Kacaankii 21 Ogtoobar Iyo Soomaaliya.
Soomaalidu waxay soo martay xilliyo
kala duwan gaar ahaan intii ka danbaysay markii ay hanteen xoriyadooda
sanadkii 1960kii hadaba qormadeenan waxaan ku soo qaadaynaa taariikhdii
kacaankii uu horkacayey Ilaahay hawnaxariistee Gen:Maxmed Siyaad Barre.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/rashiid
Cali Sharmaarke allahaw naxariistee markii shirqool qarsoodi ah logu
dilay magaalada Laascaanood Ogtoobar 1969 iyada oo uu toogtay askari ka
mid ah ilaaladiisa, xiligaas oo uu madaxweynuhu socdaal indho indhayn ah
ku marayey gobolada Waqooyi iyo Waqooyi Bari Soomaaliya oo abaar xumi
ka taagnayd, ayaa waxaa wadanka Soomaaliya la soo gudboonaaday isbadel
weyn oo taariikhi ah.
Baarlamaankii Soomaaliya
|
Hadaba habeenkii Inqilaabka sidee ayuu
xaal ahaa, waxaa ka waramay Shiikh Mukhtaar oo xilligaas ahaa
Guddoomiyihii Baarlamaanka si ku meel gaadh ahna u qabtay Jagada
Madaxweynahii geeriyoodey iyada oo uu distoorka dalku sidaasi dhigayey ,
wuxuu yidhi “Aniga oo ahaa guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa
distoorka jamhuuriyada oo qorayey in uu guddoomiyuhu qabto jagada
madaxweynaha haddii ay duruuf noocan oo kale ahi timaado ilaa inta
madaxweyne laga soo dooranayo lay magacaabay madaxweynaha jamhuuriyada
Soomaaliya, golaha baarlamaankuna wuxuu ku hawlana in ay iska soo
doortaan madaxweyne, waxaana xilligaas ugu cad cadaa ragii hungureynayey
xilka jagada madaxweynaha Muuse Boqor , hasa yeeshee waxaa isku
afgaran waayey golihii baarlamaanka , maalintii Inqilaabka ka horaysay
ayaa hadana waxaa fashilmay kulan uu lahaa goluhu.
Intii uu soconayey murankii u dhaxeeyey
golaha baarlamaanka ee ku saabsanaa cida buuxinaysa jagada madaxweynaha
ayaa saraakiisha ciidamada qalabka sidaa iyaguna hoos iska maamulayayeen
, oo ay ku hawlanaayeen in ay talada dalka la wareegaan. Inqilaabka laba
maalmood oo ka horeeyey ayaa waxa ii yimi safiirka maraykanka ee markaa
Muqdisho ku sugnaa wuxuuna ii sheegay in uu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan
saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida aniguse waa aan ka diiday
arrinkaas.
Subaxii 21/10/1969 ayaa aniga oo
gurigayga jooga waxaa ii yimi sarkaal sadex xidigle ah wuxuuna ii
sheegay in aan ahay xabsi guri, waxaana gurigaygii lagu wareejiyey
gawaadhida gaashaaman, xildhibaanadii kalena waxaa loo taxaabay jeelasha
iyo saraakiishii dawlada” ,Shiikh Mukhtaar wuxuu xogtan bixiyey xilli
aan kula kulmay magaalada Nairobi sadexsano ka hor.
Inqilaabkii aan dhiigu ku daadan markii
uu dhacay shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo uu joogo waa soo dhaweeyey
iyaga oo ka biyo diidsanaa dawladii rayidka ahayd oo ay ka waayeen wixii
ay ka filayeen iyaduna ay ku dhaqaaqday musuq maasuq.
In kasta oo uu Maxmed Siyaad Barre
sheegay in ay xukunka shacabka ku celin doonaan marka ay maskaxda qofka
soomaaliyeed kala garato ruuxa u wanaagsan iyo af miishaarka hadana may
dhicin, saraakiishii afganbiga xilka kula wareegtay waxay gaws-danbeedka
ku sii qabsadeen xukunkii iyo awoodii ,waxay ku dhaqaaqeen sidii ay
dalka horumar u gaadhsiin lahayeen.
Mashaariicda Horumarineed
Kacaankii wuxuu gacanta ku dhigay
dhamaan ganacsigii dalka, wuxuu bilaaabay in warshado dalka laga dhiso,
Dhismaha wadooyinka iyo gobolada ayaa
la bilaabay iyada oo jidka ilaa maanta loo aayey ee isku xidha waqooyi
iyo koonfur la dhisay , in kasta oo magaalada Muqdisho iyo koonfurta
xilligii hore culayska uu saaray kacaankii hadana Hargeysa Iyo Burco
waxay ahaayeen goobaha saamiga ugu wanaagsan ka helay horumarkii
kacaanku ku talaabsaday sanadihii todobaatameeyaadkii,waxa kale oo
iyagana la dhisay wadada caalamiga ah ee isku xidha Garoowe iyo Boosaaso
iyo dekada oo qayb libaaxle ka qaadatay horumarka dalka, gaar ahaan
intii bur burka.
Waxa uu kacaankii 1969kii dalka ka
dhisay warshado,mashaariic horumarineed,beeraha oo aad loo tabcay, sida
warshadii hilibka ee Kismaayo, warshadii sokorta ee mareeray iyo
jawhar,warshadii sibidhka ee Berbera ,warshada haraga iyo saamaha ee
Burco, garoonka diyaaraha ee Hargeysa, kan berbera oo dibloo casriyeeyey
iyo mashaariic farabada oo aan halkan lagu soo koobi Karin.
Caafimaadka.
Xukuumadii kacaanku waxay waxweyn ka
qabatay dhinaca caafimaadka oo qofka Soomaaliga ahi aanu ka war weri
jirin isaga iyo qoyskiisuba caafimaad hufan oo lacag la’aana uu si
habsami ah u heli jiray, waxaana xarumo caafimaad laga sameeyey inta
badan gobolada Soomaaliya iyada oo caasimadana cisbitaalo waaweyn laga
hirgaliyey, waxaana sida cisbitaal Banaadir iyo Digfeer, waxaana
Soomaali oo dhami xusuusan tahay sidii dalka looga cidhibtiray cudurkii
kudka.
Sport-tiga.
Xilligii kacaanka waxa uu ku guulaystay
in wadanka loo dhiso garoomo caalami ah oo ay ciyaartoygii dalku ku soo
bandhigaan wacadarihii ay la hortagi jireen dhigooda aduunka ,garoomadaas
oo sida lawada ogsoon yahay uu ugu magaca dheeraa karoonkii Muqdisho,
oo ahaa garoon qaybaha kala duwan ee ciyaaraha lagu soo bandhigo, laguna
qaban jiray ciyaarihii gobolada ee aadka looga xiisayn jiray dalka
Soomaaliya.
Wabarashada.
Waxaan qofna caad ka saarayn xilligii
dawladii kacaanka in wadanka laga furay jaamacadii ugu horaysay iyada oo
aanay dalka jaamacad hore uga jirin , jaamacadii Gahaydh , iyo
kuliyadihii qiimaha badnaa sida Lafoole,SIDAM Iwm ee ay ka soo qalin
jabiyeen inta badan aqoonyahanka Soomaaliyeed ee maanta dunida
daafaheeda ku kala nool, waxaa intaas dheeraa dugsiyadii laga baran
jiray farsamada gacanta.
Waxa kale oo ay dawladii kacaanku
dhistay dugsiyo aad u tiro badan oo dhamaan sideeed iyo tobanka gobol
iyo degmooyinka badankooda laga dhisay, waxaana intaas oo dhan wax ka
dhigi jirtay macalimiin soomaaliyeed oo lagu soo carbiyey kuliyadaha
aynu soo xusnay. caruurta agoonta ah ayaa la daryeelo, waxbarashada
dalku lacag la’aan ayaa lagu dhigan jiray , ololihii lagula dagaalamayey
jahliga iyo wax qoris la’aanta ayaa Soomaaliya laga hir galiyey.
Caalamka iyo Soomaliya.
Soomaaliya waxay hormuud ka noqotay
golaha amaanka ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa sanadihii 1973dii
xilligaa soo ay ka ahayd xubin muddo laba sanadood ah iyada oo qayb
libaaxle ka qaadan jirtay sidii shucuubta dulmani isaga qaadi lahayd
heeryada gumaysiga ,waxayna qayb libaaxlehka qaadatay u gargaarida
ururadii gobanima doonka ahaa ee afrika iyo caalamkaba iyada oo taageero
hiil iyo hooba siin jirtay .
Waxay Jamhuuriyadii Dimuqraadiga
Soomaaliyeed ku biirtay Ururo aanay hore ugu jiri jirin sanadkii 1974kii
Soomaaliya waxay noqotay dawlada koob iyo labaatanaad ee Jaamacada
dunida carabta, waxa kale oo ay Soomaaliya ka mid ahayd dawladihii u
taagay dhidibada urur goboleedka IGAD oo maanta ku hawlan sidii
soomaaliya marlabaad ugu soo noqon lahayd iyada oo caafimaadkabata
kaalinteedii wax ku oolka ahayd.
Sanadkii 1977kii waxaa ka dhex qarxay
Soomaaliya Iyo Itoobiya dagaal qadhaadh oo ku dhex maray deegaanka
Soomaalidu ku nooshahay ee Ogadeeniya, oo dawlada Soomaaliya ay u
taqaanay dhul Soomaaliyeed oo aan sinaba jamhuuriyada uga maqnaan Karin,
in kasta oo ay Soomaaliya guul weyn ka soo hoysay bilowgii dagaalka
hadana dawlado badan oo ay ka mid yihiin Ruushka , Kuuba iyo Jarmarka
Barri oo soo dhex galay ayaa keenay in Soomaaliya lagu jabiyo dagaalkaas,
dibna ay ciidamada Soomaaliya uga soo baxaan dhulkii ay xoreeyeen..
Dagaalkaas ka dib waxa ay Soomaaliya
gashay mar xaladii ugu xumayd ee ay waligeed soo marto, waxaana dilaacay
jabhado ay ugu horaysay SSDF oo uu hogaaminayey C/laahi Yuusuf Axmed ka
dib markii uu isku dayey isaga iyo Col Cirro Ninkii la odhan jiray
inqilaab, Afganbigaas oo dhicisoobay sanadkii 1978, waxaa iyana abuuran
tay jabhadii SNM ee ay beelaha Isaaqu isku baahaysteen, sanadkii 1989
waxaa iyana soo baxday jabhadii USC ee uu Caydiid hogaaminayey Siyaad
Barrena waxaa xukunkii laga tuuray 1991, Soomaaliyana waxay sii dhex
muquuratay Mugdigii iyo dulmigii ugu xumaa ee waligeed Soomara, iyada oo
mar qudha dhulka lala simay wixii ay dawladihii kala danbeeyey
ay wadanka u soo qabteen iyada oo wax waliba shaqaynayaana uu dhamaaday
xukunkii siyaad barre ilaahay hawnaxariistee.
Asad Caddaani Ibraahim
assadlaska@yahoo.com
Laascaanood Soomaaliya
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | 21ka Oct 2004
Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii
iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay..
Guji