SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

DAWADA KHARAARUBA MAR BAY DAAWO NOQOTAAYE

WAR BAL DAAYA DAGAAL IYO XABADI MA AHA DAWGEENE 

Omar Abdinur <omarabdinur@hotmail.com>

Mahad Ilaah baa iska leh, Nabad iyo Naxariisna Nabi Maxamed korkiisa ha ahaato. 

Markii uu dhamaaday heshiiskii DYTON ee lagu heshiinsiinayey Muslimiintii Boosniya iyo Masiixiyiintii Zerbiyaanka ee dagaaalka xun ee umulodooxa ah ku gumaaday muslimiinta laga tiro badanyahay ee dalkaas bilowgii iyo bartamihii sagaashanaadka, ayaa hogaamiyihii muslimiinta ee Bosnia Cali Azabej wuxuu yiri “Hishiiskaan soo saxiixay waa dawo kharaar” dawada kharaarna marbaa laga yaabaa in lagu buskoodo. 

Dadka caqliga lihi sidaas ayey u fakaraan marka arrintu meel halis ah gaarto, waayo qofkasta oo la socday heshiiskaas ama gumaadkii ka horeeyey ee loo geystay dadka muslimiinta ah ee dalkaas, marna kama daadegteen in uu aqbalo ihaano iyo quursi intaas le eg. Xaqiiqduse waxay tahay Cali Azabej wuxuu is barbardhigay in uu dagaal sii wado oo dadkiisu ku dabar go’o iyo in uu qaato nabad laga yaabo in mustaqbalka dadkiisa inta hartay iyo dalkiisa inta hartay ay ku nabad galaan ugana badbaadaan dabar go’o ku yimaada.

Maanta haddii aan nahay Soomaali cid kale oo dibad nooga timid oo na dabar goynaysaa ma jirto laakiin waxaan halis u nahay in aan is dabar goyno. Waxaan qoraalkaan u qorayaa waxaan ka cabsi qabaa in iyadoo qabyaalad, is fiirsasho iyo anaa kaa kabo weyn darteed loo sameynayo laga horyimaado oo mucaarad iyo dagaal lagu furo go’aankii kasoo baxay shirkii Nairobi ee labada sano loo fadhiyey. Cidna iskuma diidana in la doortay nin gacantiisa ay ku baxeen khalqi badan sababna u ahaa (sida isaguba sheegto) dagaalka dabodheeraaday ee Soomaaliya aafeeyey. Su’aashuse waxay tahay maadaama 14 shir oo hore fashilmeen, dalkeennii iyo dadkeennii halis ku sugan yihiin, cadowgeenna dibaddu badan yahay, adduunkiina khadyaan naga taagan yahay, miyeysan habbooneyn in aan sidii Cali Azabej yeelno oo xataa haddii heshiiska qaarkeen u qalmi waayo loo daneeyo dadka iyo dalka inta ka hartay?? 

Xadiis laga weriyey Nabigeenna Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato ayaa waxaa micnihiisa ka mid ahaa “ Geesigu ma aha kan dadka tabcada, dibirta ama sabbaaxadda la dhiga, ee waa kan hanta naftiisa marka uu xanaaqsan yahay”.

 Waxaan dhihi lahaa ha laga fiirsado damaashaadka, ubaxdaadinta gobolada qaarkood kasoo yeereysa, sidoo kale ha laga fiirsado colaadda, iyo fidno hurinta kasoo ifbaxaysa gobolada qaarka kale. Waxa aan helnay ee heshiiskii Nairobi kasoo baxay waa dawo kharaar ee feejignaan iyo kutalogal ha lagu liqo. Ha laga fogaato tookha, faanka, niyadjabka iyo quusta kuwaas oo aan ahayn sifooyinka geesiga waqtiga xaalku adag yahay. 

Haddii aan hadalkii, waanadii iyo digniintiiba badiyey, anigoo rajo weyn ka qaba in dadka caqliga iyo kartida lihi ay ila fahmi doonaan, bal aan haddana gabay yar oo ka hadlaya cirib xumada qabyaaladda aan idiin soo gudbiyo. Gabaygaan waxaan tiriyey 19/10/2003. Waa dood dhexmartay nin u hagar baxay qabyaaladda iyo qabyaaladdii qudheeda. Waxay isku eedeeyeen in midba midka kale baday oo ka mas’uul yahay darxumada maanta lagu sugan yahay. 

ANIGIYO QABIIL (Gabay)

Aniga waxaan ula jeedaa qofkasta oo Soomaali ah oo qabyaaladda u hagar baxay waxse aan ka dheefin.    

  • Anigiyo qabiil baa dacwiyey, oo isqoonsadaye
  • Qaran li’i, jabbaad geysatiyo, lama qiyaasaane
  • Qaruumaha halkaan uga jirnaa, qaawan sababtaaye
  • Qarni iyo bar baan dibu noqdaye, saw ma qiraneysid?
  •  
  • Qalin iyo tacliin baa ummadi, qaran ku taagtaaye
  • Qoraal iyo xisaab waa horaa, qiimahood tagaye
  • Qori baa baddalay oo ma helin, qalin caruurtiiye
  • Qarni iyo bar baan dibu noqdaye, saw ma qiraneysid?
  •  
  • Dhaqaalahii markaad wiiqdayoo, qiimihiis jabisay
  • Qol markaad ku ooddee dadkii, qaarba dhinac aaday
  • Qaran hawshii uu qaban lahaa, adigu aad qaadday
  • Qarni iyo bar baan dibu noqdaye, saw ma qiraneysid?
  •  
  • Magaalooyinkii qurux badnaa, dhowr qarniyo saa’id
  • Qaar adigu aad dumisay iyo, qaar darxuma liita
  • Qalbigeygu wuxuu diidayaan, qeex u tabiyaaye
  • Qabri iyo shaneemays dhexyaal, baa lasoo qoraye
  •  
  • Qaanuun magaaliyo ma jiro, qabasho hawleede
  • Qashinkiyo muddaan laga sifayn, qurunka awsaakhe
  • Qaaxiyo tifoow baa ku dhacay, qumman xariirtiiye
  • Qarni iyo bar baan dibu noqdaye, saw ma qiraneysid?
  •  
  • Qaraabiyo xigaalaa is nacay, Qabiiloow owgaaye
  • Qoys nabad ku seexdaa dartaa, loo qarxinayaaye
  • Qolo aan cidnaba eed ka galin, baa laqalayaaye
  • Qiyaamaha miyaan kugu aflixin, waaban kaa qadaye
  •  
  • Qabiil yiri qabiiljecel anaa, qaatay hadalkiiye
  • Qadaf uma muraadee runtaan, kuu qabbirayaaye
  • Qardajeex adaa lalahayoo, qodaya hoobaale
  • Qarankii intaad dumisay baad, igu qarweysaaye
  • Qaladkaaga aan kuu sharxee, qaado taladeyda.
  •  
  • Qabiilkaaga waxaan ahayn, adaa qoonsadoo nacaye
  • Qoriga iyo banbaanada adaa, qaadayoo sidaye
  • Qabqablaha adaa dabasocdoo, qaatay taladiise
  • Qabiilkaba inaad adigu tahay, saw ma qiraneysid?
  •  
  • Qur lagooyo qurbaa loo jaraa, waana qowl dhabahe
  • Qur’aankay ku taallaa oo ma aha, hadal qabiileede
  • Qaanuunkii Ilaah adaa diidayoo, qaab kalow maraye
  • Qisaas bay aheyd inaan kuu baxshoon, qoorta kaa jaro’e
  •  
  • Qurbaha iyo adaa aadayiyo, qurun shisheeyaahe
  • Qabqablaha adaa taabayoo, quud usoo diro’e
  • Qaaraankana adaa soo wadoo, qasaya deebaaqe
  • Qabiilkaba inaad adigu tahay, saw ma qiraneysid?
  •  
  • Qarankaan hoggaan adag lahayn, qolana eexeysan
  • Qawaaniin hagtana loo astayn, waa qadhoodhabo’e
  • Mar haddaad ku qanacdeen middaas, qaabdariyo ciilka
  • Maxaan kuu qabtaa saw adigu, xumo ma qoondeysan?
  •  
  • Qabiiljecel haddaan ahay dadow, iga qiyaas qaado
  • Qabiilkayga waataan u shubay, dhiig qabow badane
  • Qorfo aan cid joogin iyo u maray, kaymo qoofalane
  • Qofkastoon quwaax iyo aheyn, qolada aan sheegto
  • Qarqarsiga ku jabi baan lahaa, qoon xun weeyaane
  •  
  • Hadii maalka qaran leeyahoo, talo la ii qeybsho
  • Qobka iyo dushaan uga ekaa, qaa’im araggiise
  • Qofkii anigu aan wadiyo qofkii, igu qabiil sheegta
  • Qurqurada uddaa baan lahaa, yaan lagaa qabane
  •  
  • Haddii labo qoloon deris aheyn, qow isaga saarto
  • Halkii aan masloxo qaaliyiyo, qaban lahaa kheyrka
  • Qori qiiq leh baan dhinaca kale, uga qabtaa cowse
  • Intii ay qitaal ba’an wadaan, waan qoslahayaaye
  •  
  • Intaasoo qariyo buur xuniyo, qac iyo baaruuda
  • Qabiilkayga awgiis haddaan, qaran u naafeeyey
  • Tub kastoo qalloocana umaray, qolada aan sheegto
  • Qaxar iyo dhib baa iga qabsaday, waana qirayaaye.
  •  
  • Qamuunyoodayeey yaa mar qura, qarankii ii ceynsha
  • Qarqaryada i haysana mar qura, iga qayoodsiiya
  • Qabiil waa dhibaatee yaa bulshada, uga quraan saara
  • Qaladkiiyo xumihii aan galnana, qariya oon sheegin
  •  
  • Qoladaan difaacnoo in badan, qaran u miineeynay
  • Qarni iyo bar qoladaan darteed, dibugu saan qaadnay
  • Wax kastoo qurxoon iyo wixii, ummadi qiimeyso
  • Qabiilkaan daraaddiis xumaha, samanno qoosheynay
  •  
  • Qofkii iga dambeeyow murtidan, qaado waa dhaxale
  • Qaran iyo qabiil kala duwoo, haysku hoos qarina
  • Qalad iyo xumaan kala saxoo, hays qaddoodilina
  • Qorraxdiyo mugdiga yaan midkeen, qiil isugu keenin
  •  
  • Qawlkii Ilaah raaca oo, nabadda qiimeeya
  • Abuu qaasim xeerkuu dhigiyo, qaata taladiisa
  • Qufraan Eebbe weydiista oo, jooja qalalaaska
  • Qiyaamaha xisaab baa jirtiyo, qamaci naareede
  • Qof walboow naftaadaa qabriga, kali laguu qaadin
  • Qosol iyo baroor baad mid uun, qowlalada jeexin

Omar Abdinur <omarabdinur@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


»Maxay kaga duwanaankartaa dowlada cusub dowladihii hore ?  [M.A]
»
Cabdulaahi Yuusufoow, Soomaali waa ku jeceshahay [Gaagaale]
»SOOMAALIYA OO HABAR QABE DOORATAY [Diridhaba]
»Cali khaliif oo dhirbaaxadii c/qaasin ku darsaday mid ka wayn [c/risak]
»Somalia oo dib dhac labaad ku habsaday [M.Yusuf]
»Ardayda reer Puntland oo soo dhaweyey Dorshada Madax waynaha
»MADAXWEYNE MA LAGU YIDHI ! [Khaliil]
»Ciidamada Shisheeye ee C/ahi Yussuf Somalia ku soo Wado [Osman]
»
Somalia waxay geedi u tahay god aan ka soo bixid lahayn [m.yusuf]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
kaah



HTML CD