Cabdulaahi Yuusuf wuxuu
jid kasta oo qaldan uu u maray sidii uu ku noqon lahaa madaxweyne
Soomaaliyeed. Wuxuu sirta Soomaaliyeed siin jirey cadowga deriska,
wuxuuna jabhad qabiil ku soo hogaamiyey cadowga deriska. Afar iyo
toban shir oo caalamku u qabtay Soomaalida ayuu diidey, isaga oo
doonayey dantiisu mida ay ku jirto in loo raaco. Wuxuu jabhad
hubeysan kala horyimid dowlad Soomaaliyeed, waxaana isaga ku weyn in
tiisa aan lagu jabhadeyn. Wuxuu markasta ahaa ninka ka soo horjeedey
in Xamar uu maamul ka dhasho, haddana doonaya inuu isagu maamul
hagaagsan u sameeyo. Wuxuu ahaa ninkii dabagalay nidaam dhaqameedka
qowleysatada ka jirta waqooyi ee ku dhawaaqay maamul goonida uga
taagan Soomaalida, kuna tiirsan cadowga deriska. Wuxuu gobolka Bari
ka raacdeeyey dad Soomaaliyeed isaga oo qiil uga dhigtay ineysan
degaanka u dhalan, waxaana ninkaas ku weyn in dadkiisu degaanada
kale ee Soomaalida ay degaan. Wuxuu gobolka Bari ku laayey
muwaadiniin Soomaaliyeed oo degaanka u dhasahay markii ay ka soo
horjeesteen dhaqankoodii, diintoodii, dadkoodii,iyo dalkoodii
cadowga loo gacan geliyey. Wuxuu degenaansho la’aan ku sameeyey
degaanada waqooyi oo nabad gelyada ku wada degan isagoo magacyo
qabiil adeegsanaya, haddana doonaya dabkuu shiday inuu dowladnimo
waqooyi ugu taliyo. Nin mabda’iisu yahay dhiig daadin, ka amar
qaadashada cadowga dalka iyo u rukuucida iskaashiga danaha shisheeye
ma aha nin ku haboon hogaaminta dadka u dhashay dalka Soomaaliyeed.
Humaaga Qaldan
Dadkii ka qaxay siyaasad
xumada lagu maamulayey dalka qaar ka mida oo ay ka mid yihiin aqoon
yahan cid walba u dhashay kuna daaley dibed joognimada ama sinji
ahaan ahaa dadkii laga tirada badnaa ama ahaa dadkii duqnimada uga
baqayey in siyaasada ay ka galaan howlgab iyo dadka aaminsan iney
degaankooda ku hogaamiyaan ka qeybgelida iskaashi ku dhisan humaag
qaldan oo ay ku damacsan yihiin iney ku dhacaan hantidii loogu tala
galay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ayaa u arkay Cabdulaahi fursad
ay ku meel marin karaan ujeedooyinka ay ku haminayaan iney gaaraan
wakhti dhow.
Waxey dad badan u doorteen
inuu Cabdulaahi dagaal la galo dadka degen xamar si uu u sii jiro
miisaanka dadka laga tirada badan yahay ama wakiilnimada aan dhabta
ahayn ee maqaar saarnimada loo siiyey dad aan runti ka wakiil noqon
karin degaanada ay ka soo jeedaan. Waa arrin iska cad inaysan micno
la’aan ahayn doonista Cabdulaahi uu ku doonayo ciidamo shisheeye
oo Xamar u qabta. Waxaan shaki lahayn inuu cadowga deriska
weydiisanayo iney ciidan sideetan kuna ay dalka si qarsoodiya ku soo
geliso iyaga oo isku muujinaya ciidamo Soomaaliyeed ee ka yimid
dhanka Bari. Waa wax iska cad in Ethiopia ay daneyneyso in
Cabdulaahi uu u adeego danaheeda oo ku dhisan jiritaanka degaano is
khilaafsan oo aan lahayn dowlad mideysan. Sababta Ethiopia ay u
daneyneysay Cabdullaahi waa inuu yahay nin aan Soomaalida mideyn
karin, inta uu madax yahayna sii kala fogeynaya inta isheysata. Cid
walba way ka dhaadhacsan tahay in Cabdulaahi uusan awood ku maquunin
karin dadka Xamar iyo Hargeysa dega. Dhinaca kale, wax kasta oo
dhaca dadka degaankaas ma doonayaan maamulka Cabdulaahi si kasta oo
uu isugu qariyo ama derbi uu isaga dhigo dad hanti doona oo ka soo
jeeda degaanadaas.
Waxey dad badan
isweydiinayaan waxa ay noqon doonto 5ta sanno ee soo socota. Waxaan
qarsoodi noqon doonin in hubka dib la isugu guran doono. Waxaan
meesha ka maqnaan doonin in Cabdulaahi uu magacaaban doono caasimad
ku meel gaara, Baydhabo ama Boosaaso midood. Soomaaliya weli waxey
ku jireysa go’doonkii ay dunida inteeda kale ay uga jirtey mar
haddii uusan dalka hogaamineyn madaxweyne dadka intiisa badan aysan
ku kalsooneyn. Kaalmada lacageed ee dalka imaaneysa waxey noqoneysaa
mid aad u yar, maxaa yeelay dalalka dibeda waxaa u muuqday in
Cabdulaahi codadkii dorashadiisu uu ku gatay lacag uu ka soo qaatay
hantida dadweynaha oo uu u adeegsaday laaluush ahaan. Waa ay adag
tahay gudaha iyo dibedaba si lagu aamino nin kelitalisa oo daadiyey
shacabka dhiigiisa wakhti dheer, mabda’na ay u tahay inuu dalka ku
xukumo musuqmaasuq iyo qabiil.
Dr. Saciid Ciise
Maine-USA
Saciidciise258@aol.com