SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TORONTO
 
Daabaco Boggan | Print

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Sawirada Xaflada ka eeg halkan....

Xaflad ballaaran oo lagu taageerayey doorashada iyo caleemo-saarka Madaxweynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo lagu qabtay Hotel Ramada ee bartamaha Torontoa ku yaal, ayaa Soomaalida ku nool magaalada Toronto, Canada, wadajir uga soo qayb galeen habeynimadii Khamiista 14 Sabteember 2004. 

Waxaa xafladda soo abaabuley ururrada ka hawl gala adeegyada bulshada Soomaalida Toronto qaar ka mid ah oo ay ugu horreeyaan: Somali Canadian Association, Dejinta Beesha, Soomali Immigrants Aid iyo Mideynta. Sidoo kale, waxaa kaalin weyn ka qaatay  abaabulka iyo qabanqaabada xafladda dhallinyarada  iyo dumarka reer Toronto.

Soomaali tiro badan ayaa xafladda ka soo qayb gashay. Intii nasiibka u yeelatay in ay madasha cammiran wax ka yiraahdaan, ayagoon waxna dhimin waxna dhaafin, hambalyo iyo bogaadinna u diraya guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo dhan, ayey taageero buuxda siiyeen barlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya, doorashada Af-hayeenka Barlamaanka DFS, iyo doorashada iyo caleemo-saarka Madaxweynaha Dawladda Fedraalka Soomaaliya. Isla markaana ku  buurriyeen  Soomaali oo idil in sidaa iyo si le'eg u garab istaagaan hawl galka loogu jiro dib-u-dhiska qarannimada Soomaaliyeed ee luntay.

Ayadoon marna la hilmaami karin,  xikmadii, taladii, taageeradii iyo erayadii qaayaha lahaa oo ay soo jeediyeen mudanaal Cabdullaahi Maanjoor, Maxammuud Cawaale iyo Axmed Siciid Xaashi,  ayaa waxaa si gaar ah dadkoo idil u taabtay murti, duco, hambalyo iyo bogaadin ay tirisay hooyo Xaawo Jibriil oo horay ugu qayb qaadatay halgankii gobannimo doonka Soomaaliya. Haddana meel walba duco iyo guubaabo ku saabadan midnimada Soomaaliya iyo nabadeenta goob kastoo la isugu yimaado ka tirisa. Ugu dambeyntiina dadweynaha uugu luuqeysay heeska astaanta iyo calanaka Soomaalida:

Soomaaliyey Toosoo,
Toosoo isku tiirsada,
hadbi kiinna taag daraney,
taageera waligiiney.

 
Dhinaca dawladda Canada waxaa xafladda ka soo qayb galay, siyaasiin ka socda saddexda dawladood ee dalka Canada xukuma - waa Dawladda Hoose ee magaalada Toronto, Dawladda Gobalka Ontario iyo Dawladda Federaalka Canada. Dhammaantoodna waxay guddoonsiiyeen abaabulayaasha xafladda qoraallo ka yimid dawladda ay ka socdaan oo taageerayaya hawlaha nabadeynta Soomaaliya, soo celinta qarannimadii Soomaalida iyo doorashada Madaxweynaha DFS, mudane Cabdullaahi Yuusuf Ahmed.

Dadweynihii xafladda ka soo qayb galay waxay daawadeen:
  1. Taariikh nolaleedka madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ka kooban sawirradii laga qaaday madaxweynaha laga bilaabo dhallin yaranimadiisii
  2.  Cajalad muuqaal ah oo ku saabsan doorashadii madaxweynaha dawladda Soomaliya siday u dhacday.
  3. Cajalad muuqaal ah oo ku saabsan xafladdii dhaarinta iyo caleemo saarkii madaxweynaha oo ay goobjoog ka ahayeen madaxweynayaal badan. 
Qoraalkan iyo sawirrada xafladda laga qaaday ciddii xiiseynaysa waa uu fasax in ay soo daabacaan, sawirrada qaybtii 1aad waxaan ka heli kartaan cinwaankan internetka ah:  URL: http://BJama.photosite.com/Album2/

Burhan Hassan Jama
VP, Soredo (Somali Reconsturction and Development Ogranization), Toronto, Canada

email: burhanj@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2004


»DHAMBAAL KA YIMID  BEESHA RAXANWEYN:::
»DHAMBAAL KA YIMID URURKA NABADA EE PUNTLAND

Eedeyn loo jeediyey Safaaradda Soomaalida ee dalka Yaman
iyo
Ugaas Max'ed Weli oo yiri: kama hor-tagayno Madaxweynaha, mana taageereyno, balse waxaan ka.. Guji

AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji... oct 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Slideshow image
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...

Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..


bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD