Somalia waxay maanta markale geedi u tahay god aan ka soo
bixid lahayn
Madaxweyne Kibaki oo la taagan madaxweynaha loo doortay
Soomaaliya, C/lahi Yusuf Axmed, meeshuna waa guriga madaxtooyada
Kenya ee loo yaqaan State House, Nairobi, [11/10/2004],
waxana ay yeesheen shir albaabadu u xiranaayeen... [Sawir
standard] |
MAXAMED YUUSUF MUSE
HARGEISA
<mymxujale@hotmail.com>
UMMadda soomaliyeed oo ka rajaynaysay shirka
Imbighatii muddo laba sanadood ah in ay ka soo bixi doonto dawladii ay
ku nasan lahaayeen kana maydhi lahayd wixii soo maray ee ay xantanayeen
mudada ku dhaw afar iyo tobanka sano ah.
Rajadaas ayaa waxa ay noqotay hal bacaad lagu
lisay,masuuliyada arinka qaloocdayna waxaa ka masuul ah ragii laga
filaayay in ay reerka furaan sabo barwaaqo, ah oon lahayn dulin iyo
waxyeelaba ,kuwaas oo reerkii u sahmiyay furayna meel laga sheekayn
doono arinkii oo dhana ka dhigay waxba la'aan iyo markale iyo zero,"anba
waan yaabayay samkaab ayaa deero dilli".
Hadaba c/laahi oo ku caana ah laguna yaqaan dil
aargudasho wanjal burburin xasuuq rag dil assasination iyo waxa la mid
ah ma iska dhaafi doona waxaa lagu yaqaan waa maya jawaabtu.
UMmadda soomaliyeedna way taqaan kuu yahay c/laahi iyo
halka uu kaga jiro magaciisu umadaba ,tu walba isa saaro c/laahi ayaa la
dooran soomali ka degi weyday, c/laahi oo ku caana maalay xumaanta,
islaam necaybka, aqoon necaybka, iyo kursi jecaylnimo, iyo dariiqa
shaydaanka oo uu raaco ,ayaa soomali m/weyne u noqon caqliga ka
degimayso,ka soo bilaw dilalkii uu ka geystay SSDF dhexdeeda ee uu ku
laayay sarakiishii SSDF iyo dilalkii danbe ee uu ka dhex geystay
puntland intii uu horjoga ka ahaa sida kii Suladaan Hure xasuuqii
Qardho.hadaba ninkaa leh taariikhda madaw ma hogaamin doonaa soomali
jawaabtu waa maya.
soomaalay runata ha loo sheego kooxda Imbighati ee ka
leexatay dariiqii laga filaayay in ay furaan reerka.
shacbiga iyo inta dareenka taagan leh iyo xaq u
dirirka iyo inta jecel soomalinimadaba waxaan leeyahay waa in laga
hortago ninkan inta aanu soomali isku dilin hurina colaad hor leh
waxaanan rajaynyaa in radi ficil muuqda laga bixin doono si dhakhso ah
maalmahan soo socda waxaan leeyahay
MACMACAANKA IYO KURSKA WAA LA ISKU MAAGA
MISNA WAXA AY HESHIIYAAN MARKA UU DHIDAR U MUUQDO.
MAXAMED YUUSUF MUSE
HARGEISA
<mymxujale@hotmail.com>
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan