SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

somalia oo dib dhac labaad ku habsaday

Maxamed Yusuf Muse
 <mymxujale@hotmail.com>
Hargeisa

asalmu calykum

Dhamaan waxaan halkan ka salmyaa Ummada soomaliyeed.

Ayaan daranaa soomaliye marka aan is idhaa wax ayaa soo baxayaba maxaa meel kale laga hilaaca ,"salaamu laahi calal xujaaj "waxa  mar labaad soomali ku habsaday masiibo Masiibadaas oo ah gacan  ku dhiigle C/laahi Yuusuuf  oo loo doortay M/weynaha soomaliyeed.

Hadaba ma ka soo bixi doonaa c/laahi xilkaa mise wixii lagu yaqaanay ee ahaa Dictoter nimo iyo keli talis cabudhin dil ayuu u adeegsan xilkan dusha loo saaray .

c/laahi oo hadaladii u danbeeyay ee laga hayay ay ahaayeen roobka deyrta ayaa qaadi, soomaliyi habaar qabe ayay u baahan tahay habaar qabana waa aniga, wax ma ka bedeli doonaa hadaladaa mise dariiqaa ayuu raaci.

su'aal kale ayaan isweydiiyay c/laahi taageero ma ka heli ummada soomaliyeed oo gacan ku siisa hogaaminta dalka waxaan u malynayaa in ay fududahay su'aashaasi,

u malayn maayo in uu taageero heli m/weynana soomali u noqon ha joogta uun in uu sito magacii uu u bukay ee ahaa in uu mar uun noqodo m/weyne.

 waxaan filyaa in aan laga soo dhawayn doonin dhulka soomalida c/laahi dhamaantii marka laga reebo in ku raacda dan gaar ah iyo si kale oo uu u jiito waayo ka soo bilow, Dooxada Juba Soo gaadh Banaadir soo dhaaf ilaa gobalada dhexe soo gaadh  Boosaaso Iyo qardho soo Gaadho gobalada waqooyi intaas oo dhan umada ku nooli iyo cida ka talisaaba waxaan filyaa waabay tahaye in aanu taageero ka heli karin .

waxaanan hadalkayga ku soo gebogebaynyaa .

Ilaahow Na badbaadi sida xaqa ahna na waafaji soomalina mar uun cagagha u taag nagna dhwar dagaal sokeeye oo danbe.

Maxamed Yusuf Muse
 <mymxujale@hotmail.com>
Hargeisa

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2004


Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

kaah


C/Laahi Yuusuf oo Dhoolacadaynaya kaddib markii uu ku guulaystey madaxweynanimada Soomaaliya, 10/10/2004 [sawirka AFP].. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

 



HTML CD