SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

MADAXWEYNE MA LAGU YIDHI ! 

Ismail A. Hassan (khaliil)
<khaliilha484@hotmail.com>

Waxaan shaki ku jirin in kursiga madaxweynaha Soomaaliya yahay mid aad u ayaan daran. Waa kursi tan iyo intii uu jiray aanu ku fariisan qof u qalmaa, waana meesha laga naas nuujiyo qabiilka isla markaana ay ka soo burqato caddaalad darrada, eexda iyo dulmiga loo geysto shacabka Soomaaliyeed. 

 Waa kursi lagu eedeeyo inuu yahay midka sababta u ah dagaalada iyo dawlad la’aanta ka jirtay Soomaaliya  sannadihii aan soo dhaafnay.

Waa kursi ay dad badani u xusul duubanyihiin ku fariisashadiisa,  ku kacaana wax kasta oo u suurto gelinaya hamigooga waalida ku dhisan (mar uun madaxweyne i dhaha). 

Kursigani waa wixii ugu horeeyey ee kulmiya isuna keenay Soomaali waligeed, waana waxa ugu horeeya ee aanay ku heshiinayn ee sababa khilaafka iyo kala tagga bulsho weynta Soomaaliyeed. 

Kursigani waa ka sababay khaladka iyo argtida guracan ee Soomaalidu ka qabto dawladnimada. Dawladnimadii ayaa kursigan noqotay halka qofkii ku fariistaana ka noqday dawladdii. 

Hadaba markii 14 sano ku dhawaad lagu muransanaa kursigaas, shirar iyo isku day kasta oo heshiis lagu gaarayo ciddi ku fariisan lahaydna lagu guul darraystay ayaa midkii ugu dambeeyay oo qaatay muddo laba sanno ah uu dhalay Madaxweyne ismaan dhaaaf badan keenay.

Dad toddobaatan ka badan oo damac ka hayay kursigaas ayaa waxaa si mucjiso leh uga soo dhex baxay korneyl C/laahi Yussuf Axmed oo si rasmi ah loogu caleemo saaray 10 Oktoober 2004 madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Qaranimadii iyo dawladnimaddii Soomaaliya ayaan dib ugu soo celin mudada la filayo in ka yar ama waan dhiman ama way igu adkaan inaan wax qabto oo waan iska wareejin hadaladaasi waxay ka mid ahaayeen khudbaddii uu jeediyay kerneylku ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee Soomaaliya. 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo aqlabiyad aad u badan kaga guulaystay mudane C/laahi Caddaw oo  ay isreebka kama dambeysta ah isugu soo baxeen ayaa dadku iyagoo siyaalbo kala duwan u fasirtay arintaas ay ka bixiyeen aragtidooda. 

Hadda uun buu dagaalkii dib u bilaabmay sidaas waxaa yiri nin dhalinyaro ah oo aan ku faraxsanayn doorashada C/laahi Yuusuf oo aanu meel wada joognay markii ay natiijadu soo baxday. 

Ninkan haddii la doortay waa in la siiyaa fursad lana taageeraa ayaa mid kale ugu jawaabay. 

Hadaba C/laahi Yuusuf oo ah nin ay dadku aad isugu maandhaafsan yihiin ayaa doorashadiisu noqon doontaa mid aad loogu murmo loogana doodo goobahaha fadhi ku dirirka  toddobaadada soo socda. 

C/laahi Yuusuf ayaa dad badani ku tilmaamaan nin macangega oo dagaal jecel, qayaaladda ku daran, diinta Islaamkana  aad uga soo horjeeda, halka ay kuwo kale sheegaan inuu yhay nin adag oo awoodi kara inuu ummadda Soomaaliyeed ka saaro dhibaatada ay maanta ku sugantahay. 

Waxay qaar kale ku  eedeeyaan inuu yahay nin gacan ku dhiigle ah oo dilay dad badan oo ay ku jiraan kuwo macag lihi inkastuu Korneylku iska dheereeyo mar walba inuu arimahaas wax lug ah ku lahaa. 

Xaalku si kastaba ha ahaadee waxaan shaki lahayn in dad badan oo ka soo hor jeeda doorashadiisa aanay mucaaradnimadoodu ahayn mid la xiriirta taariikhda iyo shakhsiyadda C/laahi Yuusuf balse ay ku salaysantahay aragti qabiil inkastoo dhinaca kale hadana uu yahay nin uu soo doortay baarlamaanka oo ka kooban dhammaan qabiilooyinka Soomaaliyeed. 

Shakiga weyn ee ay Madxweynahan ka  qabaan dad badan ayaa aad looga walaacsan yahay sida loogu soo dhawayn doono Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo sida uu wada xaajood ula yeelan karo Jamhuuriyadda goonida u go.day ee Somaliland oo ay colaad iyo muran dhuleed dhexmartay intii uu ahaa madaxweynaha maamul goboleedka Puntland. 

Xiriirka gaarka ah ee uu la leeyahay dawladda Itoobiya oo dad badani u arkaan cadawga taariihkiga ah ee ummadda Soomaaliyeed ayaa iyana keentay nacaybka ay dadka qaarkii u qabaan Madaxweyne C/laahi. 

Hadaba mucaaradkiisa oo is bahaystay aadna uga shaqeeyay intii uu shirku socday sidii ay uga hortegi lahaayeen doorashada C/laahi Yuusuf ayaa hadda u muuqda kuwo ay soo wajahday guul darro weyni waxaanay dad badani dhawrayaan talaabada xigta ee ay qaadi doonaan. 

C/laahi Yuusuf oo muddo dheer ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa nin aad ugu hamiyi jiray jagadaas hadda loo doortay. 

Waxaan ahay ninkii dhibaatada maanta jirta bilaabay waxaanan  diyaar u ahay inaan xalinteed ka shaqeeyo ayaa laga hayaa Korneyka oo ay dad badani ka filayaan inuu soo dhisi doono dawlad midnimo qaran oo jagooyinka ugu waaweyn ay buuxin doonaan dagaal oogayaashu. 

Doorashada C/laahi Yuusuf oo aan soojiidan indhaha dad badan siiba aqoonyahanada Soomaaliyeed oo iyagu marka horeba aan u arkayn dadka jagadaas u tartamayay in ay ku jiraan shakhsiyaad la kala dooran karo ayaa hadana wax qabadkiisu uu ku xirnaan doonaa sida ay ula shaqeeyaan saaxiibadiisa ay isku haysteen kursigaas oo qaarkood ay horeba u caddeeyeen in C/laahi Yuusuf rabo inuu xirto kabo ka weyn. 

Hadaba kabahaas oo hadda uu  cagaha gashaday inay ka dhacdhacaan iyo inuu adkaysto waa mid aan ogaan doono toddobaadyada iyo bilaha soo socda haddii Allaha awoodda lihi inagu simo. 

Ismail A. Hassan (khaliil)
<khaliilha484@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2004


Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

kaah

C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA

C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

 



HTML CD