DOORANAYE YAA DIIDAN?.
Maxmed xasan yusuf (shariifka)
shariifka99@hotmail.com
Su’aashan ayaa ah mid ay is
waydiinayaan in badan oo ka mid ah dadkiii goob jooga u ahaa
qaabkiii layaabka lahaa ee ay udhacaday codbixintii iyo sida lama
filaanka ahayd ee ay guushu u raacday madaxwayne c/laahi yusuf axmed
kadib markiii uu helay in kabdan 180 cod uuna noqday madaxwaynihii
afraad ee ay yeelato jamhuuriyada somaliya.
Waxaa ay hayd mid lama filaan ku
noqtay in badan oo kamid ah siyaaasiyiinta culuma -awdiinka iyo
bulshada qaarkeed gaar ahaan kuwa reer muqdisho oo aygu u arkayey
kuna naaloonayay in madaxwaynanimada somaliya ay ayagu dhaxal u
heleen oo ay tahay mid aan marna gorgortan gali karin ee ay tahay
wax somali wayn looga baahan yahay in ay kala doortaan labo nin oo
reer muqdisho ah sidiii ka dhacday CARTA ee ay isugu soo hareen c/qaasin
iyo cadow ugu danbayntiin uu ku soo baxay c/qaasin.
In kastoo fikradaasi ay jirtay oo
ay qabeen xitaa siyaasiyiinta reer muqdisho badankooda hadana qaar
kamid ah siyaasiyiinta ama dadyoowga codkood ugu deeqay c/laahi si
uu madaxwayne unoqdo ayaa qabay figrad taa gadisan oo ah in kurisgu
uu soomaalida ka dhaxeeyo xaqna uu u leeyahay muwaadinkasta oo u
qalama ama buuxiya shuruudaha looga baahan yahay in uu kafariisto.
Waxaan ay u arkeen in c/laahi uu
yahay midka soo celin kara ama shaqsiyada ka bixi karta in uu soo
celiyo sharftii iyo karaamadii ummada ee luntay lana la’aaba wax soo
celya mudo 14 sano ah.
Inkastoo laqbatay shirar badan la
iskuna dayey in dowlad loo sameeyo dadka somaliya hadana natiijadu
ma noqon mid mira dhasha ee waxaa ay noqonaysay mar walba mid lagu
hungoobo.
Marka aan kasooo tagno qaabka
layaabka lahaa ee ay wax u dhaceen waxaa jira shaki laga qabo in ay
ka horyimaadaan dowlad cusub qaarka mid ah siyaasiyiinta ay sida
aadka ah isaga soo horjeedeen c/laahi yusuf, ragaan ayaan marna
jaclayan in ay arkaan c/laaji yusuf oo madaxwayne ka ah dadlka
somaliya.
Waxa la arkayay qaar ka mid ah
siyaasiyiinta oo isaga soo baxay goobtiii lagu cod bixinayey oon
sugin natiijada doorashadaba kadib markii ay dareemeen qaabka iyo
sida wax u socdaan ileen waxaa la yiri (NIN WAYNI WADKIISA WAA
YAQAAN)
Waxaa ay u see caraabeen hoteeladii
ay daganaayeen ayagoo caga jiid ah una muuqda kuwo aad u daalan.
Qaarka mid ah ragaas oon jeclayan c/laahi shaqsiydiisa ayaa ayagu
waxaa ay goob jooga u ahaayeen ilaa ay dhamaatay codbixinta waxaan
dhagahoodu ay maqleen gudoomiyihii barlamanka oo ku dhawaaqaya
natiijada cod bixinta sidoo kale indhahoodu waxaa ay arkeen c/laahi
oo ku fariistay kursigii loogu tala galay in uu ku fariisto
madawyanaha jamhuriyada waxaa dhamaaday saacadaas wixii ka danbeeye
tartankii loogu jiray kursiga madaxwaynenimada.
Inkata oo uusan war rasmi ah oo ku
wajahan diidmada dowalada uusan ilaa iyo hada ka soo bixin ragaas
aan soo sheegnay hadana waxaan shaki ku jirin in aysan marna raali
ka noqonaya shaqsiyada c/laahi walooo in badan oo ayaga ka mid ah ay
quudaranayaan in laga qayb galiyo dowalada cusub oo ay helaan qaybo
fiican oo wax ku ool ah oo ay ugu horayso Ra’iisul wasaare ama ugu
yaraan wasiir qiima leh.
Ragaan yaa ah kuwo kucaan baxay
sida wax loo burburiyo ama looga horyimaado wax la soo dhiso waxaan
ay mar walaba ka heleyeen gacan iyo taageero dowalado shisheeye oo
jecel in somalidu ku si jirto qaska iyo jahawareerka siyaasadeed.
Waxaan shaki ku jirin in ay
haystaan Hub aad u tira badan oo ay ku iibsadeen hantidii ay ka
bililiqeen qarankii somaliya sidoo kale waxaaa ay haystaan dad aan
in badan kala garan xumaanta iyo samaanta oo ah malayshiyoonin
da’yar ah oo badankoodu ku caqliyeyestay burburka iyo qaran la’aanta
wax kaliya oo ay yaqaanaan ay tahay sida loo rido qoryahay
daraandooriga u dhaco ama sida loo agaasimo isbaarooyinka gaadiidka
yimaada marka laga qaadayo lacagta baada ah sidoo kale waa kuwo aad
u jecel hogoomiyayaashood ama dagaal oogayaashood waxaan ay u hayaan
kalsooni aad u wayn waxaana ay ugu yeeraan magacyo ay ka muuqto
xushamad iyo maamuus sida ODAYGII IYO DUQII oo kale.
Waxaa la wad og yahay in in badan
oo kamid ah ragaani ay yihiin kuwo si sharci daro ah u haysta hanti
aysan lahay oo isugu jirta mid qaranku lahaa iyo mid qoysas
lahaayeen, qaarkood waxaa ayba haystaa gobolo ay ka bara kiciyeen
dadkii lahaa, waxaan ay samayteen Garoomo ay kadhoofshaan Xashiishka
ay ku beeraan beerihii qaranka ee lagu beeri jiray Badarka iyo
Bariiska.
sidoo kale waxaa ay samaysteen
dakado ay ka dhoofshaan geedaha ay gubaan, kalana soo dagaan hubka
uga yimaada dalalka ku taageera qaska iyo jahawreerka ay ka wadaan
dalka.
sidaa darteed marna ma jecla in ay
arkaan dowlad ka dhalata gayiga somaliya oo soo celisa kala
danbayntii xasiloonidii iyo cadaaladii waxaana ay diyaar u yihiin
mar walba in ay kala horyimaadaan dagaal hubaysan cid waliba oo isku
dayda in ay soo celiso kala danabayntii iyo xasiloonidii.
Hadaba waxaa la is waydiinyaa
dowaldu sidee u wajihi doontaa qolyahan, ma waxay siin doontaa
bililaqada ay haystaan wax ka badan, hubkana waa ka iibin doonta,
ayagana waxaa ay u magacaabi doontaa jagooyin sar sare? Mise waxaa
ay ku qaadi doontaa dagaal hubaysan oo waliba loo adeegsanayo
ciidamo isugu jira kuwa somali ah iyo kuwo dibada laga keenay si loo
soo qabqabto looguna soo oogo danbiyadii ay galeen iyo dhibaatadii
ay ugaysteen dalka iyo dadka somaliyeed muda 14 sanao ahayd?
Kaliya ma ahan dagaal oogayaasha
kuwa la dhihi karo waa ay diidan yihiin Dowalada cusub ee waxaa jira
dadyow kale oo dhabtii ka mayal adag kuwa aan soo xusnay, waa kuwa
loo yaqaan Wadaaadda ama ururo diimeedayada ka jira wadanka qaarkood
waa ay ka duwan yihiin qabqanlayasha iyo siyaasiyiinta wax diidan,
waana ay ka shaqsiyad fiican yiihin kana nadiifsan yihiin,
diidamadoodu waxaa ay ku salaysan tahay qaab Diimeed walow baryahan
danbe aysan ka marnayn mid shaqsiyadeed ama Qabiil waxaana ay qabaan
in c/laahi uu yahay nin cadow u ah diinta iyo dadkeeda gacansaarna
la leh dalalka reer galbeedka iyo dowlad itobiya oo ay u arkaan in
ay tahay cadowga islaamaka, waxaana ay shaki galiyeen qaarka mid ah
kuwood xag jirka ah islaanimada c/laahi yusuf si ay ugu qiil helaan
diidmadooda iyo ka horimaatinkooda.
Waxaan la wada xasuustaa in ay ku
dagaalameen gobolada loo yaqaan maanta P/L sanadkii 1992 iyaga iyo
c/laahi yusuf, inkastoo uu dhamaaday dagaalkii hubaysnaa cid
kastaaba guusha ah dadka la laayay ha ku faantee ama qaladka
dagaalka haba la saaree, hadana waxaa u bilowaday xiligaas wixii
kadanbeeyay c/laahi iyo waadaada dagaal siyaasadeed oo aad uxun,
waxaana ay arintu sii xumaaatay ama ay cirka isku sii shareertay
kadib markii ay taageereen oo waliba ay ka mid noqdeen dowaldii
carta lagu soo dhisay ee uu madaxwayanaha ka ahaa c/qaasim.
Intaa kuma akayn dagaalka wadaadada
iyo c/laahi ee waxaa ay wadaadadu qayb ka qaateen kacdoonkii
shacabaka ee ka dhacay P/L lagagana horyimid c/laahi loogana soo
saaray magaalada Bosaso iyo waliba doorashadii lagu doortay Jaamac
Cali Jaamac magaalada Garoowe.
Dhab ahaantii ma ahayn mid ay urur
ahaan ama koox ahaan uwada dhamaayeen laakiin waxaa ay ahayd mid ay
hurinayeen fidnooyinkaas iyo shirqoolada ay uga sooo horjeedaan
odayga ayagoo huwan shaarka qabiilka ama ku dhex jira beesha ay ka
dhasheen.
Ma ahan wax lalayaabo asbaabah
keeni kara ama dhalin kara mucaaradnimada iyo ka horimaatinka ay ka
soo horjeedaan c/laahi iyo guud ahaan dowalada ay dhiseen dadyow aan
islaam ahayn ama leh dastuur aan ahayn midka qur’aanka ……inkastoo
tii cartaba tageero fiican ay siiyeen….. mar hadii aad taqaano
falsafada iyo aydoolajiyadood ku salaysan islaanimada xaga jirka ah
ee ay aaminsan yihiin.
Wadaado ma ahan kuwa haysta hub
badan sida qabqablayaasha marka laga reebo kuwa jooga magaalada
muqdisho laakiin waxaa ay haystaan dhaqaale aad u badan, waxaana ay
yihiin dad isku xiran sidaa darteed waxaa ay awoodaan in ay dagaal
hubaysan la galaan dowalda cusab oo ay ka horyimaadaan xilikasta iyo
markasta oo ay doonaan iyagu, waxaana suuragal noqon karta in ay
somaliya noqoto sida Afgaanistaan iyo Ciraaq.
Hadaba waxaa is waydiin leh hadii
dowalda uu madaxwayanah ka yahay c/laahi yusuf ay la timaado
siyaasada ku salaysan in la tix galiyo afkaarta lana dhowro qofku
wax uu aaminsan yahay oo ah diin iyo fikirka anagoo og in shacabaka
somaliyed u yahay shacab muslim ah, markasi wadaadu ma taageeri
doonaan Dowalda noo dhalatay oo ma ka mid noqon donaan? Amase ugu
yaraan waxaa ay ka dayn doonaan lugooyda iyo jilaafayanta inta ay
cagaheeda isaga taagayso, mise waxaa ay isticmaali doonaan siyaasada
ah (c/laahi maalinbuu qabasha lahaa) qaar badan oo ka mid ah ragaan
oon la sheekasyatay ayaa ii sheegay in taageero la taageeraa dowalda
c/laahi ama ka hor imaatinka laga horyimaadaa ay hadeer tahay
dag-dag ee loo baahan yahay in la fiiriyo siyaasada ay la timaado
Dowalda cusub ee maxwayanaha u yahay mudane c/laahi yusuf axmed.
W/Q: Maxmed xasan yusuf (shariifka)
Email.
shariifka99@hotmail.com
Nairobi kenya