WARAR GOOS GOOS AH::::
- MID KAMID AH WAKIILADII
SHIRKADII AL-BARAKAAD OO MUQDISHO LAGU DILEY
- Waa sidee Dareenka Dadka
Reer Nairobi ee Codbxintii madaxweynaha Dowladda federaalka KMG
ah ee Soomaaliya
- Dr Cabdi Fitaax Macalin
Husen Waxaan wax wayn ka qaban doonaa dhismaha isbitaala
- XUSKII SHANAAD EE NAADIGA
SAXAAFADDA SOOMAALIYEED
MID KAMID AH
WAKIILADII SHIRKADII AL-BARAKAAD OO MUQDISHO LAGU DILEY
ASAGOO KASOO BAXAY SALAADII CISHAHA:::
WQ. amiinkhasaaro yuusuf <amiinkhasaaro@hotmail.com>
Muqdisho
WAR DEGDEG AH:::
Oct 13, 2004:::
Waxaa caawa magaaladda muqdisho lagu diley mid ka mid
ah mikiilayaashii shirkaddii al barakaad oo lagu
magacaabo Cabaas Cabdi Jimcaale, waxaa la dikey waqti
uu caawa ka soo baxayey masaajid salaadii cishaha ka
dib. Waxaa wararku tibaaxeen in marxuumka ay dileen koox
dabley ah oo ku sugeysey masaajidka agtiisa, waxaa kaloo
la dhaawacay mid ka mid ah ilaaladiisa, ila hadda lama
garanayo sababaha loo diley wadaad kaas, wuxuu dilkani
ku soo beegmay xilli saddex barri ka hor la doortay
madaxweynaha soomaaliya.
Waa sidee Dareenka Dadka Reer Nairobi
ee Codbxintii madaxweynaha Dowladda federaalka KMG
ah ee Soomaaliya
Anab Mohamoud Abdulle
<canabmumtaz@hotmail.com>
Magaalada Nairobi oo ay ku sugan
yihiin soomaalida aad u badan oo isku jira
ganacsato,kuwo u yimid dhoof,kuwo deegaan ahaan u
jooga,arday iyo waliba qaar u yimid shirka kana kala
yimid wadamada gudaha iyo dibada ayaa ah meel ka
duwan aragti ahaan Doorashadii Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmad,goobaha kale ee ay soomaalida ku
nooshahay dalka dibadiisa ama gudahiisa sababta oo
ah waxay indho ahaan iyo dhaga ahaanba kaga dhawaayeen
kumanaanka soomaaliyeed ee ka fog shirka
dareenkooduna waa mid kala duwan siyaabo kala duwana
leh.
Laga soo bilaabo bilowgii shirka ee
Eldoret iyo ilaa haddadan waxaa waxay dadka Nairbo
kala barteen siyaasiyiin badan oo ku sugnaa
shirka,waxayna keentay in ay dareemo kala duwan ka
qabaan ama ay ka sii faaleeyeen qaabka ay kala noqon
karaan marka ay xil qabtaan qaarkoodna ku
tilmaamayay in xil aan loo dhiibin maadaama sida ay
u arkaan ay yihiin kuwa dagaalka sababay.
Maalintii ay bilaabatay codbixinta
doorashada madaxweynaha qofba mid ayuu madaxa u
saarayay in uu helayo xilka adag ee madaxweyne,qaar
ka mid ah dadweynaha oo goob u ahaa goobta
codbixintu ka dhacaysay qaar kalena ay kala socdeen
TV_yada STN iyo RTD ayaa markii ay dhamaatay
codbixintii doorashada wareegii ugu dameeyay uuna
hogaaminayay C/llaahi Yuusuf Axmad waxay abuurtay
jawiyo kala duwan.
Habeenkii doorashada markii ay
dhamaatay meelo badan oo ah Deegaanka islii lagama
seexan iyadoo baabuur lagu xiray codbaahiyeyaal
laguna lamaaniyay heesihii wadaniga ayaa laga
maqlayay meelo badan iyagoo ku wareegayay
magaalada.dadkana waxay iskugu hambalyeeynayeen
Hambalyo dowladda soomaaliya u dhalatay.
Dareenka ay ka muujiyeen dad
badan Madaxweynenimada C/llaahi Yuusuf Axmad.
Qaar waxay ku faraxsanaayeen in ay
somaaliya dhibka ka baxayso cidii doontaaba madax ha
u noqotee(xitaa ajnabi)kana wayn tahay maslaxadda
soomaaliyeed iyadoo sameeyaynayay dabaaldagyo
nabadeed oo ay ku muujinayeen sida ay ugu farxeen in
la soo afjaray shirkii daba dheeraa si ay u
yaraadaan xadgudubyo badan oo soomaalida Nairobi
kuwa kale ee aduunkaba laga galo.Ilayn dowlad xumi
xitaa waxay dhaantaa dowlad La'aan.
Kuwo Kale ayaa ka xumaa in uu
madaxweye Noqdo C/llaahi Yuusuf (Kenyanka markii ay
damcaana in ay u hambalyeeyaana la dagaalayay)Waayo
hadaladda laga hayo sida ay hadalka u dhigeen una
sheegeen somalitalk ayaa ahaa kuwo lidi ku ah
qaranka soomaaliyeed iyo Nabad ka dhalata soomaaliya
waxayna intaas ku dareen in godob badan laga
tirsanayo haday ahaan lahayd siyaasiyiin u dhashay
PL,Dalka la baxay Somaliland iyo hadalo kale sida
Argagaxisada waa in lala dagaalamo la saaxiibka
Itobiya oo ay ku tilmaameen cadawga soomaaliyeed
dhamaantood marka la isku darana ku sheegayay in
aysan u suurta gali karin Corneylka in uu hogaamin
karo dalka ma ahan C//laahi yuusuf laakiin kuwa la
mid ah oo dhan kaga soo horjeeday in ay qabtaan
hogaanka dalka.
Balse guud ahaan marka la isku daro
waxaa badan inta danaynaya in la helo amaan iyo
xasilooni ku dhisan cadaalad waayo dhibka dowlada
la'aaneed ee ka jira soomaaliya saamayn wayna ku
yeeshay soomaali meel walba oo ay joogto ayaa ah mid
ka dhigaya in la teegeero Dowladda ka dhalata
shirkan muddda ka socday dalkan,iyadoo waliba ay
beesha caalamku diyaar u tahay in ay soomaaliya
xiligan taageeraan,waana middas mida ay baddi dadka
reer kenya ee soomaalida ahi qabaan si guud markaan
warbixintan uga sameeyayna ay iisoo baxday arrintan.
Ka Qaybgalka Munaasaba
Caleema saarka Madaxweynaha Dowlada F.KMG C/llaahi
Yuusuf Axmad iyo soomaalida Nairobi.
Dadweynaha ku nool Magaalada Nairobi
oo siyaabo kala duwan usoo dhaweeyay doorashadii
madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka KMG ah ee
soomaaliya ee axadii dhacday ayaa bari waxay isku
diyaarinayaan in ay ka qaybgalaan caleema saarka
madaxweynaha dowlada KMG C/llaahi Yuusuf Axmad.
Suuqyada waawayn ee ku yaala
xaafadaha soomaalida ee islii ayaa waabariga bari
Albaabada loo laabayaa sida balanta ah iyadoo la
wada aadayo munaasabada caleema saarka madaxweynaha
oo horay soomaalida loogu casuumay in ay ka soo
qaybgalaan,waxaana socda olole iyo isku diyaarin
munaasabadaas.
Mar aan booqday maanta galinkii dambe
suuqyadaas waxa ay ganacsato iyo dadka daganba aad u
hadal hayaan in soomaaliya ay guul u tahay in ay ka
gudubtay caqabadihii shirka hor yaalay muddo laba
sano ahna ka socday dalka kenya in ay ka soo baxdo
dowlad iyo madaxweyne si cad loo doortay qaabkay
doontaba ha ku timaadee.
Maxay ka Aaminsan yihiin
Dhaarinta.
Dadka ayaa ku kala duwan aragti ahaan
Dhaarta Barri maanta mar aan la kulmay mid ka mid ah
dadkaas ka qabgalkiisa dhaarinta Madaxweynaha ayaa
yiri horta maxaa lagu dhaarinayaa C/llaahi Yuusuf
Diin ahaan.isagoo intaas ku daray sida uu hadalka u
dhigay in muusigii lagu saaray calanka soomaaliya
markii C/laahi lagu dhawaaqay in uu yahay
Madaxweynaha soomaaliya uu ahaa mid aan ahan kii
astaanta u ahaa calanka soomaaliya ee lagu
yiiqanay,waxa uu intaasi ku daray in xiray
goobtyiisa shaqo laakiin uusan aadin doonin goobta
caleema saarka.
Badi dadka soomaaliyeed ayaa qaba in
ay ka qabgalayaan si ay aduunka ugu muujiyaan
taageeradooda iyo baahida ay u qabaan Dowlad ka hana
qaada dalkooda ka dib dhowr iyo toban sano oo aysan
jirin dowlad dhexe,waxayna diyaarsadeen boorar ay ku
qoran yihiin hadal murtiyeedyo kala duwan sida ay
ii sheegeen dhamaantoodna ka hadlaya sida ay u
danayanayaan dowlad soomaaliyeed.
Ugu dambayntii munasabada caleema
saarka oo bari ka dhacaysa halkii ay ka dhacday
codbixnta doorashada madaxweynaha ee garoonka
kasarani ayaa waxaa ka soo qaybgalaya madaxweynayaal
ka tirsan ururka midnimada Afrika, madaweynayaasha
wadamada urur goboleedka IGAD,jaamacada
carabta,wakiilada shirka ee Midawga
Yurub,Qm,Mareykanka iyo wadamo kale,waxaa ka soo
qaygalaya dhaarinta madaxweynaha ee bari dadweyne
aad u badan,waxaana si toos ah looga daawan karaa
STN,RTD iyo qaar ka mid ah TV yada kenya iyo kuwa
Carabta.
Anab Mohamoud Abdulle <canabmumtaz@hotmail.com>
| Nairobi
WAXAA BARITO OO
KHAMIISA LA CALEEMA SAARAYA MADXWAYNAHA CUSUB EE
SOOMAALIYA CACDULAAHI YUUSUF AXMED WAXAANA HORYAALO
AMUURO ADAG
axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi
Madaxwaynah
jamhuuriyada federaaliga ku meel gaarka ah ee
soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa
Maalinka Khamiista ee Taariikhdu Tahay 14 l
bisha 10 ee Ogtobar lagu caleemo Saarayaa
Magaalada Nairobi ,
Waxaa caleemo
saarka Madaxwaynaha ka soo qayb gali doono
Madaxbadan oo aduunka kakala socda iyo Dadwayne
Gaaraya ku dhawaad 10.000 kun oo qofood
xidhibaanada Doowlada Federaaliga ku meelgaarka
ah ee Soomaliya ,
Dhinaca kale
Madaxwaynaha Barito Xilkiisa loo dhaarin doono
ayaa maalmahan waxa uu magaalada Nairobi kulamo
is dabo jooga kula lahaa madax badan oo dunida
ka tirsan sida Jaamacda Carabta Midoowga Afrika
Midoowga Yurub Mareykanka iyo Siyaasiyiin
Soomaaliyeed isaga oo ay ujedadiisu tahay in
hore loo sii qaado howlaha Nabada ,
Madaxwaynaha
waxaa horyaala amuuro adag oo ay ka mid tahay
amaanka iyo dhaqaalaha oo aad ulita iyo in
hogaamiyaasha kooxaxa uu ku qanciyo in
doowladiisa ay aqbalaan
Dhibaatda ugu
wayn waxa ay ka taagantahay cida loo magacaabi
doono raaysul wasaaraha oo ay hungiri ka qabaan
dhamaan hogaamiyaasha siyaasada soomaalidu in
loo magacaabo ,
Intii aysan
bilaaban doorashada Madaxwaynaha maalinkii Axada
waxaa la dhariyay Utartamayaasha Jagada
Madaxwaynaha waxa ayna ku dhaarteen in ay
Hubkooda wareejin doonan lana shaqayn doonaan
Ninkii la doorto,
Laakiin kulan
ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee wadanka Kenya
oo la iskugu yeeray dhamaan Ragi looga awood
roonaaday Xilkas waxaan iyagu imaan Dr Cabdi
Qaasin Salaad Xasan Madaxwaynaha Dowlada Ku
Meelgaarka ah iyo Maxamed Cumar Xabeeb
Maxameddheere iyo Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow
iyo Sheek Maxamed Yasiin Ismaaciil oo iyagu ka
mid ahaa ragi lagu maquuniyay Kasaraani
istadiyom oo ah goobti Doorashada Madaxwaynaha
Hadaba
madaxwaynaha Barito la dhaarinayo oo maalmahaan
aad moodo in u wado Din u heshiisiin iyo kulamo
gooni gooni ah oo uu la leeyahay Hogaamiyaasha
siyaasada ayaa laga sugayaa in uu waajibkiisa
uguto si daacada oo waliba waxaa la filayaa in
uu dhawaan xal kama danbeys ah ka gaaro in uu
magacaabo raysul wasaare awoodiisa siyaasadeed
leh oo aan aheen nin uun lagu doorto waxa uu
leeyahay hub badadan hadanba la arki doonee
sida xaalku noqdo
Dr Cabdi Fitaax Macalin Husen
Waxaan wax wayn ka qaban doonaa dhismaha isbitaala
axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muusse
Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi
Dr Cabdi Fitaax Macalin Husen
Waxaan wax wayn ka qaban doonaa dhismaha isbitaalada Iskuulada
Hayadaha Dowlada iyo dhamaan adeega guud ee Bulshada
soomaaliyeed ka maqan
Dr Cabdi Fitaax Macalin Huseen
oo ah madaxa shirkakada Muflax Export&Import Kboo hada Booqasho
ku jooga wadanka keenya Gaar ahaana magaalada Nairobi ayaa faalo
ka bixiyay qaabka oo doonayo in uu doowlada cusub ul shaqeeyo
hadee buu yiri soomaalidu ka shaqeyaan nabada iyo is xaqdhoowrka
,
Dr Cabdi Fitaax Macalin Husseen
waxa uu sheegay soomaaliya in ay soomartay burbur dhinac walba
leh uuna lumay adeegii dadwaynaha iyo kii doowlada loon
baahanyahay in dib loo nooleeyo
Dr Cadi Fitaax Macalin Xussen
waxa uu sheegay in uu wado Labo shirkadood oo Soomaliya ka
kaalmeeynaya dhinaca dhismaha guryaha xafiisyada iyo dib u
dhiska dalka Dr Cabdi Fitaax Macalin Husseen waxa uu saxaafda u
soo ban dhigay Sawiradan isagoo runtii ay Wariyaashii goobta
joogay aad ula yaabeen dhismayaal cajiiba oo goobta lagu soo
bandhigay
Dr CabdiFitaax Macalin Hussen
waxa uu sheegay in uu taagrayo doowlada Soomaaliyeed hadii ay
nabada iyo xasiloonida ka shaqeeyso isagoo sheegay in manta
looga baahanyahay aqoonyahnka soomaaliyeed in uu dalkiisa ku la
soo laabto aqoontii uu dibadaha ka keenya waana waxanagu kalifay
ayuu yiri in aan keeno shirkadahan si aan dalka iyo dadka
soomaaliyeed dhismihiisa uga qaybqaadano.
Dr Cabdi Fitaax Macalin Husseen
waxa uu sheegay in shirkadahan xaruntoodu tahay wadanka
Imaaraadka Carabta isagoo saxaafada hor dhogay Waraaqihii
cadeeynayay in ay ka howlgalayaan soomaaliya balse ayuu yiri wax
walba waxaa asl ama saldhig u ah nabada ayuu yiri
Waxaan wax wayn ka qaban doonaa
dhismaha isbitaalada Iskuulada Hayadaha Dowlada iyo dhamaan
adeega guud ee Bulshada soomaaliyeed ka maqan
XUSKII SHANAAD EE NAADIGA
SAXAAFADDA SOOMAALIYEED
W/D:- Faarax Maxamed Cali
Email:
farahblue_545@hotmail.com
Waxaa maalintii shalay ahayd isla
xarunta Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed lagu qabtay sannadguuradii
5-aad ee ka soo wareegtay xilligii la aasaasay naadiga Saxaafadda
Soomaaliyeed ee ku beegan 14/10/1999, inkastoo laba maalmood laga
soo mariyay xafladdaan maadaama la isku diyaarinayo RAMADAAN.
Xaflad si heer sare ah loo soo
agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay inta badan raggii hore ee
saxaafadda Soomaaliya caanka ku ahaa ka hor intii aanay dhicin
dowladdii Maxamed Siyaad Barre.
Waxaa halkaas hadal gaaban ka soo
jeediyay Eng. Mukhtaar Xasan Maxamuud wuxuuna sheegay in
ujeedooyinka loo aasaasay naadiga saxaafadda ay tahay isku keenidda
dhamaman bahda saxaafadda Soomaaliyeed isagoo sheegay inay
arrintaasi ku guulaysteen, wuxuu sidoo kale sheegay in saxaafadda ay
haatan ka madax bannaan tahay maamullada isla markaana ay tahay
haya’dda keliya ee xilkeeda gudatay muddadii ay socdeen dagaallada
sokeeye, isagoo sidoo kalena dardaaran buuxa u soo jeediyay dhamaan
bahada saxaafadda, isagoo carrabaabay inay ku amaanan yihiin gudaha
xilkooda ayna iska ilaaliyaan khaladaadka dhici kara. Waxaa sidoo
kale xafladdaasi ka hadlay madax ay ka mid yihiin: agaasimihii hore
ee Warfaafinta Mudane Sheegoow, isagoo isna caddeeyay in naadiga
Saxaafadda uu ku guulaystay hadafkii loo dhisay ee ahaa tababarka
suxufiyiinta da’ yar ee Soomaaliya, waxaa isna halkaasi ka hadlay
Cumar Sheekh Aadan oo isna ka mid ah ruug-caddaayaasha Saxaafadd ee
Soomaaliya, waxaana taariikh yar kaddib uu ardayda nadiga saxaafadda
kula dardaarmay in ay ka fogaadaan waxyaabaha keeni kara khaladaadka.
Munaasabaddaas waxaa ku lifaaqnayd
shahaado bixin iyadoo arday dhameysatay koorisyo kala geiddan la
guddoonsiiyay shahaadada saxaafadda ee Naadiga saxaafadda
Soomaaliyeed, waxaana haddii aan soo qaadanno qaar ka mid ah
magacyadii ardaydii qalin jabisay ka mid ahaa: Daahir Xuseen Xasan,
C/qaadir Maxamed Axmed, C/qani Nuur Aadan, Fartuun Xasan Maxamuud,
Fadowso C/llaahi Maxamed, C/raxmaan Shariif Maxamed, Faarax Maxamed
Cali, Shaakir Maxamed C/lle, Faarax Cilmi Xiddigoow, Canab Maxamed
Cabdi, Yurub Rashiid Sheekh, Farxiyo Maxamed Maxamuud, Zam-Zam Axmed
Maxamed iyo Maria Maxamuud Xassan.
Marka loo fiiriyo qaybaha kale ee
saxaafadda waxa uu naadigu kaga duwan yahay isagoo tababarro ay
bixinayaan khubaro ku xeel dheer arrimaha saxaafadda ay siiyaan
ardayda ku soo bar-baareysa saxaafadda Soomaaliya, iyadoo taasna ay
uga hambalyeeyeen qaybaha kala geddisan ee saxaafadda caalamka oo ay
hor kacayso Hey’adda BBC-da iyo weliba IFJ.
Waxaa sidoo kale naadiga ku
baheysan saddex jiil saxaafadeed oo kala ah raggii soo aas-aasay
saxaafadda Soomaaliya, kuwii bartay saxaafadda ka hor dhicitaankii
dowladdii Maxamed Siyaad Barre, kana soo shaqeeyay T.V-gii
Soomaaliaya, Wargeysyadii iyo waliba Idaacaddi Qaran iyo sidoo kale
dhallinta da’da ya ee ku bar-baareysa saxaafadda, waxaana naadiga
saldhiggiisa ugu weyn uu ku yaallaa magaallada Muqdisho, iyadoo
xarumo ku kala leh Gobollada Qaarkood ee dalka Soomaaliya, waxaana
marka laga soo tago tababarka saxaafadda uu sidoo kale naadigu
bixiyaa tababarrada Computer-ka, barashada Internet-ka iyo
waxyaabaha ku Milan iyo qaybo kale oo muhiim ah.
W/D:- Faarax Maxamed Cali
Email:
farahblue_545@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13,
2004
Ururka DDP, Beesha Cabdi Koombe,
Jaaliyadda Malaysia, Jaaliyadda London Ontario oo
Taageray Dawlada Cusub
Qoraalada hambalyada iyo taageerada ah...
ka akhri halkan...
Oct 13
Sidii
Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha
DFKMG
Iyo
madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey
Xilka MDGPL...
Guji...