.

      Waa run oo way jiraan waxyaabo badan oo uu kacaankii Siyaad Barre hirgashay farqoristii Soomaliga iyo ololihii far barashaduba ka mid bay ahaayeen.

 q                  Waxa ka mid ahaa waxyaabaha kacaanka lagu sii xasuusan doono mashruucii bacaad joojinta shalanbood  ee lagu badbaadinayey dhirta iyo daaqa

q                  Isku daygii soo celinta gobolka Somaaliyeed ee Ogaden oo ay xaaraan ilaa manta ku haystaan gumaysiga xabashidu, oo inkasta oo ay markii dambe dagaalka soomaalida kala kulantay guul darro hadana ahayd talaabo taariikhda gashay oo uu Siyaad Barre isku dayey in uu soo celiyo dhul ka maqnaa Soomaalida.

q                  Ku biiriitaankii ay Somalia ku biirtay jaamacada carabta sanadihii 70-tanaadkii.

      Sida ay ii xaqiiyjiyeen dad xogogaala oo goob joog ahaa sanadihii hore ee uu xukunka milatarigu ka bilawday Somalia, wax dhibaato ah lagama dareemin ilaa dhawrkii sanno ee hore laakiin dabayaaqadii todobaatanaadkii marii ay soo baxday jabhadii ugu horaysay ee mucaarida oo uu hogaaminayey mudane C/lahi Yuusuf Ahmed, taliskii Siyad Barre waxa shacabka Soomaaliyeed kula kacay dhiig yacabnimo kala qoqobid, qabyaalad iyo Siyaasada gumaystaha ee QAYBI OO XUKUN (DIVIDE AND RULE).taasina taliska ceebteed ma ahayn ee waa caadada lagu yaqaano kalidood taliyayaasha meel kasta oo ay caalamka ka joogaan

      Safaaradihii ay Somalia ku lahayd dunida Siyaad Barre waxa uu dhigay dad xigtadiisa ah, waxa uu bilaabay cidiyo ku dagaalan iyo in dhulka lala dhaco cid kasta oo madaxa la kacda, cidii lagu tuhmo inay ka soo horjeedo kacaanka barakaysan waxa lagu qaadayey xukun deg deg ah, waxa la sameeyey maxkamada badbaadada qaranka, hayadaha sirdoonka ee dawlada u adeegaanaa  way tiro beeleen.

      Inkasta oo dhagarta iyo gabood falka ay gaysteen askartii xukunka Somalia boobtay aan la soo koobi Karin waxxaan aniga xasuustayda ka maqnaan doonin dilkii culimadii Soomaliyeed ee ka hor timid wixii loo bixiyay xeerka qoyska.

      Kacaankii 21-ka October waxa uu shacabka Soomaliyeed u horseeday dhibka ilaa maantay taagan oo salka ku haysa utuntii ay abuureen Siyaad Barre iyo acwaamtiisii kula hareeraysnayd booliga qaranka., ilaa inta ay hadhaagii, ardaydii iyo dabadhilifkii kacaanku ka sii muuqadaan saaxada siyaasada shacabka Soomaaliyeedna waligeed sal dhigi mayso. 

Hassan Okar(Salahuddin)
Chairman
Global Media Group
Bristol,
Uk.
Email: Globallmedia@hotmai.com
Tel: 00-44-7946174533.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD