Waxaa
noo suurtagashay inaan wax ka ogaano asbaabaha
keenay in la xiro lana faro xumeeyo, waa sida
haya,adaha xuquuqda Aadamaha udooda xaqiijiyeene,
Samsam Axmed Ducaale oo ah gabar yar oo hadda madaxa
la gashay 16 sano ayaa ilo kala duwan noo sheegeen
in arinteedu madaxa la galayso oo ugaar tahay
madaxweyne ku xigeenka Somaliland, taaso salka ku
haysa kala afkaar duwanaasha Xagga diinta, haddaba
waxan idiin soo koobin baaritankii waxa nooga soo
baxay Sidatan:
Samsam
oo ah gabar ciyaalo madarisa oo ka timmid Gobalka
Bari ayaa si kama ah u timmid guriga madexwyne ku
xigeenka ayadoo moodaysay guriga abtigeed oo ah
wasiir ku xigeen, haddaba waxaa dhacday in
waardiyaashii guriga ay ugu yeereen madexweynaha ku
xigeenka,taasoo ka fajicisay madexwyne ku xigeenka
dabadeedna sas iyo baqdin ka qaaday aragtida gabadha
maadaama ay xijaabnayd Samsam oo waliba indho
shareernayd, ayadoo Axmed Yassin -waa madexwyne ku
xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA,
oo si wayn u neceb wadaadada dhalinyarada ah iyo
kuwa ku dhegan xijaabka, ayadoo doodo iyo muramo
badan ay isku hayeen wadaadaas.
Waxaana madexwene ku xigeenku si xanaaq iyo caro leh
u amray in Samsam u baaritaan iyo xarig lagu sameeyo
isagoo raaciyay waa mu,aamaraad la rabo in laygu
khaarijiyo, Waardiyaashii oo amarkii kululaa ee
madexwyne ku xigeenka fulinaya waxay gabadhii u
gaysteen baaritaan naxariis daro ah iyagoo
aakhirkiina ay faro xumeeyeen oo dhamaan wixii
gabarnimo lahayd laga takhalusay, kadibna gabadhii
si loo qariyo uurku taaladaas waxaa loogu
marmarsiiyooday waxay rabtay inay khaarijiso
madexweyne ku xigeenka, taasoo ka degi wayday
dhamaan Soomaalida caqliga usaaxiibka ah waayo
gabadh 16 sano jirta mu,aamaraad ay hindisi karto
ayaa iska yar bay leeyihiin .
Waxaa
isku soo duubo dhacdadaas isugu biyo shubanaysaa -walow
uuna amrin in la kufsado Samsam- madexweyne ku
xigeenku inuu sabab u ahaa dhibka ku dhacay Samsam,
maadaama loo baahnaa inuu si caqli saliima u
yiraahdo adeer yaad doonaysay? maxaad usocotay? ee
inuu kula galgasho wixii u dhexeeyay isaga iyo
wadaadada ay kala fikirka ahaayeen una qaato qof
isaga khaarijnaysa meesha ma oolin ayay dadka isku
raaceen.
Xagga Cabaas Cabdi Cali oo asbuucii la soo dhaafay
lagu dilay xaafadda Suuqa xoolaha isagoo ka soo
baxay masaajidka,ayaan waxaa iyana baaritaankii
nooga soo baxay sidatan;
Cabaas
Cabdi Cali oo ahaa allaha u naxariistee nin taqiya
oo aan jeclayn dadka Isticmaala Qaadka iyo sigaarka,
ayaa waxaa maalmo ka hor u yimmid dhalin yaro ay
ilmo adeer yihiin oo ka codsaday inuu shaqaaleeyo
maadaama ay ka jajaban tahay ,waxaa la soo wariyay
inuu yiri shaqo idiima hayo,haddi dabka idinka
dansan yahay oo aad gaajaysantihiin wixii aan idiin
awoodo ayaan idinku kaalmayn,dad arrinta la scoday
waxay sheegeen inuu lacag fiican siiyay dhalintaas
ay xigtada ahaayeen balse uusan jeclaysan qaabka ay
u dhaqmayaan oo malaha ay ka mid yihiin ruugista
qaadka iyo Dhuuqista Sigaarka iyo waliba hubka qarqarka
usaaran,waxaa la sheegay inay muddo ku soo
noqnoqonayeen oo ka quujeenayeen inuu meeleeyo,balse
u ku gacansayray, ka dibna waxaa la xaqiijiyay inay
dhalintaas ay dad isu xigaan gacantooda ku baxay
Marxuum Cabaas Cabdi Cali oo la isku raacay inuu
ahaa nin aad iyo aad u dhowrsan oo ehellu diina.
Waxaa
moodaa isku soo xooriyoo in utina qarsoon oo xagga
kala fikirka ah ay jiraan kuwaasoo u dhexeeye,kuwa
waxay liqaan mooyaane aan wax kale ku xisaabtamayn
iyo kuwa micnaha Aduunka loo yimmid fahamsan oo ah
inaad si nadiif ku dhaqantid oo laguu abuuray in
wadadii ilaahay jeexay martid.