SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADA FEDERAALIGA KUMEELGAARKA AH EE SOOMAALIYA AYAA SAAKA SHIRKIISII UGU HOREEYAY OO CAALAMIYA  LA WADAAGAY MADAXWAYNAYAASHA WADAMADA KENYA UGAANDHA IYO MAS UULIYIIN KALOO BADAN

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya,Nairobi

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyay oo heer caalami ah la wadaagan madaxwayna yaasha wadamada Kenya, Ugandha, Ruwanda madaxwayne ku xigeenka wadanka Koofur afrika iyo safiirada Jabuuti, Eretireeya ,Suudaan Madaxwayne ku xigeenka wadanka Suudaan iyo marti sharaf kaloo badan.

Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxwayne yaasha iyo masuu liyiinta kalle kulankoodii ka dib waxa ay si wada jira u soo saareen qodobo muhiim u ah soomaalida.

Madaxwaynayaashu waxa ay sheegeen in ay aqoonsanyihiin Natiijada ka soo baxday Shirkii dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee wadanka keenya lagu qabta iyaga oo xusay kana mahad celiyay dadkii ka qayb qaatay ee kala ahaa hogaamiyaasha siyaasada Hogaamiyaasha Dhaqanka Soomaalida iyo Bulshada rayitka ah ,

Dhinaca kale Madaxwaynayaashu waxa ay xuseen in ay aqoonsanyihiin doorashadii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo ku xigeenadiisa,

Madaxwaynayaashu waxa ay xuseen in soomaaliya loo diro Gudi wasiiro ah oo hubiya xaalada amaan iyagoo sheegay in Ciidamo loo diro soomaaliya



Madaxweynaha iyo afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxwaynayaashu waxa ay xuseen beesha caalamkana ka codsadeen in ay aqoonsadaan Doowlada Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyagoo Midoowga Afrika Midoowga Yurub JaamacadaCarabta iyo Qaramada Midoobay Wadanka Mareeykanka ka codsaday in ay Aqoonsi Caalamiya u muujiyaan Doowlada

Sidoo kalle waxa ay Xusseen in Lala soo gaaro doowlada Soomaaliya Dhaqaalo dhinaca walba leh si loo kabo oo wax looga qabto amaanka iyo xasiloonida dalka soomaaliya

Madaxwaynayaashu waxa ay isku raaceen in cid walba oo si toosan iyo si dadban ujabineeysa ugana soo horjeesata nabada iyo xasiloonida Soomaaliya si wada jira wax looga qabto
 Waa Soomaalidii Maalinkii caleemo saarka xaadirka ku aheed oo iyagu udabaal dagaya madaxwaynahooda soomaaliyeed
Dhab ahaantii waxaad moodaa in shacabka soomaaliyed yahay shacbi hooyo wada dhashay oo aysan wax cuqdad ihi dhax oolin laakiin hogaamiyaal fara ku tiris ihi doonayaan in ay ka leexiyaan  dariiqa nabada iyo xasiloonida balse waxaad moodaa 14 Sano ka dib in shacabka Soomaaliyeed Baraarugay oo hada u soo jeestay in ay taageeraan nabada iyo Nidaamka Dowladnimo iyagoo dhadhamiyay qabyaalada iyo dhibaatadeeda ,
 
 Waa Madaxwaynayaasha Wadamada
Rwandese President Paul Kagame (left) and Nigeria’s Olusegun Obasanjo share a light moment with Kenya’s Mwai Kibaki. iyaga oo farxada la wadaagaya madaxwaynaha wadanka kenya ee martida loo yahay
 
Eeg imasa madaxwayne ayaa xaalada Soomaaliya uga timid goobo kala gadisan oo aduunka dacaladiisa ah waxaana laga yaabaa soomaali loo soo gurmaday si wadankiisa loo xaliyo in uu diidanyahay xasilinta dalkiisa isaga oo eeganaya xaalado isaga u gaara
 
 Waa Dhaarintii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiiq Adan oo Ku dhaarinaya Kitaabka alle si madaxwaynuhu si daacada ugu adeego umada soomaaliyeed oo aan la heen dhaliil iyo danihiisa gar ahaaneed ,
 
Slideshow image  Qudbadii Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo isagu muujiyay in uu ku dadaalayo Wax ka qabashada Amaanka iyo kala danbeynta si loo soo celiya Haybadii qaranimo ee soomaaliya isaga oo sheegay in uu hada laga bilaabo ahaan doono nin nabadeed kuna shaqyn doono ilaalinta tastuurka
 
Hadii Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed Wada xaajood nabadee oo Xanbaarsan siyaasad furfuran la yeesho Hogaamiyaasha soomaalida una muujiyo in shacabka soomaaliyeed u baahanyahay doowlad iyo Nabad isaga oo sameeynaya tanaasulaad dheeraada sida Geesinimadii uu muujiyay markii uu utagay Madaxwaynihii Doowladii isaga ka horeeysayDr Cabdiqaasin Salaad Xasan Runtiina sharafta Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed kor ayeey isku shareertay iyadoo dad badan oo aan marna ka filayn Tanaasulaadkaas ay korartay rajadii ay ka qabeen nabada
 Waa heshiiskii soomaalidu ku gaartay 29kii Janaayo ee Biloowgii Sanadkan Guriga Madaxtooyada wadanka Kenya Balse waxaad moodaa in heshiiskaasi sidii loo baahnaa uusan u hirgalin  waxaanse hada rajeeynayaa in soomaalidu ay meel iska dhigtay qabyaaladii iyo kala qaybsanaantii nabada ,
 
hadaba Soomaalida waxaa lagudboon in ay nabada Taageeraan ayna sameeyaan iskaashi Bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka dhaxeeya sarena u qaadaan dib u dhiska dalkooda hooyo ee aan isagu mudo badan helin horumar dhinac walba leh hadeey noqon laheed Waxbarashada Caafimaadka Nabada iyo Amuuraha Ijtimaaciga oo dhan balse Soomaalidu waa in aysan maanta marna qasaarin Fursadaan dahabiga ah.
 

KU-MADAXWEEYNAHA DOWLADA FADARAALK EE SOOMAALIYA                         

ANAAGOO AH SARAAKIISHA XOOGA DALA SOOMAALIYEED KU SUGAN BOOSAASO WAXAN HANBALYO IYO TAAGEERO U DIREEYNAA MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOMALIY WAXAAN DOWLADA LAGARAB TAAGANAHAY INA LASHAQEEYNO OO FULINO AMAAMIIRTA KA SOO FULA WAXAAN DIYAAR U NAHAY  INAAN KA QEEB QAADAN SOO CEELIN TA ABNIGA IYO XSLOONDA DALKA SOOMAALIYA SARAAKIISHA WAXAA KA MID AH
1-G\SARE MAXAMED XIRSI DUAALE    [CALOOLEY]
2-G\SARE MAXAMUUD XAAJI NUUR     [GARMASHAQO]
3-G\DHEXE KHALIIF MAXAMUUD FAARAX [TOGOX]
4-G\LE IBRAAHIM AADAN IBRAAHIM [DISHIBILIIN]
5-G\LE C\QAADIR MAXAMED CALI     [J-K]
6-G\LE CABDALE SAALAX SACIID       [BADOOW]
7-DHAME MAXAMUUD YUSUF CAALIN
8-L\X\LE C\RISAAQ ISMAACIIL MAXAMUUD
9-X\LE C\LAAHI ISMAACIIL
 
 WAXAAN MAR LABAAD CADEEYNAYNAA INAAN TAAGEERSANAHAY MADAXWEEYNAHA CUSUB EE SOMALIYA  MD CABDULAAHI YUUSUF AXMED MADAXWEEYNAHA FADARAALKA SOMALIYA WAXAAN KU BOORINEYNAA DHAMAAN CIDANKA XOOGA DALKA SOMALIYEED INAAY GARAB ISTAAGAAN DOWLADA CUSUB EE SOMALIYA SI LOO SOO CELIYO XASILOONIDA DALKA         
       SIDAAS IYO TAAGEERO WACAN

Laxiriir: c/qaadirmaxamedcali sabeeye <sabeeye3@hotmail.com>

Dr.C/qaasim oo ka Digay in caalamku dayaco Dowladan Cusub
»GEN. CALI XAASHI BARAALE: "14-sano ayaa naga khasaartay ...
»Sidee u arkeen waddamada Carabta Doorashadii….
»Gen.Galaal "ciidanka xooga waxaa diyaar u nahay dowladda cusub…"
»Nin ganacsade ah oo lagu dilay deegaanka Afgooye..
»Banaan bax aan sidaas u weyneyn oo looga soo horjeedo..
»Warqad qoraal ah oo loo diray C/llaahi…
»Dadweynaha ku nool degmada Cadaado oo taageeray doorashada …
Dhammaan ka akhri halkan... Guji Oct 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim


Dadweynaha isugu yimid xafladii dhaarinta 14/10/2004 Nairobi:

Madaxweynaha Soomaaliya, Abdullahi Yusuf Ahmed, dhanka midig, oo uu dhaarinayo afhayeenka baarlamaanka, Shariif Hassan Sheikh Aden, khamiis, Oct. 14, 2004, Nairobi,Kenya | Sawirka AP

C/lahi Yusuf Axmed, Madaxweynaha la dhaariyey [sawirka standard.



kaah



HTML CD