SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

FC. Waraabe oo Maxkamadaynaya Kooxaha ka soo jeeda Gobollada Sool/Sanaag ee Deggan Maaweel Cirroole

W/Q: Ahmed Abdilahi
dankaamalihi@yahoo.com

Faysal Cali Waraabe waxa uu farriin aad u muhiima oo digniin ah u gudbiyey kooxaha ku xidhan ee la shaqaya maamulka Hargeysa, kooxahaas oo ka soo jeedda asal ahaan gobollada SOOL iyo SANAAG si aadana ugu adeegta maamulkaas, kooxdani oo aan haysan kalsoonida shacabkooda  kuna dhaqan Huteelka Maaweel oo ka mida kuwa ugu raaxada badanleh adduunyada oo dhan.

            Waxaana la sheegay Huteelakan inuu yahay midka ugu qaalisan dunida oo dhan waxaana lagu sheegay qiimaha loogu jiro inuu gaadhaayo ( HABEEN ILAA KUN ) inaad iska seexan karayso adiga oo aan xitaa hal shilin dhiibin, daraasad la sameeyeyna waxa lagu ogaaday inaysan jirin cid iyadu awood u leh oo Hotel caynkaasa oo kale u geli karta si sahlan, waana taas sababta loogu malaynaayo inuu yahay (Huteelka Maaweelada Cirroolaha) ee Hargeysa inuu yahay midka ugu qaalisan caalamka.

Mar haddaanba qofna aysan u suurto gelayn inuu iska jiifsado kana cuntayo Huteel caynkaasa isaga oo aan fulin karin amaba aan awood u lahayn inuu dhammays tiro kana baxo shuruudaha looga baahan yahay waana taas midda ka dhigtay inuu isagu noqdo Huteel garaada goysa oo dhaafay qiyaasaha lagu bixiyo Huteellada ee loo yaqaan *****STARS *****ka. Sida: 5stars, 3stars iyo waxa la midka ah. Waxaana Huteelkan isaga lagu qiyaasay isaga derejada ( QIYAASTA SUN  ) amaba QORRAX oo ah qiyaas Hudheellada ka weynba. Hase ahaatee, waxa muuqata in beryahan in ururka UCID ee uu hoggaamiyo Faysal Cali Waraabe uu doonaayo inuu kooxdan tallaabo ka qaado sida ugu dhaqsaha badan leh.waxaana FC. Waraabe uu ka soo saaray kooxdan baaq rasmi ah isaga oo sheegay inay yihiin denbiilayaal sida ugu dhaqsaha badan leh sharciga UCID loo hor keenayo.

           FC. Waraabe ayaa fariin u diray kooxdan maalintii ay taariikhdu ahayd 14/10/2004 oo ku beegnayd maalin Khamiis  ah, saacadu markay ahayd 15:00  GMT. oo ku aaddan 6:00 maqribnimo ee waqtiga Afrikada Bari, waxa uu waraysi siiyey BBC qaybteeda Africa la hadasha ee FOCUS ON AFRICA, waraysigan oo uu qaadaayey mid ka mida weriyaasha ugu caansan idaacadaas oo lagu magcaabo “James Farungo”, waxa ka sii horreeyey warbixin uu ka soo diray weriyaha idaacada “Milleritewa” fagaaraha KASARAANI oo ahaa goobtii ay ka socotey xafladii dhaarta ahayd ee Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Waxaana uu sheegay in xafladdaas ay ka soo qayba galeen Dadweynaha Soomaalida, Madaxda Afrika iyo marti sharaf kale,iyada oo oo mudanayaasha baarlamaankana ay ahaayeen kuwa doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, intaas ka dib weriye James ayaa Faysal Waraabe telefoon u diray isaga oo joogey Helsinki ( Finland ) si uu u ogaado aragtidiisa ku aadan xafladda dhaartan iyo dowladda Soomaali u dhalatay waxaana FC. Waraabe oo ka jawaabay su,aashii ugu horraysey ( A ) Bal inuu sheego aragtidiisa wuxuu yidhi sidan: 

  •  “It is black day here for Somali people, the fighting primer schism begin again”.
  • “Abdullahi Yuusuf is the last man to be appointed as president among those who wrong for the office”.
  • “He has got very bad repetition and he is from the minority clan, which has ruled this country for thirty years and abused to power and every body hate this tribe as a whole”.

*****Waa yaabe Faysal Waraabe Soomaalidan uu u qayb qaybiyey ciriqyada iyo diimaha iyo mabaadida halkay joogaan? Soomaaliyi siyaasad bay isku haysataa lagana heshii. Tira koobka Soomaalise yaa FC. Waraabe u dhiibey waa is weydiine, maxaase hore loogu sheegi waayey in Faysal yahay qorshayaha Afrika. "MABRUUK XILKAN CUSUB ee WACAN"  Sidee buuse ugu sheegay Cabdilahi Yuusuf inuu ka mid yahay dadka uu ka hadlay ee iyagu xukunka soo haystay ee ku takri falay maamulka iyada oo aynu la soconno in Cabdilahi Yuusuf uu diidey 1969 kii af gembigii ciidamada inuu ka qayb galo oo la af gembiyo taliskii rayadka ahaa, uuna ku mutaystay xadhig dheer.

Dhinaca kaleeto sida la ogyahay waxay ciidamadu af gembiyeen dawlad ay dadku soo doorteen oo xaq ahayd, kana koobnayd qaranka soomaaliyeed oo dhan taasna waxa uu ku sheegay FC Waraabe inay ahayd qabiil kelidii oo dalka iska haystey, iyada oo aynu ognahay in Raysul Wasaarihii ugu danbeeyey ee dawlada la af gembiyeyna uu ahaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Waa su,aale halkee buu Waraabe kala soo baxay in qabiil keligii uu dalka u talinaayey xilligaas malaha odayga akhriskaaba ku yar amaba fahankiisa…, waxaase dhici karta caadifadiisa ayaaba wax kasta ka xoog weyn oo haddii uu maqlo qabaa,ilka qaarkiis jaah wareer ayaaba ku dhaca! Dhinaca kaleeto taliskii millateriga Qoladee buuba ahaa? Yaase ka nabad galay? Aynu jawaabta u dayno Faysal Qayliye iyo dadweynaha Soomaaliyeed.*****

     B) Markii la weydiiyey su,aashii labaad oo ahayd bal mar hadii Yuusuf la doortay oo ay idinka dhexeysey muran xuduud miyaanay imminka taasi ahayn mid maqbuul ah oo la dhammayn karo?

Faysal Waraabe waxa uu ku jawaabay: Maaha ninkani nin isagu wax xallin kara.

***** Waa yaabe haddii uusan C/laahi wax xalinayn ma FC Waraabe oo aan xakamayn karayn ereyada uu adeegsanaayo ayaa wax xallinaaya *****.

C) Markii su,aashii saddexaad la weydiiyey oo ahayd maaha Yuusuf haoggaamiye qabiil iyo mid kooxeedna ee waa hoggaamiye Soomaali dooratay / Waxa Faysal ku jawaabay: Waa nin awood doona ah, qabiilna maskaxdiisa ka buuxo dadka soomaaliyeed ma oggola oo Hawiye kalsooni ma siin.

****Waa tan labaade Faysal waxa uu ka hadlay inaan Hawiye oggolayn haddaba waa yaabe ma xidhiidh baa jira hoose oo uu ogyahay Waraabe oo ay mar kasta kooxaha Muqdisho u carqaladaynayaan nabadgelyada si Somaliland ay aqoonsi u hesho illeyn waa kii FC Waraabe hore u yidhi wiilka ku dhasha Xamar kan Addisababa ku dhasha ayaa iga xiga e, dadka koonfureedna lama dhaqan, caado iyo hayb nihin, taas jawaabteeda waxa laga sugaayaa inay bixiyaan dadka reer Muqdisho ee uu FC. Waraabe beerlaxawsanaayo.

Waxaanse hubaa inay ku odhanayaan:*****

  • Dawladnimadu say tahay kolley, waa mid kaa dadane
  • Dibna inaan laguu aaminayn, gali dubaaqaaga
  • Waxaad dooni waligaa rag uun, kuu dagaalamo e

D) Markii la weydiiyey su,aashii afraad ee ahayd Soomaaliyi hoggaamiyaheedii way dooratay / waxa uu ku jawaabay dadka gudahu ma dooran ee dad yar ayaa doortay.

Waa tan kale ee Waraabe waxa uu yidhi Soomaaliyi ma dooran C/laahi Yuusuf oo koox yar baa doorataye miyaanu Waraabe ogayn in dadka soomaaliyeed ay metelayeen dadka wax doortay, isagase yaa doortay oo uu metalaa isaga oo qaylinaya uun baan maqalnaaye. Waxaayse Soomaaliyi leedahay (“Compromise”):

  • Haddii hadalku kaa daaran yahay, madaxnimaan dooni
  • Ninka diidanoow waa layaab, taa damaaciday e

            Markii laweydiiyey suaalo kaleetona waxaaba uu yidhi dagaal ayaan u diyaar nahay. Waxaanse saaxiib ku leenahay miidaanka ama fagaaruhu waaba kuu furan yahay, ee burhaantaada soo bannaan dhig.   

           HADDIISE   ARRIMAHAN   OO   DHAN   LAGA   YIMAADO   WAXA   FAYSAL WARAABE   UU   FARRIINTAAN   U   DIRAY   WAXA   WEEYE   KOOXAHA   KA   AMAR QAATA   MAAMULKA   HARGEYSA   EE   KA   SOO   JEEDA   GOBOLLADA   SOOL   IYO SANAAG, WAANA   KUWAAS   KUWA   UU   SHEEGAY   IN   DADKA   SOOMAALIDU   AY NECEB   YAHIIN   OO   DENBIILAYAASHA   AAN   IS   OGEYNA, MAR   HADDUU   KA HADLAY   QABIIL   WADA   DENBIILE   AH, KUWA   UU   U   HANJABAAYONA   WAA KUWAAS   OO   LAGA FILAAYO   INUU   XIDHXIDHI   DOONO   SIDA   UGU   DHAQSAHA BADAN   LEH   GACMAHA   FC. WARAABENA   AY GAADHAAN   OO KELI   AH, CIDISE SXB   KUUGU   IMAAN MAYSO   OO   HADAAD   RABTONA   DUBO   “DANBA   KAAMA LIHIYE”. 

W/Q: Ahmed Abdilahi
dankaamalihi@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2004

101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji


»DHAMBAAL KA YIMID  BEESHA RAXANWEYN:::
»DHAMBAAL KA YIMID URURKA NABADA EE PUNTLAND

Eedeyn loo jeediyey Safaaradda Soomaalida ee dalka Yaman
iyo
Ugaas Max'ed Weli oo yiri: kama hor-tagayno Madaxweynaha, mana taageereyno, balse waxaan ka.. Guji

AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji... oct 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD