SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 
Daabaco Boggan | Print

WARARKA MAANTA::::
  • Eedeyn loo jeediyey Safaaradda Soomaalida ee dalka Yaman…
  • UGAAS MAX’ED WELI SH. AXMED NUUR "Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ma taageereyno, mana ka soo horjeesanayno, balse…..
  • Seminaar lagu barana-yay kaalinta ay dhaliyarada soomaaliyeed uga qaybqaadan lahaayeen…….
  • Hay’ad baaq u jeedisay Madaxweynaha cusub..
  • Dallad ay sameysteen hayado ka soo jeeda koonfur gabled soomaaliya..

Eedeyn loo jeediyey Safaaradda Soomaalida ee dalka Yaman…

Mar ay nala soo xiriireen macallimiin Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen ayaa waxa ay eedeyn u soo jeediyeen mas’uuliyiinta safaaradda Somalia ay ku leedahay dalka Yemen, kaddib markii macallimiintaasi ay sheegeen in safaaraddu ku kacday arrimo musuq-maasuq ah. Arrintan ayaa ka dambeysay markii dowladda Yemen ay ka dalbatay Safaaradda in ay Somalia ka keenaan macallimiin tiradoodu gaareyso 50-Macallin oo dhigta maadada Xisaabta, 50-Physics ah, 50-Macallin oo Qur’aanka Kariimka ah iyo 150-Macallin oo wax ka dhigta Afka Ingiriiska.

Macallimiinta ayaa xusay in macallimiin fara badan oo Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin dalka Yemen, hase yeeshee waxa ay mas’uuliyiinta safaaraddu ay sheegeen in ay ku keceen in ay soo ururiyaan dad aan wax khibrad ah u lahayn dhinaca macallimiinta, iyadoo dowladda Yemen xitaa macallimiintaasi ay ku xirtay in ay leeyihiin khibrad 6-sano ah. Waxay kaloo macallimiintu u soo jeediyeen dowladda Yemen in ay arrintaasi fiiro gaar ah u yeeshaan, waxayna xuseen in arrintani ay si gaar ah uga dambeeyeen nin ay magiciisa ku sheegeen Ridwaan oo kal hore uu soo magacaabay Madaxwey-nihii hore ee Soomaali-ya C/qaasim Salaad Xasan, waxay kaloo sheegeen in macallimiin fara badan oo Soomaali ah ay ku shaqo la’yihiin dalka Yemen, iyadoo dalka Yemen uu baahi weyn u qabo macallimiinta.

UGAAS MAX’ED WELI SH. AXMED NUUR "Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ma taageereyno, mana ka soo horjeesanayno, balse…..

Ugaas Maxamed Weli Sh. Axmed Nuur ayaa qoraal uu ka soo saaray Magaallada Nairobi soo gaarsiiyey warbaahinta muqdisho, isagoo kaga hadlayay xaaladda cusub ee uu dalku imminka galay, wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay "Anigoo ku hadlaya magaca afhayeenka Salaadiinta Beesha Daarood, isla markaana ka mid ah Golaha culimada Soomaaliyeed ayaan waxaan soo dhoweynayaa in la soo celiyo sharaftii iyo kala dambeyntii ummadda Soomaaliyeed, boorkana laga jafo qarankii Soomaaliyeed, balse kuma faraxsani ku soo bixitaanka C/llaahi Yuusuf Axmed jagada ugu sarreysa ee dalka, waayo xilligan uma arkeyn in lagu martiqaado jagada madaxweynenimada ummadda".

Ugaas Maxamed Weli oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri "Si walba ha noqotee kama hor-tagayno Madaxweynaha, mana taageereyno, balse waxaan ka dhur sugeynaa sida uu u dhaqmo, haddii uu la yimaado dhaqan wanaagsan oo lagu taageero, waan garab galaynaa, gacan ayaana siineynaa, haddiise ay dhacdo in uu noqdo Madaxweyne aan la imaan wixii looga baahnaa hadde cid taageeri doonta ma jirto". Dhinaca kale anigoo ku hadlaya magaca Majliska culimada Soomaaliyeed waxaan marka hore dadka xusuusinayaa in wixii ILAAHAY oggolaado ay uun soconayaan, balse waxaan Madaxweynaha leeyahay waa in uu la yimaadaa ama keenaa mabda’ cad oo ay Culimadu kula shaqeyso, maadaama ay culimadu tahay qaybaha dadka ugu sarreeya, maadaama uu horey uga didsanaa culimada, sidoo kalena waa in uu furaa nidaam iyo jawi lagu wada shaqeyn karo.

"Annagu Muslimiin ayaan nahay, qofkana wax ku yimaada waxaa ugu daran Diinta oo laga fidneeyo, Soomaalidu xaaladdeeda imminka waxa ay mareysaa sidii qarnigii hore billowgiisii oo la kala qaybsaday ayna kala qaybsadeen dowladaha Itoobiya, Talyaaniga Ingiriiska iyo Faransiiska, waqtigaas oo uu xoriyadda dalka iyo difaaceedaba u istaagay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, qarniganna Soomaalidu waxay u eg tahay in la kala qaybsaday oo qolaba dowlad ayay ku tiirsan tahay, waxayna u baahan tahay in la helo dad ay Diintu ku jirto, shaqsiyad adagna leh oo difaaca dalka iyo dadkaba, waxaana habboon in dadkaasi ay ka soo baxaan culimada, maxaa yeelay qofka jaahilka ah ma garan karo waxa la difaacayo iyo yoolka la higsanayo.

Ugu dambeyntii waxa uu Ugaasku ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska kaashadaan cadowgooda meel kasta oo uu joogo gudaha iyo dibadda, una istaagaan dib u dhiska dalkooda iyo dadkooda, yeeshaanna meel ay higsanayaan.

Seminaar lagu barana-yay kaalinta ay dhaliyarada soomaaliyeed uga qaybqaadan lahaayeen…….

Waxaa maalinimadii Khamiistii ahayd lagu qabtay Daarta ABC ee Magaallada Muqdisho Seminaar halku dhiggiisu ahaa "Kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed kaga aaddan horumarinta Nabadda" oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka Nabadda Soomaaliyeed (Somali Peace Institute) SPI.

Seminaarkan oo hal maalin ahaa ayaa waxaa lagu qaadanayay duruus la xiriirta nabadda iyo qaabka loo xalliyo khilaafaadka, iyadoo si wanaagsan looga dooday kaalinta dhallinya-rada Soomaaliyeed xilligan kaga aaddan horumarinta Nabadda, waxaana duruus ka bixiyey Macallimiinta kala ah Muuse Cismaan Duule iyo Shariif Cali Shire, iyadoo furitaankii seminar-kaasi uu hadallo kooban ka soo jeediyey C/llaahi Max’ed Xasan (Black) oo ka mid ah mas’uuliyiinta Machadkaasi.

Machadka Nabadda Soomaaliyeed (SPI) waxaa Muqdisho laga aas-aasay Bishii July ee sanadkan, iyadoo hadafkiisa ugu weynna uu yahay barista dhallinyarada Soomaali-yeed sidii nabad waarta looga unki lahaa dalkeenna.

Hay’ad baaq u jeedisay Madaxweynaha cusub..

Hay’ad ka mid ah hay’adaha xuquuqda Aadanaha oo lagu magacaabo Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Gaashaan ayaa baaq u jeedisay Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo hoggaamiye-yaasha kooxaha hubaysan, gaar ahaan kuwa Muqdisho in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara dagaal dhiig ku daato oo ka dhaca dalka, kaasoo keeni kara, dhimasho dhaawac iyo bara-kac.

Madaxweynuha waxa ay hay’addu ugu baaqaysaa dadaallo aan kala go’ lahayn, si uu ula heshiiyo, ugana dhaadhiciyo hoggaamiyeyaasha hubeysan in ay taageeraan lana shaqeeyaan, waxay kaloo hay’addu ugu baaqeysaa dowladda iyo Madaxweynuhu in ay ka fogaadaan caburinta Saxaafadda madaxa bannaan, caburinta shaqsiga ama kooxdii dooneysa in ay cabiraan dareen-kooda iyo fikirkooda, in la dhowro dadka laga tiro badan yahay ee aan ka soo jeedin beelaha Hubeysan, waxaana qoraalkan ku saxiixnaa Guddoomiyaha Hay’adda Gaashaan Cali Maxamed Muxudiin.

Dallad ay sameysteen hayado ka soo jeeda koonfur gabled soomaaliya..

Waxaa maalintii Khamiistii ahayd lagu qabtay Magaallada Muqdisho xaflad lagu mideynayo dhammaan hay’adaha ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana ay la magac bexeen dareenka Bulshada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya (SW. Corre Group).

Ku dhawaaqidda ururkan ayaa waxa ay tahay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen isu soo dhowaanshaha shacabka Soomaaliyeed iyo horumarinta Bulshada, waxaana ka mid ah hay’adihii ku bahoobay Isha Human Right Organization, Khaliif Huudoow Human Rights, Walaweyn Human Rights, Dr. Husieney Human Rights, Social Activity Network Agency, Somali Youth Foundation, Arladi Women Journalists Organization, Somali Children & Women Dedvelop. Somali Youth Council, Hoggol Social Dev. Association, Somali Students Development Org. Banaadir Youth Council, Hogol Social Development Org. Somali Students Development Org. Youth Unity & Development Org. iyo Y.D.M.F.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2004


AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulnakii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...

Dr.C/qaasim oo ka Digay in caalamku dayaco Dowladan Cusub
»GEN. CALI XAASHI BARAALE: "14-sano ayaa naga khasaartay ...
»Sidee u arkeen waddamada Carabta Doorashadii….
»Gen.Galaal "ciidanka xooga waxaa diyaar u nahay dowladda cusub…"
»Nin ganacsade ah oo lagu dilay deegaanka Afgooye..
»Banaan bax aan sidaas u weyneyn oo looga soo horjeedo..
»Warqad qoraal ah oo loo diray C/llaahi…
»Dadweynaha ku nool degmada Cadaado oo taageeray doorashada …
Dhammaan ka akhri halkan... Guji Oct 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

kaah


Doorashadii C/Laahi Yuusuf oo .. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..  


MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...

 



HTML CD