-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda FKMG oo Safar
ugu kicitimi doona Xarumo caalami ah
-
Dowlada
Britain oo Soomaaliya ugu deeqday lacag
dhan sideed milyan oo ginni si wax looga
qabto abaaraha iyo arrimo la xiriira hub
ka dhigista.
-
Cali
Khaaliif oo dhaliilay sida ay u dhacday
Doorashada……
-
Xuseen
Caydiid oo sheegay in xilka Ra’iisul
wasaare ay xaq u leeyihiin Ururka USC.
-
Qaraxii
Wilson Airoport oo laga yaabo in ay Sababeen Caano Geel
-
$24.4
million oo loo ansixiyey barnaamijyada caafimaadka
Somalia
Madaxweynaha
Jamhuuriyada FKMG oo Safar Ku Kala Bixin
doona
xarumaha AU (adis), Arab League (Cairo), EU
(Brussels) iyo Ra'iisul Wasaaraha oo Loo
Magcaabi Doono Beesha Abgaal
Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG, C/laahi
Yuusuf Axmed
Beesha::: Daarood |
Afhayeenka Baarlamaanka FKMG,
Shariif Xasan Sh.Aden
Beesha:::
Digil-Mirifle
|
SomaliTalk.com
| Nairobi | Oct 20, 2004
Warar aan ka
helay ilo war-gal ah ayaa shaaca ka qaaday
in madaxweynaha Jamhuuriyadda FKMG, C/laahi
Yuusuf Axmed, iyo wafti uu hoggaaminayo uu
maalinta Jimcada (October 22, 2004) safar
ugu kicitimi doono saddex xarumood oo kala
ah: Xarunta midowga Afrika (AU) ee Addis
Ababa, Xarunta ururuka carabta (Arab League)
ee Qaahira, iyo Xarunta midowga Yurub (EU)
ee Brussels.
Isla
wararkaas ayaa SomaliTalk u sheegay in ay
dhici karto madaxweynuhu uu Ra'iisul wasaare
u magcaabi doono nin ka soo jeeda beesha
Hawiye, taas oo loo malaynayo in
90% uu noqon
doono Abgaal... Waxaana warku ku adkeeyey in
magcaabida ra'uusal wasaaraha uu ilaa hadda
ogyahay madaxweynaha oo keliya.
Dowlada
Britain oo Soomaaliya ugu deeqday
lacag dhan sideed milyan oo ginni si
wax looga qabto abaaraha iyo arrimo
la xiriira hub ka dhigista.
Anab Mohamoud Abdulle
SomaliTalk.com | nairobi
Oct
20, 2004
Kulankii baarlamaanka ee maanta oo
ka dhacay hotelka 680 ee magaalada
Nairobi oo ay ka soo qayb galeen
xubno ka socday dowlada Britain ayaa
u sheegay baarlamaanka in wadanka
ingiriiska uu ogolaaday lacag dhan
sideed milyan oo lacagta britain
ah in ay ugu deeqaan soomaaliya si
wax looga qabto arrimo la xiriira
abaaraha meelaha ay ka jiraan ee
soomaaliya iyo arrimo la xiriira hub
ka dhigista.
Xidhibaan, ahna wakiilka xariirka
caalamiga barwaaqo sooranka
baarlamaanka Britain oo lagu
magacaabo
Mr. Chris Mullin
oo baarlamaanka Soomaalida ka hor
qudbeeyay ayaa ugu horeyn sheegay in
dowladisu ay soo dhawaysay dhismihii
baarlamaanka KMG ah ee soomaaliyeed
iyo waliba doorashadii Madaxweynaha
waxa uuna ku tilmaamay in ay tahay
talaabo horumar leh oo ay soomaaliya
gaartay, waxa uuna ugu baaqay
Dowladda soomaaliyeed ee dhismaha uu
ku socdo haatan in ay noqoto mid la
tashi la samaysa shacabka iyo
ururada bulshada rayidka si awooda
ay ugu wada sinaato.
Guusha
ay soomaaliya gaartay ayuu yiri waa
mid naxdin galin doonta inta
somaliya cadowga ku ah,waxaana ku
farxi doona inta jecel Nabada
soomaaliyeed ee saaxiibka la ah,waxa
uuna intaasi ku daray in soomaaliya
ay wax iyadu qabsato kadibna uu
caalamka gacan siin karo,waxa uu ka
dalbaday hogaamiyayaasha siyaasada
in ay meel mariyaan heshiiskii ay
galeen ee hub ka dhigista
maliishiyaadka iyo taageerida
dowlada KMG ah.
Waxa
uu intaasi ku daray Mr. Chris in ay
qayb ka mid ah lacagtaas oo gaaraysa
sadax milyan oo ginni lagu wareejin
doono hay'adda UNDP.si loogu sameeyo
arrimo la xiriira Hub ka
dhigista,balse ay go'aanka hub ka
dhighista lahaan doonaan
Baarlamaanka Iyo madaxweynaha ka
dibna ay hay'addu ku dhaqaaqi
doonaan barnaamijkaas.
Mar
aan wasiirka wareysi Kula yeeshay
Banaanka kadib shirka ayaan wax ka
waydiiyay in ay lacagtan si guud
somaliya oo dhan wax looga qabanayo
marka aan ka hadlayno arrinta
somaliland. waxa uu Mr. Chris sheegay
in la kala qaybiyay oo somalilanad
qaybteeda la siinayo si wax looga
qabto abaaraha ka jira
soomaaliya,waxa uuna intaasi ku
daray in Wada xaajood lala sameeyo
jamhuuriyada la magac baxday
somaliland.
Kulankii maanta oo uu shir
gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamanka
Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa ahaa mid
loogu tala galay in wafdigan lagu
soo dhaweeyo iyadoo baarlamankana ay
waxba ka hadlin,waxaana dib loo
balamay maalinta jimacaha in ay dib
isugu soo laabtaan.
Bilowgii toddobaadkan ayey ahayd
markii uu safiirka Britain u fadhiya
kenya,
Edward Clay, uu sheegay in dawladiisu
gacan siineyso dib u dhiska dalka
ee dawlada dhowaanta la doortay
ee Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya.
Sida ay werisey warbaahinta qaranka
Kenya (KBC), Edward Clay waxa uu
yiri 'Soomaaliya waxa ay leedahay
saaxiibo, kuwaas oo ka gacan qaban
doona dib u dhiska qaranka"
[EEG
Britain to support Somalia].
Anab Mohamoud Abdulle <canabmumtaz@hotmail.com>
Cali Khaliif
oo dhaliilay sida ay u dhacday Doorashada……
W/Q.Abdi Wali
Ibraahim Aaden “Garyare”
Garyare20@hotmail.com
Ra’iisul
wasarihii hore ee TNG-da Cali Khaliif Geleyr
oo ku eedeeyay Dowladaha Talyaaniga,Kenya
iyo Itoobiya inay lacag badan ku bixiyeen
sidii Col,C/laahi Yuusuf Axmed u noqon laha
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Somaliya.
Cali Khaliif
Galeyr oo u waramayay qaarka mid ah
Warbaahinta Magaallada Muqdisho ayaa sheegay
inuu hubo in Dowladaha Talyaaniga, Kenya iyo
Itoobiya ay qarashaad badan ku bixiyeen
sidii C/laahi Yuusuf uu ugu soo bixi lahaa
xilka uu iminka qabtay ee ah Madaxweynaha
Dalka Somalia.
Ra’iisul
Wasaarihii hore ee TNG-da Cali Khaliif
Galeyr waxaa uu sidoo kale uu sheegay in
markii uu joogay Nairobi arintaasi kala
hadleen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta
gacanta ku hayay shirkaasi Somalida uga
socday Wadanka Kenya oo ay ka mid yihiin
danjiraha Kenya u qaabilsan Somalia Maxamed
Cabdi Afeey oo uu sheegay inuu ahaa ninka ay
uga caali waayeen inuu joojiyo waxa uu
shirka ka dhex wado ee ah u xaglinta Col,C/laahi
Yuusuf Axmed,iyadoo uu sidoo kale uu eed
taasi la mid ah dusha uga tuuray
Guddoomiyaha Shirkaasi Somalida u qaabilsan
Kenya, Kipligat.
Hadalka Cali
khaliif Galeyr ayaa waxa laga dareemayay
inuusan jecleysan sida uu ugu soo baxay
xilkaasi Col,C/laahi Yuusuf Axmed oo ahaa
nin ay si weyn isaga soo hor jeedeen,iyadoo
xitaa ay isku khilaafeen sida loo soo
magacaabayo xubnaha Baarlamaaka uga soo
aaday beesha Harti,taasoo keentay inuu gabi
ahanba shirkaasi isaga baxo Dr,Cali Khaliif
Galeyr,si kasto oo ay tahay waxa uu sheegay
Cali Khaliif Galeyr in doorashaadi uu ku soo
baxay Col,C/laahi Yuusuf tahay mid dan ugu
jirta Umada Soomaaliyeed.
Mar wax laga
weydiiyay Dr,Cali Khaliif Galeyr sida ay
Dowladaasi wax uga qaban karto
dhibaatooyinka ka jira Wadanka Soomaaliya oo
ay horay wax uga qaban weyday Dowladii uu
isaga Ra’iisul Wasaraha ka ahaa waxaa uu
yiri ”runtii taasi waxaan filayaa inay u
taal Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Somaliya oo uu sheegay in looga baahan yahay
in si ay ku jirto maslaxada Dalka ku
dhaqaaqo,isla markaana magacaabo Ra’iisul
Wasaare ka soo jeeda Magaallada Muqdisho oo
ah nin ka soo bixi kara xilka loo
magacaabay,isagoo taasi sabab uga dhigay in
ay Muqdisho tahay meesha ay ka dagi la dahay
dhibaatada Soomaaliya ee ka jirta 14-ka sano
ee la soo dhafay.
Ugu
danbeeyntii waxaa uu ugu baaqay dhamaan
dadka Soomaaliyeed Dr,Cali Khaliif Galeyr
inay ka war dhowraan bal waxa ay la timaado
Dowlada iminka loo dhisay Wadanka Soomaaliya
ee uu Madaxweynaha ka yahay Col,C/laahi
Yuusuf Axmed,waxaana uu meesha ka saray
fikradda ah in Col,C/laahi Yuusuf Axmed lagu
mucarado wixii uu horay u ahaan jiray,taasoo
uu sheegay in laga soo gudbay oo uu iminka
yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Xuseen
Caydiid oo sheegay in xilka Ra’iisul wasaare
ay xaq u leeyihiin Ururka USC.
Xuseen
Maxamed Faarax Caydiid oo ka mid ahaa
hogaamiyayaashii ku loolamayay xilka
Madaxweynaha Jamhuuriyadd Soomaaliya ayaa
iminkana waxaa uu kamid yahay raga u xusul
duubaya sidii loogu magacaabi lahaa xilka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada cusub ee
Soomaaliya loo dhisay.
Xuseen Maxamed
Faarax Caydiid oo ka hadlayay beesha xaqa u
leh in loo magacaabo Ra’iisul Wasaraha
Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay inay xaq u
leeyihiin beesha Hawiye,isagoo intaasi ku
daray in Beesha hawiye ay tahay mid qeyb
wayn ka soo qaadatay ridistii Dowladii
Milatariga ahayd,sidaa darted ayuu sheegay
in ay tahay muqadas in Ururka Hawiye loo
magacabo xilka Ra’iisul Wasaaraha.
Mar la
waydiiyay Xuseen Su’aal ahayd Beelaha ku
abtirsada Ururka USC way badan yihiin ee
beeshee ayaa xaq u leh iyaga laftooda marka
laga qaado,waxaana uu sheegay inuusan iminka
jeclayn in uu kala qaado beesha Hawiye ee u
wada culus duubaya xilkaasi sidii loogu
magacabi lahaa,laakiin waxaa uu carabka ku
adgeeyay in ay lama taabtaan tahay in
xilkaasi helaan Ururka USC,Waa sida uu halka
u dhigaye Ing,Xuseen Maxamed Faarax
Caydiid.
Dhinaca kale
Xuseen Caydiid ayaa waxba kama jiraan ku
tilmaamay wararka sheegaya hadal kasoo
yeeray mid ka mid ah Taliyayaashiisa
Ciidamada Isbahaysiga SNA ee uu isaga
guddoomiyaha ka yahay ee ah in Col,C/laahi
Yuusuf Axmed kasoo dagi Karin deegaanada ay
gacanta ku hayaan Isbahaysiga SNA gaar ahaan
Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa
Somalia,isagoo sheegay in ay xaruntaasi
tahay xarun qaran oo ay san isaga iyo inta
taageersan lahayn.
Xuseen Caydiid
waxaa uu dhawaan kulan la yeeshay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Col,C/laahi
Yuusuf Axmed,iyadoo ay inta badan kawada
hadlayn qofka ku haboon in loo magacaabo
xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,waxaana
Xuseen uu kamid yahay Raga u xusul duubaya
inay ku guuleystaan Xilka Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumada cusub ee Soomaaliya.
W/Q.Abdi Wali
Ibraahim Aaden “Garyare”
Garyare20@hotmail.com
Gabar
Soomaaliyeed oo madaxa biyo ku sida,
Muqdisho | Sawirka AFP |
24.4 MILLION OO DOOLAR OO LOO ANSIXIYAY
BARNAAMIJYADA CAAFIMAADKA SOOMAALIYA
Sida
ay werisey AFP, hay'adda lagu magcaabo Global
Fund (oo qaabilsan la dagaalanka AIDSKA, TB-da
iyo Malaariyada) ayaa waxay ansixisay lacag dhan
24.4 million dollar oo la siinayo barnaamijyada
Qaabilsan caafimaadka Soomaaliya. Waxaa warku intaas
ku daray in markii hore hay'ada Global Fund
la weydiistey in ay ku deeqdo 51.6 million dollar,
balse ay ogolaatay 24.4million sida laga soo xigtey
hayda SACB (Somalia Aid Coordination Body).
Waxaa
warku intaas ku daray in 4.6 million dollars oo
lacagtaas ka mid ah la gaarsiiyay UNICEF, halka 2.2
million oo dollar la gaarsiiyey hay'dada World
Vision barnaamiyadeeda malaariyada iyo TB-da.
QARAXII KA
DHACAY WILSON AIRPORT OO LAGA YAABO IN AY SABAB U
AHAAYEEN "CAANO GEEL"
Sida
ay qortay jariidada Daily Nation ee ka soo baxda
Nairobi, baaritaan dheeraad ah oo lagu sameeyeey
qaraxii ka dhacay garoonka
Wilson Airport
ayaa waxaa ka soo baxay in arintaasi aysan ahayn
bombaano, balse qaraxaasi uu ka dhashay alaab ku
kaydsanayd garoonko.
Qaar
kamid ah baaritaanada ayaa sheegay in qaraxaas laga
yaabo in uu sababeen tenegyada ay ku jiraan Caanaha
Geela ee laga keeno Soomaaliya. Caano aad u
farabadan ayaa maalin walba laga soo dhoofiyaa
Soomaaliya, kaddibna waxaa lagu kaydiyaa garoonka
inta aan loo qaybin macaamiisha, ayey warkeeda ku
dartay Jariidadu.
Dhanka
kale dawlada Kenya iyo dawlada cusub ee Soomaaliya
ayaa labadu beeniyay in qaraxaas loola dan lahaa
madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf. Afhayeen u
hadlayay madaxweynaha DFKMG oo lagu magcaabo
Yuusuf Ismaaciil ayaa
sheegay xilligii qaraxu dhacay in madaxweynuhu
Hoteelka uu ka degan yahay Nairobi kula shirayeyey
hogaamiyayaal Soomaaliyed, waxa kale oo afhayeenku
intaas ku daray in MDFKMG uusan ka bixin Nairobi
laga soo bilaabo markii al dhaariyay. [Warkii hore
ee Qaraxa
ka akhri halkan].