SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Cali khaliif galaydh oo dhirbaaxadii c/qaasin ku darsaday mid ka wayn

c/risak A.ali
 <kaneec1@hotmail.com>

Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ahaa Raiisal wasaarihii ugu horeeyey ee TNG-dii Carte kana soo jeeda gobolka Sool ayaa dib u liqay rabitaankiisii ku aadanaa inuu ku soo baxo jagada Raiisal wasaaraha Soomaaliya 5-ta sano ee soo socota kadib markii Col. C/llaahi Yuusuf Axmed uu xalay ku guuleystay doorashada madaxweynaha Soomaaliya 5-ta sano ee soo socota, wuxuuna filayay Dr. Galeyr ooisaga inta badan aan awood taageero ka haysan beeshiisa dhulbahante kadib markuu kol hore ka seexaday qooska uu isagu kasoo jeedo,loona arkay nin islawayn oo aqoontisa ay daad kunoqotayay kana faaideeysan wayey sidan somali uwada socoto ee habka qabiil ah.

Cali Khaliif Galeyr oo degan dalka Mareykanka uu maalmihii la soo dhaafay dib ugu soo laabtay Nairobi.markii danbna orod kaga baxay kenya ilaa iyo xaga magaalda menosota

cali khaliif oo somalida inteeda badan ka wayey taageero wayn yaa taageero ka helay beesha cali saleebaan shir wadatashi ahaa oo mid isugu yimaadeen beelaha cali saleebaan ee degan dalkaan isutaga imaaraatka carabta ayaa ka dhacay magaalada shaariqa gaar ahaan hotel miliniom habeenimada 15-7-2004 ayeey beeshu kaga hadleysay arimaha ka taagan puntland iyo shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee haatan ka socda duleedka magaalada nairobi ee dalka kenya iyo siday beeshu uga qayb qaadan lahayd shirkaas wixii kaga aadan.

Xubnaa kasoo qayb galay oo gaarayey ilaa ilaa 250 qof oo isugu jira qaybaha bulshada ee beeshaas ayaa hal mar u codeeyay in taageero hiil iyo hooba leh ay siiyaan beesha daarood mudane cali khaliif galayr inuu noqdo musharaxa beesha ee madaxweynenimada soomaaliya sidoo kale ayeey xubnaha qaybtood ku tilmaameen muadane cali khaliif galayr inuu yahay nin geesi ah; kartina u leh jagadaas inuu hogaamiyo qaranka soomaaliyeed; waxaan qoraal dheer jaaliyadu u qortay dhamaan xubnaha darood ee shirka ka gayb gelaya

c/laahi yusuf guulaysay calikhaliifna baroor la carar

waxaana uu ka qaaday saabiibkiis C/llaahi Axmed Caddow oo isagu ahaa ninka ugu dhow ee wareegyadii 1-aad, 2-aad illaa saddexaad la tartamayay, halka wareegii saddexaad uu ku guuleytay C/llaahi Axmed codad gaaraya illaa 179/189-cod ay kala heleen C/llaahina saas uu ku noqday madxaweynaha dowlada FKMG ee Soomaaliya.

Waxaase dadku aad ula yaabeen kadib markii laga guuleystay C/llaahi Axmad Caddow uu si qalbi furan ugu mahad celiyay C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu dadka hortooda ka ballan qaaday inuu la shaqeyn doono si walaaltinimo leh ayna ku jirto danta dadka iyo dalka, iyadoo uu mahad gaar ahaaneed u celiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh/Aadan.

C/llaahi Yuusuf Axmed oo halkaasi markii kursiga uu ku fariistay kula hadlay dadweynihii daawanayay iyo kuwii dhegeysanayay ee Soomaaliyeed iyo marti sharaftii halkaasi ka soo qeyb gashay iyo beesha caalamka oo uu durbaba ka codsaday inay taageero ciidan iyo dhaqaale siiyaan oo uu sheegay inay inta aan canshuuraha ka ururineyno ee aan anagu tabaryeelaneyno ay taageero dhaqaale iyo mid kaleba na siiyaan, halkaasoo ay galbiyeen ciidamo loo diyaariyay iyo Gaari qaas ah iyo Gurigi xalayna loo gelbiyay.

c/risak A.ali
 <kaneec1@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2004


Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

kaah

C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA

C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

 



HTML CD