SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA
 
Daabaco Boggan | Print

Soomaalida Qurbaha oo ka digaya in aan laga faa'iidaysan Dawladda Cusub.
 
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
21.10.2004
 
Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalalka Yurub ayaa soo dhoweeyay Natiijada ka soo baxday shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee labada Sano ka socday dalka Kenya oo iyadu marti galinaysay shirka mudadii uu socday isla markaana 10kii October Madaxwayne loogu doortay Cabdulaahi Yusuf Axmed.
 
Madaxwaynaha Cusub Cabdulaahi Yusuf iyo Dhamaan Xildhibaanad Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa looga baahanyahay in ay soo bandhigaan siyaasad cusub oo wax lagaga qabanayo dalka Geeska afrika ee bur burka uu ka taagnaa 14ka sano ee dagaalada Sokeeye ay ka jireen Soomaaliya sida ay qabaan inta badan soomaalida qurbaha, mana ahan ayay leeyihiin in shan sano oo kale aan kusii jirno bur bur oo 19sano dalkeenu uu ka haro caalamka.
 
Beesha caalamku waxaa ay dadaal ku bixinaysaa in soomaaliya ay ka soo kabato dhibaatadii horay u gaartay sidaasi daraadeedna waa in laga faa ii daystaa dadaalkooda iyo dib u heshiisiintii labada sano ka socotay kenya ee Hogaamiyayaasha kooxaha la isugu keenay.
 
Waxaa kaloo iyadana ay ugu baaqayaan dhamaan xubnaha Dawladda Cusub iyo Caalamku in ay iska kaashadaan sidii markale dalka loogu soo dabaali lahaa Kala danbayn iyo in si cadaalad ah loogu adeego bulshada 14ka sano ku dhexnool dalkaasi ee aan haysan caafimaad ku filan, cuno wanaagsan,wadooyin,gaadiid iyo guud ahaan waxyaabaha muhimka u ah bulshada Soomaaliyeed.
 
Fikradaha kale ee ay qabaan dadku waxaa ka mid ah in looga baahanyahay dawladda cusubi in ay ku talaabsato sidii ay ku heli lahayd kalsoonida shacabka maadaama in badan oo kamid ah xubnaha dawladda cusbi ay yihiin hogaamiyayaasha kooxaha ee ku loolamayay siyaasadda soomaaliya xiligan bur burka , lagana gudbo waxyaabaha dhibaatada keeni kara sida in culimda, maxkamadaha iyo aqoonyahanada lagu sheego dad argagixiso ah.
 
Waxaa qurbaha ku nool Soomaali aad u fara badan oo magangalyo doon ah kuwaasi oo ka soo bara kacay Soomaaliya tan iyo 1991kii markii la riday dawladii uu madaxwaynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali

London, UK.

ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk | Oct 21, 2004


Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo hambalyo iyo bogaadin u direy madaxweyne Cabdulaahi 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Salaad Macallin Max’ed (Salaad Gaab) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Dowladda cusub ee Federalka KMG ah ee Soomaaliyeed Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana Salaad uu sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay isaga iyo xubnaha kale ee xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta in 14-sano kaddib Soomaaliya ay hesho dowlad loo dhan yahay, wuxuuna carrabaabay in Isboortigu uu baahan yahay taageero dowladeed, haddii ay ahaan lahayd dhinaca amniga, dhinaca taageerada iyo dhaqaalahaba.

Laba maalin ka hor intii aan lagu dhawaaqin Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed markii Xiriirka FIFA uu u aqoonsaday Salaad Gaab in uu yahay guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta.Dhinaca kale Salaad Gaab waxa uu hambal-yo iyo bogaadin gaar ah u diray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Sweden, taasoo uu sheegay in ay taageereen qoyskii iyo ehelladii uu ka geeriyooday Xoghayihii Guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Maxamed Yuusuf Axmed (Kobey), waxaana uu caddeeyey in taageero lacageed ay ku samirsiiyeen ehelladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday ALLAHA u naxariistee Marxuum Kobey

AKHRI FAAQIDAADII CIYAARAHA....

ISHA: Somalitalk Sports [Amiin Yuusuf Khasaaro] Oct 21


DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar Mayoow oo 10-sano ahaa qunsulka kumeelgaalka ee Soomaaliya u fadhiya dalka UAE, kaddibna si rasmi ah markale dawladii carta u magcaywday qunsulka Dubai ayaa... Guji... Oct 21

XIISAD KULUL OO KA JIRTA JAGADA WASIIRKA 1AAD  EE DOWLADA FKMG AH EE SOMALIA
»MDFKMG ee Somaliya oo la kulmay Baarlamaanka KMG ah.
»21-KA OKTOOBAR MA LA ISKA ILLOOBAY!?
»Xaflad lagu xusayay sannadguuradii labaad SOYDEN
»Macallimiin Soomaaliyeed oo lagu haysto Yeman
»Diiwaan gelin lagu ururinayo ciidankii…..
»Koffi Annan oo sheegay in kaalmada Soomaaliya ay ku xiran tahay …
»Wafdi ka socda Midowga Afrika oo ku fool leh magaalada Hargeysa.. . Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 21

Safarka Madaxweynaha ee Addis Ababa, Cairo & Brussels
»Ra'iisul wasaaraha oo loo malaynayo in uu noqon doono Beesha Abgaal
»Dowlada Britain oo Soomaaliya ugu deeqday 8 milyan oo ginni
»Xuseen Caydiid: xilka Ra’iisul wasaare  waxaa xaq u leh Ururka USC
»Cali Khaaliif Galayr oo ka hadlay Doorshadii Madaxweynaha
»Qaraxii Wilson Airoport oo laga yaabo in ay Sababeen Caano Geel
»$24.4 million oo loo ansixiyey barnaamijyada caafimaadka Somalia
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... 20 Oct

Baaritaan ku saabsan Faraxumaynta iyo Xabsiga loo Gaystay Samsam  iyo Dilkii loo gaystay Marxuum
»Hargeysa: faraxumayntii loo geystey Samsam Axmed Ducaale
»Mugadisho: Dilkii loo geystey Marxuum Cabaas Cabdi Cali
Dhammaan ka akhri halkan... Guji... Oct 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD