Maxay kaga duwanaankartaa dowlada cusub dowladihii
hore ?
W/Q:MoHamed Ali Farah
m_alishiino@yahoo.com
Ilaah baa mahad iska leh naxariis iyo nabad
gelyo kor kiisa ha ahaato suubane nebi maxamed (S.C.W)
Mahan markii ugu horeesay ay yeelato soomaaliya
dowlada intii ka danbeesay dowladii hore ee uu madaxda ka ahaa marxuum maxamed
siyaad barre , . sida aynu wada ogsoonahay ka hor dowladan , waxaa wadanka soo
maray dowladii kumeel gaarka ahayd ee carta lagu soo dhisay , midaas oo
dadwaynuhu aad u soo dhowayeen midaas oo markaas dadwaynaha soomaaliyeed aad ugu
hanwaynaayeen in dowlada cusub ay ka saari doonto buburkii iyo dhibaatadii
soomaray , qarankii soomaaliyeedna dib u soo noolaandoono , hasa ahaatee rajadii
dadwaynaha ay ka qabayn Dowladii xiligaas ayaa noqotey riyo (dream) , iyada oo
markaas wax yaala badan oo shacabka saadaalinayeen ay qabsoomi waayeen carqalada
badan oo markaas la soo gudboonaaday dowladii xiligaas owgeed ,
Si kastaba ha ahaatee sida aynu wada ogsoonahay
waxaa 10/10/2004 la doortey madaxwaynaha dowlada federalka soomaaliya muda
shanta sano ee soosocota , iyada oo markaas xilkaas loo doortey mudane
Cabdulaahi yuusuf axmed , oo muda dheer halgan ugu soo jirey sidii uu mar uun
madaxwaynaha soomaaliya u noqon lahaa , hadaba waxaa la is orankaraa dadaalkii
Mudane Cabdulahi yusuf axmed uu muda dhan dhowr iyo labaatan sano ku jirey ayaa
maanta u hirgalay .
Hadaba akhrisre su’aasha waxa ay tahay
xukuumadan cusub ee mudane cabdulahi yuusuf axmed madaxwaynaha ka yahay , maxay
kaga duwanaan kartaa tii lagu soo dhisay carta ee uu madaxwaynaha ka ahaa Dr
Cabdi qaasim salad xasan ?
Waxaa la orankaraa dowlada cusub ee soomaaliya,
wax yaala badan ayay kaga duwantahay maanta tii hore ee carta .tusaale ahaan
dowladii hore carta lagu soo dhisay waxaa ka qayb galay dad u badan aqoonyahan
soomaaliyeed iyo hogaamiye dhaqameed iyada oo markaas aysan ka soo qayb galin
hogaamiyayaasha kooxaha ( war leaders ) taas oo carqalad ku noqotey dowladii
kumeel gaarka ahayd ee xiligaas iyada oo markaas isku meel uga soo wada jeesteen
dhamaan hogaamiyaasha dagaalka sidii ay u fashilin lahaayeen kolkaana ay usuurta
gashay , midaas oo aakhirkii u hirgashay hogaamiyaasha kooxaha .
dhinaca kale dhismihii dowladan cusub ayaa
waxaa la orankaraa waxaa mudnaantaa 1 aad lahaa hogaamiyaasha dagaalka ( war
leaders) , marka aad eegto Barlaamaanka kumeelgaarka Federalka soomaaliya
ayaa waxaa ka dhex arkaysaa rag badan oo ka mid ah hogaamiyaasha siyaasada
iskaga soo horjeeday oo dhamaantood ka mid yihiin baarlamaanka , sidoo kale
waxaa la is orankaa marka aad eegto hogaamiyaasha siyaasada ayaa waxaa ka go’aan
maanta in wadanku uu ka baxo dhibaatadan 14 sano jirsaday ,
Marka aad eegto murashaxiintii isu soo taagey
jagada madaxwayna soomaaliya badankood waxa ay ka mid ahaayeen hogaamiyaashii
siyaada iska soo horjeeday , iyada oo markaas ay muqatey mid kasta oo ka mid ah
hogaamiyaasha siyaasada in uu markaas isu soo taagey si democratic ah .iyada oo
markaas midkasta ku qanacsanaa codadka uu ka helay baarlamaanka soomaaliyeed,
ka hor intaanay bilaaban doorashada waxaa la dhaariyay murashaxiinta iyada oo
markaas mid kasta oo ka mid ahaa murashaxiinta uu qiray in uu la shaqayn doono
dowlada
Dhinaca kale marka aad qiimayn wayn ku sameeso
khudbadii Cabdulahi axmed cadow oo ahaa ninkii laga reeyay hogaanka wadanka ayaa
isagu diyaar u ahaa in la shaqeeyo markaas dowlada cusub isaga oo markaas ay
muuqatey shucuur wadaninimo ,taas oo fursada wayn siin karta dowlada cusub
Markaad eegto madaxwaynaha dowlada federalka
soomaaliya Mudane cabdulahi yusuf axmed ayaa isagu ah nin wadanka ku soo dabaali
kara nabad isaga oo markaas leh xir fad maamul iyo mid military , mudane
cabdulahi yuusuf axmed ayaa isaga hada si toos ah gacanta ugu haya 5 gobol oo ka
mid ah 18ka Gobol ay soomaaliya ka kooban tahay , isaga oo markaas ah nin xiriir
wayn la leh inta badan hogaamiyaasha dagaalka , midaas oo la is orankaro waxa
ay u fudeedaynaysaa madaxwaynaha in markaas nabad lagu soo dabaalo wadanka
qaranimadii soomaaliyeed soo celin karta .
Ugu danbeyn waxaan leeyahay madaxwaynaha cusub
:Hawlahaa Arladaa haddii lagugu aaminay, U Adeege lagaa dhigay, Daacadnimo ayaa
lagaa rabaa.., Ha is oran cidi kuma arkaysee kala sokayso, Nin Xil qaaday eed
Qaadyee... Hawlahaa Arladaa haddii lagugu aaminay Soomaalida qabiilku kala
irdheeyay isu uruurintood ayaa lagaa rabaa.... Diinta, dadka iyo dalka
Daacadnimo ugu adeeg ayaa lagaa rabaaaaa...ha is oran cidi kuma arkeesee ini
adeerso ,,, ha is oran cidi kuma arkeesee qalin ku aarso …
WabIlaahi Towfiiq
W/Q:MoHamed Ali Farah
m_alishiino@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan