Xafladii Dowlada Cusub ee Magaalada
Minneapolis lagu Qabtay.

Xarunta weyn ee convention Center in Minneapolis
Waxa si farxadle looga soo dhaweeyey labada magaale ee
mataanaha ah ( ST Paul iyo Minneapolis) doorashadii sida
cadaalada ku dhacdey ee lagu doortay madaxweynaha Somaliya Mudane
Abdulahi Yusuf Ahmed. Xafladaas waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin
badan oo ay ka mid yihiin kuwa u dhashay wadanka Mareynkanaka iyo Somalida
degan gobolka Minnesota, dadkaas oo tiradoodu lagu qiyaasay in kabadan toban
kun oo qof. waxayna u dhacdey sidatan:
Idaacada la daawado
(TV)

Waxa
goobtii xafladu ka dhacdey hadheeyey wariyayaasha gobolka Minnesota oo
halkaa ka qaadayey sawirada iyo cododka dadkii ka soo qaybgalay xafladaas.
Markii xafladu dhamaateyna ka baahiyey idaacadaha ka baxa gobolka Minnesota.
Idaacada ugu weyn ee dadku aadka u xiiseeyaan laaguna magacaabo Somali Show
TV ayaa waxa ay u soo daysay barnaamijkaa halkaa ka dhacay isla maalin
nimadii jimcaha, halkaas oo si weyn looga daawadey sidii xaflada u dhacaday.
Barnaamijkaa ayaa waxa xiriirinayay wariyaasha caanka ah ee gobolka
Minnesota, Abdimalik Askar iyo Zakariye Adand.
Waxgaradka Gobolka
Minnesota
Waxa
halkaa qudbado qurux badan oo isdaba jooga ka jeediyey waayeelka degan
gobalka Minnesota. Qudbadii ugu horeysay ayaa waxa hadalaka qaatey Maxamed
Askar, oo sideetan jir ah. Waxana uu xasuusiyey in maanta ay la mid tahay
maalintii calanka la qaatay oo kale. Waxa uuna guubaabo weyn u soo jeediyey
Soomaalida degan gobalka Minnesota, isagoo odhanayey “ Waa in aan taageernaa
dowlada u dhalatay Soomaaliya maanta haday noqon lahayd xag dhaqaale, xag
waxbarasho oo aanu ku tabarucnaa waqtigeena sidii aanu wax ula qaban lahayn”.
Waxa kale oo uu xusay kana sheekeeyey waxa ay xoriyadu tahay iyo sida ay
muhiim u tahay in la dhowro lana difaaco. Markuu Maxamed Askar dhameeyay
ayaa waxa hadalkii qaatay mudane Qaac oo dadkii halkaa yimid u jeediyey
qudbad xiiso leh kuna dheehneyd Somalinimo iyo wadannimo jeceyl. Waxa isgana
halkaa ka hadley Rasto oo ku qudbadeeyey afka Mayga. Qudbadiisuna waxa ay ku
dheehneed sidii loo soo celin lahaa midnamadii Soomaaliya iyo kal dambeyntii.
Laguma soo koobi karo dadkii halakaas ka wada hadley, waayo qudbad walba
waxa ay ka hadleysey muhiimada Somalinimada waxa ay tahay iyo tahniyado loo
dirayey madaxweynaha Somaliya Mudane Abbdulahi Yusuf Ahmed.
Haweenka Magaalad
Mineapolis
Haweenka degan gobalka Minnesota ayaan u kala harin ka
qayb galkii xaflada lagu soo dhaweynayo dowlada cusub. Waxayna u diyaariyeen
buraanbur ay ugu tala galayn madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane
Abdulahi Yusuf Ahmed. Waxayna goobtaas ka jeediyeen sedex buraanbur oo cusub.
Intii buraanburka socday ayaa waxa aan meesha ka maqneyn gabdhaha degan
gobalaka Minnesota oo isla goobta ku ciyaarayey cayaarta buraanburka. Taasoo
dadkii halkaa ka soo qayb galay gilgishay shacuurtoodii ku dheehneyd dowlada
cusub ee u dhalatay Soomaaliya. Dhamaan haweenka wajigooda ayaa waxa ka
muuqatay reynreyn ay ku dheehan tahay farxad.
Ardada Gobalka
Minnesota
Ardeyda dhigata dugsiyada sare, jaamacadaha iyo kuwa
dhigta kuliyadahA ayaa halkaa waxa ay ka jeediyeen qudbado xasaasiya oo
dadka qaarkood u riyaaqeen. Waxana ay qaarkood sheegeen in ay ka yimaadeen
Soomaaliya cisha dhaweyd oo ay ku soo arkeen sedex wax yaalood oo kale ah:
1-
Hooyo albaabka ku garaaceysa guri aysan aqoon, oo oraneysa wax cuna
ah ma idanka soo hareen aan ciyaalka siisto.
2-
Hadaad rabto in aad aado magaalo kale oo aadan u dhalan, waa in aad
ka xaysataa dad u dhashay magaaldaas oo ku ilaaliya.
3-
Waxbarasho la’aan dhab ah.
Madaxda gobalka
Minnesota
Xaflada kaliya ma aysan u dabaaldageyn Somlida balse
waxa halkaas la faraxsanaa madaxda goblaka Minnesota kuwaasoo ay isgu jireen
noocyo badan. Waxa ugu horeeyey oo hadalaka qaatay duqa magaalada
Minneapolis oo ku furey hadalkiisa afsoomaali isgoo yiri “Awguuriyo Somaliya”.
Waxa uuna u sheegay Soomaalida in ay dowlada taageeraan gacan buuxdana
siiyaan. Gebogabadiina xasuusiyey Soomaalidu in ay doorashada Mareynkanka ee
dhacaysa bisha soo socota ka qayb qaataan sidii ay u dooran lahaayeen
Madaxweynahooda halkan. Waxa kale oo halkaa ka hadlay mas’uuliyiin badan oo
ay ka mid yihiin Madowga Mareynkanka oo u sheegay Soomaalida in ay isla
dhasheen, oo ay ka wada yimaadeen hal qaarad oo qura. Wadanka Mareynkankana
la keenay afar boqol oo sano ka hor. Haddana ay diyaar u yihiin sidii ay
walaalahooda Soomaalida ay u garab istaagi lahaayeen. Iyagoo hambalyo aan
kala go laheyn u dirayey madaxweynaha cusub ee Somaliya Mudane Abdulahi
Yusuf Ahmed.
Culimada Gobolka
Minnesota
Waxa ayaadu quraan ah ku furay mid ka mid wadaada sida
weyn looga qiimeeyo magaalada Mineapolis. Ka dibna waxa si qurux badan wacyi
ka soo jeediyey halkaas Abdisalan Adan oo ah sheeq aad loo xishmeeyo.
Abdisalaan waxa uu yiri “ Maanta way dhamaatey su’aashii aanu in badan
jawaabta u weyney ee ahayd Soomaaliya Madaxweyne ma laha. Isaga oo hadalaka
sii wata ayaa waxa uu yiri waxa aan macalin ka ahay iskuulada goblka
Minnesota, marwalbana waxa caruurta Soomaalidu i weydiiyaan madaxweyne anagu
ma leenahay, wax aan ku jawaabnana uma aanu heyn su’aashaas, laakiin maanta
waxa ka dambeeya madaxweynuhu waa Mudane Abdulahi Yusuf Ahmed.
Fanaaniinta Gobolka Minnesota.
Fanaaniinta gobolka Minnesota ayaa waxa ay isku soo
duba rideen barnaamij loogu dabaaldagayey dowlada cusub iyo tahniyada
madaxweynaha Soomaaliya Mudane Abdulahi Yusuf Ahmed. Fanaaniinta halkaa
goobjoog ku ahaa waxa horkacayey Sangub isgoo oo curiyey labo heesood oo ay
ku luuqeynayeen Saado Ali Warsame iyo Cigaal. Fanaaniintaas ayaa waxa ay
badankoodu ka soo jeedeen kooxdii la oran jirey Waaberi, balse waxa halkaa
ku dhamaa fanaaniinta gobolka oo dhan. Inkastoo oo waqtigu ku yaraadey
hadana waxa ay dhigeyn wax aan hore looga baran marka ay masraxa yimaadaan.
Dadweynaha ka soo qayb galay xafladaas ayaa fanaaniintu ka ilmeysiiyeen
sidii qiirada laheyd ee ay ugu luuqeynayeen heesaha isdaba jog ah. Heesahaas
waxa ka mid ahaa Toosooy Toosooy isku tiirsada iyo maanta maanta waa maalin
weyne maanta oo ay ku luuqeyneysay fanaanada caanka ah ee gobalka Minnesota
Cadar kaahin.
Gebogabadii
Xafladan ayaa waxa ay ahayd mid taariikhda baal dahaba
ka gashey dhamaan umada Somaliyeed ee degan goblka Minnesota ay xusuusan
doonaan. Xafladan ayaa waxa ay tahniyad buuxda u dirtey Mudane Abdulahi
yasuf Ahmed iyo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya. Dhamaan dadkii ka soo
qaybgaly barnaamijka ayaa u mahad celiyey dadkii soo abaabuley barnaamijkan
quruxda badan. Ugu dambeyntii ayaa halkaa lagu duceeyey in Alle
dowladan ka dhigo mid Soomaaliya u horseeda NABAD IYO CAANO.
Waxa qorey
Dr. Abdimalik Askar
aabdimalik@comcast.net