SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

WADDADII MANDELA AMA WADDADII CHARLES TAYLOR. 

farah Jama" <shillinson@hotmail.com

Waxay ahayd waddo dheer oo qaxar iyo dhib badan. Isku-day cinqilaab, jabhadayn, xabsi dheer iyo ugu danbayntii sabbayn dagaal sokeeye oo aanay cidna ku macaashin. Aakhirkii Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxay Soomaalidu 10/10/2004 u dooratay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya shanta sanno ee soo socota.

Haddaba, waxaan shaki ku jirin in odayga neefi ka soo booday laakiin sidoo kale ay garbihiisa fuushay culays masuuliyadeed oo aad u wayn. Runtii marka dib yara loo jaleeco taariikhda dhaw ee Soomaaliya, Cabdulaahi Yuusuf wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyaashii masraxa siyaasada Soomaaliya ku Hardamayay, taas oo uu ku kasbaday cadow iyo saaxiibo siyaasadeedba labadaba. Qaar ka mida soomaalida waxay aaminsan yihiin in Madaxwayne cabdulaahi Yuusuf uu yahay nin ad-adag oo go'aano adag.

Haddaba maadaama mudane cabdulaahi Soomaalidu aqlabiyad xoog leh ku dooratay ayna uga fadhiyaan inuu fuliyo hawlihii loo igmaday muddada 5ta sanno ah ee soo socota maxaa talo ah oo lagu biirin karaa?

Talada koowad.

ugu horayn madaxwaynaha la doortay waa inuu ka baxaa bii'addii jabhadaynta ee uu ku jiray muddadii 27 sanno ee lasoo dhaafay oo uu dareemaa in masuuliyad cadaalad ku dhisan tahay ay ka saaran tahay min Raas ganbooni ilaa Raas Casayr.

taladda labaad.

Madaxwaynuhu waa inuu fahmaa in halkii eray ee afkiisa kasoo baxa hadda uu la culays yahay hal tan oo miisaan ah. Waa inay meesha ka baxaan hadaladii hanjabaada iyo dhiiranaanta ku dheehnaa oo odayga looga bartay intii dagaalada sokeeye socdeen.

talada sadexaad.

maadaama Cabdulaahi lagu tiriyo nin milatari ah oo tiisa marsada, waxaa u fiican xilligan xasaasiga ah in tilaabo milatari oo kasta oo uu qaadayo ay noqoto xalka ugu danbeeya ee uu dooranayo marka laga quusto irdaha wada-hadalka. Waxaa muhiim ah inuu waqti badan ku lumiyo xeeladda diblomaasiyadda iyo nabad-doonka oo ay ummadeenu u hamuuman tahay xilligan.

Talada afraad.

Soomaaliaya xilligaan waxay u baahan tahay madax aqoon leh, karti leh, hufnaan leh oo cadaalad ah. marka madaxwayne Cabdulaahi waxaa la gudboon inuu u magacaabo jagadda raysal-wasaaraha  qof sifahaas sarre leh. Midda kale madaxwaynuhu waa in uu wareejiyaa awooda iyo talada in door ah oo u igmadaa raysal-wasaaraha iyo wasiiradiisa.

Gunaanadkii Soomaliya waxay soo gaartay xilli xasaasi ah oo ay tahay ama in laga faa'iidaysto fursadaha la haysto si loo soo celiyo karaamaddii iyo sharafteenii aan la'ayn muddada dhawr iyo tobanka sanno ah, ama in la baylihiyo fursadahaas oo aanu hoos ugu sii dagno fawdada iyo dawlad la'aanta.

waxaa xaqiiqo ah  maanta mustaqbalka dib-u-dhiska qaranimadeenii ay ku xiran tahay madaxwaynaha la doortay wax-qabadkiisa iyo taageeradda umadda Soomaaliyeed iyo bulshadda caalamka siday u taageerto maamulka cusub. Markaas ayaan kala ogaan karnaa in madaxwaynaha cusubi maray waddadii Nelson Mandela ama tii Charles Taylor ama tii aan baranay ee Mudane Cabdiqaasin.

Talada wanaagsan Allaha na waafajiyo.

farah Jama" <shillinson@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2004


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
kaah



HTML CD