axmeddheere65@hotmail.com Axmed
Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya,Nairobi
MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADA FEDERAALIGA
KUMEELGAARKA AH EE SOOMAALIYA AYAA SAAKA SHIRKIISII UGU HOREEYAY OO
CAALAMIYA LA WADAAGAY MADAXWAYNAYAASHA WADAMADA KENYA UGAANDHA IYO MAS
UULIYIIN KALOO BADAN
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga
Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyay oo heer
caalami ah la wadaagan madaxwayna yaasha wadamada Kenya Ugandha Ruwanda
madaxwayne ku xigeenka wadanka Koofur afrika iyo safiirada Jabuuti
Eretireeya Suudaan Madaxwayne ku xigeenka wadanka Suudaan iyo marti sharaf
kaloo badan
Madaxwayne
Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxwayne yaasha iyo masuu liyiinta kalle
kulankoodii ka dib waxa ay si wada jira u soo saareen qodobo muhiim u ah
soomaalida
Madaxwaynayaashu waxa ay sheegeen in ay
aqoonsanyihiin Natiijada ka soo baxday Shirkii dib u heshiisiinta
soomaaliyeed ee wadanka keenya lagu qabta iyaga oo xusay kana mahad celiyay
dadkii ka qayb qaatay ee kala ahaa hogaamiyaasha siyaasada Hogaamiyaasha
Dhaqanka Soomaalida iyo Bulshada rayitka ah ,
Dhinaca kale Madaxwaynayaashu waxa ay
xuseen in ay aqoonsanyihiin doorashadii Madaxwaynaha Jamhuuriyada
Federaaliga ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka
Soomaaliyeed iyo ku xigeenadiisa,
Madaxwaynayaashu waxa ay xuseen in
soomaaliya loo diro Gudi wasiiro ah oo hubiya xaalada amaan iyagoo sheegay
in Ciidamo loo diro soomaaliya
Madaxwaynayaashu
waxa ay xuseen beesha caalamkana ka codsadeen in ay aqoonsadaan Doowlada
Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyagoo Midoowga Afrika Midoowga Yurub
JaamacadaCarabta iyo Qaramada Midoobay Wadanka Mareeykanka ka codsaday in ay
Aqoonsi Caalamiya u muujiyaan Doowlada
Sidoo kalle waxa ay Xusseen in Lala soo
gaaro doowlada Soomaaliya Dhaqaalo dhinaca walba leh si loo kabo oo wax
looga qabto amaanka iyo xasiloonida dalka soomaaliya
Madaxwaynayaashu waxa ay isku raaceen in
cid walba oo si toosan iyo si dadban ujabineeysa ugana soo horjeesata
nabada iyo xasiloonida Soomaaliya si wada jira wax looga qabto
Waa Soomaalidii Maalinkii caleemo saarka
xaadirka ku aheed oo iyagu udabaal dagaya madaxwaynahooda soomaaliyeed
Dhab ahaantii waxaad moodaa in shacabka
soomaaliyed yahay shacbi hooyo wada dhashay oo aysan wax cuqdad ihi dhax
oolin laakiin hogaamiyaal fara ku tiris ihi doonayaan in ay ka leexiyaan
dariiqa nabada iyo xasiloonida balse waxaad moodaa 14 Sano ka dib in
shacabka Soomaaliyeed Baraarugay oo hada u soo jeestay in ay taageeraan
nabada iyo Nidaamka Dowladnimo iyagoo dhadhamiyay qabyaalada iyo
dhibaatadeeda ,
Waa
Madaxwaynayaasha Wadamada
Rwandese President Paul Kagame (left)
and Nigeria’s Olusegun Obasanjo share a light moment with Kenya’s
Mwai Kibaki. iyaga oo farxada la wadaagaya madaxwaynaha wadanka
kenya ee martida loo yahay
Eeg imasa madaxwayne ayaa xaalada
Soomaaliya uga timid goobo kala gadisan oo aduunka dacaladiisa ah
waxaana laga yaabaa soomaali loo soo gurmaday si wadankiisa loo
xaliyo in uu diidanyahay xasilinta dalkiisa isaga oo eeganaya
xaalado isaga u gaara
Waa
Dhaarintii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga ku Meelgaarka ah ee
Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiiq Adan oo Ku dhaarinaya
Kitaabka alle si madaxwaynuhu si daacada ugu adeego umada
soomaaliyeed oo aan la heen dhaliil iyo danihiisa gar ahaaneed ,
Qudbadii Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo isagu muujiyay in uu
ku dadaalayo Wax ka qabashada Amaanka iyo kala danbeynta si loo soo
celiya Haybadii qaranimo ee soomaaliya isaga oo sheegay in uu hada
laga bilaabo ahaan doono nin nabadeed kuna shaqyn doono ilaalinta
tastuurka
Hadii Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf
Axmed Wada xaajood nabadee oo Xanbaarsan siyaasad furfuran la
yeesho Hogaamiyaasha soomaalida una muujiyo in shacabka
soomaaliyeed u baahanyahay doowlad iyo Nabad isaga oo sameeynaya
tanaasulaad dheeraada sida Geesinimadii uu muujiyay markii uu
utagay Madaxwaynihii Doowladii isaga ka horeeysayDr Cabdiqaasin
Salaad Xasan Runtiina sharafta Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf
Axmed kor ayeey isku shareertay iyadoo dad badan oo aan marna ka
filayn Tanaasulaadkaas ay korartay rajadii ay ka qabeen nabada
Waa
heshiiskii soomaalidu ku gaartay 29kii Janaayo ee Biloowgii
Sanadkan Guriga Madaxtooyada wadanka Kenya Balse waxaad moodaa
in heshiiskaasi sidii loo baahnaa uusan u hirgalin waxaanse
hada rajeeynayaa in soomaalidu ay meel iska dhigtay qabyaaladii
iyo kala qaybsanaantii nabada ,
hadaba Soomaalida waxaa lagudboon
in ay nabada Taageeraan ayna sameeyaan iskaashi Bulshada
Soomaaliyeed oo dhan ka dhaxeeya sarena u qaadaan dib u dhiska
dalkooda hooyo ee aan isagu mudo badan helin horumar dhinac
walba leh hadeey noqon laheed Waxbarashada Caafimaadka Nabada
iyo Amuuraha Ijtimaaciga oo dhan balse Soomaalidu waa in aysan
maanta marna qasaarin Fursadaan dahabiga ah