SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  NAIROBI

XAASKII HORE EE XIDHIBAAN XUSEEN CAYDIID, MARWO FARTUUN FAARAX: WAXAAN AAMINSANAHAY IN MADAXWAYNAHA LA DOORTAY YAHAY NIN LEH KARTI IYO AWOOD BULSHADA UU ISKU-KEENO

Madaxweyne Kibaki oo la taagan madaxweynaha loo doortay Soomaaliya, C/lahi Yusuf Axmed, meeshuna waa guriga madaxtooyada Kenya ee loo yaqaan  State House, Nairobi, [11/10/2004], waxana ay yeesheen shir albaabadu u xiranaayeen... [Sawir standard]
 

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya,Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com 

Marwadii here ee Xidhibaan Xuseen  Maxamed Caydiid Ayaa wareeysi aanu kala yeelanay goobta ay ka dagantahay Magaalada Nairobi Noogu Faahfaahisay sida ay u aragto doolada cusub iyo sida ay u taageersantahay, Su aashii ugu horeeysay oo aan waydiiyo waxa ay aheed sidan:  

Su'aal: Maadaama aad adigu goob joog ka aheed doorashadii madaxwaynaha Federaaliga Kumeel Gaarka ah Waa sidee Dareenkaagu? 

Fartuun: bismilaahi runtii dareenkeeygu waa mid aad ufiican waxa ay aheed mid ku dhacday si dimuquraadiyad ah xaq ayeeyna aheed madaxwaynaha Cabdulaahi Yuusuf Axmed qaabkii lagu doortay  

Su'aal: Ma is ledahay Colaadii 14 sanoo na dhaaftay ka jirtay soomaaliya way soo af jari kartaa doorashadii la doortay Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf? 

Fartuun: xalka waxaa keeni kara alaah cidkalle ma awoodo in ay xalkeento balse hadii la dadaalo madaxwaynahana lala shaqeeyo waxaan rajeeynayaa in uu yahay nin wax ka qabankara dhibaatada soomaaliya maanta ka jirta 

Su'aal: Waxaad ogtahay in ay jiraan hogaamiyaal shalay la tartamayay madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga hogaamiyaashaasi waxa ay leeyihiin hub oo ay ku hestaan gudaha somaliya  in kastoo ay saxiixeen in ay wareejin doonaan hubkooda lana shaqayn doonaan cidii la doorto mana muuqato oo hada wali ma cada marka  hogaamiyaashaas iyo Madaxwaynaha oo diyaar u ah in uu shaqeeyo markii la doortay maxaad is leedahay inta uu la egyahay dhibka ka imaankaraa?

Fartuun: walaahi waxaan aamin sanahay hadii aan si nabad galyo iyo is afgard aan wax lagu xalin mar walba in dhib imaan doono hadana arinku waxa uu ubaahanyahay in la miisaamo dhiba dhibka kale sida uu uga badanyahay hadaba dhibaa dalka ka jiray dhibaato badan ayaa shacabka ku dhaceeysay taasna in la fiiriyaa loo baahanyahay ragii latartamay madaxwaynaha oo tartanka looga badiyay naftirkooda waxaa loo baahanyahay in ay fiiriyaan danta iyo duruufta dadka shacabka ah maanta haysata ugana gargaaraan dhibaatada gacana siiyaan Madaxwaynaha la Doortay si ay dhibaatadu u dhamaato doowladna loo helo oo shacabka wax loogu qabto.  

su'aal: Waxaa jiray in loo yeeraymusharaxiintii laga adkaaday si ay ula shaqeeyaan madaxwaynaha qaarna maaysan tagin miyaan orankarnaa  waxaa soo baxaya mucaaradnimo loo hayo Madaxwaynaha la doortay? 

Fartuun: Runtii saa ma oran karno laakiin waxan aamin sanahay in madaxwaynaha la doortatay uu yahay madaxwayne awoodi kara in uu dadka isku keeno lehna karti iyo aqoon dheeraada, dad badana ay is fahmi doonaan lana xalin doono dhib walboo soo baxa.

Su'aal: Waa sidee qaabka doowladan loo geenkaraa muqdisho?

Fartuun: Qaabkaas waxa uu noqon karaa in la sameeyo wada tashi in allale iyo intii leh awood ay wax ku mucaradaan  joogana magaalada muqdisho iyo dalka soomaaliya dhamaantiis asaguna waxa uu balan qaaday in uu la wada hadli doono qilaafaadkana xalin doono isku keeni doono dhinacyada soomaalida kuwooda leh awooda

Su'aal: maxaad  is leedahay beesha caalamka waa looga baahanyahay ?

Fartuun: Beesha caalamka waxaa looga baahanyahay in ay soomaalida ku taageeraan doowladooda kana taageeraan amaanka dhaqaalaha iyo isku keenida garabyada hubeysan. 

Su'aal: Maxaad u soo jeedin laheed soomaalida maxaadse kula talin laheed dadka hada ku dhageeysanaya amaaqrisanaya warkaaga?

Fartuun: waxaan bulshada soomaaliyeed ee rag iyo dumarba leh usoo jeedinayaa in ay ilaaheey talada u dhiibtaan daniga badan iyo xumaatadana iska ilaaliyaan ayna isku dayaan in ay doowladaan taageeraan waxna laqabsadaan laisaamino gacmaha la isqabsado lana joojiyo barobagaandada oo laisku kal soonaado.

Waxaa waraysiga qaaday:::

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

Kenya,Nairobi
 

axmeddheere65@hotmail.com 

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2004


C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA

C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim


C/Laahi Yuusuf oo Dhoolacadaynaya kaddib markii uu ku guulaystey madaxweynanimada Soomaaliya, 10/10/2004 [sawirka AFP].. Guji...
TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..


C/laahi Yusuf oo xildhibaanada la hadlayeye markii la doortay Axad 10/10/2004 [Sawirka AFP]

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..


C/Qadir Suufi (Muriidi Golf) ookor u qaaday gacanta C/lahi Yuusuf markii lagu dhawaaqay doorshada madaxweynaha...
[Sawirka AP]



HTML CD