SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print

Xuseen Caydiid oo sheegay in Somaliya aysan u baahnayn ciidamo shisheeye.
 
Xuseen Maxamad Caydiid oo ka mid ah Isbahaysiga SRRC ayaa xalay kulan uu ku qabtay hotelka uu dagan yahay ee Hilton ka soo saaray dhowr Qodob oo loo mari karo xasilooni ka dhacda dalka si ay dowlada cusubi uga howl gasho dalka isagoo u diray Madaxweyne C/llaahi yusuf Axmad.
 
Wargayska The Daily Nation cadadkiisi maanta oo soo xiganayay hadaladii Xuseen caydiid, waxa uuna  faallo ka bixiyay Mr Caydiid furaha xalka soomaaliya in uusan ahayn ciidamo shisheeye oo dalka soomaaliya la geeyo, waxana uuna tusaale ka bixiyay Mr.Caydiid dhibkii ka soo gaaray dadka soomaaliyeed ciidamadi shisheeye sanadihii 1992-93,ciidamadaas oo dagaal la galay dadka soomaaliyeed una adeegsaday hubka culus dad badan xasuuq u gaystay dhibkoodana uu wali muuqdo.
 
Dhamaan waxyaabahaas oo wali maskaxda soomaali badan ka qoyan,ayaan suurta gal ka dhigi karin in ciidamo la geeyo dalka soomaaliya,waxa uuna kula taliyaya waxgaradka soomaaliyeed in ay go'aan ka gaaraan ciidamo la geeyo soomaaliya,madaxweynahana kula taliyay in uu ka tanaasulo waydiishada ciidamo shisheeye oo la geeyo dalka soomaaliya,isagoo farta ku fiiqay in saraakiil badan ay diyaar u yihiin in ay dowladan ka saacidaan amaanka iyagoo tababar u furaya malishaadka soomaaliyeed oo hubaysan.
 
Xuseen Caydiid waxaa kale oo u soo jeediyay Mr.yusuf madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee soomaaliya in uu shacabka soomaaliyeed kula dhaqmo siyaasad furfuran oo aan kala firdhin niyad jabna ku beerin,waxa uuna intaas ku daray in soomaaliya aysan rabin siyaasad milatari ee ay u baahan tahay wada xaajood,dib u heshiisiin iyo siyaasad dagan oo wada hadal ku dhisan.
 
Waxaa kale oo uu kula taliyay C/llaahi yuusuf in uusan marna ka leexanin dastuurka qodobada ku xusan,si uusan u imaanin iska hor imaansho,waayo laba sano waxii loo fadhiyay hadii ay burburaan waxaa hubaal ah in soomaaliya aan loo qaban doonin shir dambe kana uu yahay fursadii ugu dambaysay shirkana uu haysto taageero caalami.
 
Xuseen Caydiid kama soo qaybgalin munaasabadii caleema saarka Madaxweynaha Dowlada FKMG ah ee soomaaliya waxa uuna sheegay in uu ku maqnaa arrimo quseeya,Isaga iyo Cabdullaahi yuusufna waa isku siyaasad waxayna iskaga dhaw yihiin siyaasiyiin badan oo kula jira Gollaha SRRC.
 
Iyadoo heshiiska uu ahaa in Ra'iisul wasaare uu noqdo Xuseen Caydiid marka uu C/llaahi Yuusuf helo madaxweynaha ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in jagadaas lala rabo qof kale sababta oo ah waxaa reeban in laba mas'uul oo isku siyaaasad ah ama urur ahi ay wada helaan labada jago ee ugu sareysa sida ay sheegayaan dadka siyaasada  la socda,sidaasna ay keeni karto in arrimo badan ay soo baxaan.

Anab Mohamoud Abdulle <canabmumtaz@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2004

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya


»DHAMBAAL KA YIMID  BEESHA RAXANWEYN:::
»DHAMBAAL KA YIMID URURKA NABADA EE PUNTLAND

Eedeyn loo jeediyey Safaaradda Soomaalida ee dalka Yaman
iyo
Ugaas Max'ed Weli oo yiri: kama hor-tagayno Madaxweynaha, mana taageereyno, balse waxaan ka.. Guji

AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji... oct 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
March 15, 125
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Slideshow image
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya


Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..


bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD