SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO
 
Daabaco Boggan | Print

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.
  • Dagaalo lagu jabiyay ciidamada cadawga gumaysiga Itoobiya.

  • JWXO oo soo dhawaysay dawlada Soomaaliya
  • Kulano ay yeesheen xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO oo ka dhacay Yurub iyo Maraykanka
  • Khilaaf soo kala dhex galay maamulka dugsiga sare ee Jig.Jiga iyo waaxda wax barashada kililka

  • waraysi aanu la yeelanay gudoomiyaha Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo suugaan halgameed

Dagaalo lagu jabiyay ciidamada cadawga gumaysiga Itoobiya. 

Dagaalo dhex maray ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada cagajiidka gumaysiga Itoobiya ayaa ciidamada nacabka gumaysiga Itoobiya aad loogu nafeeyay.

Dagaaladan oo ka dhacay goobo kala duwan oo ka tirsan gobolada Ogaadeenya ayaa sida u kala dhacay. 

19.09.2004 dagaal ay iskaga hor yimaadeen meesha lagu magacabo Hiiliye oo u dhaxaysa Fiiq iyo Sagag qab ka tirsan ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada qalbiga la ee gumaysiga Itoobiya ayaa ciidamada doolka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 28 Askari waxaana lagaga dhaawacay 31 Askari oo kale. 

Yucub ooo gobolka Doolo ka tirsan dagaal ku dhex maray 25.09.2004 ciidamada geesiyiinta xoreenta Ogaadenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa cadawga lagaga dilay 4 Askari 5 kalena waa lagaga dhaawacay. 

Sida oo kale 27.09.2004 iska hor imaad dagaal oo ku dhex maray qaar ka tirsan ciidamada soo ma jeesta yaalka xoreeynta Ogaadenya iyo ciidamada caga jiidka gumaysiga Itoobiya Dhalacad ayaa ciidamada gumaysiaga ku jooga Ogaadeenya lagaga dilay 4 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 Askari oo kale. 

Iska hor imaad dagaal oo ku dhex maray 27.09.2004 ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada dacdareeysan ee gumaysiga Itoobiya meesha lagu magacaabo Dariixa oo ka tirsan gobolka Nogbeed ayaa ciidamada cadawga Itoobiya lagaga dilay 6 Askari 11 waa lagaga dhawacay.

 Sida oo kale 28.09.2004 dagaal gaadmo ah oo ay koox ka tirsan ciidanka geesiga ah ee xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen qayb ka mid ah ciidamada habawga ah ee gumaysiga Itoobiya oo marayay Gudhis oo ka tirsan gobolka Nogbeed ayaa ciidamada cadawga Itoobiya lagaga dilay 3 Askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay. 

Dagaal kale o isaguna ku dhex maray 29.09.2004  Mara-Maydh oo ka tirsan gobolka Nogbeed koox ka tirsan ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo Kolanyo ka tirsan ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa ciidamada cadaadiska ku caanbaxay ee gumaysiga Itoobiya lagaga gubay Hal Baabuur oo Uraal ah. Baabuurkaas oo aysan jirin wax ka fiigay ayaa waxuu siday 40 ka tirsan ciidamada maxaysatada gumatsiga Itoobiya. 

Dagaal ku dhex maray 30.09.2004 Haardhagax ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada xoreeynta Ogaadeenya ayaa ciidamada cadawga lagaga dilay 5 Askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay. 

02.10.2004 dagaal gaadmo ah oo ay ciidamada xaqlayaasha xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Dhiita oo ka tirsan gobolka Jarareed ayaa ciidamada cadawga lagaga dilay 9 Askari 12 kalana waa lagaga dhaawacay. 

Dagaal kadis ah oo ku dhex maray 04.10.2004 Toon ceelay oo ka tirsan gobolka Qoraxay ciidamada Xoreeynta Ogaadeenya ito ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa cadawga lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhawacay 2 askari oo kale. 

Sida oo kale 04.10.2004 dagaal ku dhex maray meesha lagu magacaabo Qadaamuro ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidanka cabudhiska Itoobiya ayaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 4 Askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay. 

Dagaal ay ku qaadeen 06.10.2004 koox aad u tababaran oo ka tirsan ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Garigo`an ayay kaga dileen 3 Askari oo uu midi yahay sargaalkii ciidankaas watay iyo hal sargaal oo kale. 

JWXO oo soo dhawaysay dawlada Soomaaliya 

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa si wayn u soo dhawaysay dawlada cusub ee dalka Soomaaliya loo dhisay, waxayna Jabhaddu, iyadoo matalaysa dadwaynaha soomaalida Ogaadeenya, hambalyo u dirtay guud ahaanba dadwaynaha soomaaliyeed oo dhawr iyo tobankii sano ee ugu denbeeyay gacmo madhan ka taagnaa haybadii dawladnimo iyo qaddarintii ay bulshada caalamku u haysay. 

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Oaagdeenya waxay aad ugu faraxsan tahay in masuuliyiinta soomaaliyeed ee ku guulaystaan inay ka gudbaan khilaafaadkoodii, isla markaana  ay u guntadaan sidii ay dalkooda nabad ugu soo dabaali lahaayeen,  qaranimadoodiina u soo ceshan lahaayeen. Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeya waxay ka filaysaa in bulshada soomaaliyeed, dawlad iyo dadwaynaba, ay ku guulaysan doonto sidii ay uga gudbi lahayd caqabadaha waawayn ee ka sokeeya nabadaynta iyo qaramaynta dalkooda. 

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay ka sugaysaa dawlada cusub ee Soomaaliya iyo dadwayneheedaba inay muujiyaan xilksanimadii lagu aqoon jiray dawladihii Soomaaliya ka soo jiri jiray, sidaas darteed ay xil wayn iska saaraan qadiyadaha soomaaliyeed oo dhan oo ay ugu horrayso qadiyada Ogaadeenya. 

Kulano ay yeesheen xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO oo ka dhacay Yurub iyo Maraykanka 

Iyadoo laga duulayo kalfadhigii Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ee la qabtay bishii Juulay, waxaa kulano kala duwan lagu qabtay dalalka Danmark iyo Maraykanka, kuwaasoo ay ka qayb qaateen xubnaha Golaha Dhexe iyo madaxda Jaaliyadaha Ogaadeenya. 

Kulan lagu qabtay dalka Danmark intii u dhaxaysay 8-10 Oktober 2004, waxaa lagaga dooday sidii loo fulin lahaa go’aanadii ka soo baxay kalfadhigii Golaha Dhexe, waxaana lagu soo qaatay qodobo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta xubnaha Golaha Dhexe iyo kor u qaadida kartida waxqabad ee Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dalalka Yurub ka hawlgala. 

Kulankan waxaa lagu sameeyay guddiyo dhawr ah oo xubnaha Golaha Dhexe ah, kuwaasoo loo xilsaaray hawlo kala duwan, isla markaana la sahqayn doona hooggaannada kala duwan ee Jabhaddu ka kooban tahay. 

Waxaa kaloo kulankan lagu jaan-gooyay qorshe hawleed isku mid ah oo Jaaliyadaha Ogaadeenya ay sannad walba si isku mid ah u filin doonaan, kaasoo ujeeddada ka denbaysa ay tahay sidii la isugu xidhi lahaa hawlaha ay Jaaliyaduhu qabtaan. 

Kulankan waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, Admiraal Maxamed Cumar Cismaan, Guddoomiye ku xigeenka labaad C/qaadir Xasan Hirmooge, guddoomiyihii hore ee Jabhadda Sh Ibraahim Cabdalla Maxamed iyo guddoomiyaha hay’ada kormeerka iyo hantidhawrka Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirrane).    

Markii uu kulankii rasmiga ahaa dhamaaday waxay madaxda Jabhaddu la kulantay dadwaynaha soomaalida Ogaadeenya ee ku dhaqan magaalada Kobanhegan iyo nawaaxigeedam, waxayna dadwaynuhu madaxda waydiiyeen su’aalo badan, kuwaasoo si waafi ah looga qanciyay, wuxuuna kulankaasi ku dhamaaday guul.


Khilaaf soo kala dhex galay maamulka dugsiga sare ee Jig.Jiga iyo waaxda wax barashada kililka 

Khilaaf balaadhan ayaa soo kala dhex galay maamulaha dugsiga sare ee Jigjiga iyo maamulka waaxda wax barashada ee waxa ay ku sheegaan Kililka. Khilaafkan ayaa waxuu ka bilawday qaar ka mid ah ardaydii dugsiga sare u soo gudubtay oo loo diiday in ay wax barashadoodii bilaaban. 

Dhawaan ayaa waxaa la kordhiyay dhibcaha ay ardayda Ogaadenya ugu soo gudbaan dugsiga sare si aan loo helin arday badan oo dugsiyada dhexe ka soo gudubta, hase yeeshee waxaa soo gudbay arday kabadan qiyaastii ay filayeen oo soo buuxisay dhibcihii sharci darada ahaa. Xaaladan ayaa waxay wakiilkii TPLF ay u soo magacawday in uu waxbarashada ka cadaadiyo Ardayda reer Ogaadeenya ku keentay filan waa, waxuuna isla markiiba soo saaray dhibcihii kuwo ka sareeya, taas oo uu gaashaanka ku dhuftay maamulihii dugsiga sare ee Jig.Jiga. 

Maamulaha dugsiga sare ayaa sheegay in la diiwaan galiyay ardaydii ayna la wareegtay wasaarada waxbarashada, sidaas daraadeed ayna suuragal ahayn in ardayda waxbarashadooda laga hor istaago. Waxuu kaloo intaas ku daray maamuluhu hadii ardayda wax barashadooda loo diido in uu iska casilayo xilka uu dugsiga u hayo.

»WARAYSSIGA KA DHEGEYSO::  R A D I O   X O R I Y O

  
12.10.2004

Ahmed Gaal`eri

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2004


Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

kaah



HTML CD