SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA | USA | CANADA | SWEDEN

Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Jaaliyadda Soomalida  ee Melbourne,

 

Waxaa caawa oo taariikhdu tahay 14/10/20004 xaflad dabaal-deg ah  lagu qabtay O’clock Tower Hall ee ku yaal xaafadda Monee- Pond ee Magaaladda Melbourne, dalka Australia. Xaf-ladaas oo si heer sare ah loo soo agaasimey, ayaa waxaa  loogu dabaal dega-yey Dawladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay iyo caleema saarka madaxweynaha oo iyadana manta Nairobi-Kenya ka dhacaysey waqtiga xafladu socotey.

 

Xafladii Australia:::






Xaf-ladaas oo ay soo qaban-qaabisey Jaaliyada Soomailada ee Melbourne, ayaa  waxaa ka soo qeyb-galey dad aad u qireysan oo tiro badan. Munaasabada waxaa lagu furey Aayado quraan ah ka dibna waxaa lagu soo bandhigey cayaaro, heeso wadini ah, khudbooyin isugu jira gubaabo iyo wadani-nimo oo ay ku dheehnaayeen  qiiro iyo kalgacal loo qabo in Soomaliya dowladi ka dhalato dadkuna ka baxaan dhibaatda iyo dagaalada sokeeye ee daashadey.

 

Dhammaan dadweynihii xafla-daas ka soo qeyb galey waxay hambalyo u dirayaan Madaxweynaha cusub oo  maanta lagu caleemo saarayo maagaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo u rajeynaya inuu noqdo mid qaranimadii  Somaaliya dib u soo nooleeya.

 

Hadaba gunaanadkii xafladaas ayaa dadku iyagoo aragtidooda cabiraya waxay ugu duce-yeen Madaxweynaha in uu ilaahey u fududee-yo howsha culus ee loo doortey waxay leeyihiin nin xil qaadey eed qaadyey.

 

 

Farah ali Jama (Af balaar)

kala xiriir:: garoowe123@yahoo.com.au

Australia


SOMALISKA RIKSFÖRBUNDET I SVERIGE (SRFS)
URURKA ISBAHAYSIGA UMMADDA SOOMAALIYEED EE ISWIIDHAN

War saxaafadeed ku saabsan dawladda cusub
Nr:05/04
2004-10-14
Ururka isbahaysiga umadda Soomaaliyeed ee Sweden wuxuu soo dhaweynayaa nabadda iyo dawladda cusub.

Tan iyo markii uu burburay maamulkii dalka Somalia 1991, waxaa geyiga ka aloosnaa nabadgeyo xumo iyo qalaalse colaadeed. Dagaallada sokeeye waxay umadda Soomaaliyeed u horseedeen tafaraaruq, fawdo iyo dalkoodii oo caalamka laga dhexwaayey.

Taas waxaa shicibka sharafta leh ka soo gaadhay dhibaatooyin iyo xanuun aan la qiyaasi karin.

Shirar nabad raadin ah ayaa marar badan laysku deyey in nabaddii iyo kala dambayntii dib loogu abuuro. Waxaa nasiib darro ah, guul darro ayey u bateen shirarkaasi.

Haddaba sanadkii 2002 bishiisii oktober ayaa la abaabulay shirkii 14 ee nabad raadinta Soomalia. Shirkaas oo ku qabsoomay dalka Kenya wuxuu salka ku hayey shir nabadeedkii ka horreeyey ee Carta/Jabuuti, ujeedaduna waxay ahayd in dhammaan kooxaha siyaasaddu dalka u dhisaan dawlad loo dhanyahay.

Laba sanadood ka dib, waxaa hadda la soo gaadhay wakhtigii la soo af jari lahaa shirka. Waxaa lagu guulaystay in la ansixiyo dastuur iyo in la dhiso Baarlamaan, baarlamaankaas oo axaddii 10 oktober 2004 doortay madaxweyne ku meel gaadh ah.

28 Murashax ayaa isu taagay jagada madaxweynenimo. Doorashadu waxay u muuqatay mid u dhacday hab xor ah oo telefeeshinka laga arkayey habka loo codaynayo. Saddex wareeg ayey ahayd, waxaana wareegii ugu dambeeyey ku guulaystay Cabdullahi Yuusuf Axmed oo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya shanta sano ee soo socda.

Haddaba ururuka “Isbahaysiga umadda Soomaaliyeed ee Sweden” wuxuu hambalyo u dirayaa madaxweynaha cusub. Waxaanu ilaahay uga baryeynaa madaxweynaha cusub inuu ku guulaysiiyo nabadda iyo dib u heshiisiinta umadda.

Ururka isbahaysiga umadda Soomaaliyeed waxay siyaasadiisu tahay in la taageero dhammaan hawlaha ku wajahan nabadaynta iyo dib u heshiisiinta umadda Soomaaliyeed.

Mahdi Warsame
Gudoomiye Ku xigeenka, ahna Gudoomiyaha ku meel gaarka ee Ururka Isbahaysiga.
Tfn: 073-989 52 24
Email: srfs@telia.com

 


 

XAFALAD BALLAARAN OO CAAWA LAGU QABTAY MINNEAPOLIS, USA:::

 

Minneapolis:: Waxaa caawa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay xaflad aad u ballaaran oo loogu dabaaldegayeyo "Dowladda Maanta Ummadda Soomaaliyeed u curatay", xafladaas oo socotey markii qoraalkan la qorayey, waxaa lagu qabtay xarunta shirarka ee ku taal farsa-magaalaha magaalada Minneapolis, waxaana xafladaas soo agaasimey:

#-Somali American Friendship of Minnesota. 612-558-5105
#-Somali Mai Community. 612-296-1027
#-Somali Community of Minnesota. 612-871-6786
#-Somali Benadiri Community. 612-879-4326
#-Confederation of Somali Community in Minnesota. 612-338-5282
#-Somali Women Of Minneapolis (SWIM) 612-874-8343


Tahniad Ku Wajihan MDFS Ee Cusub H E Cabdulaahi Yusuf Axmed Iyo Dhamaan Ummadda Somaliyeed

Bismilaahi Alraxmaani Alraxiim.

 
Anagoo Ku Hadleena Magacayaga ,Magaca Xoghaynta U/H/g/J/Hoose Ee Canada Iyo Magaca Jaaliyadda Waamo: Waxaan Tahniad Farxad Ku Lifaaqan Hawada U Soo Marinaynaa MDFS Ee Cusub Iyo Guud Ahaan Ummadda Somaliyeed
 
Gudaha Dalka Iyo Dibadiisa Anagoo Idan Leh Alf Alf Alf Mabruuk(Ninlagu Sexdow Ha Seexan Xilbaad Sidaaye Haseexan).       Somaliya Hanoolaato, Somaliya Hanoolaato,Somaliya Hanoolaato,Somaliya Hanoolaato.
 
A.Mohamed
Xoghaynta U/H/g/J/Hoose Ee Canada

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2004


C/LAAHI YUSUF OO LOO DHAARIYAY MDFKMG
Xafladaas oo maanta lagu qabtay Nairobi
Guji... Oct 14

Ururka DDP, Beesha Cabdi Koombe, Jaaliyadda Malaysia, Jaaliyadda London Ontario oo Taageray Dawlada Cusub
Qoraalada hambalyada iyo taageerada ah...
ka akhri halkan...  Oct 13

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL... Guji...

C/Lahi Yusuf oo Muqdisho Ka Degi Doona Jaanayo 2005
Madaxweynaha DFKMG ayaa la sheegay in uu... Guji.. Oct 12

Dagaalo Lagu Jabiyay Ciidamada Cadawga Gumaysiga Itoobiya
iyo JWXO oo soo dhawaysay dawlada Soomaaliya..
Guji oct 12

Xaaskii Hore ee Xildhibaan Xuseen Caydiid oo Ka Hadashay Doorashada Madaxweynaha [Waraysi]

Warbixin ku saabsan Jaamacadda bariga Afrika
Yoolalka iyo Baahidda Jaamicadda...
Guji..

Waa Sidee Dareenka Muqdisho Doorashadii Cabdulaahi Yuusuf ka dib [Warbixintii Amiin]

Sidee Looga Arkay Hargeysa  Doorashadda Abdillahi Yusuf ee loo Doortay Madaxweyne [Warbixintii C/caziz]

Golaha Midowga Dadka Reer Gedo oo Baaq u Diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Soomaliya
baaq isugu jira taageero, bogaadin iyo talo soo jeedin.. 
Guji...

TAHNIYAD IYO TALO SOO JEEDIN KU AADAN M/WEYNA SOOMAALIYA Dhambaal ka yimid Boosaaso.... Guji...

C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA

C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka.
Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim


Dadweynaha isugu yimid xafladii dhaarinta 14/10/2004 Nairobi:

Madaxweynaha Soomaaliya, Abdullahi Yusuf Ahmed, dhanka midig, oo uu dhaarinayo afhayeenka baarlamaanka, Shariif Hassan Sheikh Aden, khamiis, Oct. 14, 2004, Nairobi,Kenya | Sawirka AP

C/lahi Yusuf Axmed, Madaxweynaha la dhaariyey [sawirka standard.



 



HTML CD