SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

CABDILAAHI YUUSUF: KELIGII TALIYE AAN LOO TALLIN

Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan 

diridhaba2001@hotmail.com

Assalamu Allaikum Ramadaan Kariim dhammaan Umadda Islaamka ah meel wal oo aad joogtaan.

ISREEB-REEBKII DOORASHADA

Waxaa hubaal ah in Soomaaliya uu u beryay waa mugdi iyo coladeed, umadda daashay, dal burburay ma qumanayn in go’aanka dadkii ay umaddu isku hallaynayeen sidaa wax u odorosaan, Waxaa hubaal ah in Cabdilaahi Yuusuf lagu macnayn Karo Keligii Taliye Aan loo tallin, laga soo bilaabo jiritaanka taariikh nololeedkiisa ilaa lixdii sanadood ee ugu danbeeyey ee uu xukumaayey Maamul Goboleedka reerka uu ka dhashay (Majeerteen) ee lagu magacaabo Puntland, waxaa hubaal ah oo Umadda qoraalkani akhrisanaysa ay markhaati iiga tahay in aanu c/laahi Yuusuf weligii meel nabad lagu arriminayo mankiisa iyo maskaxdiisa ugu hibayn, C/laahi Yuusuf wuxuu masuul ka yahay xasuuqa dadkii uu ka dhashay iska daa Soomaaliya oo uu sheegto xukumideeda eh wuxuu maalin cad baroon iyo rasaas kala hortagay Maati iyo caruur ku noolayd magaalooyinka Soomaaliyeed ee Boosaso, Qardho iyo Garoowe, c/laahi Yuusuf wuxuu abaabushay mu’aamarad weyn oo si fiican loo darsay wuxuu muddo hore ka fikiray awood uu ku yeesho Muqdisho, Waxaana hubaal ah oo aan laba cali isku weydiinayn inuu cabdilaahi Yuusuf weligii aanu ka degi doonin kana tanaasuli doonin hogaan uu maamulo oo ka talliya Muqdisho, waxaa hubaal ah in eexashadii (nepotalism) iyo qabyaalladii (triblism) Soomaaliya Burburka u keentay ay hadda uun u muuqato mid daba kale yeelatay

Qoraalkaygani ayaan jecelahay akhristaha Soomaaliyeedow inaan diirradda si fiican ugu qabto Cabdilaahi Yuusuf, ninka loo cumaamaday inuu Soomaaliya xukumi doono wuxuu gudo iyo wuxuu gallo, waxaanan Jecelahay Akhristaha Soomaaliyeedow ileen taarikhda lama qoro eh iyada isa soo celisa eh (history repeats it self) inaad ila darastaan qoraalkani

WAA SIDEE SIYAASADDA CABDILAAHI YUUSUF SIDAYNA NOQON DOONTA HANKA CABDILAAHI YUUSUF DOONAYO INUU KU DHAQO SOOMAALIYA?

"wixii diida xukunkayga dabaylaha xagaaga ayaa qaadi doona" "Habaar qabe ayaan ahay, habaar qabana waa ka ay Soomaaliya u baahantay" "Cadaadin iyo cabudhin iyo cagta oo dusha lagaga joojiyo waa ta keliya ee Soomaali lagu maamuli karo"

Waa Hadalladii aan qarsoodiga lahayn ee cabdilaahi Yusuf Axmed ka soo yeedhaayey labadii sannadood ee noloshiisa ugu danbeeyey, waa hubaal ah inuu ina Yey kala hor iman doono gacan bir ah nin kasta oo xaq u dirir ah, nin kasta oo cibaadada ilaahay iyo sunnaha rasuulka bulshada dhexdeeda ka wada, Gabadh kasta oo muuminad ah oo ayiday faralka ilaahay ku waajib yeellay cawradeedana bulshada ka qarisay xijaabka ilaahayna jidhkeeda ku asturtay, Waxaa hubaal ah inuu ugu yeedhi doono argagixiso lana dagaalami doono, beesha caalamkana khalad ka fahamsiin doono indheer garad iyo musheekh badan isaga oo isticmaalaya tak tikada loo yaqaano argagixiso (Terrorism) waxaa hubaal ah in Iskuulada lagu qasbi doono in ay haweenku marrada timaha ay saaran aanay la soo shir tegi Karin.

Maxaa Faraq u dhexeeya Maxamed Siyad Barre,  Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Mabuuto Sesekahii Zair ama Kongo kinshasa 

Cabdilaahi Yuusuf wuxuu uruurin doona hubka magaalada Muqdisho dhex yaalla waxaana hubaal ah inuu gacanta u gelin doono kuwo isaga u daacad ah si aanu weligii khatar u dareemin xukunkana ugu ilaashado, Cabdilaahi Yuusuf wuxuu la dagaalami doona saxaafadda Madax-banaan wuxuuna albaabada u laabi doona jariirado badan, mareegayaal badan, televisionada iyo Idaacadaha ay Soomaalidu ku caan noqotay 13 sanadood ee ugu danbeeyey waayo wuxuu u arka inay khatar ku yahiin isaga, wuxuuna u arka qaar runta uga sheegaya isaga bulshada siduu horaba ugu sameeyey maamul goboleedkiisi Puntland.

Waxaa hubaal ah inuu Cabdilaahi Yuusuf raafi doono waddankana ka saari doono (deportation) Siyaasiyiinta, Mutacalimiinta, aqoonyahanka iyo musheekhda iyo wadaada Soomaaliyeed.

Akhristayaal igama aha nacayb aan u qabo cabdilaahi Yuusuf Axmed balse Ina Yusuf waxaanu qarsan doonin caadoyin badan oo uu ku caanyahay, Cabdilaahi Yuusuf waxaa u qorshaysan heshiisyo dhaqaale iyo gaashandhig oo uu la saxeexday waddamo afrikaan ah waxaa hubaal ah in uu keeni doono sannadaha hore ee xukunkiisa ciidamo shisheeye oo khatar ku ah bulshada dhexdeeda hadday noqoto xagga caafimaadka oo la hubo in ay dhex keeni doonan cudurada halista ah sida HIV AIDS, iyo xagga dhaqanka, waxaa hubaal ah in ay Soomaaliya u bilaaban doonto cahdi kala guur ah cahdi ku caan noqon doona musuq maasuq, jahli iyo dagaalo sokeeye oo ku faafa 13-ka gobol ee Soomaaliya. 

Ciidamo afrikaan ah oo Soomaaliya la keena aayo ma u keeni karaan shacabka Soomaalida dhexdeeda Waa su'aal furan dadweynow?

Waxaa hubaal ah in qaar badan oo ku xeeran ayidaad badanna u haya hanka Cabdilaahi Yuusuf doonayo inuu ku maamulo Soomaaliya ay heli doonan dhaqaale badan, jeebkana loo buuxin doono, mustaqbalkana caruurtooda iyo iyaga la siin doono damaanad nololeed, balse waxaan ku kalsoonahay in hooyoyinka iyo caruurta Soomaaliyeed %98 ku noolan doonan nolol aan dhaamin dhimasho 

C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA
C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka. Guji...

Cabdilaahi Yuusuf waa nin lagu qiimayn karo markuu ku ag joogo daacadlow hadal yaqaan ah, balse aan la gabban hankiisa xitaa hadduu doonayo inuu qudha kaa jaro waxaan taa daliil cad uga soo qaadan kara, sheekadii dhex martay isaga iyo Suldaankii ay isku beesha ahaayeen ee markii uu la joogay uu ku yidhi "Miyaad weli noolayd" oxoga sheekadii markii ay u dhamaatayna uu ka soo daba diray askartiisa halkaasna Suldaankii qudha uu kaga jaray, Suldaan dilliddu maxay sharaf dhac u ahayd Soomaalida dhexdeeda?, ma ninka suldaan inuu dillay u badheedhay kuna badbaadiyey kursigiisa ayaa damacsan inuu Soomaaliya xukumo.

Cabdilaahi Yuusuf wuxuu ku tilmaamay juhdigii dibu xoraynta SNM iyo USC khaayinimo wuxuuna qirtay in uu Inadeerkii Maxamed Siyaad Barre ku khaldana markii uu ku mucaariday isaga oo taa ka hadlayna wuxuu Ina Yey yidhi "khalad ayey ahayd in siyaad barre lala dagaalamo, haddii aan sidan u ogahayna mabaan ku mucaarideen" balse waxaaba hubaal ah in uu SSDF ku soo xero geliyey iskuna soo dhiibay Afweyne Barre sideetameeyadii halgan ku sheeggii SSDF aan la odhan Karin halgan ayuu ahaaba.

Akhristaha Soomaaliga ahow, Muwaadinka Soomaaliyeedow meel kasta oo aad joogto Jeclow ama Necbow Cabdilaahi Yuusuf Axmed waa danayste aan loo danayn waa Keligii Taliye aan Loo tallin’ waxaana hubaal noqon doonta baqashadii iyo cabsidii looga qabay inuu Siyaad Barre labaad ka arrimiyo muqdisho, waxaa hadda iska cad ka dib doorashada la sheegay inuu C/laahi Yuusuf ka arrimin doono Soomaaliya in rag badani ka caga jiideen, kuwa badanna aanay ku waari doonin taageerada cabdilaahi Yuusuf. 

Tallo Soo Jeedin

    · Muwaadinka Soomaaliyeedow ma jeceshahay dhulkaaga oo badbaada, ma jeceshahay Soomaaliya oo aan dagaalo qadhaadh markale la kulmin, ma jeceshahay hooyoyinka Soomaaliyeed oo aan marlabaad goblomin, ma Jeceshahay caruurta Soomaaliyeed oo aan jahli iyo xasuuq la kulmin, ma jeceshahay haweenka Soomaaliyeed oo aan kufsi iyo jidh dil iyo takoor diineed loo gaysan.

    Fadlan ha taageerin Maamulka Cabdilaahi Yuusuf haddii aad jeceshahay qodobada kor ku xusan.

    · Muwaadinka Soomaaliyeedow ma jeceshahay Diintaada  Islaamka ah ee muqadaska ah oo badbaada, Ma jeceshahay Burbur labaad oo aan ku habsan Soomaaliya, Ma jeceshahay Suldaanada iyo xeerbeegtada Soomaalida oo bad baada, Ma jeceshahay Musheekhda iyo dadka diinta ilaahay iyo sunnaha rasuulka qaatay iyo haweenka Soomaaliyeed oo aan dhibaato loo gaysan

     

    Fadlan ha taageerin Maamulka sheegtay inuu Soomaaliya xukumi doono ee uu horkacayo Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

    MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...

    FIIRO GAAR AH

    Waxaan tallo usoo jeedinaya in la abaabulo isbahaysi qallinka ah oo bulshada Soomaalida loogu sheegayo khatarta cabdilaahi Yuusuf, waxaan saaxiibada aalaba ku qora mareegayaasha Soomaalida fikradaha sida Saaxiibkay Cabdiwaaxid Khaliif fiiro gaar ah ku siinaya inay igala qayb qaatan dhiiri gelin loo jeediyo Umadda Soomaaliyeed si looga badbaadsho inaan dhiig kale daadan. 

    Walaalaha Muqdisho, Bay iyo Bakool, Shabeelooyinka aan xasuusiyo xikmadahii 80-meeyadii ee u dhigna sidani 

Haddaanan haddaanan
Haddaanan dhawaaqa
Hireyda wireyda
Hayaay ka kacayda
Jahaadka Hargaysa
Barbaartu hagayso
Haweenka godoodey
Ka qayb gelin hawsha
Haddaanan haddaanan
Intii isku hiila
Hargaysiyo Bayla
Intii la hal maasha
Bakool hilinkeeda
Heeraarta Kismaanyo
Ilaa Hobyo geynin
Hiiraan u tallaabin
Runtay la hudmeene
Haddaanan haddaanan
Sidii hanqar yeedha

Hillaac iyo maayad
Dhulkoo dhan hadhaynin
Banaadir ka heesin
Wixii hurda toosin
Halyeyada ciilka
Ka haajirey ciidda
Halkay talo joogto
U sii farin haadda
Haddaanan haddaanan
Waxaan huro caawa

Dhammaan huga xaaska
Hayla maryahayga
Sariirta hanbaadha
Kuraasta hagoogan
Ashuunka hunbuuca
Haraaq iyo haadyo
Waxaan jaqaf haysto
Haddaanan xaraashin
Waxay hanti goyso
Intaan hub u siiyo
Dadkayga habaynin
Dagaal u hormaynin
La soo hadhin guusha
Hawraartiyo luuqdu
Cabdow hadalkaygu
Hawaawi kac weeye
Ninkii hebel miihi.

Aan ku soo gunaanado:
Shirqool hadiwaaga
Hiqlaynta riyaaqa
Hubsiino la'aanta
Haloosiga luuqda
Hawaawi la boodka
Hanuun la jibboodka
Dhurwaa halab saarka

Waraabe u heeska
Hufnaanta kashayda
Nin aan hibo saaray
Xariir ku habsiiyey
Markuu hal haleelka
Sidii hurin yey ah
U soo hal haliilo
Anoo hadhsan waayey
I soo hungureeyo
Inaan hanqalkayga
Sidii habla weynta
U soo rogo hoosta
Inaan af-lahaarka
Harraati ku diido

Ayaa ka hagaagsan
Hanraawe I boobay
Markuu iga haago
Inuu hadhadaydu
Hafeefta xanuunka
Markay hurgumooto
Hoosaaso afuufo
Halbawlaha kayga
Sidaas kula hoydo
Nin haad I cunsiiyey
Inaan horror siiyo
Ayaa ka hagaagsan

Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan.

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2004


AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulnakii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...

Dr.C/qaasim oo ka Digay in caalamku dayaco Dowladan Cusub
»GEN. CALI XAASHI BARAALE: "14-sano ayaa naga khasaartay ...
»Sidee u arkeen waddamada Carabta Doorashadii….
»Gen.Galaal "ciidanka xooga waxaa diyaar u nahay dowladda cusub…"
»Nin ganacsade ah oo lagu dilay deegaanka Afgooye..
»Banaan bax aan sidaas u weyneyn oo looga soo horjeedo..
»Warqad qoraal ah oo loo diray C/llaahi…
»Dadweynaha ku nool degmada Cadaado oo taageeray doorashada …
Dhammaan ka akhri halkan... Guji Oct 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Slideshow image
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...

Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..


bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD