SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Waa kuma Cabdillahi Yusuf? 

Ahmed Diria Liban
Copenhagen- Denmark
adlbn@yahoo.com

Duuliye Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax), ayaa ugu horrayntii wax ka qoray cinwaankan, isaga oo Cabdillaahi Yuusuf ku tilmaamay: “Shinni aan weligeed loo oggolaan in ay malab dhammaystirto”, kana sheekeeyey dhacdooyin uu ku xusayo halyeynimadiisa, kuwaas oo badidooda muran ku jiro. Haseyeeshee waxa uu duuliyuhu ilduufay dhacdooyin marag ma doon ah oo caddaynaya dammanida iyo tamar darrida kornayl Cabdillaahi. Halkanna waxa aan ku soo bandhigayaa, goobo badan oo guuldarro militeri ka gaadhay kornaylka: 

1.     Inqilaabkii 1961

kornayl Cabdillahi waxa uu ahaa abbaanduulaha ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolada woqooyi sannadkii 1961, markii saraakiil cusub oo dalka Ingiriiska tababar uga soo dhammaaday ay si fudud u inqilaabeen dhammaan xeryihii uu ka talinayey, isaga oo aan qashar ridinna ay la wareegeen hoggaanka taliskii dhexe ee ciidamada. Cabdillaahi Koongo, oo ka mid ahaa saraakiishaas ayaa si hawl yar u qabtay oo xidhay Cabdillaahi Yuusuf. 

Markii danbe waxa inqilaabkaas dhiciseeyey, askar aan badidoodu derejo lahayn oo ka war helay in aanay xoog u hubaysnayn saraakiisha inqilaabka dhigtay. 

2.     Inqilaabkii 1969

Ka dib heshiiskii Caruusha ee Soomaaliya iyo Kiiniya, Jan. Maxamed Siyaad Barre ayaa habeen gaadhi ku qaaday Cabdillahi Yuusuf oo dhinaca xeebta Lido u kaxeeyey. Dabadeed waxa uu u sheegay in saraakiisha sare ee ciidamadu qorshaynayaan afgembi ay rabaan in ay kula wareegaan talada dalka. Waxana uu halkaas ugu soo bandhigay, in uu ka soo qaybqaato. Haseyeeshee Cabdillaahi Yuusuf waa uu ku diiday arrintaas. Muran iyo aflegaaddo ku salaysnaa qabyaalad ayaana goobtaas ku dhex maray. Haseyeeshee bilo yar dabadood ayaa Jan. Maxamed Siyaad Barre afgembi kula wareegay taladii dalka, Cabdillaahi Yuusufna u taxaabay xabsiga.   

3.     Dilkii Cabdirashiid

Socdaalkii madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmaarke ku marayey gobolada woqooyi markii la dilay, waxa nabadsugidda wefdiga haystay Cabdillaahi Yuusuf. Goobjoog ayaa uu ahaa magaalada Burco, markii askariga dilay madaxwaynaha halkaas laga raacinayey. Wefdigu waxa ay go’aansadeen in ay laabashadooda dhulka maraan, Cabdillaahi se halkaas ayaa uu kaga hadhay. Markii uu galabnimadii maqlay geeridii madaxwaynahana, waa uu u qaadan waayey in askarigii uu Burco ka raaciyey dilay madaxwaynaha.  

4.     Dagaalkii Ogaden, 1977

Marka wax la tilmaamayo khibradda militeri ee Col. Cabdillaahi Yuusuf, sheekooyinka ugu caansan ee dhex wareega Soomaalida waxa ka mid ah: in markii dagaalka laga soo baxay, uu soo wada nabad celiyey dhammaan ciidankii iyo tiknadii uu hoggaaminayey. Haseyeeshee askari ka tirsanaa ciidamadii uu hoggaaminayey Col. Cabdillaahi Yuusuf, oo lagu naanayso Karkadday ayaa sannadkii 1981 ka sheegay dugsigii tababarka ee Xalane in Col. Cabdillaahi aanu dagaal gelin ciidankii uu hoggaamnayey. 

“Dhinaca Negiile ayaa guutadayadu ka gashay dagaalka. Dhammaan ciidamada Xabashida ee aaggaas joogay, waxa ay ahaayeen go’doon. Boqollaal kilomitir ayaa uu dagaalku ka horreeyey, markii ay bilaabeen in ay baxaan. Kolonyo ballaadhan oo xoog ah ayaa ay isku urursadeen. Maxaannu ka dili kari lahayn ama nolol kaga qaban kari lahayn, ama se hub iyo gaadiid ka furan lahayn, haddii aannu weerarro!  Col. Cabdillaahi Yuusuf ayaa sidaas diiday. Waxa uu amar ku bixiyey, in aanaan mar keli ah weerarin. Marka ay guuraannna, waa aannu daba guuri jirnay. Marka ay degaanna waa aannu daba furi jiray. Ilaa ay sidaa ku guryo galeen, iyaga oo aan qodaxi xagan.” Ayaa uu yidhi. 

5.     Inqilaabkii 1978

Inqilaabkan oo dhicisoobay, waxa dharaar goob lagu wada toogtay 16 sarkaal oo ay isku wada jifo hoose yihiin Cabdillaahi Yuusuf. Kornaylku, isaga ayaa hoggaaminayey inqilaabkaas. Waxa uu haystay guuto xoog u hubaysan oo taliskeedu fadhiyey Baydhabo, markii uu Col. Cirro toos u weeraray xaruntii madaxtooyada dalka. Cabdillaahi u ma soo gurman saraakiisii ay isku arrinka ahaayeen. Waxa uu u cararay dalka Kiiniya. Waxana uu maydkoodii ku canbaareeyey: “Waa ayy degdegeen, ee Hargaysa ayaa aan dagaalka ka soo bilaabi lahaa” 

6.     Jabhaddii SSDF

Jabhaddan waxa caawiyey dalal badan oo hantiwadaag ahaa, sida Libya, Suuriya iyo Yamantii koonfureed. Waxa lagu tilmaami jiray jabhadda labaad ee dunida ugu xoog wayn, dhinaca tiknida iyo dhaqaalaha. Hub aan gacantooda ku jirin badi dawladaha Afrika, ayaa ay haysatay. Taliyaheeduna waxa uu ahaa col. Cabdillaahi Yuusuf.  

Haseyeeshee waxa jabhaddaasi ay baaba’day, iyada oo aan dagaal wayn oo muuqda gelin, hubkeedii oo dhammina waxa uu ku dhacay gacanta Itoobiya. Cabdillahina xabsiga ayaa loo taxaabay.   

Gebogebo ahaan, labadii sannadood ee la fadhiyey shirka dibuheshiisiinta Soomaalida ee Kiiniya, Cabdillaahi Yuusuf dhawr jeer ayaa uu ku dooday, in uu yahay hoggaamiye adag oo xoog ku soo celin kara xasilloonida iyo dawladnimadii Soomaaliya. Haseyeeshee xaqiiqooyinkaa taariikhiga ah ayaa sugaya in Cabdillaahi aanu lahayn awooddaas. Soomaaliduna waxa ay tidhaahdaa: “sidaad isu taqaan maaha, ee waa sida dadku kuu yaqaan”. 

Ahmed Diria Liban

Copenhagen- Denmark

adlbn@yahoo.com


[i] Waa duuliyihii waday dayuuraddii Somali Airlines B707, ee Cawil Cadami iyo saaxiibadii u afduubeen dalka Itoobiya

[ii] Col. Cabdillaahi Yuusuf ayaa sidaas ka sheegay BBC-da afsoomaaliga ah, barnaamijkii ” waxaan u soo joogay

[iii] Gen. Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa kaga warramay buuggiisa: “The cost of dictatorship”

[iv] Col. Cabdillaahi Yuusuf ayaa sidaas ka sheegay BBC-da afsoomaaliga ah, barnaamijkii ” waxaan u soo joogay

[v] Eebbe naxariistii janno ha siiyo

[vi] Col. Cabdillaahi Yuusuf ayaa sidaas ka sheegay BBC-da afsoomaaliga ah, barnaamijkii ” waxaan u soo joogay

[vii] Sannadkii 1981, Karkadday wuxu ahaa laba xiddigle ardayda ku tababara  Xalane. Dagaalka se wuxu galay, isagoo askari derjo hooseeya ah.

[viii] Col. Cabdillaahi Yuusuf ayaa sidaas ka sheegay BBC-da afsoomaaliga ah, barnaamijkii ” waxaan u soo joogay

[ix] Jabhadda Falastinta ayaa lagu tilmaami jiray ta ugu xoog wayn.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2004


AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulnakii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...

Dr.C/qaasim oo ka Digay in caalamku dayaco Dowladan Cusub
»GEN. CALI XAASHI BARAALE: "14-sano ayaa naga khasaartay ...
»Sidee u arkeen waddamada Carabta Doorashadii….
»Gen.Galaal "ciidanka xooga waxaa diyaar u nahay dowladda cusub…"
»Nin ganacsade ah oo lagu dilay deegaanka Afgooye..
»Banaan bax aan sidaas u weyneyn oo looga soo horjeedo..
»Warqad qoraal ah oo loo diray C/llaahi…
»Dadweynaha ku nool degmada Cadaado oo taageeray doorashada …
Dhammaan ka akhri halkan... Guji Oct 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Slideshow image
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...

Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..


bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD