SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DENMARK
 
Daabaco Boggan | Print

DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB EE FKMG

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Denmark


Maxammedyerow Abuukar Mayoow

Diblumaasi soomaaliyeed oo maalmahaan booqasho ku jooga Yurub ayaa ii suurtagashay inaan habeen dhoweyd la kulmo, iyadoo aan wax ka weydiiyay aragtidiisa ku aaddan dowladda FKMG ee dhowaanta lagu soo dhisay xarunta dalka Kenya ee Nairobi iyo weliba isagoo wax iiga sheegay dhibaatooyin uu kala kulmay howshii qunsulnimo ee ugu hayay DKMG.

Maxammedyerow Abuukar Mayoow oo aan wax ka weydiiyay siduu u arko doorashadii lagu doortay dowladda jamhuuriyadda federaaliga soomaaliyeed ee lagu soo dhisay Kenya ayaa si kooban u yiri "waan soo dhoweynayaa dhammaan madaxweynaha iyo xildhibaanada sharafta leh ee baarlamaanka soomaaliyeed, waxaana u rajeynayaa guul iyo horumar weyn", isagoo markale intaas raaciyay "Soomaalida waxay si dhab ahaantii ugu ooman yihiin nabad iyo dowlad caaddil ah, cunugii dhashay billowgii dagaallada sokeeya maanta waa qaangaar" ayuu markale yiri isagoo bogaadin iyo hambalyo weyn u soo jeediyay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda DFKMG mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Diblumaasigaan soomaaliyeed ayaa qiray inay dowladda cusub horyaalaan howlo aad u culculus, ayna ugu weyn yihiin hubka oo laga qaado maleeshiyada Soomaaliya ka jira, hantida la kala haysto oo la isu celiyo iyo kalsooni weyn oo laga dhex abuuro walaalaha soomaaliyeed ee kala gaysay colaadda dagaaleed.


Diblumaasiga maxammedyerow oo ay wada hadlayaan ninka leh dhaxalka Dubai, isla markaasna ah wasiirka gaashaandhiga imaaraadka, oo magaciisuna waa General Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, (Crown Prince of Dubai)

Maxammedyerow Abuukar Mayoow oo ahaa xooghayntii guud ee dadaalka weyn ka gaystay abaabulkii doorashadii DKMG ee Carta ayaa ku tilmaamay inay kala duwanaayeen labadii doorasho ee lagu soo kala doortay maamulkii Carta iyo dowladda laga dhisay Mbaghati, isagoo tusaale u soo qaatay ka qaybqaadashada ay dowladdan cusub ka qaybqaateen dhammaan hoggaamiye-kooxeedyada ka jira Soomaaliya iyo iyadoo dowladaha Igad iyo beesha Caalamka ay taageero weyn la garab istaagnaayeen. "waxaan rajeynayaa inaan waqti siinno dowladda cusub, isla mar ahaantaasna aan taageero la garab istaagno, nabad iyo dowlad fiican ayay u baahan yihiin shacabka soomaaliyeed" ayuu yiri Maxammedyerow, wuxuuna si degganaansho iyo kalsoonni ku jirta intaas u raaciyay "diyaar ayaan u ahay inaan kaalintayda shaqo ka gaysto dhisidda dowladda cusub maadaama ay ii baahan yihiin shacabka soomaaliyeed"

Maxammedyerow oo qiyaastii tobankii sanno ee ugu horeeyay ee dagaalka sokeeye kadib si ku meel gaar ahaan qunsul ugu ahaa Dubai dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa misna dowladdii lagu soo dhisay Carta kadib si rasmi ah markale loogu magacaabay qunsulka magaallada Dubai. Magacaabistaas markay sannad ka soo wareegtay ayaa booskiisii nin kale loo magacaabay, iyadoo weliba intaas loo raaciyay inuu dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta uga baxo muddo 72 saacadahood gudahood. Arrintan iyada ah oo uu Maxammedyerow u arkay inay ahayd shirqool lagu doonayay in isaga lagu fogeeyo ayaa waxay timid kadib markii uu Cabdiqaasim ugu yeeray inuu Muqdisho soo galo. "waxay is yiraahdeen ninkaan waa gibil-cad, markuu yimaado muqdisho isagaa cabsan doona, hase ahaatee dadkii igu sugayay garoonka diyaaradaha ayaa si fiican ii soo dhoweeyeen, wax dhibaato ahna lama kulmin, waa Illaah mahaddii" ayuu yiri, wuxuuna isagoo ka sheekeenaya wixii uu ka filayay kulanka Cabdiqaasim ka yiri "15 casho ayaan hoteel degganaa, iyadoo guddidii aan filayay inay ila xisaabtamaan oo i dhagaystaan aynan ii imaanin, markii wax dhaliil ah la igu waayay ayaa si fudud waxaa la ii soo gaarsiiyay inaan howshaydii qunsulnimo aan dib ugu noqdo" ayuu yiri Maxamedyerow oo iigu waramayay guriga mid ka mid ah caruurtiisa ku nool dalka Denmark.

"Markii aan ku soo laabtay Dubai, muddo gaaban kadib waxaa la soo diray nin uu watay Cabdiqaasim oo uu u magacaabay xooghaynta iyo qunsul ku xigeenka Dubai waana ninka lagu magacaabo Cabdinaasir Axmed Aadan (Seerjito) oo ay soomaalidu si fiican u taqaan, wixii intaas ka danbeeyay waxaa si fudud loo guda gulay mu'aamaradii la igaga xayuubinayay jagada qunsulnimo" ayuu yiri Maxammedyerow oo sheegay markaa kadib inuu la soo xiriiray maalin khamiis ah nin ka socday wasaaradda arrimaha dibadda, isagoo ballamiyay isla maalintii xigtay ee galabta jimcaha wuxuuna ku yiri hadalladan "waxaad dalka kaga baxdaa muddo 72 saacadood gudahood", markaan weydiiyay sababta ay ku dhacday annigoo sannado badan Dubai ka shaqeenayay, wuxuu iigu jawaabay "intaas ayaa la i faray inaan ku iraahdo". Maamulkii Carta ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim waxay warbaahinta u sheegeen inuu Maxammedyerow uu baasaboorada soomaaliga uu si sharci darro ah uga iibiyay dad ajaanib ah, arrintaan oo aan marnaba lagu xusin qoraalladii wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka ku ogeysiinaysay musaafirinta Maxamedyerow.

Maxammedyerow Abuukar Mayoow waxay soomaali badan oo degganaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ii sheegeen inuu ahaa nin xilkas ah ayna ku weynayd soomaalinimada, isagoo isla mar ahaantaasna soomaalida u dhaxeeyay. Wuxuu ku rajo weyn yahay in haddii loo baahdo uu ku noqdo howshiisii qunsulnimo ee Dubai maadaama uu meeshaas uu ka soo shaqeeyay sannado badan.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2004

updated: SomaliTalk.com | Oct 24, 2004

Madaxweynaha Dowlada FKMG oo Xalay la kulmay Baarlamaanka KMG ah
Waxana uu baarlamaanka u sheegay in ay hortaalo shaqo culus oo ah dib u dhiska dalka iyo... Guji... Oct 21

Safarka Madaxweynaha ee Addis Ababa, Cairo & Brussels
»Ra'iisul wasaaraha oo loo malaynayo in uu noqon doono Beesha Abgaal
»Dowlada Britain oo Soomaaliya ugu deeqday 8 milyan oo ginni
»Xuseen Caydiid: xilka Ra’iisul wasaare  waxaa xaq u leh Ururka USC
»Cali Khaaliif Galayr oo ka hadlay Doorshadii Madaxweynaha
»Qaraxii Wilson Airoport oo laga yaabo in ay Sababeen Caano Geel
»$24.4 million oo loo ansixiyey barnaamijyada caafimaadka Somalia
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Baaritaan ku saabsan Faraxumaynta iyo Xabsiga loo Gaystay Samsam  iyo Dilkii loo gaystay Marxuum
»Hargeysa: faraxumayntii loo geystey Samsam Axmed Ducaale
»Mugadisho: Dilkii loo geystey Marxuum Cabaas Cabdi Cali
Dhammaan ka akhri halkan... Guji... Oct 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA

URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...



HTML CD