YAA XILKA SAARANYAHAY
TAGEERIDA NABADA MA SHACABKAA GANACSADATA MADAXWAYNAHA CULUMADA
AQOONYAHANKA QURBO JOOGA ???
Burburkii nidaamkii doowlad nimo ee
soomaaliya Sanadihii Shagaashamaadkii waxa uu sababay dhibaatooyin
faro badan oo ayan cidina ku soo koobi Karin qoraal saxaafadeed ,
Waxaa mar qura lumay adeegii
dadwaynaha soomaaliyed waxaana xoogbatay dulmigii iyo
dhibaatooyinkii qabiilka iyadoo meel walba dagaalo iyo ku xadgudub
muwaadinka soomaaliyeed caadi ka noqday
waxaa
looga baahna shacabka soomaaliyeed in ay sidan gacmaha isku
qabsadaan mar hore marse hadii ay maanta soo baraarugeen waa in ay
qayb waliba gacan ku siisa horumarkooda waxbarashada dhaqaalaha
caafimaadka wax barashada iyo midnimadooda
Waxaa soo ifbaxah hogaamiyo kooxeedyo
Eeganaya danahooda gaar ahaaneed oo aan iyagu marna ka fakareen
dhibaatada umada soomaaliyeed shacabka soomaaliyeedna ma uusan
fahmin marna qiyaanada ay wadaan shaqsiyaadkaa caadaystay buburka
dalkooda iyo bara kicinta Dadkooda balse shacabka sacabada ay u
tumeen una bixiyeen Mujaahid Gudoomiye Madaxwayne iyo Eraya kaloo
badan oo ay ku amaanayaan ,
Waxaa
xaqiiqo ah in shacabka soomaalidu gacan xoogan kulahaa burburka
dalkooda iyadoo ay caadi aheed in ay lacag u soo diraan soomaalida
ku nool dibada hogaamiyaasha beelahooda sidoo kalana soomalida ku
nool gudaha soomaaliya ayaa iyaguna siin jiray taageero ay kula
duubnaayeen in hadba lagu duulo qabiil lana buburiyo gaabaha
caafimaadka wax barashada iyo ila u dhaxeeya bulshada soomaaliyeed
Hogaamiyaashii dhibka soomaaliya
kawaday dhamaantood ilmahoodu waxa ay waxbarasho ujireen wadamada
Yurub iyo Ameerika Carabaha iyaguna waxa ay magaalooyinka ay joogaan
ka daganaayeen goobaha ugu amaanka fiican uguna qurxoon iyagoo
wadanjiray wiilal Soomaaliyeed oo ay ka dhiganjireen Istaaf ama
waardiye
Hadaba soomaaliyeey manta Afat& Toban
sano ka dib waxaad dhisateen maamul doowladeed aad ku midaysantihiin
dhamaantiin marka waxaa soomaalida la gudboon in ay hiil iyo hoo
garab istaagaan doowlada soomaaliyeed aysana markalle gacan siin nin
leh dan isaga ugaara oo aan ka naxeen Danta guud ee dhalaanka iyo
hooyada soomaaliyeed iyo wadankeenii Soomaaliya
Doowlada waxaa lagudboon la xaajoodka
hadii ay soo baxaan dad diidan utanaasul badan isku keenida bulshada
soomaaliyeed iyo in ay doowladu sii wada dib u heshiisiinta ilaa
inta ay dhaboobeyso helitaan nabad waarta gobol min dagmo guud ahaan
wadankeena soomaaliya
Hogaamiyaasha siyaasada soomaalida
iyaga waxaa lagudboon in ay gacan wayn ka gaystaan dib u dhiska
dalkooda soomaaliya badbaadinta dhalaankii ay badeen qaxa iyo
jaahilnimada waana in ay maalkooda ku bixiyaan sidiii ay usoo saari
lahaayeen bulsho hogaamin karta soomaaliya mustaqbalka soo socda ay
ku badalaan Risaasti iyo madaafiicdii xanbaarsanaa dhimashada iyo
qaxa dhisada Iskuulo Isbitaalo Goobaha lagu Xanaaneeyo Hooyada iyo
dhalaanka lana helo nabad dadka ay ku ilaawaan dhibatadii la soo
maray
Soomaalida ku nool wadamada dibada
iyaga waxaa la gudboon in ay lacagihii ay ku taageeri jireen in
soomaaliya lagu buburiyo ayna u soo diri jireen hogaamiya qabiilada
manta ay ku taageeraan doowlada si loogu meel mariyo adeega
dadwaynaha walaalayaal waxaad ogtihiin in aad intiina badan qayb
muhiim ah ku lahaydeen buburinta wadankiina iyo barakaca maatadiina
soomaaliyeed idinkoo sabab u ahaa in aad dhalaankiina badaan in
maalin walba 1000 dhalaani ihi ku dhintaan goobo kala gadisan oo
soomaaliya ah ayna soomaaliya noqoto Xeebtii geerida waloow ay
jireen qaarkoloo badan oo qaban jiray in ay qayb ka qaataan dhismo
Iskuul ama Isbitaal ama Masaajid hadana inta badan soomalidu waxaad
moodaa in ay qayb muhiim ah ku lahaayeen burburinta dalka hadaba
buburkii ku badala dib u dhiska dalka soomaaliya oo ah lama huraan
waa cowska Jiilaal
Ganacsatada soomaaliyed hantidiina
gaar ahaaneed u quura in aad ka dhigtaan mid u dhaxeeysa bulasha
soomaaliyeed garoomada Diyaaradaha Takadaha iyo hay adaha doowladana
ku wareejiya umadiina qaybna ka qaata dhisida dalkiina hooyo
Waxaan marar badan ku soo celinayaa
shacabka gudaha waa in ay gartaan dantooda gaar ahaaneed ayna
fahmaan in ninkii nabada diida hadii ay taageeraan dhibku iyaga ku
soo noqonayo hadaba waxaad is waydiisaa maxaa wax faa iido ah looga
waayay shirarkii hore ee soomaalida loogu soo qabtay goobo kala
gadisan oo aduunka ah
Beesha caalamku markii ay aragtay
dhibaatada hogaamiye kooxeedyada iyo damqasho la aanta shacabka
soomaaliyeed ayaa soomaalida loogu baaqay dib u heshiisiin
siyaasadeed waxaana shirkii ugu horeeyay lagu qabtay wadanka Jabuuti
waxaana halkaa iskugu tagay Lix urur Beeleed Xiligaa Jiray laakiin
shirkaas waxa ay soomaalidu ka dhaxleen bubur horleh waxna ma uusan
kordhin isla Jabuuti ayaa lagu qabtay shirkaloon faa iido kordhin ,
Wadanka Itoobiyo ee aana Diriska Nahay
ayaa lagu qabtay Dhoowr shiir isagana waxba kama aysan soobixin
Liibiyo Masar Yaman Qaahira ayaa isagana lagu qabtay Ka daroo dibi
dhal ayeey Noqdeen
Wadanka Jabuuti Carta ayaa lagu qabtay
waxaana ka soo Baxay Doowladii kumeelgaarka aheed ee lagu doortay Dr
Cabdi Qaasin Salaad Xasan doowlada Soomaalidu ma aysan taageerin
beesha caalamkuna ma aysan Siin gargaarkii looga baahnaa waxaa kaloo
Jiray Qilaaf doowlada Dhaxdeeda samayn xoogan ku yeeshay oo
cuuryaamiyay waxqabadkeedii
Dad badani waxa ay is way diinayaan
waxa buburiya shirarkii la soo dhaafay waxaana dadka markiiba isuu
baxaya waxa ay tahay waa iyada oo aan shirarklaa Soomaalidu u
dhameyan oo dad gaara loo qabto.
15 Ogtobar ayaa waxaa soomaalida loo
qabtay shirkii Eldoret waxaana shirkaasi ka soo qayb galay
Hogaamiyaal badan iyadoo 27 Ogtobar Soomaalidu saxiixeen heshiis aad
loogu bagay waloow aysan soomaalidu fahmin Faa idada heshiiskaas o
markiiba waxaa dagaalo ka bilowmeen Gobolada Soomaaliya heshiiskas
waxaa saxiixay xiligaas hogaamiyaasha ama kooxaxa kalla ah
TNG, SRRC,
SRRC/Nakuru, group, PUNTLAND STATE, HIIRAAN POLITICAL AUTHORITY,
JAWHAR ADMINSTRATION, SAMO SRRC NAKURU GROUP, RRA, JVA, SNF, USC,
USC/SSA IYO CIVIL SOCIETY.
Yaad is leedahay
waa ka maqnaayeen heshiiskan waxaad moodaa in ay goob joog ka
ahaayeen dhamaan ururadii siyaasada Doowladii KMGiyo Bulshada
rayitka dhamaan hadana heshiiskaa fulintiisii way adkaatay
29kii Janaayo
waxaa Aqalka looga arimiyo Wadanka Kenya ee Madaxtooyada heshiis
qalinka guduugay Hogaamiyaasha Soomaalida Bulshada Rayitka ah iyo
Madaxwaynihi Doowlada KMG Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan si walba
xaalku ha noqdee Soomaalidu waxa ay shirkan Kenya ku so gaba
gaboobay ku doorteen xubnaha baarlamaanka oo gaaray 275 Xidhibaan
iyaguu xubnahaasi doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane
Shariif Xasan Shiiq Adan iyo Gudoomiye ku xigeenkada Koowaad iyo
Labaad Por Maxamed Cumar Dalxa Iyo Mudane Cismaan Cilmi Boqore
Baarlamaanku waxa uu doortay hadana Madaxwaynaha Jamhuuriyada
Federaaliga Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf
Axmed iyadoo ay goob joog yihiin intii soomaaliya dhibkeeda ku
jirtay iskuna haysatay Mansabka Siyaasadeed ee Soomaalida iyadoo ay
Xilkaa u tartameem 26 Musharax aaqirkiina Si Cadaalada oo aduunka
iyo soomaaliduba joogtay lagu Doortay Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf
Axmed hadaba soomaaliyeey u soo jeeso dib u dhiska Dalkaaga iyo
badbaadinta umadaada ama Durbaanka utuma Ragii soomaaliya
Cuuryaamiyay 14kii sanoo ina dhaaftay
axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi Somalitalk