SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

UMMADA UDAA HABAARQABAHEEDA...

 Cawilyare
Garowe,Somalia
<ccqubane@hotmail.com>

sida aynu lawada socono dalkeena hooyo ee soomaaliya mudo 14 sano ah ayuu ku jiray dowlad la'aaan aysana jirin wax sharci iyo qawaaniin ah oo kala haga ummada , micyaarka qiyaasta u ah ee lagu qadariyo koow walba uu ahaa awooda ay leedahay.waxaana dhamaan dumay oo lumay wax allaale wixii ay mas'uulka ka ahayd dowladii dhexe ee dalku.

 
mar heer ayey maraysay xaalada dalku shirar badan ayaa laqabtay kuwaas oo ugu danbayntii ku dhamaaday guul daro , ilaa ay hada soo gaartay in laga miro dhaliyo shirkii ugu mudada dheeraa ee soconayey mudada labada sano ah kaas oo lagu taagay dowladii soomaaliyeed ee mudada badan ay dadku sugayeen, way dhici kartaa in lagu kala aragti duwanaan karo dowladaas cusub oo laga yaabo dadka qaybtiis inay u arkaan inaysan buuxin karin kaalintii looga baahnaa ayna soo wajihi karaan caqabadihii soo wajahay kuwii iyada ka horeeyey ayna ugu danbaysa tii lagu soo dhisay tuulada carta 2000.
 
 
halka laga yaabo qayb kale inay u aragto in uu yahay mid ka duwan kii hore lagana yaabo inuu ka rajo fiicnaan doono kuwii hore iyagoo ku sababaynaya inuu yahay mid ka helaya guud ahaan shacbiga soomaaliya taageero buuxda iyo iyadoo ay halkaas kuwada dhanyihiin warlords-kii ugu awooda badnaa dalka oo dhamaantood lagu dhaariyey inay lashaqaynayaan dowlada cusub , iyadoo durbaba ay qaybtood ayiday xataa hadii aysan xil ka qaban dowladaas, waxay kaloo taageero balaaran ka haysataa beesha caalamka oo u taagan inay hadii soomaali wax dhisato ay la garab istaagaan wixii ay dowladaasi ku shaqayn lahayd.
 
hadaba ma ahayn sababta maqaalkaan aan u qoray inaan taxliiliyo dowlada cusub inayn noqon doonto mid shaqaynaysa iyo inkale ee waxaa ugu kalifay qorida maqaalkaan qoraal aan ka akhriyey somalitalk kaas oo ciwaankiisu ahaa SOOMAALIYA OO HABAAR QABE DOORATAY qoraalkaas oo run ahaantii aan ka tarjumayn waa qica lagu jiro.
 
waa marka ugu horaysee waxaa qoraha maqaalka ka dhadhamaya qoraalkiisa waxyaalihii uu ku dhaleecaynayey Col Yey taas oo ahayd inuu yahay nin qabiili ah ku na kacsada hashiisa,qoruhu wuxuu si bareero ah oo cad usoo bakhti afuufayaa dibna ugu soo noolaynayaa dagaalkii sokeeya ee ku dhisnaa qabiilka iyo maxay reer hebel naga damceen, kaasoo badan ummada dayaca iyo dowlad la'aanta baday soomaaliya.
 
qoruha maqaalkaan wuxuu soo qaatay tixo gabay kuwaas oo ah kuwii huriyey colaada sokeeya ee soomaaliya iyadoo dadka curiyey ay markaas u arkayeen inay waayeen xuquuq ay lahaayeen lana dhaawacay dadnimadoodii iyo jiritaankii ay lahaayeen, Maxaase dhacay kadib????...
 
Mase helaan dadkaasi waxyaalihii ay ku taamayeen, tixahaan guubaabada ahna u tiryeen............  
 
Hadduu dhiigu daatiyo
Hadday xaydhi dixataba
Hadday guushu degatiyo
Hadday daahyo rogataba
Hadday qaanso debecdiyo
Hadday shiish dellegantaba
Hadday Daylo curatiyo
Hadday deero tebisaba
Adoo dool dhaqaaqiyo
Adoo data mooyee
Damac waa halkiisii
Dabna waa dabkiisii

Dusdukay ku dheregtee
Haddaan daalku dheeraan
Gabbal baas u dumin nabad

Nin dalleensi lagu cunay
Haddaan guuto loo dilin
Dakharkiiba toban noqon
Nin kastoo dun iga qaba
Haddaan daab-cad lala dhicin
Jannnada durduurta ah
Haddaan daadku soo qubin

Aqalada derbiga dheer
Haddaan daaqad laga gelin
Ninka dabin ka boodka ah
Haddaan diirad lagu helin
Haddaan duubka gogoshiyo
Lagu dhuuman dalowyada

Haddaan shaashka derejada
Dallacaada laga nixin
Dal Allay u kibirtee
Haddaan iilka lagu degin
Haddaan meydku duurkiyo
Derrimaha ka fara badan
Sanqadhaa dabayshiyo
Haddaan fiinta laga didin

Fadhigay ku daaqdee
Haddaan soodhku dalandalin
Halka doobi lala maro
Haddaan raacdo daba gurin
Dacfalaanka mahaddiyo
Dardarsiga barwaaqada
Iyo doosha subbaga leh
Haddaan laysu dacarayn

Inta daran intaw daran
Haddan duulal lagu falin
Haddaan deebta gumuciyo
Lagu guban dabkaan shido
Duhur laysla wada jiro
Haddaan guusha lay deyn
Alley-lehe docdaydii
Ha Goblamo dad weynuhu.

Run ahaantii maqaalkaygaan uma qorin in aan ahay mid ka mida  taageerayaasha Col C/laahi yuusuf axmed oo loo caleema saaray madaxweynaha dowlada federalka ah ee soomaaliya , waana ka soohorjeedaa in badan oo ka mid ah mowqifyada Mud. C/laahi axmed iyadoo aan u ogahay inuu yahay macangag tiisa maahee mid kale aan yeelin dantiisana u fuula geed dheer iyo geed gaaban, hadafkiisa ugu wayna yahay inuu wax xukumo , ninkii ku qabsadana ay dadka isugu necebyihiin, intaasoo dhan anoo og ayey hadan ceeb igu tahay inaan ka hor imaado wax yaalihii ay umada soomaaliyeed mudada labada sano ah u fadhiday kenya waxaana uu mudanyahay muwaadin walbaa inuu taageero buuxda siiyo si dib loogu soo yagleelo jamhuuriyadii horey loo oran jiray soomaaliya ee iminka jaabiyadaha loo kala goos goostay.

Gabagabadii

waxaan qoraaga diridhabe u soo jeedinayaa inuusan horboodin ummada soomaaliyeed uusana noqon nin balo ka talis ah , ee uu noqdo qof wax san ummada u tafa'ula ama u saadaaliya, maadama aynu wada ogsoonahay colaad sokeeya oo hada dib loo xusuusiyo ummada soomaaliyeed iyo in Hawiyo iyo Daarood la isugu dhufto oo la dhaho tii Hawiye ayaa socon waydaye Tan Daarood sidee ku socotaa inaysan xikmadi ku jiran wax macna ah oo ay samaynaysana aysan jirin ee ay tahay un in dib loogu laabanayo mugdiyaal ay ummada soomaaliyeed ka soo gudubtay soona dhaxal siisay inay in badan ku agoomoobaan, Qaxaan, 

intasoo dhami iyado oo ay jirto hadaba waxaa lagudboon aqoonyahaniinta iyo waxgaradka soomaaliyeed inay xaaladu taagantahay Labo Daran Mid dooro ayna inoo darantahay wadciga iyo marxalada ay maanta ku sugantahay soomaaliya ayna u baahantahay habaar qabe wax ka qabta dadka bahaloobay ina bartay dhaca boobka iyo kufsiga.

iyadoo aysan jirin 3 casho ayaa waxaa isla hugmay dhamaan dalka soomaaliya oo dhan min raskamboni ilaa raascasayr ilaa boorama , taas oo ididiilo ku ridaysa dib usoo laabashada qaranimadii soomaaliya.

HADABA WAXAAN WALAALKAYGA DIRIDHABE EE JOOGA KRACHE PAKESTAN LEEYAHAY UDAA UMADA SOOMAALIYEED HABAAR QABAHEEDA AY KU DOORATAY AQLABIYADA AAN CAADIGA AHAYN , DIBNA HA UGU CELIN UMADA SOOMAALIYEED MARXALAD AY KA SOO GUDUBTAY 14 SANO KAHOR OO HADA DAGAAL SOKEEYE HA U HORKICIN. 

WAAD MAHADSANTIHIIN 

  Cawilyare
Garowe,Somalia
<ccqubane@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2004


»DAWADA KHARAARUBA MAR BAY DAAWO NOQOTAAYE [Omar]
»Maxay kaga duwanaankartaa dowlada cusub dowladihii hore ?  [M.A]
»
Cabdulaahi Yuusufoow, Soomaali waa ku jeceshahay [Gaagaale]
»SOOMAALIYA OO HABAR QABE DOORATAY [Diridhaba]
»Cali khaliif oo dhirbaaxadii c/qaasin ku darsaday mid ka wayn [c/risak]
»Somalia oo dib dhac labaad ku habsaday [M.Yusuf]
»Ardayda reer Puntland oo soo dhaweyey Dorshada Madax waynaha
»MADAXWEYNE MA LAGU YIDHI ! [Khaliil]
»Ciidamada Shisheeye ee C/ahi Yussuf Somalia ku soo Wado [Osman]
»
Somalia waxay geedi u tahay god aan ka soo bixid lahayn [m.yusuf]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
kaah



HTML CD